Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto dhibaato dhanka caafimaadka ah oo welwel ku abuurtay haweenka.
Xaawo Aadan, oo ku nool magaalada Xudur ayaa Radio Ergo u sheegtay in todobaadkii la soo dhaafay sedex haween ah, u dhinteen dhiig-bax halka biishii hore ay 15 dumar ah,u dhunteen dhiig bax iyo xanuunno kale kadib markii heli waayeen adeeggii caafimaad ee ay u baanhaanyeen.
Sacdiyo Cabdullaahi Axmed, oo la hadashay Radio Ergo ayaa sheegtay in uu aad u liito adeegga caafimaad ee degmada oo aysan jirin dawo isla markaana uu xiran yahay Isbitaalka guud,taasoo keentay in haweenku ay dhiig- bax u dhintaan xilliga dhalmada.
Aamino Cabdullaahi, waa hooyo uur ah oo ku nool magaalada Xudur waxayna ka welwalsan tahay xaaladeeda caafimaad gaar ahaan xilliga dhalmada markay gaarto maadama aysan jirin dawooyin,waxay intaa ku dartay in magaalada Xudur ay joogaan laba dhaqtar.
Waxaa sidoo kale xaaladdan caafimaad xumo ee ka jirta Xudur ay saamayn ku yeelatay Carruurta.
Arrintan ayaa waxaa sababay sida ay Radio Ergo u sheegeen haweenka kun nool gudaha degmada Xudur colaahada iyo joogsiga ganacsigi magaalooyinka kale uga imaan jiray Degmada.
Muxiyadiin Xusni/FO









