Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakacayaal hor leh oo soo gaaray Baydhabo

admin by admin
October 15, 2014
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Barakacayaasha cusub ee Baydhabo soo gaaray/Sawir/Muxyadiin Xasan

Barakacayaal hor leh oo gaaraya ilaa 150 qoys oo kasoo qaxay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, una badan haween iyo carruur oo bil kahor ay dagaallo ku dhex mareen ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo.

Barakacayaashan oo xero cusub ka sameystay duleedka magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in ammaan darrada ka jirta deegaankooda ay ku kalliftay inay guryahooda, xoolahooda iyo beerahooda ay kasoo tagaan.

Xabiibo Maxamed Aadan oo 40jir ah, isla markaana haysata 6 carruur ah ayaa Ergo u sheegtay in carruurta ay iyada Aabbe iyo Hooyo u tahay, deegaankii ay joogtay oo ay uga shaqeynsan jirtayna ay kasoo barakiciyeen dagaallo iyo abaaro. “Carruurtan nolosheeda wax aan ku maarreeyo malaha, roobab baa halkan nagu helay, guryo aan gabbaadsannana ma laha, halkan 24kii saac ee ugu dambeeyay wax dab ah lagama shidin ayay tiri.” Xabiibo.

Cadey Cabdi Xasan oo 60jir ah, waxay haysataa 7carruur ah, oo iyada ka sugaya wax ay cunaan. Weriyaha Ergo ee gobollada Bay iyo Bakool oo gurigeeda ka sameysan bacaha iyo maryaha la isku kakabay ku booqday ayaa soo arkay carruurteeda qaarkood oo baahi la oynaya, iyagoo aanan maalintaasi loo heynin wax ay cunaan.

Cadeey ayaa Ergo u sheegtay “Baahi, oon, abaar iyo dagaallo ayaa naga soo qaxiyay deegaankeenna, halkaanna waxba uguma imaanin, roobabkaan da`aaya meel aan uga hagooganno malaha, waxaan codsaneynaa in nala soo gargaaro.” Ayay tiri Cadeey.

Xaawo Isxaaq Cabdi oo ah horjoogaha kaamkan, ayaa sheegtay in barakacayaashan ay ka fog yihiin magaalada, haddii ay shaqooyin yaryar u raadsan lahaayeen, isla markaana wax ka warqaba aysan jirin.

“Waxaa noogu daran cunto iyo hoy, sababtaan inta u nimid waa nabadda darteed oo dagaallo ayaan kasoo barakacnay, waxaan is lahayn halkan aad ku heshaan wax idiin gargaara.” Ayay tiri Xaawo.

Xuseen Cali Sheekh oo isna ka mid ah barakacayaashan kana soo barakacay tuulada BIyooley ee degmada Tiyeeglow hoos timaadda ayaa sheegay in dadka soo barakacay ay u badan yihiin haween iyo carruur oo ragga badankood aysan awoodin inay reerahooda soo raacaan dhanka ammaanka dartiis, ayna u qaxeen meelo kale.

Muxyadiin Xasan Maxamed/FM

Previous Post

YOUNG HARGEISA MOTHER GOES FOR MASTERS STUDIES

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo sheegay inay rajaynayaan 122 dhalinyaro soomaaliyeed oo ku xiran Mombassa in dib loogu celiyo wadankoodii

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo sheegay inay rajaynayaan 122 dhalinyaro soomaaliyeed oo ku xiran Mombassa in dib loogu celiyo wadankoodii

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo sheegay inay rajaynayaan 122 dhalinyaro soomaaliyeed oo ku xiran Mombassa in dib loogu celiyo wadankoodii

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-SEP-2026

IDAACADDA 11-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo