
“Illaa shaniyo toban ruux oo qabta cudurka Malaria ama Duumo ayaa afar iyo labaatankii saacadood ee ugu dambaysay la soo gaarsiiyay cusbitalkeena,dhammaantoodna markii aan baarnayana waxaan ka helnay Duumo”sididaana waxaa Ergo u sheegay Maxamad Muuse Jilicoow oo ka mid ah hawlwadeenada caafimaadka ee cusbitalka degmada Jowhar, Maxamad ayaa intaasi ku daray in cusbitalkoodu uu leeyahay qeyba kala duwan oo isugu jira bukaan eegto,iyo meelo bukaanka la seexiyo “dawooyinku waa noo diyaar taqaatiirna waa ay noo joogaan” ayuu yiri Maxamad Muuse ,oo dhinaca kale sheegay in bukaanada jiifa cusbitalkooda laga kala keenay goobo kala duwan sida gobollo ay ka mid yihiin Shabeelaha hoose, Hiiraan, Galgaduud iyo meelo kale .
Dhinaca kale cusbitalka degmada Jowhar ayaa la sheegay in hadda ay jiifaan caruur la ildaran shuban biyood, kuwaasoo laga keenay degaanka lagu magacaabo,Mukay dheere oo ka tirsan gobolka.
Hay,adda MSF ayaa hawlo dhanka daryeelka caafimaadka ah ka wadda goobo ka tirsan gobolka,waxaana la sheegayaa in bukaano la ildaran cuduro kala duwana ay haatan jiifaan cusbitalka Intersos ee degmada Jowhar.
“Waxaa jira dad aan la soo xiriirin xarumaha caafimaadka ee waaweyn sida cusbitaalada ,dadkaasoo markii xanuun uu qabto toos u taga farmasiye kaddibna daawooyin iska iibsada ,waxaan dadkaasi u sheegayaa in ay la xiriiraan haddii ay isku arkaan xanuun xarumaha caafimaadka sida cusbitaalada si xaaladahooda wax looga qabto,looguna fidiyo gar gaar caafimaad” sidaana waxaa yiri Maxamad Muuse Jilacow oo ka mid ah hawl wadeenada caafimaadka ee degmada Jowhar, isagoona sheegay in faafidda cudurka shubanka ay ugu wacan tahay dadka oo ku saxaroonaya goobaha biyaha ay ka dhaw yihiin sida wabiga jiinkiisa iyo kelliyada biyuhu maraan isagoona uga digay arrimahaasi dadweynaha taasoo uu sheegay in ay ka dhashaan nadaafad darri marka dambe sababta inuu dilllaaco shuban.
Si kastaba ha ahaatee cudurka Malaariyada ama duumada ayaa inta badan waxaa la arkaa xilliyada ay roobabku da,ayaan iyadoona degmada Jowhar ay ka mid tahay degaanada uu maro wabiga Shabeelle.
Yuusuf Kaynaan/MG/AA









