Dad badan oo dhimirka ka jiran ayaa ku nool deegaanada gobolada dhexe ee Soomaalida, sida ay sheegeen dhakhaatiirka maskaxda oo deegaanadaa booqday. Kalkaaliye Cabdiraxmaan Cali Cawaale oo Xabeeb ku magacdheer iyo labo kalkaaliye oo kale oo booqday degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in tirada dadka dhimirka ka jiran ee loo keenay ay walaacisay.
Kooxdan caafimaad oo ka socotay xarunta dadka dhimirka la’a ee Xabeeb ee magaalada Muqdisho ayaa daweyn iyo talooyin bilaash ah siinayay ehelada dadka buka ee gobolkaas ku sugan. “Bukaano ka badan 20 ayaa naloo keenay wax ka yar 24-saacadood,” ayuu yiri agaasimaha isbitaalka Xabeeb Cabdiraxmaan Cali Cawaale.
Wuxuu dhakhtarku intaa ku daray in dad ka badan 70 bukaan ay la kulmeen labo maalmood oo ay magaalada joogeen.
“Bukaanada waa laga kala keenay gobolka oo dhan, waxaase ugu badnaa kuwo ka imaaday deegaannada Xeraale, Baxdo, Godinlabe, Bandiiradleey iyo gudaha Cadaado,” ayuu Xabeeb u sheegay weriyaha Ergo ee magaaladaas.
Dhakhtarku wuxuu intaa ku daray in bukaanada qaarkood muddo 23 sanno ah ay geedaha ku hoos xirnaayeen. “Qaarkood waa ay cuuryaamiin maadaama ay muddo dheer xirnaayeen,” ayuu yiri mudane Xabeeb. Bukaanada loo keenay kooxda caafimaad ee deegaanka booqaday waxaa ka mid ah qoys shan ka boobnaa – Labada waalid iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen – oo muddo dhimirka la’a.










