Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

GAROOWE: 20 TUULO OO LOO TABABARAYO ADEEGAYAAL CAAFIMAAD

admin by admin
October 3, 2014
in Caafimaadka
0
GAROOWE: 20 TUULO OO LOO TABABARAYO ADEEGAYAAL CAAFIMAAD
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo kaashanaysa hay’adaha WHO , UNICEF iyo UNFPA ayaa tababar saddex bilood ah u bilaabay 20 qof oo 10 ka mid ahi yihiin gabdho barashada howlaha caafimaadka asaasiga ah, kuwaas oo laga soo aruuriyey ilaa 20 tuulo oo ah dhulka ka fog magaalooyinka kana tirsan gobolka Nugaal.

Ardaydaan ayaa baranaya sida loo talaalo carruurta, dhalmadda hooyada, badbadinta qofka dhaawac soo gaaro, sida loola tacaalo qofka masku qaniinno iyo adeegyadda degdegga ah ee caafimaad,

Dadkan ayaa loo laylinayaa in ay adeegyada caafimaadka ee badbaadada hooyada iyo dhalaanka ay gaarsiiyaan tuulooyinka ay ka yimaadeen iyo dhulka miyiga ah, iyagoo qaybtood loo dhiibayo goobo caafimaad oo ay hay’adduhu ka furayaan tuulooyinka aan lahayn.

Maxamed Xirsi Jaamac oo ah madaxa wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa Ergo u sheegay in dhalinyaradaan la siinayaa tababar adag oo ku salaysan howlaha la rabo in la qabto, kadibna waxay geli doonaan tababar shaqada dhexdiisa ah markay dib ugu noqdaan tuulooyinkooda.

Maxamed ayaa u sheegay kooxdan tababarka qadanaysa inay u diyaar garoobaan shaqo culus oo ay u qabanayaan dadkooda, sida haweenayda foolanaysa, qofka bahalku qaniinay iyo kii bukayba, waayo shaqaale caafimaad oo aan idinka ahayni ma joogaan dhulka la idin tababarayo, wixii aad u qaban kartaan aad u qabataan, wixii idinka aydan wax ka qaban kartaanna aad isaga soo gudbisaan isbitaaladda magaalooyinka.

Hodan Mire o ah madaxa caafimaadka aasaasiga ah ee UNICEF u qaabilsan Puntland waxay sheegtay in ay badan yihiin dumarka dhiig baxa iyo adeeg la’aanta caafimaad ugu dhinta miyiga weliba xiliyada ay dhalayaan, sidoo kale carruurta ayaan iyaguna helin daawayn iyo baaritaano.

Hodan waxay ku boorisay kooxda tababarka qaadanaysa in aysan shaqada ka tegin oo dadka uga faa’iidayaan wixii loo baray. Arrintan ayaa dhowr jeer oo hore dhacday.

Gobolo ka tirsan Puntland ayaa mashruucan horay looga fuliyey, wuxuuna qayb ka yahay barnaamijka nafaqada iyo isku xirka caafimaadka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan/MH

Previous Post

Garoowe: 20 tuulo oo loo tababarayo adeegayaal caafimaad

Next Post

Roob khasaaro geystay oo ka da’ay Puntland

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Roob khasaaro geystay oo ka da’ay Puntland

Roob khasaaro geystay oo ka da'ay Puntland

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo