Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Wareysi: Cudurka duumada oo dad badan kusoo ridanaya magaalada Boosaaso

Radio Ergo by Radio Ergo
December 10, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDhammadkii bishii November ee sanadkan, kaddib dabeylihii ku dhuftay gobollada waqooyi bari ee dalka ayuu cudurka duumada ka dillaacay qeybo ka mid ah gobolka Bari, gaar ahaanna magaalada Boosaaso, wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa wadda howlaha ka jawaabidda cudurka. Maxamed Cabdullaahi Cali oo ah madaxa duumada ee wasaaradda caafimaadka Puntland ayaan ka wareysannay heerka cudurka iyo qaabka ay uga jawaabayaan.

J: Labadii sano ee ugu dambeysay waxaa Puntland ka jiray dillaacitaanka cudurka duumada, iyo kiisas ka jira gobollada qaar, maalmahan dambe waxay wasaaraddu ku mashquulsaneyd ka jawaabidda dillaacitaankaas, gaar ahaan kii ka dillaacay magaalada Boosaaso. Waxaan sameyneynay baaritaanno iyo daawo qeybin. Sanadkii hore 45,000 ayaa la baaray waxaana laga helay 7,000.

S: Kiisaska duumada ee aad hadda heysaan waa imisa?

J: Puntland oo dhan tirada kiisaska duumada kuuma sheegi karo, balse magaalada Boosaaso kiisaska waa 80,000, tirada laga helayna waa 7151 qof.

S: Tiradaan keliya ma Boosaaso ayay ku kooban tahay?

J:Haa waa Boosaaso oo keliya, oo dhowaan uu ka dillaacay cudurka duumada.

S: Dadka xanuunka uu soo ridanayo, da`doodu waa sidee?

J:Waxay isugu jiraan haween uur leh, carruur, laakiin dadka waaweyn ayay u badan yihiin.

S: Ma jiraan dad u dhintay cudurkan duumada, tiradoodase waa imisa?

J:Sanadkii hore waxaa dhimatay 13 qof, halka sanadkanna dhimashada ay tahay 3 qof, gudaha Boosaaso.

S: Waa kuwee gobollada ugu badan ee cudurkan uu ka jiro?

J:Waxaa ka mid ah gobolka Bari magaalada Boosaaso, Mudug iyo gobolka Karkaar. Laakiin Boosaaso ayaa kiisaska ay ugu badan yihiin.

S: Ma jiraan tallaabooyin aad ugu talo gasheen wax ka qabashada dillaacitaanka duumada?

J:Haa aad iyo aad, waxaa jira howlo aan uga jawaabyeno malaariyada, waxaa jira kooxo baaraya dadka isla markaana isla goobta dawada ku siinaya, sidoo kale waxaan xarumaha qaar ka sameynaa tababarro ku saabsan daaweynta duumada, iyo wacyigelinno aan warbaahinta u adeegsanno oo ku saabsan ka hortagga duumada.

S: Yaa idinkala shaqeynaya ka jawaabidda dillaacitaanka duumada?

J:Waxaa inta badan nala shaqeysa hay`adda QM u qaabilsan caafimaadka adduunka ee WHO, waxay naga taageertaa buufinta guryaha iyo tababarrada kooxaha qaabilsan ka jawaabidda duumada.

S: In badan buu xanuunkan soo noqnoqday, wasaaradduna waxay sheegtay inay wax ka qabaneyso dhowr jeer, qorshihiinna hadda maka duwan yahay kuwii hore?

J:Qorshaha sanadkan wuxuu sanadihii hore uga duwan yahay, waxaan wadnaa howlo badan oo ay ka mid yihiin inay wada socdaan, wacyi gelinta dadka, baaritaanka, dawo siinta iyo qeybinta maro kaneecooyinka oo ay naga taageryso hay`adda UNICEF.

S: Maxaad dadka ku wacyigelineysaan inay sameeyaan, si ay uga hortagaan cudurkan duumada?

J:Waxaan dadka ugu baaqeynaa inay isticmaalaan maro-kaneeco daweysan, in marka ay isku arkaan calaamadaha duumada oo ay ka mid yihiin madax xanuun, qandho iyo kala goysyada oo xanuuna ay xarumaha caafimaadka iska baaraan ayna qaataan daawada.

Waxaa wareysatay Khadra-Deggan Maxamed Xasan/FM

Previous Post

BEERALEYDA WARAABKA DEGMADA LUUQ OO CODSADAY IN LAGA CAAWIYO AGABKA BEERAHA

Next Post

LABO QOF OO WEBIGA KU HARAQMAY KADIB MARKII DOONI LA QALIBANTAY

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Jubbaland: Qoysas ka faa’iideysanaya xarumaha caafimaad ee guurguura
Caafimaadka

Jubbaland: Qoysas ka faa’iideysanaya xarumaha caafimaad ee guurguura

July 18, 2025
Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah
Caafimaadka

Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah

June 16, 2025
Garowe: ku dhawaad 20,000 oo bukaan oo loo qaaday dalka dibaddiisa adeeg la’aan caafimaad awgeed
Caafimaadka

Caafimaad darro iyo dawo la’aan isku biirsaday dadka ku nool Jubbada hoose

June 10, 2025
Next Post
LABO QOF OO WEBIGA KU HARAQMAY KADIB MARKII DOONI LA QALIBANTAY

LABO QOF OO WEBIGA KU HARAQMAY KADIB MARKII DOONI LA QALIBANTAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2025

IDAACADDA 08-OCT-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2025
October 8, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2025
October 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2025
October 6, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2025
October 5, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2025
October 4, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo