Beeralleyda degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa hay’adaha samafalka ka codsaday inay ka caawiyaan agabka beeraha oo ay ugu horeeeyaan sunta cayayaanka, matoorrada biyaha ka soo qaada webiga, tababarro iyo abuurka beeraha, xilligan oo beeralleyda deegaanka ay xoogga saareen kobcinta wax soo saarka, kaddib markii roobabkii Deyrta ay heleen.
Weli Sheekh Muumin oo ka mid ah guddiga beeralleyda degmada Luuq ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in baahidoodu ay tahay in gacan laga siiyo wax soo-saarka beeraha si ay ugu filnaadaan noloshooda.
Wuxuu tilmaamay inay heystaan dhul beereed iyo xirfad wanaagsan oo ay wax ku soo saaran karaan, haddii ay helaan cid ka caawisa agabka beeraha iyo aqoonta, wuxuuna codsadey hay`adaha samafalka inay ka caawiyaan bahiyahooda.
“Dhibaatada noogu weyn waa cayayaan aan daawo u heynin, galleyda waxaa ku dhacay cudurro ay cayayaanku u sababeen, aqoon la`aan ayaa sidoo kale na heysa, waxyaabihii nafaqada beerahana ma heysanno.” Ayuu yiri Weli.
Sidoo kale Macallin Dhaqane Aadan oo ka mid ah beeralleyda waraabka degmada Luuq ayaa sheegay in sanadkan uu ka fiican yahay sanadahii la soo dhaafey, beeralleyduna ay goosteen dalagyo ay ka mid yihiin basasha, galleyda, digirta, mooska, sisinta, liinta iyo noocyo kale oo khudaar ah.
“Beeraleyda waraabka degmada Luuq dhibaatada ay qabaan waxaa ugu daran dadkii oo sabool ah iyo iyadoo dadku aysan awoodin suntii lagula dagaallami lahaa cayayaanka, waxaa dhul beereedka hoos taga Luuq xilligan saaran matoorro gaaraya ilaa 300,kuwaaasi oo beeralleydu ay ka faa`ideystaan.” Ayuu yiri Macallin Dhaqane.
Wuxuu dhanka kale sheegay, in cayayaanka beeraha cuna ay aad ugu badan yihiin guud ahaan gobolka Gedo, taasoo aysan xal u heynin.
Kaddib abaarihii 3 sano ka hor ka dhacay Soomaaliya, wuxuu hoos u dhac ku yimid wax soo-saarka beeraha, taasoo hadda u muuqata mid soo kabaneysa,iyadoo beeralleyduna ay rajeynayaan inay ka faa’ideystaan beerahooda.
Saalixi/FM