Inta la xaqiijiyey 3 ruux oo ka soo jeeda qoysas xoolo dhaqato ah ayaa nafaqo darro ugu geeriyooday maalmo ka hor tuulada Dabaaleey oo 15 KM waqooyi ka xigta degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo, sida uu Radio Ergo u sheegay guddoomiyaha tuuladaas Sabriye Rashiid Xaaji.
Dhulka miyiga iyo tuulooyinka hoostada degmada Garbahaarrey ayaa lagu soo warramayaa inay ka jirto abaar saameyn ba’an ku yeelatay dadka iyo duunyada oo sababatay biyo la,aan dawo la,aan raashin yari iyo cudurro kala duwan.
Xaaladda caafimaad iyo mida biyo la,aaneed ee tuulada Dabaaleey waxay maraysaa meel halis ah, Sedexda ruux ee geeriyootay laba ka mid ah waxay ahaayeen dad waawayn oo abaarta ku xoolo beeleey halka qofka sedexaad uu ahaa ilmo 6 sano jir, fuustada biyaha waa lacag dhan 100 kun oo shilin Somaali ah dadku ma awoodaan inay gataan, mana jiraan wax daryeel cafimaad ah, meesha noogu dhow oo daawo laga heli karana waa degmada Garbahaarrey oo noo jirta ilaa 15 km ayuu yiri Sabriye Rashiid.
Waxaa jira dad badan oo la jiifa xanuunno kala duwan oo aan haysan wax gargaar ah, horay ayaa waxay dad badani ugu dhinteen nafaqo darro iyo cudurro tuulooyin ka tirsan gobolka Gedo.
Axmed Saalixi/FO








