Isbitaalka weyn ee degmada Baladweyne ayaa qarka u saaran in uu u xirmo daawo yari baahsan oo heysata. Agaasimaha Isbitaalka Axmed Maxamed Khaliif ayaa sheegay in daawada ay gabaabsi ku aheyd isbitaalka lixdii bilood ee lasoo dhaafay kadib markii hey’adda MSF oo isbitaalka ka taageeri jirtay dhanka daawada ay joojisay howlahii ay dalka ka wadday.
Agaasimaha wuxuu sheegay in hey’addu uga tagtay isbitaalka oo maalin walba adeegyo caafimaad siiya dad ka badan saddex boqol oo bukaan daawo uu ku shaqeyn karay muddo saddex bilood uun ah.
Weriyaha Ergo ee degmada Hiiraan ayaa sheegay in bukaannada isbitaalka imaanaya ay hoos u dhaceen labadii bilood ee lasoo dhaafay daawo yarida isbitaalka heysta awgeed. Axmed Maxamed Khaliif ayaa Ergo u sheegay in deeq daawo ah oo isbitaalka ku socotay ay ciidamada Itoobiya ku qabsadeen deegaanka Yeed ee gobolka Bakool saddex bilood kahor. Deeqdan oo dhulka lasoo marsiiyay ayaa waxaa Kenya kasoo dhiibay hey’adda caalamiga ee dhanka caafimaadka ka shaqeysa oo la yiraahdo IMC.
Agaasimha isbitaalka Baladweyne waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay u maleeyeen in daawada ay leeyihiin kooxda Shabaab oo deegaanno ku dhow Yeed maamula. Si kastaba, maamulka gobolka iyo dowladda dhexe oo la wargeliyay waa ay ku guuldarreysteen in ay arrinta wax ka qabtaan.
Makaraan/MR/FM









