Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

GABAR 16 JIR AH OO LA NOOL AIDS OO SHEEGTAY IN LA TAKOORAY

admin by admin
January 14, 2014
in Caafimaadka
0
GABAR 16 JIR AH OO LA NOOL AIDS OO SHEEGTAY IN LA TAKOORAY
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
Aamina waa gabadh jirta lix iyo  toban sanno, “Aamina” maaha magaceeda saxda ah, waqtigan waxay  ku jirtaa mid ka mid ah isbitaalada Hargeysa  gaar ahaan kuwa lagu daryeelao dadka bukaan jiifka ah.
Wajigeeda waxaa ka muuqata  murugo, mana awoodo in qofkasta ay si kalsooni ku dheehantahay  ugu  sheekayso, in badan waxay iska  hubinaysaa qofkani ujeedada uu ula hadlaayo,  muuqaalkeedu  waxa badan kama duwana qofka caafimaadka qaba .
Hooyadeed waxay geeriyootay  iyada oo sagaal  sanno jir ah, waxayna  la noolayd ayeydeed hooyo,  iyadiina waxay dhimatay 13 jir markay ahayd,  markaas kadib waxay wayday cid xanaanaysa, waxayna bilowday inay adeegto ka noqoto guryaha.
Amina oo ku dhalatay deegaan ka tirsan miyiga Hargeysa, waxay sii sharaxday qaabkay u malaynayso in ay ku qaaday cudurka AIDs
”Waxaan maalin maalmaha ka mid ah u shaqo bilaabay gabadh leh goob meherad ah, gabadhii aan u shaqaynaayey ayaa igu tidhi  laba nin lacag iiga soo qaad, kadib markii aan uga soo qaaday  ayey haddana ii dirtay dukaan,  waxaanan halkaas kula kulmay labadii nin oo gaadhi wata, way ii yeedheen kadib, waxaanay igu dhufteen nabar, guri ayeyna ila galeen, wayna i kufsadeen, muddo lix bilood kadib waan xanuunsaday, aad ayaan u xanuunsaday, waan dhuubtay,  waxaana  la ii geeyey  isbitaalka, baaritaan kadibna  waxaa la iga helay jeermiska dhaliya HIV,   waxaa ila socotay  edaday,  markii  loo sheegay edaday way i eriday,  ayeyday aabo ayaan u tegey  iyadiina way i eriday,  habaryarahay ayaan u tagay iyagiina way i eryeen, waxaanan dibad meerkii  igu dhacay qaaxo (TB),
Sida ay  Ergo  u sheegtay  gabadhani  qoyska ay ka soo jeedo waxay la tiigsadeen gabadhii ay ku sheegtay in ay qayb ka ahayd falkan kufsi ee loogasytay iyo  labadii ninba   sharaciga, Amina oo intii noo waramaysay  indhaheeda ilmo laga dareemayey, waxay sheegta yinay ogaalkeed labadii nin xiran yihiin, gabadhiise la sii daayey, waxay hadda muddo hal  sanno ah  u jiiftaa xanuun dhaliyaha HIV iyo cudurka TB-da  isbitaal ku yaalla Hargeysa,   waxayna sida ay sheegtay xanuunkan ka dhaxashay  kufsigii loo gaystay  oo labada nin midkood qabay,  halka faquuq ay kala kulantay bulshada o “Cuqdad ayaan qaaday,  qofkasta waxaan isleeyahay adiga ayuu kaa sheekaynayaa,  takoor ayaan ku qabaa bulshada”.
Waxa hadda ehel u ah  bukaanka  isbitaalka kula jira iyo takhaatiirta, kanina waa takoorid kale oo ay kala kulantay  qoyska ay ka soo jeedo, iyadoo abaaheedna uu ka xanuunsan yahay maskaxda, .
Gudoomiyaha guddiga xakamaynta cudurka AIDs ee Soomaaliland Prof. Cabdi Jamac ayaa sheegay in daraasad dhawaan laga sameeyey  dadka la nool xanuunka HIV/AIDs la ogaaday inay  kor u kaceen tiradoodu, dhibaatada takoorkuna tahay tan ugu weyne ee haysata, inkasta oo ay jiraan  hay’ado wacyi   gelin ka sameeyey  arrinta ku saabsan faquuqa haddana bulshadu weli waa caadaysatay.
Amina waxay Ergo u sheegtay oo kale  in walaaca ugu badan  ee hadda soo food saaray  uu yahay  ka dib markii maamulka isbitaalka oo hadda hoy u  ahi  u sheegay in   dhawaan dhamaysan doonto  dawooyinkii TBda, intaas kadibna ay ka bixi doonto isbitaalka,  waxaana soo foodsaaraya sida ay sheegtay  hoy la’aan.
Cumar Seerbiya / MH
Previous Post

WARARKII QIIMAHA XOOLAHA SAYLADAHA QAARKOOD

Next Post

Gabar 16 jir ah oo la nool Aids oo sheegtay in la takooray

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Gabar 16 jir ah oo la nool Aids oo sheegtay in la takooray

Gabar 16 jir ah oo la nool Aids oo sheegtay in la takooray

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo