Ugu yaraan 180,000 carruur ah oo ku nool gobolka Mudug ayaa qaadan doona talaalka looga hortago cudurka dabeysha kadib markii kiisas cusub oo cudurka la xariira laga helay deegaanka. Xariiriyaha howlaha wasaarada caafimaadka ee Puntland u qaabilsan gobolka Mudug Cabdinaasir Sheekh Ibraahim ayaa sheegay in ole-olaha talaalka lagu gaarsiinayo dhulka miyiga ah iyo tuulooyinka fog si looga hortago in cudurku ku faafo gobolka.
“Waxeynu talaalka gaarsiin doonaa deegaanada fog iyo miyiga sida Towfiiq iyo xarfo oo ubadka ku nooli cudurka u nuglaan karaan,” ayuu yiri Cabdinaasir oo la hadlay weriye Ergo ka tirsan. Degmooyinka Gaalkacyo, Jariiban iyo Goldogob ayaa sidoo kale laga fulin doona howlaha talaalka carruurta.
Ola-olaha talaalka oo axadii bilowday ayaa socon doono lix maalmood, waxaana lagu talaalayaa carruurta ay da’doodu ka yar tahay tobanka sanno. Howl-wadeeno caafimaad oo ka badan 580 qof ayaa ka qeyb-qaadanaya ola-olaha caruurta looga talaalayo cudurka dabeysha. Talaalka ayaa bilowday kadib markii la ogaaday in saddex qof cudurka ugu dhinteen gobolka Mudug.








