Shan qof ayaa xanuunka shuban biyoodka ugu geeriyootay tuulada Maagaay oo 20km u jirta degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada Dhexe. Afar ka mid ah dadka geeriyooday waxay ahaayeen carruur ka yar shanta sanno.
Bukaano kale oo ka badan 50 qof ayaa xanuunka kula ildaran tuulada oo aan laheyn xarumo caafimaad oo dadka lagu daryeelo. Gudoomiyaha Tuulada Maagaay Maxamuud Cabaas ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in cudurku ka dhashay biyaha dadka ay cabaan oo laga soo dhaamiyo webiga oo aan nadiif aheyn.
Gudoomiyaha waxaa kale oo uu sheegay in deegaanka ay ka jirto macluun iyo cunto yari baahsan oo sahashay in dadku si fudud ugu dhintaan shubanka. Xaliimo Saleebaan oo mid ka mid ah carruurteeda u dhintay shubanka, labo kalena weli la ildaran yihiin ayaa sheegtay in cudurku ilmaha ku bilowday kadib markii ay cuneen Galley iyo Canbe ay ka heleen hareeraha webiga.
Hey’adda caafimaadka ee Inter-Sos ayaa koox caafimaad iyo dawooyin u dirtay tuulada Maagaay si looga hortago in cudurku sii faafo, dad kalena soo rito.
Maryan Sheekh/FO








