Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
(ERGO) – Danyar soo barakacay oo laga saaray xeryo ku yaalla magaalada Kismaayo ayaa nolol xumo ku wajahaya dhul ka fog magaalada oo loo wareejiyay bishii April ee sannadkan.

Waa saddex boqol oo qoys oo maamulka Jubbaland uu dajiyay dhul bannaan oo laga siiyay deegaanka Halgan.

Waxay xuseen inay waayeen shaqooyin xoogsi ah oo noloshoodu ay ku tiirsaneyd oo ay ka qaban jireen magaalada Kismaayo oo ay ka soo fogaadeen masaafo 25 km ah.

Qoys kasta ayaa la siiyay dhul uu mulkiyadiisa leeyahay oo cabbirkiisu yahay 600 mitir oo isku wareeg ah, balse caqabadda ay wajahayaan ayaa ah cunno yari, biyo yari iyo hoy xumo.

Faadumo Xassan Xuseen ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in carruurteeda oo siddeed ah ay la’dahay shaqo ay ka maarayso.

Waxay horey noloshooda uga soo-saari jirtay shaqo dhar dhaqis ah oo aysan qaban afar bilood oo halkan ay deggan tahay.

Waxay sheegtay in deegaanka ay joogto uu kulmiyay qoysas danyar ah oo uusan laheyn meel loo shaqo tago.

Haddii ay u baahato Kismaayo, waa lagama maarmaan inay hesho $8 oo ay ku raacdo gaari ay ku tagto, ugana soo noqoto.”

“Waa qarash ka badan dakhliga maalintii ay ka heli laheyd dhar dhaqaalka oo ahaa saddex Doollar.

Xaaladaas ayay xustay inay ku riixday in nolosha qoyska ay ku maareyso shaxaad iyo kaalmo ay weydiisato dariska oo wixii ay awoodaan ku caawiya.

“Meeshaan dayn wax ku siinaya malaha. Kismaayo dadkii aan naqaanay waxaa ku dhahaayaan qof guuray oo fogaaday waxba ma siinkaro oo iskuma halayn karo. Hal waqti haddaan hellno waqti labaad lama hellaayo cunno.”

“Ninkii ama gabartii xamaali aadi lahaa gawaarida ayaa qaali noqotay. Shidaalkii ayaa qaali noqday ayay leeyihiin gawaaridu.”

Faadumo ayaa tilmaamtay in adeegga kaliya ee ay heleen uu yahay waxbarasho bilaash ah.  Iskuul hoose iyo dhexe ah ayaa waxaa u dhigta shan carruur ah.

Hoy xumadu, waa caqabad kale oo ay xal u la’dahay. Dhaqaale yarida ayaa sabab u noqotay inay dhisan waydo dhulkii la siiyay.

Waxay sheegtay in dabeysha xagaaga ee xilligan dhaceysa ay ka dumisay bartamihii Agoosto aqal cooshad ah oo markii hore nuglaa, waxay intaas ku dartay in helitaanka musquluhu ay ciriiri yihiin.

Boqollaalka qoys ee halkan la dejiyay ayaa wadaaga 70 musqulood. Halkan ayay sheegtay inaan qasab lagu keenin oo ogolaanshaheeda ay ku timid, waloow ay xustay inaysan ku baraarugsaneyn caqabadaha ay hadda wajaheyso,

Hase ahaatee waxay ku fooggan tahay sidii ay uga bixi laheyd xerada Mareeray ee magaalada Kismaayo oo ay degganeyd 14 sano.

“Dhulka aanu daganayn anigu manaan lahayn. danta ayaa nagu qasbeysay inaan halkan degno, sababtoo ah dhulkan anagaa iska leh, cid nagu dhibaateyneysa iyo cid nagu qash qashaadeysa malahan.”

Qoyska faadumo ayaa sannadkii 2011 ka soo barakacay deegaanka Buulamareer ee gobolka Jubbada dhexe. Waxay noloshoodu ku tiirsaneyd beer 10 hektar ah oo abaar darteed ay sii tacban waayeen.

Dhanka kale Maxamed Wali Dayib oo qoyskiisu ka kooban yahay 12 qof waxay dantu ku qasabtay inuu ka fogaado reerkiisa si uu ugu soo shaqeeyo.

Lacagta gaari-raaca oo uusan bixin karin maalin kasta ayaa ku riixday in magaalada Kismaayo uu sii joogo, si qoysku ay dabka ugu shitaan $4 oo maalinkii uu ka helo dajinta rarka gaadiidka.

“Maalintii anaga marka ugu badato waxaa wax la kariyaa hal waqti oo kaliya oo halkaas waqti raashinka loo yara badiyo. Ilmo yar oo nafaqo la’aan ah waaa jiraan.”

“Waxyaabaha ugu horeeya ee aad wajahaysid waxaa weeye in aad shaqo raadisid. Shaqo haddii aad wayso waa in aad dayn raadisid. Waxaa laga yaaba dayntii inuu kuu diido qofkii aad u doonato.”

Maxamed oo ah aabbaha toban carruur ah ayaa dul-saar ku ah qoys ku nool magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in dhaqaalaha ka soo gala xamaalka uusan u qeyb samin gaari raac iyo biilka reerka, maalin kastana uusan awoodin inuu lug ku soo gaaro magaalada, ugana noqdo, masaafada oo fog darteed.

Maalmaha qaar oo aysan shaqo jirin ayuu booqdaa qoyska oo uu xusay in cunno yarida ay u dheertahay hoy la’aan ka dhalatay dabeysha xagaaga oo ka dumisay guri uga dhisnaa dhulka la siiyay oo ah 600 oo mitir oo isku wareeg ah.

“Dhibaatada Jirta waxaa ka mida dabaysha. Guriga waa wax aan tabar laheyn. Aniga hal qol oo jiingado kakab ah aan ku dhajiyey ayaa ii dhisan. Habeenkii iyo maalintii marka dabaysha jirto wuu sanqadhayaa lama seexan karo.”

Maxamed ayaa sheegay in xaaladaas ay u dheer tahay biyo yari. Deegaanku malahan ceel biyood. Dadku waxay biyaha ka doontaan webiga Jubba oo u jira masaafo dhan saddex kiloomitir.

Qoysaska aan awoodin inay soo dhaansadaan ayaa ku qasban inay iibsadaan biyo lagu keeno gaari dameero oo fuustadii uu qiimaheedu yahay $0.5 senti.

“Culeys badan ayaa ka jira biyaha. Masaafadu waa dheertahay, qarash uma hayno aan ku shubano, mar haddaan shubano, mar kale ma awoodno inaan gadano.”

“Mar islaanta ayaa dusha soo saarata, mar qolyo aan daris nahay ayaan baryaa oo aan dhahnaa gaari gacan isii aan biyo ku soo qaato.”

Qoyska Maxamed ayaa degganaa xerada Tawakal 2 ee magaalada Kismaayo oo ay ku noolaayeen 12 sanno.

Colaad iyo abaar ayay uga soo barakaceen gobolka Jubbada dhexe oo ay ku dhaqanayeen ari 75 neef ah iyo 60 lo’ ah oo ka la’day.

Adeegyada waxbaarshada iyo cafimaadka ayaa ah waxa kaliya ee danyartan ay ka heli karaan deegaanka lagu asaasay ee Halgan.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in wajiga koowaad ee mashruuca ay fuliyeen, kaas oo dadku ay ku heleen waxbarasho hoose iyo dhexe ah, dhul ay leeyihiin oo wixii ay rabaan ay ka dhisan karaan iyo xarun caafimaad oo ah MCH oo adeegyadeedu bilaash yihiin.

Maxamed Cumar Xassan oo ah madaxa xafiiska dib u dejinta hay’adda dadka soo barakacay ee Jubbaland ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan qorshe dhaqan galaya sanadkan oo danyartan looga taageerayo.

Wuxuu xusay in ay heli doonaan xoolo ay dhaqdaan, xirfadda kalluumeysiga, tan beeraha iyo agabkii ay ku shaqaysan lahaayeen.

“Wixii ka shaqaysanaya badda in loo abuuro shaqooyin kalluumaysi oo la siiyo doonyo iyo agabka kale u baahan yihiin. Wasaaradda Beeraha oo kale in ay beero siiso ayaa qorshaysan.”

Maxamed ayaa sheegay in Jubbaland ay bilowday 2024 barnaamijka xalka waara oo ah in dadka soo barakacay lagu deegaameeyo.

Wuxuu xusay in dowladdu diyaarisay dhul gaaraya 5km oo loogu talagalay in la dejiyo dadka ku barakacay gudaha deegaanada Jubbaland.

The post Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
(ERGO) – Nolol xumo ayaa soo wajahday ku dhawaad 100 qoysas danyar ah oo ku nool magaalada Hargeysa, markii ganacsiyo ay masruufka ka heli jireen ay xirmeen 3 bil ee la soo dhaafay.

Waxaa sababay canshuuro ay ganacsiyada ku soo rogtay Wasaaaradda Maaliyadda ee Somaliland, badeeco xumo iyo macaamiil yari.

Canab Jaamac Furre oo ka mid ah waxay maarayn la’ dahay dhamaan baahiyaha aas-aasiga ah ee qoyskeeda 7 ah kuna ku tiirsanaa keligeed.

Haweeynaydaan ayaa tilmaamtay inuu ka xirmay dukaan raashin iyo bagaash ay ku iibin jirtay oo ay reerka ku dabaraysay in ka badan 10 sano.

Waxay xustay in meheradeeda ay joogta uga heli jirta $6 illaa $5 oo aan wax canshuur ah laga jarayn.

Dhaqaalahan ayay xustay inuu ugu filnaa cunnada, biyaha iyo baahiyaha kale, kuwaas oo ay hadda awoodi la’yihiin, maaddama uu dhaqaalahaasi meesha ka baxay.

“Mar keliya ayaan hadda dabka shidana. Mar labaad inaan dabka shidano ma awoodno. Halkaas mar wixii aan helno ayaan isku filnaysiina. Markii hore saddexda waqti ee quraacda, qadada iyo cashada waynu shidanaynaa dabka, balse hadda ganacsigii aan ku tiirsanayn waa naga xirmay.”

Canab ayaa sheegtay inay ku tiirsan yihiin dayn aan joogta ahayn iyo kaalmo ay waydiistaan dad ehel ah oo daris la’ ah.

Mudadii ay caqabadahan jireen waxay tilmaamtay in reerkeeda ay dabka saaranayeen raashinkii dukaanka u yaallay, kaas oo hadda ka dhamaaday.

Waxay xustay in culaysyada haysta ay ka mid yihiin biyo yari. Ugu badnaan jirgaan ay soo baryaan dadka nolol dhaama ayay sheegtay inay ku tiirsan yihiin, maaddaama aysan awoodin $3 oo fuustadii ay iibiiyan booyado keena.

Haweeynaydan oo 92 jir ah ayaa sheegtay inaysan awoodin inay shaqooyin xoogsi ah ka raadiso magaalada, maaddaama ay tahay wayeel aan shaqooyinkaasi qaban karin.

Dukaanka oo ay ku lahayd guriga dhexdiisa ayay tilmaamtay inuu ahaa waxa keliya ee dhaqaale uga soo saari kartay qoyskeeda.

Labo wiil oo ay dhashay ayay tilmaamtay i ay hungoobeen raadinta shaqooyin xamaal ah. Waxay xustay inay ka shalaysan tahay inaysan horray wax kayd ah u samaysan. Waxay cabasho ka muujisay canshuuraha dowladda ku soo rogtay oo ahaa kuwa awoodooda ka badan.

“Dawlada cashuur ayay nagu soo rogtay. Boqolkii doolar waxaa la yiri $2 oo canshuur ah ayaa laga jaraya. Waxaan haynay iyo wixii na soo galayay marka loo eego wax iska kaafin karay ma ahayn.

Sidoo kale macaashadii qaali ayay noqotay oo raashinka qiimihiisa cirkuu u kacay. Wax aan alaabo dukaanka ugu soo iibino waa waynay, sidaas ayay nooga xirantay mehradii.”

Canab ayaa sheegtay in xaaladdan darteed ay waxbarasho la’aan ka noqdeen saddex carruur ah oo ay ayeeyo u tahay, kuwaas oo ay iyadu masuul ka tahay. Waxay tilmaamtay in bishii Juun laga soo eryay madarasad ay dhigan jireen, markii lagu yeeshay $100 oo isku gaartay oo ay awoodi wayday.

Waxaa walwal ku sii kordhinaya $200 oo looga yeeshay dukaamada raashinka ee xaafada magaalo Ugaaso oo ay dagan yihiin.  Waxay awoodi waayeen in ay badeeco soo iibsadaan taas oo sababtay in macaamiishii wax ka iibsan jiray ay u wareegaan bakharadda waawayn ee magaalada.

Hoodo Axmed Cabdullahi waxay qoyskeeda oo 12 qof ah sheegtay inay wajahayaan xaaladdii ugu liidatay muddo 7 sano ah kaddib.

Waxaa ka xirmay ganacsi dukaan bagaash iyo raashin ah oo ay u iibin jirtay hooyadeed oo waayeel ah, taas oo sidoo kale la dhiban cudurrada sonkorowga iyo dhiig-karka oo ay dhaqaatiirtu ku sheeegeen sanado ka hor.

Hal mar ayay sheegtay inay dabka ku shitaan $4 oo uu abbaahooda toddobaadkii mar ka soo helo shaqooyinka dhismaha guriyaha. Waxay tilmaamtay inay tashiishaan hasa yeeshe aysan waxbo ka tarin baahidooda, lakiin ay dantu dhaafi wayday. Cunno xumada waxaa u dheer biyo yari.

“Biyihii waxay noqdeen qaali. ma awoodno hadda. Markii hore waa gadan karna lacag walbo la dhaho sababtoo ah waxaan ahayn dad ganacsi ay leeyihiin dhaqaale ka hela. Hadda waxa kaliya ee aan heli karno waa jirgaamo aan dariska ka soo barino.”

Hoodo ayaa sheegtay in sidoo kale ay awoodi la’yihiin $50 oo ah kirada labo qol oo jiingad oo ay dagan yihiin. Waxay tilmaamtay in lagu yeeshay $150 oo ah dayn ay saddexdii bil ee la soo dhaafay ku daganaayeen, taas oo ay bixin waayeen.

Haweeynaydan ayaa sheegtay in dhanka kale laga jartay korontadii guriga, markii ay bixin waayeen $30 oo laga rabay bishii. Arrintan darteed waxay tilmamtay inay ku qasbanaadeen in habeenkii ay ifsadaan tooshash ay ka soo qateen qoysas ay ehel yihiin oo magaalada kula nool.

Hoodo ayaa xustay in nolol xumada haysa ay u dheertahay caafimaad darro hooyadeed oo aysan wax daryeel ah u awoodin. Waxay xustay inay tahay curadda reerka. Shaqooyin nadaafad ah oo ay raadisay marar kala duwan si daawooyinka ay u baahan tahay ugu iibiso ayay sheegtay inay wayday.

“Hooyaday ayaa na maarayn jirtay. dhiikar iyo sonkor ayay horray u qabtay, hadda waxaa u raacay xumad daran oo ku soo laalaabatay. Ma awoodi karto inay shaqayso. Sido kale daawadeeda ayaa nagu adag. Awal dad qaarabo ah ayaa naga caawin jiray, haddase iyagiina waxbo kama helno. Hooyaday sidaas ayaa daawo la’aan ku tahay. Wax aan ugu soo iibinana ma heli karn.”

Hoodo ayaa sheegtay in dhaqaale xumada haysa ay sidoo kale waxbarasho la’ aan ku sababtay 4 carruur ah oo dugsi hoose dhexe dhiganayay, markii ay bixin waayeen $60 oo kharashkooda waxbarashada ee bisha.

Waxay tilmamtay in ganacsiga meesha ka baxay oo qoyskoodu kaalin muhiim ah ugu jiray in markii hore ay ku billawdeen dhaqaale ay dadka ehel u ah ku caawiyeen. Waxay rajo xumo ka muujisay sidii ay markale dib ugu yagleeli doonnaan.

Dhanka kale Faadumo Xayd Cali oo ah xoghaya guddi ay ganacsatada yaryar ku midaysan yihiin ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in xaladdan ay saamaysay ku dhawaad boqol ganacsato ahaa, kuwaas oo ay goobahoodii ganacsi ee u ahaa ilahooda kaliya ee dhaqaale ay ka xirmeen.

“Shidaalkii, canshuurtii iyo maciishadiiba waa kaceen. Dadkii danyarta ahaa arrintan dhan walbo ayay ka saamaysay. Tangigi biyaha ee $50 la siin jiray $70 ayaa la iibinaya, shidaalka oo qaaliyoobay ayaana keenay, dadkuna ma gadan karaan.”

“Dad badan ayaa laga saaray guriyih ay daganaayeen markii ay kirada awoodi waayeen. Waxaan dowladda ka codsanayna inay xaaladda dadkan wax ka qaabtaan.”

Fadumo ayaa sheegtay in horray dowladda ay codsi arrintan ku aadan u direen, hasa yeeshee aysan wax jawaab ah ka helin.

The post Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
(ERGO) – In ka badan labo boqol oo qoys oo ka soo barakacay miyiga gobolka Mudug markii roob la’aan ay ka laysay xoolo ay dhaqanayeen ayaa nolol xumo aad u liidata ku wajahaya xeryo ku yaalla magaalada Gaalkacyo oo ay ku biireen labadii bil ee la soo dhaafay.

Fardowso Nuur Maxamed oo ka mid ah waxay sheegtay inay cunno, biyo iyo hoy u la’dahay carruurteeda oo lix ah tan iyo bishii Abriil oo ay soo gaartay xerada Xoriyo.

Waxay tilmaantay in ay ku tiirsan yihiin wax ay ku caawiyaan dadkii xerada sii deganaa oo aan iyaguna wax wayn dhaamin.

Maalmaha qaar oo ay wayso wax taageero ah ayay sheegtay in ay ku qasbanaadaan in ay qatooyo ku joogaaan.

Waxay tilmaantay in xerada ay yimaadeen iyaga oo gacan maran aysanna ka aqoon magaalada dad  ay caawinaad ka dalbadaan.

“Cuntada mar waan helnaa, marna waan weynaa. Xalay carruurtayda casho uma karin, mana hayo wax aan siiyo. Gaajo ayay la ooyayaan, aniguna wax aan u qabto ma awoodo. Shaqo ma lihi, mana jiro aabbe u shaqeeya oo noloshooda ka kafaala qaada.”

“Waxa keliya ee aan sameeyo waa inaan guri-guri u wareego anigoo baryaya si aan u helo wax ay carruurtaydu cunaan.”

Fardawso oo kaligeed korisa carruurta oo lagu furay aanan lagu daryeelin ayaa sheegtay in xaaladda ilmaheeda ay ka sii darayso marba marka ka dnbaysa.

Waxay xustay in ay qarka u saaran yihiin nafaqo darro maaddaama aysan inta badan helin cunno ku filan oo nafaqo leh.

Waxay tilmaantay in ay isku dayday in magaalada ay dayn uga raadiso caano iyo khudaar ay siiso balse ganacsatadu ay u diidaan in ay daynsiiyaan maaddaama aysan aqoon u lahayn.

Sidoo kale waxay sheegaty in xerada ay ka jirto qandho aysan aqoon iyo hargan daran kuwaas oo dhamaan ilmaha kaga dhacay una sii nugleeyay xaaladda.

Waxay sheegtay in qandhada haysa carruurteeda ay uga shakisay malaariyo ka dhalatay keeno xerada ka jirta, balse aysan hayn dhaqaaale ay ku gayso goob caafimaad.

Waxay intaas ku dartay in ay wajahayaan hoy la’aan oo iyada iyo carruurteeda ay seexdaan buush yar oo aan wada qaadin kana samaysan calalo iyo qoryo aan dhaxan iyo qorrax toonna celin karin.

“Hoygeenna waa buush aan amni lahayn. Tuugo ayaa xerada timaad qofkii wax xadaya gadaal ayuu ka daloolin karaa buushka wuuna soo geli karaa.

Sidaas darteed habeenkii oo dhan waan soo jeednaa annagoo ka baqayna in nala soo dhaco ama carruurta nala waxyeelleeyo.”

Fardawso ayaa sheegtay in qoyskeeda uu ka soo barakacay miyiga deegaanka Saaxaqurun ee gobolka mudug markii 50 ari ah oo ay dhaqanayeen ahaana waxa kaliya ee ay ku tiirsaneed noloshooda uu ku dhaafay daaq la’aan ka dhalatay roob yari jirtay saddex sano.

Waxay tilmaamay in si ay uga saarto xaaladda adag carruurteeda ay maalinta oo dhan ku wareegto magaalada iyada oo raadinaysa cid ay u qabato shaqooyin nadaafad ah.

Waxay inta badan soo laabataa iyada oo aan waxba helin. Waxay u sababaysay in dadku aysan u lahayn aqoon, si sahlana aysan ku siinayn shaqada.

Haweenaydaan oo ah 43 saddex jir nolosheeda oo dhan ku soo qaadatay xoolodhaqasho ayaa sheegtay in xilligaan ay reerkeedu wajahayaan nolol xumaddii ugu darnayd ee ay abid mutaan.

waxay intaas raacisay in ay filaysay markii ay xerada imaanaysay in ay heli doonto gargaar balse illaa iyo wadda aysan helin.

Xoolodhaqatada ku nool gobolka Mudug ayaa intooda badan ka siman nolol xumada ka dhalatay roob yarida soo laalaabatay oo meesha ka saartay xoolihii ay dhqanayeen.

Waxay ku qasbanaadeen in ay ku biiraan xeryaha halkaas oo ay ku haystaan dhibaatooyin isbiirsaday.

Xaawo Aadan Diirshe oo ka mid ah waxay sheegtay in muddo labo bil ah oo ay joogto xerada Xoriyo ay carruurteeda u la’adahay cunno iyo hoy ku filan.

Waxay xustay in markii ugu horraysay nolosheeda ay caawinaad waysiisato dadka magaalada deggan kuwaas oo aan si joogto ah wax u siin.

Waxay tilmaantay in ilmaheeda oo ka  ugu yar jiro afar sano ay mararka qaar qatooyo ku joogaan habeen iyo maalin.

Waxay intaas ku dartay in korinta ilmaha ay kali ku noqotay markii saddex sano ka hor uu aabahii reerku u geeriyooday cudur aysan aqoon.

Dhanka kale waxay intaas ku dartay in dhibaato xooggan ay ku qabaan helidda biyaha. Sababta ayaa ah in hal tubbo oo xerada oo dhan laga cabayay ay go’an tahay muddo bil iyo bar ah markii dadka xerada deggan ay bixin waayeen lacagta biyaha.

“Biyaha ayaan dayn badan ku leenahay. Tan iyo markii aan soo degnay, lacagtii biyaha waa la bixin waayay, waxaana maalin walba nagu cadaadiya xafiiska biyaha.”

“Mar waa la jaraa, marna waa la xiraa. Dhowr maalmood ayaan biyaha isticmaali la’nahay, dayntuna way badan tahay, mana hayno awood aan ku bixino.”

Xaawo ayaa sheegtay in markii ay imanaysay xerada ay filaysay in ay heli doonto nolol dhaanta tii ay ku jireen, balse ay ku hungowday damacaas.

Haweenaydaan oo ah 39 jir ayaa sheegtay in sidoo kale aysan lahayn xirfad ay magaalada uga shaqaysan karto si ay xaaladda adag uga saarto carruurteeda.

Waxay sheegtay in nolol xumada ay u dheertay dhibaato ay ku qabto daymo ay labaddii sano ee la soo dhaafay ku yeesheen dukaammo ku yalala magalada Gaakacyo oo ay raashin ka amaahan jirtay.

Waxay xustay in horraantii sanadkaan ay ka joojiyeen dayn cusub in ay qaadato maalin kasta ay soo waydiiyaan ayna ugu hanjabaan in ay xirayaan haddii aysan dhaqso u bixin.

“Daymo badan ayaa la igu leeyahay. Waxaan raashin amaah uga qaadan jiray ganacsatada, waxaana hadda la igu leeyahay $280 iyo $50.

Ganacsatadii ayaa iga dalbaday inaan daynta bixiyo, balse lacag ma hayo. Waxay ii sheegtay inaanan raashin kale qaadan karin ilaa aan dayntii hore bixiyo.

Dayntu culays weyn ayay igu haysaa, mana awoodo inaan raashin kale amaah ku soo qaato.”

Qoyska Xaawo ayaa ka soo barakacay miyiga magaalaada Gaalkacyo markii ay daaq la’aan darteed ku dhaafeen 70 ari ah oo ay dhaqanayeen. Xaladdaas ayaana badday in ay galaan nolol adag oo aysan weligood mudan.

Xaaladdaas ayaa ah mid ay ka siman yihiin dhamaan daka barakacay oo ku kala biiray xeryaha Sahan, Mudud iyo Dooxo sida ay sheegtay Xamdi Siciid Yuusuf oo ka mid ah maamulka xeryaha.

Waxay xustay in saddexdii bil ee ugu danbeeyay ay diiwan geliyeen 254 qoys oo barakc cusub ah welina ay imanayaan.

Waxay xustay in dadka yimid ay dulsaar ku noqdeen kuwii horay u daganaa ayna dhamaantood isla galeen duruuf isku mid ah.

Waxay ka dayrisay sida ay noqon karato xaaladda dadkaan haddii aysan si degdeg ah u helin gargaar.

Roob la’aanta ku soo noqnotay gobolada dhexe ee Soomaliya ayaa sabab u noqday in kumanaan qoys ay galaan duruufo nololeed oo adag, markii ay xoolaha oo ahaa ishooda dhaqaale ay ka dhamaadeen.

The post Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
(ERGO) – Jamaal xasan Maxamed wuxuu qoyskiisa oo toban ah u awoodi la’ yahay cunno ku filan tan bishii Luulyo. Wuxuu ka mid ah yahay boqollaal rag ah oo iyaga iyo reerahooda ay wajahayaan dhaqaale xumo markii shaqadoodii laga hor istaagay.

Ninkan ayaa sheegay inay Kooxda Shabaab diideen shaqadiisa oo ahayd gurida ciidda guryaha lagu dhiso, taas oo uu ka dooni jiray bannaanka magaalada una ahayd isha nololeed. Wuxuu tilmaamay inay shaqo la’aan ku dhacday dhan kasta ka saamaysay qoyskiisa.

Shabaab ayaa lacago dheerad ah ku soo rogay mulkiilayaasha gawaarida ciidda qaada, kuwaas oo awoodi waayay bixinteeda. Arrintaas darteed, ayay sheegeen in looga mamnuucay shaqadooii xoogsiga ee ay ka dhacsan jireen biilka carruurtooda.

Jamaal wuxuu ka mid yahay dadka barakac ah ee ka shaqayn jiray qodista ciidda dhismaha, taas oo laga qodi jiray boholo ku yaalla duleedka Baydhabo, kadibna lagu qaadi jiray gawaarida iska-rogaha ah si loogu iib-geeyo magaalada.

Ninkan ayaa sheegay in shaqo la’aantu ay sababtay in qoyskiisu ay wajahaan cunto yari daran. Wuxuu tilmaamay in ay kaalmo yar ka helaan dad ay u dan-sheegtaan, taas oo uu xusay inaysan ku filnayd qoyskiisa oo ballaaran.

“Xaaladeenna nololeed waa mid aad u adag, markii hore shaqo ayaan haysanay. Ciiddii hadda dad duurka ku jira ayaa diiday. Markii hore biilka meel ayuu noo saarnaa hadda marka guri joog ayaan noqonay. Dhibaato weyn ayaa haysa.”

Jamaal wuxuu intaas ku daray in shaqadiisii maalinlaha ahayd uu ka heli jiray $7 ilaa $10 oo joogta ah taas oo ugu filnayd saddex waqti oo cunto ah. Wuxuu ahaa qofka kaliya ee reerka u dhaqdhaqaaqi jiray, waxaana hadda meesha ka baxay dakhligii uu qoysku ku tiirsanaa.

Qoyska jamaal waxaa dhibaatooyinka ay la halgamayaan ka mid ah biyo yari. Waxaa ku adag inay iibsadaan 20-ka litar oo lagu shubto $0.25 xerada Deg-umur oo ay deggan yihiin. Sida uu sheegay, isaga iyo xaaskiisa ayaa ceel-gacmeed gaar loo leeyahay oo loo socdo hal saac ah ka soo barya hal labaatanle oo aan ku filnayn reerkiisa.

Ninkan oo 50 jir ah ayaa sheegay inay ku soo furmeen culeysyo isbiirsaday, kuwaas oo uu maarayn la’ yahay. Wuxuu tilmaamay inaysan xaaladdan oo kale horey u soo maray isla markaana ay ku soo beegantay xilli uusan u sii diyaar garoobin.

Waxaa culeyska ku haya quud u helidda carruurtiisa oo uu xusay inay la qabsan la’ yihiin dabkooda oo dansan iyo inaysan helin raashin deeqa.

“Markii hore seddex jeer ayaan wax karsan jirney laakiin hadda hal mar ayaan wax karsanaa. Halka wakhti ayaaba sida lagu helo dhib ah. Halka wakhti waxan ku helnaa magaalada ayaan aadaa walaal dadka ayaa baryaa.”

Jamaal ayaa sheegay in seddex ka mid ah carruurtiisa laga soo eryey iskuul iyo dugsi Qur’aan bishan, markii uu awoodi waayay $30 oo uu bishii ka dhiibayay, hadda waa guri joog aan wax duruus ah qaadan. Tani waxay ku keentay rajo beel mustaqbalkooda ah.

Qoyska jamaal ayaa 2022 ka soo barakacay Degmada Berdaale ee Gobolka Bay. Waxay ka soo tageen beer 5 hiktar ah, markii ay nacfi tirtay roob yari uu sheegay inay deegaanka ka jirtay dhawr xilli oo isku xigay.

Ragga carrada ka xamaalan jiray ayaa wajahaya saamayn isku mid ah. Nuuradiin Macalin Aadan wuxuu sheegay inuu maarayn la’ yahay nolosha qoyskiisa oo sideed ah. Ninkan ayaa ka fursan waayay inuu dhex wareego xaafadaha magaalada isaga dadka waydiisanaya kaalmo.

Marka uu soo waayo ayuu sheegay inay deriska habeennada qaar ay ka helaan raashin bisil oo ay isugu soo daraan. Waxaa u dheer baahiyaha kale ee qoyska oo ku soo wada furmay.

“Biyaha waxaan ku heli jirney marka aan lacagtay joornaatiga ah soo qaato. $0.25 ayaan ku dhaansan jirney. Hadda marka in deriska loo tago oo albaabada aan garaacno oo jirgaankoo biyo ah ama 10 litar aan weydiisano. Hadda jirgaanka ayaaba noo genbiyay oo aan haysan.”

Nuuradiin ayaa sheegay muddo afar sano ah inay nolosha qoyskiisa ku tiirsanayd dhaqaalaha uu ka heli jiray ciid qodista oo u dhaxeeyay 7 ilaa 10 doollar, balse hadda uu faro maran yahay. Wuxuu tilmaamay inuusan wax kayd ah horey meel u dhigan, taas oo saamaynta ku xoojisay.

Wuxuu intaas ku daray inuusan lahayn xirfad kale oo uu ku shaqeeyo. Subax walba wuxuu u baxa raadinta shaqo xamaal ah, balse ma helo. Wuxuu sheegay inay isaga iyo qoyskiisa ay hadda ku sugan yihiin xaalad quus ah.

Wuxuu xusay inay sidoo kale culays ku heyso deyn $35 ah, oo looga kala leeyahay dugsi Qur’aanka iyo iskuul isku gaartay labo bilood. Wuxuu sheegay in dukaan uu raashin ka amaahanayay looga diiday markii loo sheegya in buugiisii la xiray.

Ninkan oo barakac ku ah xerada Doygaab oo mudo laba sano ah ayaa weli leh rajo ah inuu shaqadiisii dib ugu laabto balse ma hubo goor ay noqon iyadoo culeyska dhaqaale ee haysta ay uu sii kordhayo marba marka ka danbaysa.

“Hadda welwelka i hayo – xaafada iyo nolosheenna – ayaan aad uga fikirayaa. Middeeda kale Ilaah shaqo ha noo bixiyo. Waxaa hadda dhibaato nagu haysa inta aan shaqada ka harney deyn badan ayaan galney. Carruurta noloshooda ayaa qiiqiil naga-shay.”

Nuuradiin ayaa sheegay inay hayso sidoo kale hoy xumo markii dabayl xooggan ka dumisey buush ay gabbaadsan jireen. Hadda waxay bannaan-yaal u yihiin dhaxanta iyo fallaaraha cadceedda.

Ninkan ayaa xusay in mulkiilayaasha gawaarida ay isku dayeen inay si dhuumalaysi ah ku shaqeeyaan, hasa ahaate ay ku guul-daraysteen, markii ay Shabaab afduubteen saddex gawaari. Arrintaas waxay sababtay in kuwii kale ay u cabsadaan naftooda iyo hantidooda.

Qoyska Nuuradiin waxay sanadkii 2024 ka soo barakaceen deegaanka Goof-gaduud Buurey ee hoostaga Baydhabo, markii jilaal ba’an uu nacfi tirtay beer Afar hektar ah oo ay noloshoodu ku tiirsaneyd.

Cabdinaasir Cabdi Cali oo ka mid ah guddi ay gaadiidlaydan ku midaysan yihiin ayaa Raadiyow Ergo u sheegey in arrintan saameyn weyn ku yeelatey qoysaskooda, kuwaas oo ilaa iyo hadda aan helin beddel kale oo ay noloshooda ka maareeyaan.

“Runtii caqabado waa weyn ayaan xilligan na haysata lacago xaqdhaaf ah oo nagula soo rogey taas oo is keeni weydey. Marka hadda xitaa waxaa jira gaadiid oo u xiran Alshabaab oo lacagooyinkaas iyo waxyaabahaas dartood loo haysto.”

Cabdinaasir ayaa xusay in qoysas badan oo noloshooda ka maareyn jirey qodista carrada iyo rarkeeda ay wajahayaan hubanti la’aan. Wuxuu tilmaamay gaari kasta lagu waajibiyay bishii 200 doollaar, taas oo aysan awoodin. Wuxuu codsaday si degdeg ah loo xalliyo cabashadooda.

Qoysaska soo barakacay oo aan lahayn ilo kale oo dhaqaale oo sugan, waxay had iyo jeer u nugul yihiin saamaynta ka dhalata shaqo la’aanta, taas oo u horseeda khalkhal ku yimaada hab-nololeedkooda.

The post Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
(ERGO) – Boqollaal dhallinyaro ah oo ku nool Somaliland ayay soo wajahday shaqo la’aan saameysay waxbarashada, cuntada iyo hab-nololeedkooda kale.

Waa xaalad ay wajahayaan tan iyo bishii July ee sanadkan, markaas oo bankiga dhexe ee Somaliland uu joojiyay in lacagaha danabeysan leyskugu diro adeegyada taleefanka ee Zaad iyo e-Dahab.

Go’aankan ayaa suuqa ka mamnuucay ganacsatada yaryar oo Bankigu sheegay inaysan diiwaan-gashaneyn, canshuur bixiyaalna aysan aheyn.

Waxay dowladdu sheegtay inay sharci darro ku shaqeynayeen, ayna lacagaha ku sarifayeen qiime aan aheyn kan uu jaan-gooyo bankiga dhexe oo ay qasab tahay in loo hoggaan samo.

Go’aankan waxaa soo dhoweeyay ganacsatada sariflayaasha ah ee diiwaan-gashan, balse danyarta suuqa ka baxay ayay taabatay noloshooda daruuriga ah.

Jimcaale Xasan Saleebaan oo ka mid ah dhallinyarada ku tiirsanayd ayay arrintan dhaxal-siisay inuu ka haro waxbarashada fasalka afaraad ee dugsiga sare ee Today ee magaalada Hargeysa, markii uu awoodi waayay inuu bixiyo $25 oo bishii laga qaadi jiray.

Wuxuu sheegay in keligiis aysan ku koobneyn xaaladdu oo ay cunno yiri wajahayaan afar walaalihiis ah iyo labadiisa waalid oo isaga ku tiirsanaa. Hal waqti ayuu xusay in dabka ay ku shitaan kaalmo yar oo ay ka helaan qaraabada oo ah mid aan sii socon doonin.

“Wax waqti ah nalama siin oo kedis ayuu nagu noqday go’aanka shaqo joojinta ah. immika xataa dukaamadii na aamini jiray waxba nama siiyaan waayo sarrifkii in nalaga joojiyay ayay og yihiin.”

“Ehelkiina haddaad xidhiidhiso wax badanba ku siin-mayaan. Marka arrintan sarrifku saamayn aad u wayn bay noo geysatay.”

Sarifka laga xiray ayuu tilmaamay in maalinkii uu ka heli jiray $20 illaa $30, isagoo ku dabari jiray kirada guriga, korontada iyo biyaha oo isku dar bishii ah $60 iyo kharashaadka kale ee nolol-maalmeedka.

Jimcaale oo 19 jir ah ayaa sheegay in shaqadan uu billaabay sanadkii 2023, markaas oo uu guursaday walaalkiis ka weyn oo ay ku tiirsanaayeen, kaas oo hadda la tacaalaya qoyska uu dhistay oo uu ka maareeyo miis uu ku wareejiyo kabaha, ayna ku adag tahay inuu biilo laba qoys.

“Anaga inan naga wayn ayaa na biili jiray. Inankiina wuu guursaday, ka dib anuu culayskii xaafaddu isoo fuulay. inan aanu asxaab nahay ayaa boqol Doollar ii dhiibay, sidaasaan ku soo galay suuqa. Immika wax rajo ah oo ii muuqda ma jiro, Dowladdii ayaa soo rogtay sharci adag oo aysan ka noqoneyn.”

Jimcaale ayaa tilmaamay in shaqo la’aantu ay deg deg u saameysay, sababtuna ay tahay inuusan laheyn keyd dhaqaale, maadaama wixii soo gala uu ku dabari jiray nolosha asaasiga ah ee qoyska.

Wuxuu intaas ku daray in duruufaha adag ee soo wajahay qoyska ay warwar joogta ah ku hayaan, maaddaama ay sugayaan walaalo ka yar iyo labadiisa waalid nool xaalado caafimaad oo ah qallal iyo neef qabatin.

“Immika waxaan is lahaa dhismaha gal laakiin culeys bay igu noqotay oo maba helin. Markii aan ogaaday in la joojiyay shaqadii aan ku tiirsanaa waxaan dareemay culeys badan iyo murugo, waayo meel aan u dhaqaaqo garan maayo, xirfadna malehi.”

Shuruudaha laga doonayo qofka noqonaya sarifle ayaa ah inuu bixiyo $700 oo diiwaan-galin iyo shati qaadasho ah, sidoo kalana uu sanad kasta bixiyo $130 oo canshuur ah.

Cawo Aadan Maxamed oo ka mid ah dhallinyarada ganacsigu ka xirmay ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in bixinta lacagtaas ay ku adkaatay, ayna wayday shaqo kale, taasina ay ku qasabtay inay door biddo in sarifka ay gasho iyadoo aan ogolaansho haysan.

Waxay sheegtay inay ku dooratay inuu yahay ganacsi aan maalgalin badan u baahneyn oo ay ku bilowday $50 oo uu siiyay qof ehelkeeda ah.

Cawo ayaa xustay in tan iyo markii shaqadaasi joogsatay ay reerka ku adkaatay daboolidda baahiyaha asaasiga ah, gaar ahaan helitaanka cuntada.

“Saddexdii wakhti markii hore si fiican baan u heli jirnay. imikana halkii wakhti ayaaba nagu dirqi ah. Noloshii way sii adkaanaysaa, shaqadiina waatanoo way naga istaagtay, marka nolosheenna way iska adag tahay.”

Cawo ayaa tilmaamtay in $300 illaa $400 oo bishii soo gali jiray ay ku dabari jirtay waalidkeed iyo saddex walaalaheed ah oo kaligeed ku tiirsanaa. Waxay hadda quutaan raashiin ay soo deynsadaan, iyaduna waa guri joog aan wali helin shaqo kale.

Waxay tilmaamtay in sannadkii hore ay sarifka ku biirtay si ay u buuxiso kaalinta aabbaheed oo geeriyooday, iyadoo hooyadeedna sheegtay inay tahay qof aan shaqeyn karin oo la nool xanuunka beer subagga, ayna u awoodi wayday inay isbitaal geyso.

“Hadda waxaan dareemay murugo aad u wayn iyo inaan fikiro oo xoog maskaxdii u shaqayso. Wixii aan qaban lahaa, haddey masaxaad tahay, haddey noqoto shaqada dumarka ee cillaan saarka, makeupka, intaba waan raadiyay, wax jawaab ah waan ka waayay.”

“Waxay noqotay waji garasho, iyo qabyaalad. Noloshii way iska adkaatay, wixii aan ku tiirsanaana waa layga joojiyay.”

Cawo oo 24 jir ah ayaa intaas ku dartay in labo walaalaheed ah dhaqaale la’aan darteed ay waxbarasho la’aan yihiin, markii ay awoodi wayday inay ka dhiibto $20 oo bishii ay ku bixin jirtay iskuul ay ka dhigan jireen magaalada Hargeysa.

Dhanka kale Samiira Muxumed Xasan oo ka mid ah dhallinyarada ay shaqo la’aantu saamaysay, waxay tan iyo bishii July raadineysaa sidii ay ku heli laheyd ildhaqaale oo ay ka maareyso qoys ka kooban siddeed qof oo ay ka dabari jirtay sarifka laga joojiyay oo ay ku biirtay labo sano ka hor.

Reerka ayaa hadda dabka ku shita raashiin qiimahiisu yahay $90 oo ay soo deynsadeen. Samiira ayaa xustay in haddii uu ka dhammaado aysan haysan wax kale, ayna adag tahay in deyn kale ay soo qaataan iyadoo aan la bixin tii hore.

“Sarifka waxaan ka faa’idi jiray maalinkii ugu yaraan $15 illaa $20. Shaqo la’aanta waxaanu ka dhaxalnay waxbarasho la’aanta lix carruur ah oo iga yaryar oo aan ka bixin jirey iskuulka iyo madarasada.”

“Madarasada oo aan afartan Doollar kaga bixin jiray iyo iskuulka oo $45 ah.  Wax yaabaha kale ee aan ka sii dhaxalnay waxaa ka mida cuntadii saddexda wakhti la heli jiray oo meesha ka baxday.”

Samiira ayaa xustay in waalidkeed oo danyar ah ay duruufo adag ku soo wax bareen. Waxay sheegtay in markii ay dhammeysay dusgiga sare loo waayay dhaqaale ay jaamacad ku dhigato, maantana ay xaaladdu taagan tahay in walaalaheed loo la’yahay lacagtii iskuulka.

Waxay sheegtay inaysan isku dhiibi doonin waayaha adag, hadafkeeduna yahay xal u raadinta caqabadaha hor yaalla.

Dhallinyarada ay shaqo la’aantu saameysay ayaa ugu baaqay dowladda inay qiimeyso xaaladda oo ay raadiso xal ay ku sii wadan karaan shaqada sarrifka, maadaama boqollaal qoys ay si toos ah ugu tiirsanaayeen.

The post Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
(ERGO) – Dhallinyaro badan oo ka soo jeeda qoysas soo barakacay iyo danyar deegaan ah ayaa si maalinle ah ugu kalluumeysi taga xeebaha magaalada Muqdisho.

Ma haystaan doonyo, shabaag weyn iyo agabyo kale oo ka caawiya inay helaan kalluun badan. Waxay adeeg sadaan fiilooyin afka hore looga xiray bir qaloocan iyo shabaag yar.

Shaqo la’aanta ayaa ku riixday in nolol maalmeedka ay ka raadiyaan kalluumeysiga oo aysan u haysan agab ku habboon iyo qibrad ku filan, balse dadaalkoodu wuxuu suurta galiyay in qoysaskooda ay ka saaraan cunno yari, ayna iska bixiyaan waxbarashada.

Dhallinyaradaas waxaa ka mid ah Shuceyb Axmed Xuseen oo 34 jir ah. wuxuu sheegay in maalin kasta uu ka lugeeyo xerada uu deggan yahay ee Saacid oo ku taalla degmada Dayniile, si uu kalluun uga soo dabto xeebta Geelaq ee degmada Xamarweyne.

Wuxuu xusay in shaqadan uu bishii ka helo dhaqaale u dhexeeya $100 illaa $150, kaas oo uu tilmaamay inuu wax ka badalay nolosha qoyskiisa, walaalihiis iyo waalidkiis oo kaligiis ku tiirsan.

“Ugu yaraan laba jeer maalintii ayaan wax cunaa, haddii aysan saddex jeer noqon. Markii hore nin baaga muundo ayaan ahaa, wax badan aan hayn oo oo marna wax hela, marna waaya.  Hadda xaaladdaydu way isbeddeshay. Labo qoys ayaan ka billaa shaqadan.”

Wuxuu ku shaqeystaa agab ka kooban fiilo afka hore bir qalloocan looga xiray oo uu ku gatay $28 oo uu ku caawiyay nin ay qaraabo yihiin.

Kama tago goobta, isagoo hadba kalluunka ugu dhaca dabinka u soo saara bannaanka, xarigga ayuu biyaha dib ugu celiyaa, si mid kale uu u jillaabto.

Waa howl uu ka doortay gaari gacan uu ku shaqeyn jiray, kaas oo sheegay in dhaqaalaha ka soo gali jiray oo aan ka badneyn $2 maalinkii uu ugu filnaan waayay in hal waqti ay dabka ku shitaan maalinkii.

Hadda ayuu xusay inay helaan cunto ku filan, waloow uu sheegay in shaqadu ay tahay mid dhib badan oo uu ka shaqeeyo aroortii illaa gabal dhaca.

Wuxuu intaas ku daray in xeebta oo ka fog uu labo saac u sii lugeeyo, intaas oo kalana ay ku qaadato soo noqoshadu.

Waxaa jira gaadiid u kala goosha oo lagu raaco $1, balse waxaa isaga ka hor taagan dhaqaale yari, maadaama lacagta soo gasha aysan u qeyb samin biilka iyo gaari raaca.

Noocyada kalluunka ee uu soo jillaabto ayuu u iib geeyaa suuqyada Muqdisho, iyadoo wixii u gadmi waaya uu sheegay in qoysku ay karsadaan.

“Badda mar wax badan ayaa laga helaa oo way fiican tahay. Marna xagaa ayaa jira oo dabeyl ayay leedahay, markaas wax fiican lagama helo. Intaan xagaaga aheyn waxaan ka helaa kalluun fiican oo nolol maalmeedka aan ku maareeyo.”

Shuceyb ayaa ah aabbaha saddex carruur ah oo sidoo kale dabara nolosha lix carruur ah oo la dhashay iyo labadiisa waalid.

Wuxuu tilmaamay in carruurtiisu aysan waxbarasho gaarin, balse uu walaashii bishii ka dhiibo $8 oo ay ku dhigato iskuul hoose. Xerada Saacid ee degmada Dayniile ayay soo degeen bishii June ee sannadkii 2024.

Waxay ka soo barakaceen miyiga gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya oo ay ku wajaheen colaad iyo abaar ay ku waayeen boqol neef oo ah geel, ari iyo lo’ ay noloshoodu ku tiirsaneyd.

Shuceyb ayaa xusay in hankiisu yahay sidii uu qoyska uga saari lahaa nolosha hubanti la’aanta ah. is bedelkaas ayuu doonayaa inuu ka dhalliyo kalluumeysiga oo yoolkiisu yahay inuu u helo qalab kor u qaada wax soo saarkiisa.

Xeebaha gobolka Banaadir ee Gubadley, Geeleq, Kaaraan iyo Jasiira oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayay inta badan ka kalluumeystaan dhallinyaradan.

Xuseen Maxamed Yuusuf oo ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xeebahan ay ku door bideen inay yihiin kuwo magaalada dhexdeeda ah oo aan fogeyn oo leh qarar kalluunku dugsodo.

Xuseen, waa 19 jir curad u ah qoys danyar ah oo ku nool degmada Gubadley ee magaalada Muqdisho.

Dhaqaalaha ka soo gala kalluumeysiga oo maalinkii ah $10 ayuu tilmaamay in soddon Doollar uu bishii iskaga bixiyo waxbarashada, inta kalana uu ku caawiyo qoyska.

Wuxuu sheegay in duruufaha nololeed ee qoysku wajahayay ay ku qasabtay in shaqadan uu billaabo, si uu u garab istaago aabbihiis oo ku shaqeeya bishii dhaqaale aan dabooli karin baahida reerka oo ah $170 oo ka soo gasha Hoteel uu waardiye ka yahay.

Xuseen ayaa ah arday habeenkii dhigta waxbarashada aan nidaamiga ahayn (Non-formal education), maadaama uu shaqeeyo maalinkii.

“Habeenkii waxaan bartaa English-ka. acagta aan maalintii shaqada ka helo, qayb ayaan private-ka is kaga bixiyaa, qaybna family-ga ayaan siiyaa. Familigayga waa danyar, sidaas darteed ayaan badda uga shaqa billaabay si aan u maareeyo nolosha.”

Shaqada kalluumeysiga ayuu billaabay bishii April ee sanadkii hore.

Waxaa ku dhiiri galiyay dhallinyaro saaxibadiis ah oo uga horeeyay, kuwaas oo ka caawiyay inuu barto habka loo kalluumeysto.

Wuxuu adeegsadaa shabaag yar oo uu badda ku tuurto. Ma yaqaan si loogu dabaasho biyaha uu maalin kasta qarka u fadhiyo ama uu gudaha u galo illaa xaddi aan liqi karin.

Wuxuu sheegay inuu aad uga baqo qatarta badda oo uusan aqoon xeelad looga badbaado.

“Mararka qaar hirka oo kacsan ayaan isku dayaa inaan kalluun kala soo baxo badda, anigana dabaal ma aqaan. Inaan badda isku tuuro waan ka cabsanayaa, kalluun bandanna wuu ii muuqdaa.

“Haddaan dabaal aqoon lahaa, waxaan ka mid ahaan lahaa kalluumeysatada waa weyn ee wax badan kala soo baxa badda.”

Xuseen ayaa xusay in dakhliga soo gala uu ka keydsaday dhaqaale gaaraya $70 oo ugu talo galay inuu ku dabaro culeysyada soo kordha, maadaama qoysku badan yahay oo uu ka kooban yahay 11 qof.

Wuxuu intaas ku daray in shaqadan ay tahay tii ugu horeysay oo uu ka shaqeeyo, uuna ka helay dhiiri galin, maaddama uu markii hore ahaa qof waalidkiis culeys ku ah oo aan is dabari karin, halka maanta uu yahay qof tiisa ku filan oo waalidkiis iyo walaalihiis caawinaya.

Dhallinyaradan ayaa tiro ahaan gaaraya in ka badan boqol qof, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Maxamed Cabdiweli Muuse oo ka tirsan iskaashato kalluunka ka ganacsada oo dhallinyaradan ka qaata waxay soo saaraan badda.

Wuxuu xusay in dhallinyaradan ay ka go’an tahay inay badalaan noloshooda, balse ay wajahayaan caqabado agab la’aan ah, taas oo ay u baahan yihiin in laga taageero si ay u kor dhiyaan wax soo saarkooda.

“Mudnaan ayaan siinaa dhallinyarada, sababtoo ah iyagoo aan laheyn xirfad badeed ayay ku dhiiradeen inay badda wax ka soo saartaan. Waxaan ka taxadarnaa inay la kulmaan suuq la’aan oo ay waayaan cid ka gadata kalluunka ay la soo baxaan.

“Waxaan ka iibsanaa kalluun kasta oo ay soo qabtaan. Halkii kiilo waxaan ka siinaa $1-$1.5, iyadoo ay ku xiran tahay nooca kalluunka iyo tayada.”

Dhallinyaro badan oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa wajahaya shaqo la’aan. Waa tiro yar inta heshay shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda ama ay iskaga bixiyaan waxbarashada.

The post Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
(ERGO) – Qorrax kulul, dhul ooman ah iyo biyo qaali ah oo dadku awoodi la’ yihiin. Waa sawirka nololeed ee maanta ka jira deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud, halkaas oo boqollaal qoys oo xoolo dhaqato ah la hal gamayaan biyo yari sii xoogeysatay.

Abaar daba dheeraatay, roob yari soo noqnoqotay iyo kayd biyo oo aan jirin ayaa saamayn ku yeeshay nolosha dadka iyo xoolaha ay dhaqdaan.

Deegaanada Balli-khayre, Balli-sonkor, Miirxaylay iyo Ballicad oo hoos taga degmada Cadaado waxay dhammaan lee yihiin biyo qabadyo dabiici ah, balse maanta xooluhu waxay u dhimanayaan harraad, dadka inta awoodana waxay gadanayaan biyo qaali ah oo laga soo dhaamiyo meelo fog.

Balliyadan looma sameyn kannaalo biyaha uga soo qaada meelo kala duwan, gunta hoose kuma leh firaash, sida bac iyo wax la mid ah oo ka hor taga in dhulku cabo biyaha.

Roob yaridu waxay keentay in biyo kooban ay galaan balliyada, kuwaasna ay dhaqso u dhammaadaan, dhulka oo nuugay darteed.

Xaaladan waxay ka dhigtay xoolo dhaqatada halkan ku nool in sanooyin dhowr ah ay wajahayaan biyo yari soo noqnoqotay oo sii darsata xilligga jiilaalka ama abaarta.

Xoolaha oo nacfi leh waxay dadka ka dhigi jireen kuwo iibsan kara biyaha, balse hadda dadku waxay iskugu jiraan kuwo baaruhu ceyrteeyeen iyo in dhaqda xoolo nafaqadoodu liidato, daaq iyo biyo ku filan oo aysan helin darteed.

Axmed Aadan Xasan oo ku nool deegaanka Balli-khayre ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoyskiisa oo ka kooban 11 ah ay awoodi la’ yihiin inay iibsadaan biyaha oo fuustadii la gadayo $6. Booyado ayaa ka soo dhaamiya deegaanka Miirjiiclay oo qiyaastii 30 km u jira.

Wuxuu   sheegay in maalintii oo dhan ay ku tiirsan yihiin 10 illaa 20 liitir oo ay ku caawiyaan deriskooda.

Wuxuu tilmaamay inay u isticmaalaan oo kaliya cabitaan iyo cunto karin, ayna meesha ka baxday dhardhaqid, qubeys iyo nadaafad kale.

“Deegaanka biyo yaridu waligeed way ka soo jirtay marba heer maraysay, hadda way usii daran tahay. Biyuhu aad bay u yaryihiin oo lama heloo oon ley aad u xun weeye. Markii hore xoolaha ayaan uga baxsan jirnay dhibaatada, laakiin abaarta ayaa baabi’isay nacfigii xoolaha, biyihiina helistooda way nagu sii adkaatay.”

Axmed ayaa xusay in markii hore biyaha dayn lagu siin jiray, uuna iska bixin jiray marka xooluhu nacfi yeeshaan, hasa yeeshee laga joojiyay bishii May, markii lagu yeeshay deyn dhan $300 oo uu awoodi waayay inuu bixiyo, maadaama xoolihii ay ku tiirsanaayeen ay noqdeen kuwo liita oo nacfigoodu yaraaday.

Culayska biyo yari ee haysta dartii dhowr jeer ayuu xusay inuu qaar ka mid ah eheladiisa waydiistay inay biyo u dhaamiyaan, balse uu ku hun goobay.

Saamayntu kuma eka oo keliya biyo yarida dadka ee waxay si toos ah u taabatay laf-dhabarta dhaqaalaha reer miyiga oo ah xoolaha.

Wuxuu intaas ku daray in afar mar uu biyo yari uga guuray deegaankiisa, balse dantu ku qasabtay inuu ku soo laabto markii uu waayay meel biyo iyo daaq leh oo uu ku nagaado.

“Biyo la’aantu xoolo badan ayay naga laysay. Aniga sanadkii tegay waxaa iga dhintay xoolo 100 ku dhow iyadoo daaq la’aan, cudurro iyo harraad ay isku biirsadeen.”

Wuxuu sheegay in hadda ay u joogaan 47 ari ah oo aan helin biyo ku filan, taasoo sababtay inay noqdaan kuwo la liita harraad awgiis.

Nolosha qoyskiisa ayuu sheegay inay is beddeshay, markii xoolaha oo ah isha kaliya dhaqaale ee uu ku tiirsanaa uu ka waayay cad, caano iyo wax iib gala.

Hadda ayuu tilmaamay inaysan helin cunto ku filan, sida kaliya ee ay ku helaan hal waqti oo cunto ahna ay tahay kaalmo yar oo uga timaada qaraabo ku nool deegaanka Dhuumoodle oo raashiinkooda qeyb ka siiya.

“Nolosha baadiyaha maanta aad bay u liidataa. Biyo ma jiraan, daaq ma jirto, dadka naftoodu halis ayay ku jirtaa. Xoolihii aan ku tiirsanayn way dabar go’ayaan.”

Amed ayaa xusay in nolosha miyigu aad isku badashay tobankii sano ee ugu dambeeyay. Biyaha iyo daaqa oo si caadi ah ay u heli jireen ayuu sheegay in sanooyinkan ay gabaabsi noqdeen.

Wuxuu intaas ku daray inay deggan yihiin dhul si dabiici ah ugu sameysan biyo qabatinka, balse aan laga faa’ideysan, maddama reer guuraagu wali ku dhaqmayaan habka soo jireenka ah ee ah in lagu tiirsanaado roobka iyo naqa ka dhasha oo kaliya.

Axmed wuxuu aaminsan yahay in dhibaatada aan laga bixi karin haddii aan la helin qorshe lagu keydiyo biyaha qulqula ee aan laga faa’ideysan iyo in calaf la beerto, si dadka iyo duunyaduba uga faa’iidaystaan xilliyada jiilaalka iyo abaarta.

Waa qorshe wax ka badali kara nolosha reer miyiga, balse dadku uma diyaarsana aqoon ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Xilligii ay xooluhu iib la haayeen, dadkuna heli kareen dhaqaale ay wax ku qabsan karaan ayuu sheegay inaysan aaminsaneyn in nolosha dabiiciga ah ay sidan u adkaan duunto, hadda oo ay ku baarugeenna aysan hayn dhaqaale ay wax ku qabsan karaan.

Cabdiwaaxid Cabdullaahi Xuseen oo deggan deegaanka Balli-sonkor ayaa sheegay in biyo yaridu noqotay caqabad ku soo noqnoqatay oo aan wali loo helin xal waara.

Wuxuu tilmaamay in balli ku yaalla tuulada uu roobkii guga biyo dhigay, balse labo toddobaad ka dib uu qallalay, maadaama aysan galin biyo badan.

Tan iyo bishii April ayuu sheegay inay ku sugan yihiin xaalad biyo yari ah. xilliggu waa jiilaal aysan adkeysan karin xooluhu. Biyo yarida darteed ayuu sheegay in harraad ay uga dhinteen 23 neef.

Biyo booyadda 30 fuusto ah la gadayo $125 ayuu sheegay in marka uu helo uu deyn ku soo qaato, markuu waayana ay harraad ku joogaan xoolaha hadda u haray oo ah 27 neef.

“Roobkii deegaanka ka da’ay aad buu u yaraa. Balliyadii biyaha uruurin jiray maalmo yar kaddib ayay engegeen. Ugu badnaan laba toddobaad ayay biyuhu ku jiri karaan haddii ay xitaa buuxsamaan, markastana sidaas ayay u qallalaan.”

Cabdiwaaxid oo ah aabbaha 6 carruur ah ayaa xusay in laga joojiyay bishii May biyo uu dayn ku shuban jirey, markii lagu yeeshay lacag $200.

Xaaladan ayaa xoolaha ka dhigtay kuwo la baxnaaniyo oo aan hadda laheyn wax la iibin karo, tabar yari awgeed.

Qoyska ayuu sheegay inuu ku tiirsan yahay deyn iyo kaalmo ay weydiistaan qaraabo ku nool magaalooyinka.

“Neef inuu kuu gadmo oo suuqa aad geysato caqabad weyn ayay noqotay oo suurta gal maaha inta badan, qoyskuna xoolahaas ayuu ku tiirsanaa, tabar kalana lama hayo. Gargaar dhinaca biyaha ah in nala soo gaarsiiyo muhiim ayay u tahay nolosheenna.”

Deegaannadan oo aan lahayn ceel biyoodyo, marka abaartu dheeraato, qoysasku ma awoodaan kharashka biyaha ay booyaduhu soo dhaamiyaan.

Barkadaha iyo balliyada oo ay ku tiirsanaayeen ayaa noqday kuwo inta badan maran, roob yari soo noqnoqotay awgeed, iyadoo kuwa gala ay dhaqso u dhammaadaan, maddama asaaska aan la dhigin bac ama shamiito ka hor taga in dhulku cabo biyaha.

Cabdiqadar Maxamed Ibraahim oo bartay cilmiga deegaanka ayaa sheegay in dhibaatada biyo yarida iyo kayd la’aantu ay tahay mid soo jireen ah, balse ay sii xumaatay sababo la xiriira roob yaraanta sanooyinka joogtada noqotay.

Wuxuu tusaale u soo qaatay balliyada deegaanada aan soo xusay oo uu sheegay inay qaadi karaan xaddi biyo oo ka badan toban kun oo mitir kuubig.

Waa biyo uu xusay in ugu yaraan sannad ay ku filnaan karaan kummanaan qoys. wuxuu tilmaamay in natiijadaas oo la gaaro ay ka horeyso in billiyadan ay helaan dayac tir iyo nidaamin ay ku bixi karto ugu yaraan boqol kun oo Doollar.

Kannaalo biyaha soo galiya oo aan loo sameyn iyo aasaaska oo aan la dhigin agab biyaha celiya ayuu sheegay inay ka dhigtay mid inta badan qallalan jiilaalka, xilliga roobkana ay galaan biyo kooban oo aan gaarin sagaashan casho.

“Waxaa muhiim ah in la dhiso biyo-xireenno yaryar iyo haamo waaweyn oo lagu kaydiyo biyaha intaas oo dhan xal ayay u noqon karaan dadka reer miyiga ah.”

Maarayn la’aanta biyaha oo ay weheliso roob yaraanta sii kordhaysa ayaa maanta noqotay caqabadda ugu weyn ee hortaagan xoolo-dhaqatada, taas oo ay lagama maar maan ay tahay inay u helaan qorshe xal waara ah u noqon kara.

The post Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
(ERGO) – Ku dhawaad 80 dhallinyaro oo ku nool magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa fursad shaqo abuur oo guulaystay ka helay ka ganacsiga malabka shinnida oo ay billaabeen lixdii bil ee la soo dhaafay.

Abuukar Dhayib Nuux oo ah curadka qoys sideed qof ka kooban wuxuu subaxdii ilaa gabbal-dhicii lug ku soo maraa xaafadaha magaalada isaga oo gacmaha ku wata caagado uu ka buuxdo malab leh cabbiro kala duwan.

Wuxuu shaqadan qabtaa xilli ay dad ka harsanayaan fallaaraha caddeeda. Wuxuu albaabada u garaacaa guryaha isaga oo raadinaya cid ka gadata.

Waxaa u dheer inuu tago goobaha ganacsiyada iyo barkulannada bulshada. Shaqadan ayaa u suuragelisay isku filnaan.

Ninkan ayaa tilmaamay in hawshan ay u noqotay il dhaqaale oo isaga iyo qoyskiisa ay kaga baxeen nolol xumo ay la halgamayeen. Wuxuu xusay inuu awood u yeeshay maaraynta baahiyaha aasaasiga ah.

“Shaqadan waxay iga fududeysay culeysyo badan; kirada guriga inaan iska bixiyo, layrka inaan bixiyo, daawada aabbahay oo xanuunsan inaan iibsado, iyo walaalahay oo aabbahay iskuulka ka bixin jiray inaan hadda anigu ka bixiyo, iyagoo dhigta dugsi dhexe.”

Ninkan ayaa sheegay inay shaqadan ka caawisay saddex walaalihii ah bishii  juun inuu ka diiwaan galiyay iskuulka  Alnuur,  isaga bille uga bixiya  $18 wadartooda.

Abuukar ayaa Radio Ergo u sheegay in shaqadan uu billaabay bishii Febraayo ee sanadkan, markii uu aabbihii  oo reerka u xoogsi tagi jiray uu la dhul-dhacay  cudurka qallalalka oo uu ku sheegay dhakhtar loo geeyay.

Wuxuu tilmaamay inay muteen nolol adag markii uu sariir-yaal noqday maaddaama uu ahaa qofka keliya reerka u dhaqdhaqaaqa. Wuxuu isku hawlay sidii uu masuuliyadda walaalihii iyo hooyadii ula wareegi lahaa.

Ninkan ayaa intaas ku daray inuu ka ganacsiga malabka ku dhiirraday markii uu helay $150 oo dayn ah. Wuxuu xusay inuu maanta yeeshay macaamiil badan, isaga oo ku qiimeeyay ganacsigiisa hanti u dhiganta $1,400.

Abuukar ayaa shaqadan maalin kasta ka hela dakhli gaaraya $10. Wuxuu tilmaamay in dhaqaalaha soo gala marka laga tago biilka inuu u suuragalisay inuu dib u galo jaamacadda uu qarashkeeda horey u bixin waayay. Hadda wuxuu dhigtaa simistarka 3aad.

“Shaqadan ka hor culeysyo badan ayaa i haystay. Jaamacad ayaan dhiganayay, laakiin markii aabbahay xanuunsaday lacagtii waxbarashada waa la waayay, waxaana joojiyay semesterkii labaad.”

“Hadda markii ay shaqadu ii hagaagtay dib ayaan ugu laabtay waxbarashadii jaamacadda. Alxamdulillaah, shaqadan wax badan ayay ka beddeshay nolosheennii hore.”

Ninkan ayaa xusay in halkii litir ee malabka ah uu ku iibiyo $16, balse dadka uu uga iibiyo hab shub-shub ah, iyadoo qof kasta laga iibiyo inta uu awoodo.

Abuukar ayaa tilmaamay in malabka uu iibiyo uu uga yimaado deegaanno hoostaga magaalada Marka, halkaas oo shinida lagu dhaqdo. Wuxuu xusay in qorshihiisa xiga uu yahay inuu sameysto goob lagu xanaaneeyo shinida.

“Waxaan ku hamiyayaa inaan noqdo ganacsade weyn. Hadda waxaan ahay ganacsade yar, balse waxaan jeclahay inaan sameysto xero lagu dhaqdo shinida oo aan kamid noqdo dadka soo saara malabka hamigaas ayaan leeyahay.”

Qoyska Abuukar oo weligood ka soo mid ahaa danyarta magaalada ayay shaqadan u noqotay mid u furmay bog cusub oo nololeed. Ninkan ayaa sheegay inuu ku hamminayo inuu qoyskiisa iyo naftiisa uu horumar ka gaarsiiyo ganacsigan.

Dadka faa’iidada dhaqaale ka sameeya ka ganacsiga malabka waxaa ka mid ah Liibaan Haashim Nuune. Wuxuu sheegay in shaqadan ay u suuragelisay qoyskiisa oo ka kooban toddobo qof inay helaan cunno saddex waqti ah.

Liibaan ayaa tilmaamay in shaqadan ay u fududeysay shan walaalihii ah inay helaan waxbarasho, isagoo bishii ka bixiya isku darkooda $25.

Wuxuu xusay in ganacsiga malabka uu ku bilaabay $100 oo uu soo amaahday, isla markaana maanta uu ka sameeyo dakhli wanaagsan. Wuxuu iska guday deyntii uu ku bilaabay. Wuxuu ku qiimeeyay ganacsigiisa maanta qiimo dhan $1,650.

Ninkan ayaa xusay inuu ganacsigan soo waday tan iyo bishii April ee sanadkan, xilligaas oo uu la wareegay mas’uuliyadda qoyskiisa, markii walaalkiis oo curadka reerka ahaa uu tahriib u baxay, kaas oo uu tilmaamay inaan ilaa hadda meelna lagu ogeyn.

“Aabbe hadda ma joogo, wuu naga dhintay. Wiil aniga iga weyn ayaa xaafadda hayay, isagana wuu tahriibay. Shan carruur ah iyo hooyadood ayaa xaafadda jooga. Aniga ayaa hadda walaalkood weyn ah, Ilaah ka sokow aniga ayaa wax la iga sugaa.”

Liibaan ayaa sheegay in  maalintii ugu horreysay ee uu faa’iido ka helay ganacsigiisa uu dareemay farxad aad u weyn iyo kalsooni ah inuu keligii meell iska soo saari karo, taas oo ku dhiirrigelisay inuu sii wado.

Wuxuu sheegay in ka hor inta uusan bilaabin shaqadan uu talo iyo xog ka uruuriyay dhalinyaro hore uga shaqeynaysay, kuwaas oo u tilmaamay in laga heli karo dhaqaale daboola nolol maalmeedka.

Liibaan ayaa sheegay in malabka uu ka keeno deegaanka Siinaay ee duleedka magaalada Marka u jira qiyaastii 18 km.

Wuxuu xusay in markii hore qoyskoodu ay ku noolaayeen guri burbursan oo hal qol ka koobnaa kaasi oo ay si ku meel gaar ah u deganaayeen, balse maanta ay deggan yihiin guri kiro ah oo laba qol ka kooban, oo uu bishii ka dhiibo $30.

Ninkan ayaa sheegay in ganacsiga malabka uu leeyahay caqabado, gaar ahaan macaamiisha qaarkood oo mararka qaar deyn ku qaata, kuwaas oo uu xusay inay ku dhibaan lacag, taas oo shaqadiisa sii socoshadeeda dhib ku ah, maaddaama uu isku celceliyo faa’iidada iyo lafaha.

Liibaan wuxuu fariin u diray dhallinyarada ay shaqo la’aantu hayso, isagoo ku boorriyay inaysan liidin shaqooyinka yaryar, maaddaama ay noqon karaan jidka lagu gaaro horumar dhaqaale.

“Dhalinyarada waxaan leeyahay shaqooyinka yaryar yaanay yasin ee ha galaan, maxaa yeelay shaqooyinka yaryar hadhow way koraan. Qofka maanta ganacsigiisu yar yahay berri wuxuu noqon karaa ganacsade meel fog gaaray.”

Qoyska liibaan shaqadan uu maanta ku jiro waxay u noqotay wado ay kaga baxeen nolol xumo heysatay sannado badan, wuxuu tilmaamay in ganacsigan wareejinta ah uu qorsheynayo inuu ka guuro isla markaana uu iibsado xarun loogu soo hagaago  oo magaalada dhexdeeda ah.

Dhanka kale, Maxamed Xuseen Maxamed oo ah guddoomiyaha guddi ay ku mideysanyihiin dadka ka ganacsada malabka ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay sii kordhayaan tirada da’yarta  shaqo  abuurka ka sameysanaya ganacsigan ee degmada ku nool.

Wuxuu xusay in malabka caqabadaha la soo gudboonaada ay ugu weyntahay xilliga uu suuqa ka yaraado taas oo ay ugu wacan tahay xilli roobaadka marka la gaaro oo ay adkaato in la helo noocyada la jecel yahay ee laga keeno miyiga fog.

“Malabka cad badanaa wuxuu nooga yimaadaa Tiyeeglow, Beydhaba, Bay iyo Bakool dhulkaas ayuu nooga yimaadaa. Malabka gaduudka isna waxaa laga helaa Sh.Hoose iyo Hiiraan, maaddaama dhulkii fogyahay waddooyinkiina  raf yihiin caqabadaas ku qabnaa.”

Shaqooyinka yaryar ee ay samaynstaan dhallinyarada ayaa qeyb ka qaadan kara bilidda hab nololkooda iyo kan qoysaskooda balse waxay u baahan yihiin taageero dhaqaale iyo in lagu kabo talooyin iyo aqoon kor u qaada kartidooda ganacsiga.

The post Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo
(ERGO) – Biyo yari, cunno xumo, hoy la’aan ayay wajahayaan in ka badan kun qoys oo horraantii bishiii July laga barakiciyay xeryaha Habeelle ee duleedka magaalada Garoowe oo ay deganaayeen.

Arrintaas ayaa qabsatay, markii dadkii lahaa dhulka ay deganaayeen ay ku amreen in ay guuraan. Waxay faro marnaan ku tageen dhul bannaan oo aan lahayn dhamaan adeegyada aas-aasiga.

Muctaad Ibraahim Xasan oo ka mid ah waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in qoyskeeda oo 11 qof ka kooban ay ku sugan yihiin nolol xumo dhinac walbo leh.

Waxay ku tiirsan yihiin dayn aan joogta ahayn oo ay ka hesho qaar ka mid ah ganacsatadii yar yara ee xerada oo mehradahoodi ka billawday deegaanka cusub oo ay u soo barakaceen.

Waxay tilmaamtay in qatooyo mutaan marka ay ka waayaan.

“Xalay ayaa ugu danbaysay carruurtayda inaan dhabka u shido. Hadda oo ay saacado tahay 11-ka galabnimo ayaan markaan ohinta carruurta ka joogi waayay nus kilo digir dayn ah u soo qaaday. Ma shaqeeyo, magaaladii aan ka shaqaysan jirnay waa ka soo foganay. Wax kale oo aan meel ka helno ma jirta. Xogayga wixii aan ku soo helo ayaan markii hore dabka ku shidan jirnay.”

Muctaad ayaa sheegtay in ay horay nolosha qoyska oo kaligeed ku tiirsan, maaddaama carruurteeda agoon yihiin ay ku maarayn jirtay shaqooyin dhar dhaqis iyo qashin qaadis aan joogta ahayn oo ay maalinkii ka heli jirtay $4, balse ay hadda meesha ka baxeen.

Waxaa sababay deeganka ay imaadeen oo qiyaastii 8 km u jira magaalada Garoowe iyo in haysan $0.5 oo qofkiiba uu ku raaco gawaarida dadka qaada.

Arrintan oo horseeday in qoyskeeda uu dabka ka damo ayay sheegtay in walwal ku beertay hayeeshe aysan xal u hayn, faro marnaanta haysa awgeed.

Qoyskeeda badan darteed waxay tilmaamtay in aysan horray wax kayd ah samaysan oo wixii dhaqaale ah oo ay heshay ay ku dabari jirtay baahiyaha qoyska.

Xaaladdan ayaa sababtay in ay reerka ku soo rarto $20 oo ah oo ku caawiyay ganacsade ay u dan sheegatay.

Haweenaydaan ayaa tilmaamtay in labo toddobaad la siiyay si ay u baneeyaan dhulka xerada, taas oo keentay in aysan helin fursad ay ku tabaabushaystaan.

“Dadkii dhulka laha ayaa naga soo kiciyay. Noo baneeya dhulkeena waa u bahanahay ayay dhaheen. Waa u sheegnay inaan waxbo haysan lakiin ma dhagaysan cabashadeena. Dhibaatooyin badan ayaa nagu haysta meesha aan nimid hadda. Cunto, biyo iyo suul toona ma haysano.”

Muctaad ayaa tilmaamtay in cunno xumada ay u dheer tahay biyo yari. Waxay ku tiirsan yihiin jirgaan ay hadbo qoys ka soo baryaan dadka awooda in ay iibsadaan.

Waxay tilmaamtay in aysan hayn $0.4 oo jirgaankii biyaha macaan ay iibiso barkaad gaar loo leeyahay.

Dhanka kale waxaa haysa hoy la’aan. Waxay xustay in ay soo rarteen jingadihi iyo alwaxyadii qol ay ku lahayeen xerada Shabeelle oo ay daganayeen ku dhawaad 18 sano, hasa ahaate ay la’adahay wax ay ku dhisteen.

Carruurteeda ayay sheegtay in ay la hoydaan habeenkii dadka dariska la ah ee awooday in ay guriyaha dhistaan iyadana ay banaanka dhigato sijaayaad, maalinkiina ay harsadaan geedo aan har fiican lahayn.

Hoy la’aanta darteed waxay sheegtay in ay u nugul yihiin qabowga habeenkii iyo qoraxda maalintii.

Xaaladdan darteed haweeynadan ayaa xustay in ay waxbarasho la’aan ka noqdeen afar carruur ah oo waxbarasho bilaash ka heli jiray iskuul xerada ku yaallay oo ay taageeraysay wasaarada waxbarashada

Puntland. Waxay sheegtay in meesha ay yimaadeen aysan lahayn wax iskuullo ah, aysanna awoodin in ay ku darto dugsiyada magaalada.

Carruurteeda oo dhiganayay fasallada labaad, saddexaad iyo shanaad ee dugsiga hoose dhexe ayay ka cabsi qabta in ay halkaas waxbarashada kaga haraan.

Dhanka kale waxay xustay in ku dhawaad labo toddobaad oo ay xaaladdan wajahayaan lagu yeeshay $25 oo dayn ah, maaddaama aysan awoodin in ay guddo waxay ka cabsi qabta in daymo cusub loo diido.

Marka laga soo tago qoysas kooban oo ganacsiyadoodi iyo guriyahoodi dib uga dhistay deegaanka cusub, kuwaas oo ehelladooda ay caawiyeen inta badan reeraha la barakiciyay ayaa ka siman nolol xumada.

Waxay si kadis ah ku waayeen adeegyo bilaash ah iyo shaqooyin ay ku maarayn jireen nolosha oo ay ku haysteen xerada Shabeelle.

Cabdiraxmaan Xasan Muudeey oo ah aabbaha qoys ka kooban 12 qof ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay ku sugan yihiin nolol xumo liidato.

Ninkaan oo dhismaha guriyaha ka shaqayn jiray ayaa xusay in tan iyo bilawgii sanadkaan uusan wax shaqo ah qaban.

Waxaa sababay xanuun ku soo booday oo uu sheegay in dhaqatirtu u sheegeen in uu nerfo yahay, kaas oo sababay in uu gacan iyo lug naafo ka noqdo.

Tan iyo xilligaas wuxuu tilmaamay in ay dabka ku shidan jireen $3 oo ay xaaskiisa ka soo heli jirtay shaqooyin dhar dhaqis ah, taas oo Iyana meesha ka baxday tan iyo bartamihii bishii hore.

Waxay hadda ku tiirsan yihiin kaalmo ay xaaskiisa ka soo hesho xaafadaha nolol dhaama oo ay hadbo qoys u dan sheegato, taas oo aan joogta ahayn kuna filnayn qoyskiisa badan.

“10 cunug nin aabbahood ah oo ay wax ka sugayaan ee isagana cuuryaan ah baahida iyo dhibka haysta waa dareemi karta. Nolol maalmeedka ma haysano. Anigii ilmaha u shaqeynayay waa fadhistay oo curyaan ayaan noqday. Wixii aan helno ayaan qado ama casho ka dhigana. Halkaas mar ayaan dabka shidana.”

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in cunno xumada ay u dheer tahay hoy la’aan. Buushah ay ku lahaayeen xerada Shabeelle ayay iskaga soo tageen, markii ay waayeen wax ay ku rartaan.

Wuxuu tilmaamay in ay wada gabaadsadan buush ay ka dhisteen callalo dhamaad ah iyo ullo la isku geeyay, kaas oo aan wada qaadin reerkiisa badan, hasa ahaate ay dantu dhaafin wayday.

Ninkaan ayaa sheegay in uu meesha ka baxay MCH wasaarada caafimaadka ay tageeri jirtay oo xerada ku yallay, kaas oo ay carruurtiisa iyo xaaskiisa ka heli jireen dhamaan adeegyada caafimaad.

Wuxuu walac ka muujiyay inuusan dhaqaale u hayn adeegyadaas hadda ayna isaga dib ugu soo noqdeen.

Waxaa Cabdiraxmaan barakaca uga waxbarasho beelay 7 carruur ah oo iskuul hoose, dhexe iyo dugsi Qur’aan bilaash ah u haystay.

“Dugsi Qur’aan iyo iskuul labaduba waa ii dhigan jireen carruurta. Hadda sidaan xaaladdan u galnay wax ay dhigtaan malahan guri-joog ayay noqdeen. Meesha aan nimid dugsi Qur’aan iyo iskuul midna maleh. Aad ayay muhiim iigu leedahay in ay waxbarasho ii helaan.”

Qoyska Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaad 20 sano ku nool xerada Shabeelle ee lagu amray in ay ka guuraan hadda. Wuxuu sheegay in muddadaas ay si bilaash ah ku dagnayeen dhulka oo ay dad gaar ah lahaayeen.

Dhanka kale Cabdi Macallin Saabiir oo ah guddoomiyaha xeradii laga soo raray dadkaan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay xaalad liidato ku wajahayan meesha ay tageen.

Wuxuu xusay in ay u badan yihiin carruur, haween, naafo iyo dad wayeel ah oo aan xamali karin xaaladda la soo gudboonatay.

“Dadkan waa soo barakaceen. Dhulkii ay deganaayeen dad baa iska lahaa. Qarkood waxay ku nool yihiin alwaxyo la dhisay lakiin kor ka banaan. Dadka qaar habeenkii banaannada ayay seexday. Koronto la’aan iyo mugdi ayaa jira.”

Xarumo cafimaad malahan meesha. Magaalada ayay dadka ka shaqaynsan jireen oo u dhawayd markii hore. hadda waa naga fog tahay nagaalada waana adag tahay in ay gaaran dadka.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka la barakiciyay ay gaarayaan 1,042 qoys. Wuxuu xusay in xaaladda dadkaan ay la wadaageen maamulka magaalada Garoowe iyo hay’addaha samafalka, hasa haate aysan wax jawaab ah ka helin.

The post Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda
(ERGO) – Asma Ismaaciil Axmed oo 23 jir ah waxay galab kasta tagtaa xaafado ka tirsan Hargeysa, halkaas oo ay wax ku barto carruurta iyo waalidiinta aan fursadda u helin waxbarashada iskuullada.

Dadka ay waxbarto waxay u badanaayeen kuwa horay ugu baraarugsanayn muhiimadda waxbarashada iyo qaar aan awoodin in carruurtooda oo dhan ay iskuullada geeyaan, duruuf dhaqaale xumo awgeed.

Howshan oo ay billowday bishii May ee sanadkan ayaa u noqotay il-dhaqaale, waxaana qoys kasta ay ka heshaa bishii lacag u dhaxaysa $5-$10. Dadka aan awoodin ayay xustay in aysan ku xujayn qiimo go’an.

Waxay ka tirsan tahay koox macalimiin ah oo 8 ka kooban, kuwaas oo ku wareega xaafadaha magaalada. Ka hor waxbaridda waxay dadka ku wacyigaliyaan faa’iidada aqoontu leedahay iyo cilladda jaahilnimada.

Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in aysan ahayn faa’iido doon oo kaliya, balse qoonta ay gaarsiinayso dadka ay u aragto xuquuq ay tahay in qofkasta uu helo.

“Marka hore waxaan waalidka u sheegnaa waxa aan dadka u dhigayno iyo casharada aan caruurta ka caawinayno. Sidoo kale waxaanu isku daynaa inaanu tusno waxyaabaha aan u dhigayno, kadib waxaan qaadanaa muddo gaaban si ay u arkaan isbeddelka iyo horumarka ilmuhu samaynaayaan.”

“Haddii uu qoyskaas ku qanco saan wax u dhigayno, kaddib qoysaskaas waxay naga caawiyaan sidii ay noogu soo xiri lahaayeen qoysas kale.”

Waxay tilmaamtay in aragtida waxbaridda dadka iyo jaceylka ay u qabto macallinimada in ay soo billaabatay xilligii ay ku jirtay dugsiga dhexe, isla markaana ay ka dhabaysay riyadii ay lahayd.

Dhinaca kale xirfaddan waxay u noqotay fursad shaqo. Bishii waxaa ka soo gasha lacag u dhaxaysa $150 ilaa $200. Qoyskeeda oo 6 ah ayay ku maaraysaa noloshooda, kuwaas oo ka baxay xaalad nolol xumo.

Waxay noqotay qof kaliya ee u dhaqdhaqaaqa nolol-maalmeedka qoyska, markii aabbeheed oo shaqadiisu ahayd rinjiyeenta guryaha ay ka maarantay shirkad uu u shaqeeyanay bishii Febraayo.

Billo adag oo qoyskeeda cunno xumo ay wajaheen kaddib, waxay gashay saddex bil ka hor booskiisa iyadoo dabooshay baahidooda cunno iyo tan waxbarasho ee walaalaheed oo iyadu ay curad u tahay.

“Baahida dhaqaale ayaa ahayd midda ugu wayn ee nagu riixaysay in aan tallaabadan qaado, isla markaana waxaan ogayn in adeeggan uu bulshada faa’iido u leeyahay, sababtoo ah qoysas badan ma awoodaan in carruurtooda geeyaan dugsiyada qaaliga ah, sidaas darteed waxaan howl u qabanaa nafteena iyo bulshadeena.”

Ku dhawaad 200 oo macalin oo koox koox u abaabulan ayaa nidaamkan waxbarasho uu u noqday fursad shaqo, kuwaas oo labadii sano ee u danbeeyay ka baxay dugsiga sare sida ay sheegeen guddi ay leeyihin.

Dadka ku xirmaya waxbarashada guryahooda loogu gaynayo ayaa sii kordhaya sida ay xustay Asma, taas oo ku timid wacyigalinta ay ku dhinac wadaan waxbaridda kooxda Asma iyagoo albaab walba garaaca.

“Waxaan isku daynaa inaan qofka kula dhaqano heerka aqooneed ama ku habboon yahay. Ilmo yar haddii uu yahay waxaan wax ugu dhignaa si fudud oo xiiso leh, waxaana ku dhiirigelinaa hadal wanaagsan iyo amaan.”

“Dadka waawayna waxaanu tusnaa inaanay waxbarashadu ahayn da’, isla markaana ay tahay waxay nolol maalmeedkooda ku dabari karaan, qoyskastana wuxuu helaa waqti ku filan si uu u helo tayo waxbarasho oo fiican.”

Waxay beegsadaan xaafadaha ku yaalla hareeraha Hargaysa iyo kuwa isku raranta ah ee ay iskuulladu ku yaryihiin, halkaas oo ay kula kulmaan carruur aan waxba baran iyo waalidiin aan waligood iskuul tagin.

Qoysaska hayntooda dhaqaale ay yartahay ayay qiimo jaban ku siiyaan duruusta. Qoys walba oo ay gurigooda wax ku baraan waxaa wax u barta ugu yaraan saddex qof oo iskugu jira carruur iyo waalid.

Waalidiinta nidaamkan waxbarasho la jaan-qaaday waxaa ka mid ah Malyuun Cumar Xuseen. Toddobo carruur ah oo kan u yar uu jiro shan sano ayaa duruusta ku qaata qayb ka mid ah gurideeda.

Waxay sheegtay in ay u soo gaday sabuuray iyo agab kale oo waxbarashada ay ku qaataan, isla markaana bishii oo dhan ay ku bixiso $5, taas afar jibbaar ka yar lacagtii uga bixi lahayd iskuulka.

“Ciyaalkaygu arday weeye. Muddo labo bilood ah waxbarasho ayay ku jiraan. Ardayda secondariyada ka soo baxay ayaa noo yimaada. Wax yar oo jaban bay naga qaadaan, kaddibna carruurta ayay waxbaraan. Waan ku faa’iidnay, ciyaalkana si fiican bay wax u fahamsiiyaan.”

Dhallinyarada macalimiinta ah ayay xustay in ay ku qanciyeen waxbarashada carruurtooda xilli ay iska illowday in ay waxbartaan, maaddama lacagta ay iskuulka ku dhigan karaan qofkiiba ay tahay $6.

Qoyskeeda waxaa nolol-maalmeedka u soo dhciya saygeeda oo shaqadiisu aysan joogto ahayn. Intaas waxay ku dartay in ay qaataan maaddooyin, far-soomaaliga, xisaabta, tarabiyaha iyo qaar kale.

Waxay sheegtay in ay gashay yididiilo ay wax ku barato, markii ay aragtay sida carruurteeda wax loo barayo. Waxay qorshaynaysaa in ay ka mid noqoto waalidiinta qaybta ka ah waxbarashadan.

Toddobaadkii shan maalin oo ka mid ah ayay tilmaamtay in ay waxbarashada qaataan carruurteeda iyadoo maalintii labo macalin ay isku bedelaan galinka hore iyo kan danbe.

Dhallinyarada ku fooggan waxbarashada waalidiinta iyo carruurta loogu geeyay guryahooda waxaa ka mid ah Nuura Cali Axmed oo 22 jir. Waxay dhamaysay dugsiga sare ee Sheekh Cali Ibraahim sanadkan.

Waxay galinka hore iyo kan danbe tagtaa in ka badan 40 guri, halkaas oo carruur iyo dad waawaynay wax ku barto. Waxay sheegtay howsha ay hayso ah mid adag ay ka hesho dhaqaale ku filan qoyskeeda.

Lacag u dhaxaysa $200-300 ayay ka heshaa xirfaddan macalinnimo. Waxay u qaybisaa masruufka qoyska sida cuntada, korontada iyo biyaha, halka inta u soo harta ay dhigaalsato si ay u hesho tacliin sare.

“Qorshahaygu waa inaan jaamacad ku biro marka aan helo dhaqaale igu filan. Waxaan doonayaa inaan waxbarashadayda hore u sii wato, laakiin ma doonayo inaan joojiyo shaqadan. Haddii ay macmiishu igu badatona waxaan jeclaan lahaa inaan dhallinyaro kale ku soo daro, si ay iyaguna uga helaan shaqo.”

Waxay sheegtay Nuura in dhiiraan badan ay ka heshay barnaamijkan waxbarasho, kaas oo illowsiiyay caqabadah shaqo la’aan ee dalka ka jira iyo fikirka tahriibka oo dhallinyarada ay ku lug-go’een.

Waxay soo jeedisay in fursadaha shaqo ay ka billowdaan in qofku doonaya uu sameeyay howl-karnimo iyo adeeg bulsho, kuwaas oo waxtari kara isaga iyo bulshada uu ku dhex nool yahay.

“Waxaan kula talin lahaa inaanay shaqo rasmiya oo kaliya sugin. Qof kasta wuxuu leeyahay aqoon ama xirfad uu bulsha uga faa’iideyn karo. Haddii aad wax baratay dadka wax bar. Anigu shaqadan waxaan ka soo bilaabay aqoon yar oo aan haystay, laakiin maanta waxay iga caawinaysaa nolosha qoyskayga iyo qorshahayga waxbarasho.”

Nuura oo shaqadan ku dhiirtay bishii Abriil ee sanadkan waxay sheegtay in billowgiiba ay la kowsatay caqabad ka timid waalidiinta oo ku kalsoonaan waayay, balse wacyigalin joogta kaddib, ay ku qanceen.

Kumanaan dhallinyaro ah ayaa sanad walba ka qalin jabiya dugsiyada sare, kuwaas oo u qabysma qaar tahriiba, kuwa shaqo la’aan darteed guri-joog noqda iyo in kale oo curintooda hal-buur ku hela shaqo.

The post Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.