Qoys ka kooban 12 qof oo ku sumoobay hilib ay cuneen lagana keenay miyiga deegaanka Qabri-bayax oo Laascaanood u jira 30 km dhanka bari ayaa lagu daweynayaa cisbitaalka guud ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Dadka sumoobay waxay isgu jiraan 7 carruur ah, aabbaha qoyska iyo saddex dumar ah oo xaasaskiisa ah iyo haweeney qaraabo ah, qoyska ayaa ku sumoobay hilibka neef ay qasheen kaasoo lagu muday daawada xoolaha kahor intii aysan qalan kadibna ay cuneen taasoo keentay inay sumoobaan.
“Waxaan u tagay 12ka qofba ayagoo wada jiifa oo qaarkood ay fuuq baxayaan kadib cisbitaalka ayaan u soo qaaday.” Sidaa waxaa Ergo u sheegay Cismaan Jaamac oo daris la ahaa reerka sumoobay.
Dr Bile Xaaji Maxamuud oo ah isku duwahaha cibitaalka guud ee Laascaanood ayaa sheegay in dadkan cibitaalka la soo gaarsiiyey iyaga oo ku jira xaalad miyir dabool ayna ku dadaaleen sidii loo badbaadin lahaa,
wuxuuna sheegay in 3 ka mid ah carruurta ay xaaladdoodu aad u liidato balse xubnaha kale ee qoyska ay sidii hore dhaamaan.
Wuxuu intaa ku daray in dhammaan bahda caafimaadka ee gobolka Sool ay ku hawlan yihiin badbaadinta qoyskan gaar ahaan 3da carruurta ah ee xaaladdooda caafimaad ay liidato, inkasoo uu tilmaamay inaysan ahayn dawooyin ku filan oo lagula tacaalo sunta, bulshada ayuu ugu baaqay inay gargaar u fidiyaan qoyskan oo uu sheegay inay dhaqaalo ahaan liitaan.
Agaasimaha Isbitaalka laascaanood Fahiima Koosa- faare ayaa tiri: “Dadkan waxaa laga helay cudurro kale oo aan ahayn sunta waxayna u baahan yihiin daaweyn iyo daryeel caafimaad oo dheeraad ah, inkastoo aan xoogaa daawo ah ka helnay wasaaradda caafimaadka ee maamulka Somaliland balse mahan mid nagu filan”
Cabdikariim Cabdullaahi/FO








