Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

BEERALEYDA WARAABKA DEGMADA LUUQ OO CODSADAY IN LAGA CAAWIYO AGABKA BEERAHA

Radio Ergo by Radio Ergo
December 9, 2013
in Cunto-Yaraanta
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Sawir/Keydka/Maxamed Macallin Aadan

Beeralleyda degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa hay’adaha samafalka ka codsaday inay ka caawiyaan agabka beeraha oo ay ugu horeeeyaan sunta cayayaanka, matoorrada biyaha ka soo qaada webiga, tababarro iyo abuurka beeraha, xilligan oo beeralleyda deegaanka ay xoogga saareen kobcinta wax soo saarka, kaddib markii roobabkii Deyrta ay heleen.

Weli Sheekh Muumin oo ka mid ah guddiga beeralleyda degmada Luuq ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in baahidoodu ay tahay in gacan laga siiyo wax soo-saarka beeraha si ay ugu filnaadaan noloshooda.

Wuxuu tilmaamay inay heystaan dhul beereed iyo xirfad wanaagsan oo ay wax ku soo saaran karaan, haddii ay helaan cid ka caawisa agabka beeraha iyo aqoonta, wuxuuna codsadey hay`adaha samafalka inay ka caawiyaan bahiyahooda.

“Dhibaatada noogu weyn waa cayayaan aan daawo u heynin, galleyda waxaa ku dhacay cudurro ay cayayaanku u sababeen, aqoon la`aan ayaa sidoo kale na heysa, waxyaabihii nafaqada beerahana ma heysanno.” Ayuu yiri Weli.

Sidoo kale Macallin Dhaqane Aadan oo ka mid ah beeralleyda waraabka degmada Luuq ayaa sheegay in sanadkan uu ka fiican yahay sanadahii la soo dhaafey, beeralleyduna ay goosteen dalagyo ay ka mid yihiin basasha, galleyda, digirta, mooska, sisinta, liinta iyo noocyo kale oo khudaar ah.

“Beeraleyda waraabka degmada Luuq dhibaatada ay qabaan waxaa ugu daran dadkii oo sabool ah iyo iyadoo dadku aysan awoodin suntii lagula dagaallami lahaa cayayaanka, waxaa dhul beereedka hoos taga Luuq xilligan saaran matoorro gaaraya ilaa 300,kuwaaasi oo beeralleydu ay ka faa`ideystaan.” Ayuu yiri Macallin Dhaqane.

Wuxuu dhanka kale sheegay, in cayayaanka beeraha cuna ay aad ugu badan yihiin guud ahaan gobolka Gedo, taasoo aysan xal u heynin.

Kaddib abaarihii 3 sano ka hor ka dhacay Soomaaliya, wuxuu hoos u dhac ku yimid wax soo-saarka beeraha, taasoo hadda u muuqata mid soo kabaneysa,iyadoo beeralleyduna ay rajeynayaan inay ka faa’ideystaan beerahooda.

Saalixi/FM

Previous Post

DADKII KA BARAKACAY DEEGAANKA TALEEX OO AY XANUUNNO LASOO DARSEEN

Next Post

Wareysi: Cudurka duumada oo dad badan kusoo ridanaya magaalada Boosaaso

Related Posts

Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la’aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari
Beeraha Iyo Xoolaha

Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la’aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari

February 2, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kumannaan qof oo dhibaato nolol xumo ku wajahaya  deegaannada Koonfur-galbeed

January 29, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

January 26, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haweenka guryaha malaasa oo ku wajahaya Marka shaqo la’aan galisay xaalad quus ah

January 22, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bari: Roob la’aanta ka sii daraysa oo soo salkicisay kumanaan qoys oo nolol xumo hayso

January 21, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Wareysi: Cudurka duumada oo dad badan kusoo ridanaya magaalada Boosaaso

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 02-FEB-2026

IDAACADDA 02-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 02-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-FEB-2026
February 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-FEB-2026
February 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-JAN-2026
January 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-JAN-2026
January 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA-29-JAN-2026
January 29, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo