Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda
(ERGO) – Asma Ismaaciil Axmed oo 23 jir ah waxay galab kasta tagtaa xaafado ka tirsan Hargeysa, halkaas oo ay wax ku barto carruurta iyo waalidiinta aan fursadda u helin waxbarashada iskuullada.

Dadka ay waxbarto waxay u badanaayeen kuwa horay ugu baraarugsanayn muhiimadda waxbarashada iyo qaar aan awoodin in carruurtooda oo dhan ay iskuullada geeyaan, duruuf dhaqaale xumo awgeed.

Howshan oo ay billowday bishii May ee sanadkan ayaa u noqotay il-dhaqaale, waxaana qoys kasta ay ka heshaa bishii lacag u dhaxaysa $5-$10. Dadka aan awoodin ayay xustay in aysan ku xujayn qiimo go’an.

Waxay ka tirsan tahay koox macalimiin ah oo 8 ka kooban, kuwaas oo ku wareega xaafadaha magaalada. Ka hor waxbaridda waxay dadka ku wacyigaliyaan faa’iidada aqoontu leedahay iyo cilladda jaahilnimada.

Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in aysan ahayn faa’iido doon oo kaliya, balse qoonta ay gaarsiinayso dadka ay u aragto xuquuq ay tahay in qofkasta uu helo.

“Marka hore waxaan waalidka u sheegnaa waxa aan dadka u dhigayno iyo casharada aan caruurta ka caawinayno. Sidoo kale waxaanu isku daynaa inaanu tusno waxyaabaha aan u dhigayno, kadib waxaan qaadanaa muddo gaaban si ay u arkaan isbeddelka iyo horumarka ilmuhu samaynaayaan.”

“Haddii uu qoyskaas ku qanco saan wax u dhigayno, kaddib qoysaskaas waxay naga caawiyaan sidii ay noogu soo xiri lahaayeen qoysas kale.”

Waxay tilmaamtay in aragtida waxbaridda dadka iyo jaceylka ay u qabto macallinimada in ay soo billaabatay xilligii ay ku jirtay dugsiga dhexe, isla markaana ay ka dhabaysay riyadii ay lahayd.

Dhinaca kale xirfaddan waxay u noqotay fursad shaqo. Bishii waxaa ka soo gasha lacag u dhaxaysa $150 ilaa $200. Qoyskeeda oo 6 ah ayay ku maaraysaa noloshooda, kuwaas oo ka baxay xaalad nolol xumo.

Waxay noqotay qof kaliya ee u dhaqdhaqaaqa nolol-maalmeedka qoyska, markii aabbeheed oo shaqadiisu ahayd rinjiyeenta guryaha ay ka maarantay shirkad uu u shaqeeyanay bishii Febraayo.

Billo adag oo qoyskeeda cunno xumo ay wajaheen kaddib, waxay gashay saddex bil ka hor booskiisa iyadoo dabooshay baahidooda cunno iyo tan waxbarasho ee walaalaheed oo iyadu ay curad u tahay.

“Baahida dhaqaale ayaa ahayd midda ugu wayn ee nagu riixaysay in aan tallaabadan qaado, isla markaana waxaan ogayn in adeeggan uu bulshada faa’iido u leeyahay, sababtoo ah qoysas badan ma awoodaan in carruurtooda geeyaan dugsiyada qaaliga ah, sidaas darteed waxaan howl u qabanaa nafteena iyo bulshadeena.”

Ku dhawaad 200 oo macalin oo koox koox u abaabulan ayaa nidaamkan waxbarasho uu u noqday fursad shaqo, kuwaas oo labadii sano ee u danbeeyay ka baxay dugsiga sare sida ay sheegeen guddi ay leeyihin.

Dadka ku xirmaya waxbarashada guryahooda loogu gaynayo ayaa sii kordhaya sida ay xustay Asma, taas oo ku timid wacyigalinta ay ku dhinac wadaan waxbaridda kooxda Asma iyagoo albaab walba garaaca.

“Waxaan isku daynaa inaan qofka kula dhaqano heerka aqooneed ama ku habboon yahay. Ilmo yar haddii uu yahay waxaan wax ugu dhignaa si fudud oo xiiso leh, waxaana ku dhiirigelinaa hadal wanaagsan iyo amaan.”

“Dadka waawayna waxaanu tusnaa inaanay waxbarashadu ahayn da’, isla markaana ay tahay waxay nolol maalmeedkooda ku dabari karaan, qoyskastana wuxuu helaa waqti ku filan si uu u helo tayo waxbarasho oo fiican.”

Waxay beegsadaan xaafadaha ku yaalla hareeraha Hargaysa iyo kuwa isku raranta ah ee ay iskuulladu ku yaryihiin, halkaas oo ay kula kulmaan carruur aan waxba baran iyo waalidiin aan waligood iskuul tagin.

Qoysaska hayntooda dhaqaale ay yartahay ayay qiimo jaban ku siiyaan duruusta. Qoys walba oo ay gurigooda wax ku baraan waxaa wax u barta ugu yaraan saddex qof oo iskugu jira carruur iyo waalid.

Waalidiinta nidaamkan waxbarasho la jaan-qaaday waxaa ka mid ah Malyuun Cumar Xuseen. Toddobo carruur ah oo kan u yar uu jiro shan sano ayaa duruusta ku qaata qayb ka mid ah gurideeda.

Waxay sheegtay in ay u soo gaday sabuuray iyo agab kale oo waxbarashada ay ku qaataan, isla markaana bishii oo dhan ay ku bixiso $5, taas afar jibbaar ka yar lacagtii uga bixi lahayd iskuulka.

“Ciyaalkaygu arday weeye. Muddo labo bilood ah waxbarasho ayay ku jiraan. Ardayda secondariyada ka soo baxay ayaa noo yimaada. Wax yar oo jaban bay naga qaadaan, kaddibna carruurta ayay waxbaraan. Waan ku faa’iidnay, ciyaalkana si fiican bay wax u fahamsiiyaan.”

Dhallinyarada macalimiinta ah ayay xustay in ay ku qanciyeen waxbarashada carruurtooda xilli ay iska illowday in ay waxbartaan, maaddama lacagta ay iskuulka ku dhigan karaan qofkiiba ay tahay $6.

Qoyskeeda waxaa nolol-maalmeedka u soo dhciya saygeeda oo shaqadiisu aysan joogto ahayn. Intaas waxay ku dartay in ay qaataan maaddooyin, far-soomaaliga, xisaabta, tarabiyaha iyo qaar kale.

Waxay sheegtay in ay gashay yididiilo ay wax ku barato, markii ay aragtay sida carruurteeda wax loo barayo. Waxay qorshaynaysaa in ay ka mid noqoto waalidiinta qaybta ka ah waxbarashadan.

Toddobaadkii shan maalin oo ka mid ah ayay tilmaamtay in ay waxbarashada qaataan carruurteeda iyadoo maalintii labo macalin ay isku bedelaan galinka hore iyo kan danbe.

Dhallinyarada ku fooggan waxbarashada waalidiinta iyo carruurta loogu geeyay guryahooda waxaa ka mid ah Nuura Cali Axmed oo 22 jir. Waxay dhamaysay dugsiga sare ee Sheekh Cali Ibraahim sanadkan.

Waxay galinka hore iyo kan danbe tagtaa in ka badan 40 guri, halkaas oo carruur iyo dad waawaynay wax ku barto. Waxay sheegtay howsha ay hayso ah mid adag ay ka hesho dhaqaale ku filan qoyskeeda.

Lacag u dhaxaysa $200-300 ayay ka heshaa xirfaddan macalinnimo. Waxay u qaybisaa masruufka qoyska sida cuntada, korontada iyo biyaha, halka inta u soo harta ay dhigaalsato si ay u hesho tacliin sare.

“Qorshahaygu waa inaan jaamacad ku biro marka aan helo dhaqaale igu filan. Waxaan doonayaa inaan waxbarashadayda hore u sii wato, laakiin ma doonayo inaan joojiyo shaqadan. Haddii ay macmiishu igu badatona waxaan jeclaan lahaa inaan dhallinyaro kale ku soo daro, si ay iyaguna uga helaan shaqo.”

Waxay sheegtay Nuura in dhiiraan badan ay ka heshay barnaamijkan waxbarasho, kaas oo illowsiiyay caqabadah shaqo la’aan ee dalka ka jira iyo fikirka tahriibka oo dhallinyarada ay ku lug-go’een.

Waxay soo jeedisay in fursadaha shaqo ay ka billowdaan in qofku doonaya uu sameeyay howl-karnimo iyo adeeg bulsho, kuwaas oo waxtari kara isaga iyo bulshada uu ku dhex nool yahay.

“Waxaan kula talin lahaa inaanay shaqo rasmiya oo kaliya sugin. Qof kasta wuxuu leeyahay aqoon ama xirfad uu bulsha uga faa’iideyn karo. Haddii aad wax baratay dadka wax bar. Anigu shaqadan waxaan ka soo bilaabay aqoon yar oo aan haystay, laakiin maanta waxay iga caawinaysaa nolosha qoyskayga iyo qorshahayga waxbarasho.”

Nuura oo shaqadan ku dhiirtay bishii Abriil ee sanadkan waxay sheegtay in billowgiiba ay la kowsatay caqabad ka timid waalidiinta oo ku kalsoonaan waayay, balse wacyigalin joogta kaddib, ay ku qanceen.

Kumanaan dhallinyaro ah ayaa sanad walba ka qalin jabiya dugsiyada sare, kuwaas oo u qabysma qaar tahriiba, kuwa shaqo la’aan darteed guri-joog noqda iyo in kale oo curintooda hal-buur ku hela shaqo.

The post Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah
(ERGO) – Laba boqol oo carruur ah ayaa ka soo kabanaya xaalado nafaqo-darro ah, markii hay’adda maxalliga ah ee Trevesom ay u bilowday nafaqeyn bilaash ah.

Carruurtan ayaa inta badan ka soo jeeda qoysas danyar ah oo ku nool xeryaha lagu barakacay ee magaalada Muqdisho. Barnaamijkan oo magaciisu yahay (NUTHUP) waa mid lagu fulinayo dhaqaale laga soo aruuriyay ganacsato Soomaaliyeed.

Cuntada nafaqada leh oo lagu farsameeyay dalka ayaa ka sameysan lows, sisinta oo laga helo dufanka caafimaadka leh, digir, galley iyo qamadi oo la isku daray, taas oo hay’addu sheegtay in carruurtu ka helayaan tamar badan, borotiin iyo nafaqooyin muhiimka u ah korriimada iyo caafimaadka carruurta.

Tan iyo bishii Feberaayo oo barnaamijkan uu socdo waxaa ilmo kasta loo qoondeeyay bishii 3 illaa 6 kiilo garaam. Qoysaska la diiwaan-galiyay ayaa qoondadooda ay hay’addu ugu keentaa xerada ay deggan yihihiin.

Maryan Xasan Cali oo ka mid ah danyarta ka faa’iidaystay ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in saddex carruur ah oo loogu daray barnaamijka nafaqeynta uu miisaankoodu kordhay, ayna uga soo kabteen tabar yari iyo duruufo nololeed ee ay wajahayeen.

Waxay xustay in labo waqti ay maalin kasta siineysay carruurta cuntada nafaqeysan oo loo billaabay 15 bishii Feberaayo.

“Carruurta hadda isbeddel weyn ayaan ka dareemayaa tan iyo markii aan u bilaabay nafaqada la siiyay. Intii ay nafaqo la’aantu haysay dhibaato weyn ayaan isku qabnay, laakiin hadda cuntada way ii cunayaan, muuqaal koodiina wuu soo laabtay.”

Maryan iyo qoyskeeda ayaa bishii Oktoobar 2025 ka soo barakacay baadiyaha degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib dagaal qabiil halkaas ka dhacay.

Colaadaas ayay tilmaantay inuu ku dhintay seygeedii. Xaaladaas ayaa keentay in kaligeed ay masuul ka noqoto korinta iyo daryeelka siddeed carruur ah oo ay dhashay. Noloshooda ayaa ku tiirsanayd dukaan yar oo bagaash ah oo uga burburay dagaalka.

Hadda waxay ku nooshahay xerada Barwaaqo ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho. Nolosha qoyska ayay ku dabartaa shaqo dhar-dhaqid ah. Ma aha mid joogto ah, waxayna ka heshaa maalinkii lacag ka yar afar Doollar, sida ay xustay.

“Hal waqti ayaan dhib ku helnaa cuntada, laba waqti way ku sii fiicnaan lahayd carruurteyda laakiin ma awoodno. Nafaqada carruurta lama joojin karo, wixii aan maalintaas helo ayaan ku dabarnaa.”

Haweeneydan ayaa sidoo kale sheegtay in carruurteeda la baaray inta aan loo billaabin quudinta, lagana helay dhammaan calaamadaha nafaqo darrada oo ah miisaankooda oo yar, daal iyo tabar darro iyo cunto qaadasho la’aan.

Sida bahda caafimaadku sheegeen waa calaamado ka dhasha cunto yari iyo isku dheeli-tir la’aanta cuntada, fuuq bax iyo cuduro soo noqnoqda.

Maryan ayaa xustay in helitaanka cuntadu ay mar kasta ku adkeyd inta ay barakaca tahay. Xaaladaas ayay sheegtay inay sababtay in deymo looga leeyahay farmashiyo ay daawo ka qaadatay xilligii carruurteedu ay la ildarnaayeen nafaqo-darrada.

“Deyn dhan $370 ayaa la igu leeyahay. Maalin kasta waa la ii yimaadaa iyadoo la iga dalbanayo lacagtaas, balse ma aqaano meel aan ka bixiyo.”

Xerada Barwaaqo ee degmada Dayniile waxaa ku nool 400 qoys oo ay ka burbureen ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen, kuwaas oo wajahaya cunno yari iyo duruufo nololeed oo adag.

Asli Maxamuud Yuusuf ayaa ka mid ah hooyooyinka kale ee ka faa’iideystay barnaamijka nafaqo celinta. Xaalad amni xumo ayay uga soo barakacday bishii Juun ee sanadkii 2025 deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Asli oo ah hooyada toddobo carruur ah ayaa hadda nolosheeda ku maareysa shaqada dhar-dhaqidda oo ay ka qabato xaafadaha ku dhow xerada ay deggan tahay ee Barwaaqo.

Dakhli gaaraya illaa saddex Doollar ayay ka heshaa shaqadaas oo aan joogto aheyn oo toddobaadkii ay qabato labo illaa saddex beri.

Qoyskeedu waxay hore ugu tiirsanaayeen beer hal hektar ah oo ku taalla Yaaqbariweyne, halkaas oo ay ka soo saari jireen noocyo kala duwan oo khudaar ah oo ay ku noolaayeen. Colaadda ayaa ku qasabtay inay ka cararaan deegaanka.

Hadda waxay carruurteeda kula nooshahay aqal cooshad ka sameysan. Qaar ka mid ah carruurteeda ayaa tan iyo bishii Feberaayo ee sanadkan ka faa’iideysanaya nafaqada ay bixiso Trevesom Organization, xilli ay la daalaa dhacayeen nafaqo-darro iyo dhibaatooyin caafimaad oo la xiriiray cunno yari.

“Afar carruur ah ayaan siiyay nafaqada, wax badan ayaan ka dareemay isbeddelkooda. Sida ay ii farayeen ayaan u siin jiray, waxaana hadda muuqata in xaaladdoodu ay si weyn isu beddeshay.”

Kaalmadan ayay xustay inay tahay tii ugu horeysay ee qoyskeedu uu bilooyin u helo si joogto ah. War uma hayn in la caawin doono, balse waxay ka mid noqotay qoysas markii la xaal wareystay lagu daray liiska dadka nugul.

Dr. Shaafici Maxamed Khariibka oo ka tirsan maamulka hay’adda ayaa sheegay in barnaamijka NUTHUP uu ka dhashay baahida sii kordheysa ee dhinaca nafaqada, gaar ahaan xilli ay yaraadeen adeegyadii ay hore u bixin jireen hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah.

Wuxuu sheegay in hay’addu ay dooratay in xal waara laga dhex abuuro gudaha dalka, iyadoo la adeegsanayo agab laga heli karo Soomaaliya si loo yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka dibadda.

Muddo toddobo bilood ah ayuu sheegay in barnaamijku ku guuleystay inuu nafaqo joogta ah siiyo 200 oo carruur ah, kuwaas oo intooda badan ka soo jeeda qoysas danyar ah oo ku nool xeryaha lagu barakacay ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in kharashaadka barnaamijka ay ka taageereen ganacsato Soomaaliyeed, hay’aduna ay isku darto nafaqooyinkan, iyadoo kaashaneysa xirfadlayaal aqoon u leh oo ka tirsan.

Wuxuu xusay in mashruucu aanu ku koobnayn oo keliya qaybinta nafaqada, balse sidoo kale si joogto ah loola socdo xaaladda carruurta si loo qiimeeyo isbeddelka caafimaadkooda iyo heerka ay uga soo kabanayaan nafaqo-darrada.

“Waxaan aragnay carruur badan oo markii hore miisaankoodu hooseeyay, tabar-darnaana ay ka muuqatay, balse kadib markii ay heleen nafaqadan ay bilaabeen inay si wanaagsan wax u cunaan, miisaankooduna kordho, firfircoonidooduna soo noqoto. Taasi waxay noo muujinaysaa in xalalka gudaha laga hirgeliyo ay door weyn ka ciyaari karaan wax ka qabashada nafaqo-darrada.”

Dr. Shaafici ayaa sheegay inay qorsheynayaan in bilaha ka haray sanadkan ay quudin u billaabaan carruur kale oo ka badan 200 oo oo wajahaya cunno yari iyo nafaqo darro heerkeedu sareeyo.

Barnaamijka Nafaqo-Celinta Carruurta ee ay hirgelisay Trevesom ayaa tusaale u noqday sida xalalka gudaha lagu abuuro ay uga qayb qaadan karaan wax ka qabashada nafaqo-darrada.

Warbixin ay sanadkan hay’aduhu ka soo saareen Soomaaliya ayaa sheegeysa inay nafaqo darro wajahayaan in ka badan hal milyan iyo siddeed boqol oo kun oo carruur ah.

The post Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
(ERGO) – In ka badan labo boqol oo qoys oo ku nool magaalada Baran ee gobolka Sanaag ayaa ka soo kabtay nolol xumo markii ay ganacsiyo yaryar ka furteen xaafaddooda saddexdii bil ee la soo dhaafay. Arrintaas ayaa u suuragashay markii waddo jay ah la saaray xaafadda Galbeed oo ay ku nool yihiin.

Qoysaskan oo ahaa danyar ayaa markii waddada la dhisay xaafaddooda ka furtay ganacsiyo, taas oo u horseeday isbeddel nololeed. Faadumo Maxamuud Shire waxay qol ka mid ah guri labo qol ah oo ay deganaayeen ka furatay dukaan ay ku iibiso raashinka, dharka dumarka iyo bagaash.

Waxay xustay in fikraddan ay ku dhalatay markii gurigeedu uu noqday kan ugu horreeya ee ku yaalla waddada, ayna aragtay ganacsiyada sida xooggan ugu soo batay hareeraha jidka. Waxay xustay in ganacsigeeda cusub ay maalintii ka hesho ugu yaraan $8 oo faa’iido ah, taas oo nolol wanaagsan u horseedday.

“Nolosheenu waa heerka u sareeyay, weligay meeshan ma filanayn, nolol xumadii waan ka baxnay, waa ii shaqeeya ganacsigii, faa’iido xoog leh ayaan ka helaa maalin kasta. Waddadaan annagoo mugdi ku jirna ayay na iftiimisay.”

Faadumo, oo keligeed korisa lix carruur agoon ah, ayaa sheegtay in ka hor ganacsiga ay ku tiirsanaayeen taageero yar oo ay siin jireen dad ay ehel yihiin, taas oo aan ku filnayn. Waxay xustay in maalmaha qaar ay waayi jirtay wax ay dabka u saarto.

Ganacsigeeda oo ay furtay horraantii May ayay sheegtay inuu yeeshay macaamiil, taas oo keentay inuu koro si xawli ah muddo kooban. Waxay tilmaantay in marba marka ka dambaysa uu sii korayo ganacsiga xaafadda oo ay qayb ka tahay, taas oo sare u qaadda halgankeeda.

Waxay xustay in dukaankeeda ay ku maalgelisay lacag ay bangi dayn uga qaadatay, iyadoo gurigeeda rahan u dhigatay si lacagtaas loogu siiyo, haddii ay celin wayso. Go’aankaas oo ay u qaadatay si geesinimo leh ayaa u horseeday hadafkii ay ku taamaysay.

“Lacagtaa anniga oo aan shilling haysanin ayaa la ii siiyay. $500 ayay ahayd, iyadaan ku bilaabay, dhamaana waan iska celiyay. Lacagtaa markaas aan helay ganacsigu wuu ii ballaartay, waana sii fidiyay oo sii gallay. Wax weyn bay ii tartay xaqiiqdii.”

Faadumo ayaa sheegtay in ganacsigeedu uu hadda ku kacayo qiimo ay ku qiyaastay $2,000, taas oo ah faa’iido aad u xooggan marka loo eego muddada uu shaqaynayay. Waxay xustay inay qorshaynayso inay sii ballaariso.

Dhanka kale, haweenaydan waxay sheegtay in guulaha ay ka gaartay ganacsiga ay u dheertahay inay waxbarasho ku dartay saddex ka mid ah carruurteeda, kuwaas oo horay ay u gayn waysay dhaqaale xumada darteed. Waxay bishii ka dhiibtaa $30, taas oo aan culays ku hayn.

Arrintaas waa mid ay kala siman yihiin dhammaan dadka ganacsiyada samaystay oo si isku mid ah u hantay faa’iido wax ku ool ah. Xaafaddan oo awal ahayd meel isku raran ah oo ay ku nool yihiin dadka danyarta ah ayaa isku beddeshay suuqa ugu weyn ee magaalada ku yaalla.

Dadkii horay u deganaa ayaa fursaddaas si isku mid ah uga faa’iidaystay, iyada oo qof kasta uu gurigiisa u beddelay goob ganacsi. Kaltuun Cumar Xasan waxay balbalo ay bagaash iyo shaah ku iibiso ka samaysatay guri ay leeyihiin dad ay qaraabo yihiin hortiisa.

Haweenaydan oo kaligeed korsata 10 carruur ah oo lagu furay oo aan lagu daryeelin ayaa sheegtay in muddo labo bil iyo bar ah ay ganacsiga waddo. Waxay ka soo kabteen nolol xumo ay wajahayeen oo ay ugu horraysay cunno xumo.

“Markii aan waddadan jirin iyo maanta ganacsigu waa kala duwan yahay noloshuna waa kala duwan tahay. Waxa ugu yar waxa waaye gawaarida waddada maraysa biyaha iyo cuntada ayay xitaa iga sii gataan oo wax badan ayay nagu soo kordhisay.”

Qoyska Kaltuun ayaa labo sano ka hor ka soo barakacay miyiga magaalada Baran oo ay deganaayeen, markii daaq xumo ka dhalatay roob yari ay ku dhaafeen 140 ari ah oo ay dhaqanayeen. Waxay ilmaheeda ku masruufaysay wax ay ku caawiyaan dadka magaalada oo ay ku dhex wareegaysay, iyada oo dulsaar ku ahayd qoys ay qaraabo yihiin oo siiyay hal qol.

Noloshaas adkayd ayay sheegtay inay hadda ka saartay ilmaheeda, iyada oo u kiraysay labo qol oo ay bishii ka dhiibto $30. Waxay sidoo kale qorshaynaysaa inay hesho guri ay iyadu leedahay, waxayna maalin kasta meel dhigtaa in ka mid ah lacagta ay hesho si ay uga dhabayso hamigeeda.

Kaltuun inay maaraysay nolosha qoyskeeda waxa u dheer inay bishii Juun waxbarasho ku dartay afar ka mid ah carruurteeda, kuwaas oo ay bishii ka bixiso $40. Maaddaama uu hana qaaday ganacsigeeda, waxay sheegtay inay naawilayso inay kuwa kalena gayso bilaha soo aaddan.

“Walaal Carruurta iskuul iyo dugsi ayay ii dhigtaan. Aniga waxaan u ordayaa in aan ilmahayga caafimaadkooda, waxbarashadooda iyo cuntadooda aan keeno waana helaa Alxamdullilaah wax kasta oo aan u baahdo. Miyiga aniga iyo carruurtaba waan ka raysannay.”

Kaltuun ayaa sheegtay in ganacsigeedu uu haysto macaamiil badan maaddaama ay ka mid tahay ganacsatadii ugu horraysay ee maqaaxi ka furta waddada. Waxay ku beegantay xilli ay magaalada u soo guurayaan dadka ka soo xagaa-baxaya magaalada Boosaaso.

Waxay sheegtay in hadda ay iska celisay $800 oo ay ganacsiga ku billowday, taas oo ay daymiyeen dad qaraabo ah. Waxay xustay in hadda ay doonayso inay sii ballaariso maqaaxida oo ay kiraysato goob weyn oo ku filan, maaddaama macaamiisheedu ay sii kordhayaan.

Haweenaydan oo ah 40 jir nolosheeda oo dhan ku soo qaadatay miyiga ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inuu guul gaaray ganacsigeedii ugu horreeyay. Waxay aaminsan tahay hadda inay maamuli karto dhaqaale intaas ka badan maaddaama ay faham fiican heshay.

Waxay sheegtay in ganacsigeeda cusub uu hadda ka wax-soo-saar badan yahay xoolihii ay dhaqanayeen, oo waayadii dambe ay curyaamiyeen abaaraha soo laalaabtay. Waxay xustay in haddii ay ganacsiga sii waddo ay aaminsan tahay inay gaari karto heer aad uga sarreeya halka ay maanta joogto.

Fursadda ay heleen dadkan danyarta ah, oo aan markii hore ganacsiyo ka hirgelin karin magaalada ayaa timid markii la hirgeliyay waddadan oo ay maalgelisay Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Sanduuqa Somalia Stability Fund iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Waddooyinka Puntland.

Ujeeddada barnaamijkan ayaa ah in la ballaariyo isku socodka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha deegaannada soo koraya, sida uu sheegay Maxamed Muuse Cali oo dawlada hoose ee degmada Baran u xilsaartay barnaamijkan.

Dadka ku nool xaafadaan oo markii hore ahaa danyar aan dabka si joogto ah u shidan karin ayaa muddo kooban ku gaaray heer aad uga wanaagsan noloshii hore taas oo muujisay muhiimadda ay leeyihiin horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay jidadku ka midka yihiin.

The post Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
(ERGO) – Beeraley ku howlanaa goosashada dalagyo ay beerteen bilihii Maarso iyo Abriil ayaa colaad qabiil uga barakacay deegaanada Weelgaduude, Yaaqle iyo Daawudow oo hoostaga magaalada Baydhabo.

Xeryo aysan ku haysan hoy, cunto iyo biyo ayay dantu ku qasabtay inay maciin bidaan. Beerihii ay filayeen inay uga soo kabtaan xilliyo adag oo aysan waxba tacban ayaa noqday kuwo lagu fasaxay xoolo.

Qaar kale oo xaaladaas ka badbaaday ayaysan dadku ka faa’ideysan karin, colaadda qabiilka oo wali taagan deegaannadooda awgeed.

Maamulka xeryaha Faanoole iyo Afar-waab dhoobey ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay soo gaareen 180 qoys oo hadda ku sugan xaalad hubanti la’aan ah.

Aadan Ibraahim Nuur oo ku barakacay xerada Faanoole ee duleedka Baydhabo ayaa sheegay inaysan haysan waxay dabka ku shitaan.

Waxa kaliya ee ay heli karaan ayaa ah raashiin bisil oo aan baahi tiri karin oo ay u keenaan dadka xerada kula nool.

“Waxan carruurta aan siiyo ayaa iigu daran, inta dagaalka uusan dhicin nolosheenna way fiicneyd. Markii degaalka uu dhacay gaajo ayaan daris noqonay aniga iyo carruurta dhamaantooda.”

Aadan oo ah aabbaha toddobo carruur ah ayaa xusay in dagaalku qabsaday xilli uu ku howlanaa gurista dalagyo u soo go’ay oo kala ah masago, digir iyo khudaar.

Wuxuu sheegay in reerku ku tiirsanaa dalagyadaas oo hadba qeyb ay guranayeen, isagoo ku fakarayay inuu keydsado raashiin badan si xilliyada adag ee jiilaalka iyo abaaraha oo beeruhu aysan wax soo saar laheyn ay isticmaalaan.

Wax ka duwan filashadiisii ayaa dhacay shantii bishan, markii si lama filaan ah uu ku qarxay dagaal qabiil oo ka dhashay isku qabsiga dhul daaqsimeed.

Beertii rajada u aheyd ayuu tilmaamay in si ku talo gal ah loogu fasaxay xoolo daaqa. Waa shan hektar oo uu aaminay in dalagga uga baxay uu uga badbaaday musiibooyin ragaadiyay oo ahaa roob yari iyo cayayaan.

Xaaladdaas waxaa u raacday dhibaato xasilooni darro.

“Dameer xaafadda ii joogey oo gaadiid ahaa naftirkiisa xabad wiifto ah ayaa ku dhacday oo u dhintay. Beerta badar fiican ayaa noogu yaaley, badarkii waa laga soo kala orday, meeshii xoolo ayaa daaqay, sida ay tahay xitaa lama sheegi karo inay wax ka hareen iyo in kale.”

Aadan oo 38 jir ah ayaa tilmaamay in gaajada ay wajahayaan ay u dheertahay in laga sugayo bixinta $300 oo ah deyn uu ku qarash gareeyay beerta.

Wuxuu intaas ku daray in afar carruur ah ay ka xanuunsan yihiin muddo toddobaad ah, islamarkaana woodin inuu geeyo goobaha caafimaadka ee lacagta ah.

Xerada ayuu sheegay inaysan ku haysan hu’ iyo hoy ka xajiya qabowga habeenkii iyo qoraxda maalinkii.

Wuxuu tilmaamay inay u sii dheertahay warwar dhanka ammaanka ah, maadaama dhaca tuugada iyo hadal heyntoodu ay tahay xaalad mar kasta taagan.

Xeradan oo ay u soo lugeynayeen muddo 6 saac ah ayuu sheegay in nolosheedu adag tahay oo aysan ka jirin wax adeegyo bulsho ah, sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.

Carruurtiisa oo baran jiray Qur’aanka ayuu xusay inuu u waayay Dugsi uu geeyo. Helitaanka biyaha ayaa ah mid adag.

Wuxuu tilmaamay in caagado dushooda ay ku qaadan uga soo dhaansadaan ceel biyood bilaash ah oo u jira masaafo loo lugeeyo soddon daqiiqo.

Dagaalka qabiilka ayaa ah mid sababay dhimasho iyo dhaawac. Xal lagama gaarin wali, taasina waa mid uga sii dareysa nolosha qoysaska soo barakacay oo aan u adkeysan karin cunto yarida iyo dhaqaale la’aanta ay colaaddu biday.

Ekow Isxaaq Maxamed oo ka mid ah dadka uu saameeyay ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in deegaanka Qoriile ay uga soo carartay raashiin u keydsanaa oo ahaa boqol kiilo oo ah masago iyo galley, hoygii ay degganaayeen iyo agabkii yiilay.

Waxay sheegtay in raashiinka u keydsanaa oo iskugu jiray mesego iyo digir uga baxayay beerteeda oo 4 hektar ah oo ay guran laheyd bishan ay ahaayeen waxa kaliya ee noloshoodu ku tiirsaneyd.

Xerada ay tagtay oo lagu magacaabo Afar-waab dhoobey oo ku taalla magaalada Baydhabo ayay sheegtay in ay ka dawarsato, xaaladdaas hoy xumo ayaa u wehlisa.

“Jiifka aad iyo aad ayuu u xun yahay, qof derin isiiyay iyo jeex yar aan hore u soo qaatay oo aan la soo orday, qof dhabarkiisa wax ku soo qaaday oo gaari aan ku soo guurin oo silac ku yimi ayaan nahay. Dhulka caadiga ayaan seexanaa oo derinta dhiganaa, wax joodari ah mahaysano.”

Ekow ayaa xustay in 11 carruur ah oo ay dhashay aysan jirin hooyo iyo aabbo u shaqo taga, maadaama aysan helin wax u badala beertii isha dhaqaale u aheyd.

Waa 45 jir, seygeedu yahahay waayeel aan xamaal tagi karin, kana soo fogaaday deegaankii ay ku noolaayeen in ka badan 30 sano, sida ay xustay.

Waxay intaas ku dartay in helitaanka cuntada oo kaliya aysan ku adkeyn oo biyuhuna ay yihiin kuwo lacag ah oo u jira masaafo dhan 2 km.

Waxay xustay in aysan gadan karin. Waxay dantu ku qasabtaa inay weydiisato 20 liitar oo ay cabaan maalinkii ama cuntada ay ku karsadaan kuwa awooda inay soo gataan.

Halkan oo ay labo maalin u soo socdeen ayay sheegtay in tan iyo horraantii bishan ay ku wajahayaan caqabad aysan laheyn tabar ay ku maareyso.

“Barakac dhibato badan ayaa na galay. Aniga, carruurteyda iyo aabbahooda intan cararnay ayaa qoysas xoolo dhaqato ah megan ugu tagnay, labo maalin camal ku soo silacnay anagoo gagabaneyna, anagoo rafaadan ayaa Baydhabo sidaas ku soo gaarney.”

Nolol xumada iyo qasaaraha dhaqaale ee gaaray waxaa u dheer waxbarasho la’aanta carruurteeda iyo in laga sugayo bixinta $500 oo ay sheegtay inay tahay deyn ay galisay beerta oo ah abuur, falid, buufin iyo shaqaale.

“Carruurteyda dugsi ayey dhiganayeen, shan ayaa dugsi ii dhiganeysay. dugsi iska dhaafe hadda ayagaaba qalqal maskaceed ka soo qaaday degaalka oo in dhahooda taagan yihiin oo gidaarada deriska aan la fadhiyaa.”

Maxamed Ibraahim Maxamed oo ah guddoomiyaha xeryaha Faanoole iyo Afar-waab dhoobey ayaa sheegay in qoysaska cusub ee yimid xerada ay ku sugan yihiin xaalad aad u liita.

Wuxuu sheegay in ay soo dul dageen dadkii xerada horray u joogay oo noloshooda maareyn la’aa.

Wuxuu tilmaamay in qoysaskan ay si joogto ah u soo gaarayaan xeryaha ayagoo ah dad faro maran oo aan dabari karin noloshooda maalin laha ah.

“Dadka xaaladooda wey culus tahay wax aan u hayno malahan guri mahaystaan, biyo malahan xerada, baad kale mahaystaan. Dadkan illaa afar maalin ayay kala yimaadeen.”

“Maamulka iyo hay’adaha samafalka waxaan ka codsaneynaa dadkan iney soo caawiyaan wixii tabar tooda ah inay ka caawiyaan.”

Xeryahan ay dadku soo maciin bidiyaan ayuu tilmaamay inay horey ugu noolaayeen 350 qoys oo sanooyin ay joogaan aysan jirin hay’ado ama dowlado ka caawiyay adeegyada biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Isku dhacyada hubeysan oo soo noqnoqday waa caqabad aan wali xal loo helin, ayna dhibane u noqdeen kummanaan qoys oo noloshoodu burburtay.

The post Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan
(ERGO) – Boqollaal qoys oo xoolo dhaqato ah ayaa xaalad nolol xumo ah ku wajahaya deegaannada Qool-cadey, iyo Uubaale tan iyo bishii saddexaad ee sanadkan oo ay naq raac ku tageen.

Qoysaskan ayaa sheegay inay isku raacday dhulkii oo xaaluf noqday markii lagu batay iyo cudurro aysan aqoon oo ay uga le’anayaan xoolihii ay noloshooda ku tiirsanayd.

Qoysaskan oo roob yari uga soo barakacay deegaannadoodii billowgii 2026 ayaa tilmaamay inaysan hadda guurin karin sabab la xiriirta xoolihii oo tabar dhigay iyo iyaga oo aan haysan dhaqaale ay gawaari ugu kireeyaan.

Cabdikariin Sulub Maxamed oo ka mid ah, wuxuu maaro u la’ yahay xoolihiisa oo u dhimanaya baad xumo iyo bushi uusan garanayn tan bishii Abriil oo ay soo dageen deegaanka Qool-cadey.

Wuxuu tilmaamay inay ka dhinteen 16 oo geel ah iyo tiro iyo bar ari ah, kuwaas oo tiir dhexaad u ahaa noloshooda.

“Xooluhu waa xoolo aan dusha ka qoyinoo aanu roob helin oo iska abaaraysan dee nafaqa gasha muu arag. Ariga haddaan isaga iskaba daayoo isagu wuu iska baxay markaa wax yar baa imika ka sii joogjooga.”

“Xagga geela marka uu dhawr iyo toban marayo dee dhawr iyo toban geelii nimay ka baxday waad garanaysaa. Dee geel yar ma aha dee imikana nafna lama celin karoo haddana geel badani waa ku daba jiraa aragtidayda.”

Ninkan ayaa reerka iyo xoolaha ka soo raray deegaanka Ina-guuxaa oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Hargeysa una deegaanka hadda uu jooga qiyas 40 km.

Wuxuu tilmaamay inay filashadooda ahayd inay xoolahooda u helayaan calaf iyo biyo kaddibna ay ka helayaan nacfi balse maanta waxay joogaan xaallad quus ah.

Cabdikariin ayaa sheegay inay u joogaan 17 neef oo geel ah iyo toban ari ah, kuwaas oo aan lahayn caano, iyo cadna midna balse uga baahan quudin si ay u badbaadaan.  Wuxuu intaas ku daray inaysan ku jirin wax u gadmaya xilligan taas oo xaaladda sii adkaysay.

Xaaladahan isku biirsaday ayaa ninkan bidday inuu biyo iyo cunno ku filan u awoodi waayo qoyskiisa oo lix ah. Wuxuu tilmaamay inay habeennada qaar ku joogaan gaajo haddii deriska aysan ka helin wax ay cunnaan.

“Bakhaaro aan ka biil qaataa baa jirtoo, mararka qaarkood waxa dhici kartaba waji aan kula hagaago oo aan wax kaga qaatoba inaan u waayaa dhici karta oo aan ka xishoodaba.

“Haddana anigiyoo u baahan oo meel kaloo aan u dhaafo garanay dantu igu qasabtay inaan afka u kala qaado oo aan wax waydiisto. Markaa taasi aadbay u badan tahay.”

Cabdikariin waxaa culeysyada ku kordhinaya dayn gaaraysa kun doollar, taas bilooyinkii la soo dhaafay uu reerka ugu qaaday raashin.

Wuxuu xusay in dukaamada uu raashinka ka qaadan jiray ay hadda u diideen inay sii siiyaan mid kale, maaddaama xisaabtii hore ay ku taagan tahay.

“Wallaahi waxaa werwerka igu hayaa waa xagga daymankaas uun, daynkuna wax la dugsado ma aha aakhiro iyo aduunka midnaba kuuma fiicna. Daymankaas uun baa walbahaar aada igu haya, reerkiina waa dheri dab saaranoo waa ka rogoo mid kale saar.”

Ninkan ayaa sheegay inuusan helin dhakhtar xoolaha u daweeya isla markaanna uu waayay dhaqaale uu dawooyin ku soo gato.

Wuxuu xusay in geela uu afka ka jirranayo taas oo keenaysay inuu baadka joojiyo kaddiba uu dhinto. Dhimashada xoolihiisa ayuu u sababeeyay cudur iyo abaar u nuglaysay.

Dhanka kale, Axmed Maxamed Diigaale oo ka mid ah xoolo dhaqatada soo barakacay kana soo hayaamay deegaanka Balli Cabane ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban sagaal ay wajahayaan hubanti la’aan.

Tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan waxaa calaf xumo, biyo yari iyo cudurro uga dhintay toddobo geel ah iyo 64 ari ah, kuwaas oo qoyskiisa u ahaa laf dhabar.

Hadda waxaa u jooga 30 ari ah iyo toban geel ah kuwaas oo uga baahan sida dadka inuu u quudiyo. Ninkan ayaa isku keeni la’ inuu qoyskiisa raashin u gado iyo calafka  xoolihiisa.

Duruufahaas waxaa u dheer hoy xumo, taas oo keentay inay dibad-yaal u noqdaan cadceedda. Waxaa u dhisan buul ka samaysan baco, kaas oo aan u adkaysan karin dabaylaha xagaaga.

“Xaaladayada in dhawayd oo ay roobab da’een waanu iska roonayn. Imika laakiin way adag tahay xaaladayd oo dhulkii wuu abaarsaday dabayl xaggaa way dhacaysaa. Waxa u daran hoy daciifa oo aan daryeelayn dhibaatooyinka na haysta ayay ka mid tahay.”

Axmed ayaa sheegay inay sidoo kale ku dhib qabaan helidda biyo nadiif ah oo ku filan qoyskiisa. Wuxuu xusay inay qoysaska iska ururiyaan lacag konton dollar ah si loogu keeno booyad biyo ah, hase yeeshee qoyskiisa ma awoodaan inay bixiyaan qaaraankaas oo qoyskiiba ay ku soo aaddo shan doollar.

Wuxuu ka fursan waayay inuu deriska dhaama ka baryo. Ceelashii deegaanka ayaa qallalay, taas oo keentay in booyado biyo  looga keeno deegaanka Geed deeble oo u jira in ka badan 50 km.

Ninkan ayaa sheegay inay dantu ku riixday inuu kaalmo waydiisto dad ay qaraabo yihiin oo ku nool magaalada Hargeysa, kuwaas oo uu sheegay inuu toddobaadkii ka helo ugu badnaan shan dollar oo aan ku filnayn baahiyaha qoyskiisa.

Deegaanka ay qoysaskan isugu yimaadeen billowgii wuxuu lahaa nacfi fiican balse waxaa durba cagta mariyay xoolihii badnaa ee isugu yimid. Sidoo kale, waxaa xaaladda uga sii daray cudurrada oo u dhex faafay.

Guddoomiyaha deegaanka, Mubaarig Sugulle Maxamed ayaa sheegay in xaaladda qoysaskan oo go’doon ah ay aad u liidato. Waxa uu tilmaamay inuusan jirin deegaan kale oo uga roon oo ay u guuri karaan, maaddaama dhulka intiisa badan ay abaartu wada saamaysay.

“Dadkan awoodoodu way iska yaraatay. Dhawr jeer oo hore baaq waanu ka soo diray waxa ugu daran hoy iyo cunto maadaamoo xoolihiina abaaraysan yihiin oo xoolihiina caano lahayn taanaa ugu warwerka badan nahay.”

Qoysaskan xoolo-dhaqatada ah ee ka soo hayaamay deegaannada Garabis, Ina-guuxaa, Balli Cabane iyo deegaannada kale ayaa weli wajahaya xaalad nololeed oo aad u adag.

Waxay indhaha ka dhawrayaan xoolahoodii oo u dhimanaya cudurro iyo calaf la’aan, taas oo qudhooda galisay xaalad rajo beel ah oo aysan hubin sida ay uga soo kaban karaan haddii aysan gurmad samata-bixin ah helin.

The post Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni
(ERGO) – Shan boqol oo qoys oo ah beeraleyda tuulada Baar-sanguuni ayaa wajahaya xaalad cunno xumo tan iyo bishii Juun ee sanadkan, markii dalag u saarnaa beerahooda ay ka qaadday fatahaadda webiga Jubba.

Waxay si lama filaan ah u la kulmeen biyaha webiga iyaga oo ku foogan guridda dalagga. Faysal Daahir Muuse oo leh beer 5 hiktar ah ayaa ka mid ah. Qoyskiisa oo 12 ah ayaa la dhibaatoonaya cunno yari.

Wuxuu ku qasbanaaday in webiga uu ka jillaabto kalluun qabashadiisa uusan xirfad u lahayn. 48 saacba mar ayuu sheegay in uu helo hal xabbo oo qoyskiisa uu dabka u saaro, marar qaarna uu ku hungoobo.

Wuxuu xusay in uusan haysan qalab uu ku soo dabto, caqabado badana uu ku qabo qabashadiisa. Wuxuu rajo xumo ka muujiyay hubanti la’aanta cunno ee haysa qoyskiisa oo aan haysan il-dhaqaale.

“Malayga markaad soo wayso Lulubo ayaad raadinaysaa. Labadaas middaad soo hesho ilmahaa lagu maareeyaa. Wax kale oo loo helayo malahan. Hal waqti weeye meel kale oo aad u dhaafayso ma jirto.”

“Haddii la waayo ilmaha Caleen baa loo karinaa. Caleentaas bay cabayaan. Shaax xitaa maahan. Caleenta oo qaraar ah ayaa la siiyaa.”

Wuxuu tilmaamay in uusan ku sii tiirsanaan karin kalluunka uu ka jillaabto webiga, kaas oo la wayn karo haddii heerka biyaha webiga uu hoos u dhaco, maaddama uusan haysan agab uu ku galo webiga.

Qoysaska ku nool deegaankiisa oo beeraley ah ayuu xusay in ay isku duruuf yihiin haddii ay is caawin lahaayeen, taas oo xaaladda ku sii adkaysay qoyskiisa iyo kuwa la midka ah oo kaalmo kale aan haysan.

In ka badan 300 oo geed oo moos ah ayay biyuhu ka jareen, halka ay qaadeen dalag u badnaa galley, digir, sisin iyo noocyo kala duwan oo khudaar ah, kuwaas oo bishii Abriil ee sanadkan oo uu dayn ku helay abuurkooda.

Wuxuu qorshaynayay in uu iskaga gudo $2,000 oo qayb ka ahayd lacagtii uu galiyay beertiisa, taas oo uu ku bixiyay falidda, abuurka iyo shaqaalaha beerta oo 3 ah, kuwaas oo shaqo la’aan noqday.

Hase ahaate, beddekeed wuxuu la kulmay qasaare uu ka soo kaban la’yahay. Biyaha galay beertiisa waxaa fududeeyay kanaallo fatahaad horay u dhacday ay furtay, kuwaas dhulka la simay beertiisa.

“Fatahaadda aad ayey noo halaagtay. Faraha qaar fataahaddii hore ee waynayd (2023) ayaa toddobbo far jaray. Toddobada far waxaa ugu daran 4 far oo biyo yar haddii ay yimaadaan beeraha ayay shab soo siinayaan. Farahaas awood aan iskaga xirno mahayno.”

Fatahaadaha ku soo laalaabta deegaankiisa ayuu sheegay in nolosha qoyskiisa ay cuuryaamiyeen. Dabayaaqadii sanadkii 2023 waxay ka dumiyeen guri ka koobnaa 4 qol oo hoy u ahaa.

Wuxuu awood u waayay dib u dhiska guriga, waxaana dhulkii uu ku yaallay uu ka dhistay aqal cooshad ah oo gabaad u noqda, balse fatahaaddii u danbeysay ayaa dumisay, inkasta oo uu dib u yagleelay.

Beeraleyda Baar-sanguuni waxay cabayanaan kanaallo waawayn oo beerahooda ku xira webiga. Waxay nugulyihiin beerahooda fatahaadda oo dhacda xilli kasta oo webigu uu biyo keeno.

Kanaallada waxaa la sameeyay xilligii dowladdii dhexe ee dalka, balse dayac ku yimid burburkii dalka kadib, waxay isku beddeleen halka saldhigga u ah qasaaraha gaara beeraha tuulada Baar-sanguuni.

Timiro Cabdullaahi Maxamed oo 70 jir ah waa waayo arag u soo joogtay isbeddeladii ku yimid kanaalladan, kuwaas oo beeraleydii hore ay ku tiirsanaayeen waraabkooda.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in hadda ay noqdeen musiibo sida joogta ah u burburisa beeraha iyo guryaha, taas oo awood dowladeed oo xakamaysa aysan jirin.

Nolosheeda oo dhan waxay ku qaadatay beero falashada. Hadda se waxay quus ka joogtaa ku tiirsanaanta beerta. Waxay xustay in sanad walba mar ama labo uu ku fataho webiga Jubba.

Arrinta waxay ku qasabtay in ay hoos u dhigto dhaqaalihii badnaa ee ay galin jirtay beerta si ay uga fogaato qasaare wayn oo soo gaaray. Fathaaddii u danbeeyay waxay saamaysay bishii hore.

“Beerta $150 ayaa iga gashay. Waxii kale walaal ayaan tuugay. Waa la iigu kaalmeeyay. Waxaa la igu caawiyey xoog. Dhalinyaro ayaan tuugtuugay way ii imaadeen. Beerta qashin bay lahayd. Way iga qaadeen.”

“Waxna lacagtii aan gashaday bay ahayd, waxna iyaga (dhallinyarada) igu kaalmeeyay. Hadda waxba gacan kuma hayo. Dalaggii wuu iga go’ay. Waan iska fadhiyaa.”

Beerteeda oo 2 hiktar ah waxaa ku beernaa dalag iskugu jira raashin iyo khudaar, kuwaas oo u badnaa kuwa ku baxa dhowrka bil, sida qaraha, digirta, galleyda, basbaaska, banbanooniga iyo qaar kale.

Dalagga ka qaasaray wuxuu ka hor istaagay raashin dayn ah oo ay dukaamada uga qaadi jirtay qoyskeeda oo shan qof ah, maaddama dalaggii ay ku tashanaysay si ay daynta u gudo uu qasaray.

Waxay dantu bidday in ay ka jillaabato webiga, halkaas oo ay kala soo baxdo kalluun aan joogto ahayn. Waxay xustay ay fariisto webiga jiinkiisa iyadoo sugta kalluunka u soo baxay qararka webiga.

“Maalintii oo dhan ayaan biyaha ku jirnaa annaga oo raadinaynayna malaay ama Dhoomaal. Hadii aad hesho nasiibkaa haddii aad waydo nasiibkaa. Waxii aan soo helno Dhoomaalkii xoogaa ayaa laga cunaa, waxana waa la reebanaa.”

Fatahaadda waxay sidoo kale ku waysay guri saddex qol ka koobnaa oo ku agyaallay beerteeda. Qoyskeeda waxaa hoy u ah geedaha hoostooda inkastoo dhibaato ay ku hayso biyo baxada.

Guddoomiyaha deegaanka Baar-sanguuni Maslax Cali Saalax ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in fatahaadda joogtada noqotay ay niyad jabisay beeraleyda ku tiirsanaa dalagga ay tacbadaan.

Wuxuu tilmaamay in wax ka qabashada kanaallada biyaha ku sii daayay beeraha ay awooddooda ka wayn tahay, isla markaana Jubbaland ay la wadaageen howlaha hortabinta leh ee lagu xiro karo.

Wuxuu intaas ku daray wajiga koobaad ee xiridda kanaallada ay ku qiimeeyeen lacagta ku bixi karta $3500 iyo qalab gaar ah oo loo adeegsado duugista faraha biyaha soo daaya xilliga roobka.

Wuxuu xusay in beeraleyda qaar ay ka tageen beerahooda si ay u samaystaan ilo kale oo dhaqaale, maaddama ay ka soo kaban waayeen fatahaadda joogtada ah.

“Qoysas badan waxaa ay go’aansadeen in ay ka tagaan beerahooda oo ay galaan magaalooyinka waawayn oo ay meelaha ka xamaashan, maaddama fatahada soo noq noqday la maarayn waayey oo beeraha tacabka ay galiyaanba ay ka baabi’inaysa. Waxay goosteen in magaalooyinka galaan iska xamaashan oo gaadhi gacankooda iska qaatan.”

Beeraley badan ayaa aaminsan in haddii ay helaan gacan ka taageerta xiridda kanaallada ay soo maraan biyaha ku fataha in ay ka soo kaban karaan caqabadaha dib u dhigay, kuwaas oo u nugleeyay duruufta.

The post Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas ku hanti beelay colaad oo Muqdisho ku wajahaya nolol xumo
(ERGO) – Cunno xumo, biyo yari, hoy la’aan iyo adeeg caafimaad oo aan jirin ayay wajahayaan ku dhawaad 200 oo qoys oo tan iyo bishii June gaaray xerada Siinka-dheer ee degmada Garasbaalley.

Colaad qabiil ayay uga soo barakaceen deegaanka Jalalaqsi oo qiyaaastii 60 km waqooyi ka xiga magaalada Jowhar.

Qaarkood waxay dulsaar ku yihiin reero uga soo horeeyay, halka kuwo kalena ay isla cariirsadaan aqallo ka samaysan baco, maryo iyo geedo la isku geeyay oo lagu caawiyay oo aan deeqin.

Sahra Xasan Aadan ayaa sheegtay inay ka maqan yihiin dhamaan adeegyada aas-aasiga ah oo biyaha iyo cunnadu ay ugu horeeyaan. Dadkii ay meesha ugu yimaadeen ayay la wadaagaan waxa yar ee ay helaan.

“Hal mar ayaa si dhiba loogu kariyaa carruurta ama waa waynaa. Cunnada iyo biyaha sida aan ku helnaa waa adag tahay. Dad soo qaxay oo dhulkoodii ka yimid ayaa nahay. Meel biyo la’aan ah ayaan nimid, hal jirigaan ayaa lana siiyaa martina waa nahay.”

Carruurteeda oo kan ugu yar hal sano jiro ayaa ayay sheegtay in ay biyo ku aamusiyo marka ay ooyaan, maaddaama aysan wax kale u helayn, taas oo murug iyo niyad jab ku abuurta.

Waxay joogto u raadisaa shaqooyin nadaafad ah si ay cunno ugu hesho, balse waxba ma helin. Saddex carruurteeda ah ayay tan iyo 19 June ku aragtay shuban iyo qandho badan.

Xeradu ma lahan xarun caafimaad umana awoodo qarash ay isbitaal ku gayso. Joogto uma helaan biyaha iyo musqulo ku filan, taas oo ku sababtay inay xanuunsadaan.

“Meeshan waxaa nagu haysato nadaafad xumo, carruurtii waxaa ku dhacay cudurro aysan horay u qabin. Xaaladooda ayaa noogu culus. Gaajada ayaa uga sii daraysa, silic ayaan ku jirnaa. Jirrada ilmaha ayaa walwal kale ah.”

Barakacan oo ku cusub ayay la qabsan la’yihiin carruurteeda oo 7 ah oo uu ugu weyn yahay 16 jir. Maarayntooda ayay kali ku tahay, maaddaama saygeedii uu jiro deegaankii ay ka yimaadeen. Waxay uga soo tageen 9 neef oo ari ah oo xoolo ay ka leeyihiin.

Waxau xustay in arigooda oo ku dhawaad boqol neef intii badnayd ay ku dhinteen diraacdii hore iyo roob mahiigaan ah oo tuulada ka da’ay dhamaadkii bishii May.

Waxay soo barakaceen, markii kufsi iyo jir dil loo gaystay gabadheeda oo 15 jir ah horraantii June. Saddex nin ayay sheegtay inay farxumeeyeen xilli ay bannaanka xaabo uga diratay.

“Gabadh ayaa kufsi wadareed nalooga gaystay. Arinta inanta si weyn ayay noo saamaysay, iyadana qalbi ahaan iyo jir ahaanba waa u saamaysay.

Waxaa laga gubay beer 2 hektar ah oo abuur cusub ugu jiray, aqal Soomaali ay duleedka tuulada ku lahaayeen iyo agabkii u yaallay, sida gogoshii, maacuunkii iyo raashinkii. Dagaalka dad ugama dhiman balse waxay xustay inay ku dhaawacmeen labo wiil oo ay eedo u tahay.

Safar qaatay 3 maalin oo lug ah ayay ku soo gaareen magaalada Muqdisho, markii ay waayeen nooliga gaariga. Roobab da’ay ayaa waddada dhiiqo ka dhigay, taas oo socodka adkaysay. Waxay tilmaamtay in ay colaada ka hor ku jireen nolol middaan u dhaantay.

Dhanka kale, Hodan Cabdi Cali oo qoyskeeda oo lix ah ay yimaadeen 22 June ayaa sheegtay in colaada iyo barakacu ka saameeyay dhankasta. Waxay carruurteeda la soo raadsatay amni, balse waxay u la’dahay cunno, biyo iyo hoy ay gabaadsadaan.

“Labo mar oo isku xigta dabka lama heli karo, halkii mar ayaa nagu adag oo aan joogto ahayn. Wallaahi waxaan ku jirnaa xaalad aan laga sheekayn karin. Cid aan waxba nagu dhaamin ayaan dulsaar ku nahay, ilmo ayaan wadanaa wax nagu filana ma helno.”

Hodan ayaa sheegtay in 20 liitar oo biyo ah uu maalinkii ku caawiyo guddoomiyaha xerada oo aan wax kale u awoodin. Way dhaqaalaystaan si ay maalinka xiga ugu gaaraan. Labo qol oo jiingad ah iyo agabkii u yaallay ayaysan waxba ka soo qaadan.

Waxay hal buush oo cariiri ah la wadaagaan qoys ay qaraabo yihiin oo uga soo horeeyay xerada. Gaari ehelkeeda ka bixiyeen qarashkiisa ayay xustay inay carruurta ku keentay Muqdisho. Ninkeeda wuxuu ku haray deegaankii,sababo amni dartood ayuu jidka u soo mari waayay.

Hodan ayaa sheegtay inaysan lahayn xirfad ay ku shaqaysato. Waxaay tilmaamtay inay raadisay shaqooyin nadaafad ah, balse aysan waxba helin. Deegaankoodii nolol wanaagsan ayay ku haysteen oo dhaqashada xoolaha iyo beeraha ku tiirsanayd, balse colaada ayay waxkasta ku waayeen.

“Cabsida ugu weyn ee na keentay waa haweenka iyo gabadha oo la kufsanayay. Nafteena kali ah ayaan la soo baxsanay, maba laga gaarin waqti wax la soo qaato. Markii hore xaaladeena waa iska fiicnayd, balse nabadgalyo la’aanta ayay hantideenii ku burburtay.”

Hodan ayaa xustay inaysan haysan gogol fiican. Hal sijaayad oo ay dariska ka heleen ayay dhigtaan. Markii ay deegaankoodii joogeen dalaga beeraha iyo nacfiga xoolaha ayay ku noolaayeen. Waxay sheegtay inay u adkaysan la’ yihiin culaysyada haysta.

Saddex carruurteeda ah oo dugsi quraan u dhigan jiray ayaa colaada uga waxbarasho beelay. Waxay ka bixin jirtay min $4, balse hadda waxba uma heli karta oo quud-maalmeedkoodii ayay u la’dahay.

Dhanka kale guddoomiyaha xerada Siinka Dheer oo qoysaskaan ay soo maciinsadeen Axmed Xuseen Maxamuud ayaa Raadiyaha Ergo sheegay in dadka cusub ay soo dul dageen kuwii hore oo la halgamayay daruufo nololeed.

Wuxuu sheegay inay u dhex galeen dadka oo ay uga soo aruuriyaan raashin bisil si ay hal mar u cunaan. Wuxuu xusay inay yihiin dad nugul oo caawin u baahan.

“Dadkaan waxaa haysta caqabado badan, ma haystaan nolol-maalmeedkii. Qofku cunno la’aan ma noolaan karo. Waxay isugu jiraan ilmo yaryar, umulo iyo dad xanuunsan. Hoy, raashin iyo caafimaad la’aan waaye. Meeshaan adeeg caafimaad iyo waxbarasho midna ma leh.”

Guddoomiyaha ayaa walaac ka muujiyay xaaladda qoysaskan haddii aysan helin gargaar degdeg ah. Wuxuu hay’adaha samafalka, maamulkaa gobolka iyo dowlada dhexe ka codsaday inay kaalmo la soo gaaraan.

Colaadaha ku soo lalaabanaya qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe waxaa ku soo kordhay dhacdooyin cusub.

Maleeshiyaadka qabiilka ee dagaalamaya waxay dab qabadsiiyeen guryo, beero iyo hanti kale sannadihii ugu danbeeyay, taas oo dad badan u horseeday xaalad soo kabsan-waa ah.

The post Qoysas ku hanti beelay colaad oo Muqdisho ku wajahaya nolol xumo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay
(ERGO) – Faarax Cali Kalayr wuxuu ku wajahayaa Baladwayne dhul iyo hoy la’aan tan iyo bishan July, markii laga saaray sanadkan xeradii labaad, taas oo saamayn nolol xumo ku yeelatay qoyskiisa oo barakac ah.

Wuxuu ka mid yahay boqollaal danyar iyo barakac iskugu jira, kuwaas oo maaro u waayay deegaan la’aanta ku haysa magaalada. Dadka leh dhulka laga raray ayaa amray in ay guuraan si ay u iibsadaan.

Faarax ayaa si kumeel-gaar ah u dagay xerada Kaxare oo ku taalla duleedka Baladwayne. Waxaa hoy u ah geed hoostiis oo dusha maryo uu ka saarray, halkaas oo cunno xumo iyo biyo yari ay ku hayso.

Wuxuu sheegay in xerada aysan lahayn il-biyood, taas oo ku qasabta in ay magaalada oo ka durugsan ay dusha uga soo arooraan. Xaaladda qoyskiisa ayuu ka cabsi qabaa in ay ka sii darto bisha Ogoosto.

Wuxuu sheegay in dhulka ay ku taallo xeradiisa cusub dadka daggan ay heleen war-galin ay uga guurayaan bil gudaheed. Geedigii tobnaad ayuu isku diyaarinayaa tan iyo markii barakac uu noqday.

“Sagaal goobood oo dagnay ayaa nalaga barakiciyay. Kow meeshii aan ku aas-aasnay waxaa ay aheeyd Buulo Xuubey. Nin ayaa dhul nasiiyay. Dhulkii markii aan sanad Joognay oo musqulo nalooga dhisay oo hay’aduhu ay nagu barteen wuxuu na yiri hulkeyga waa u baahanahay ama iga guura ama iga kireeysta. Waan ka soo guurnay.

“Midda kale laamigaas wadda Heli-kilmo ayaan dagnay. Qolo hay’addo ah ayaa guryo noo dhisay, maacuuna way nasiiyeen, haddana waa nalaga soo raray. Meeshii sagaal oo hadda aan daganahay bil baa noo dhiman.”

Wuxuu tilmaamay in xeradii hore ee laga barakaciyay uu ku haystay qoyskiisa hoy, biyo galin iyo waxbarasho. Waxaa iskuulka u dhiganayay 2 gabar iyo 4 wiil, kuwaas duruuftu ay ka reebtay.

Waxay ka soo fogaadeen iskuulkooda, taasi oo keentay in ay socod ku gaari waayaan carruurta oo kan ugu wayn uu jiro 15 sano, kaas oo dhiganayay dugsiga dhexe, halka inta kale ay ku jireen kan hoose.

Ka hor xaaladda barakaca wuxuu Faarax ku filnaa nolosha qoyskiisa. Wuxuu ku dabbari jiray shaqo muruq-maal ah oo maalinle uu u qaban jiray. Waa farsama yaqaan bartay dhismaha guryaha.

Wuxuu maalintii heli jiray lacag celcelis ahaan u dhaxaysa $10 ilaa 15, taas oo uu u qaybin jiray cunnada, biyaha iyo waxbarashada. Hadda se shaqadaas joogto maahan, maaddama uusna haysan macamiil.

“Nolosha qoyskayga aad bay u adagtahay. Waayo baladka baagamuuddo badan baa ka dhacday. Shaqo malahan. Annaga awalba xoogsato baan iska ahayn duudkeena baan iskaga xamaalanaynay.

“Aniga xitaa nolol-maalmeedkayga maanta markan magaalada galo waxaa laga yaabaa si aan u dhextaaganahay $1.5 in aan ka soo helo, noloshaydana aanan waxba uga soo cuni karin, habeenna waan helaa oo ilmaha ayaan dabka u shitaa, habeenna waan soo waayaa. Waan iska seexanaa. Biyahaas cadna waa iska cabnaa.”

Wuxuu xusay in barakicinta lagu hayo ay beddeshay hab-nololeedka qoyskiisa. Wuxuu isku keeni la’yahay shaqo raadinta iyo ilaalinta qoyskiisa oo xilli kasta la kulmi kara barakicinta ku socota.

Wuxuu intaas ku daray in uu ka quustay helidda boos uu dajiyo qoyskiisa, kaas oo laga heli karo xeryaha ku yaalla dhul dadka barakacay ay leeyihiin, maaddama ay la ciirciirayaan dad aad u badan oo ku biiray.

Wuxuu gocanayaa noloshii uu haystay ka hor inta aysan billaaban barakicinta qasabka ah. Ka sokow dhaqaalaha uu ka heli jiray shaqadiisa waxaa u dheerayd taageerada hay’adaha gargaarka.

Xeradii u danbaysay ee laga raray wuxuu ku haysta guri labo qol ah, kaas oo ay u dhistay hay’ad samafal. Sidoo kale wuxuu bilaha qaar uu helayay raashin ama lacag gunno ah oo aan cadad go’an lahayn.

“Musqulo waa nalo dhisay, ceelal baa naloo dhisay, guryana waa nalo dhisay, balse ma calfan. Waayo dhulkii haddii aad adigu leedahay way kaaga dhisnaan karaan, annaguna ma awoodno dhulka in aan gadano. Ceelashii nalo qoday meeshii ayaan uga soo tagnay. Meel noo dhisan oo aan ku wajahanay oo aan isleenahay qofkaas boos idin siiyay malahan.”

Wuxuu tilmaamay in xerada ay dageen aysan ku haysan taageero, isla markaana aysan u diiwaan-gashanayn hay’adaha, taas oo saamayn ku haysa qoyskiisa iyo boqollaal la mid ah.

Faarax wuxuu siddeed sano ka hor ka soo barakacay miyiga deegaanka Mustaxiil, halkaas oo uu ku leeyahay beer 5 hiktar ah. Abaar saamaysay dalagga beerta ayaa soo salkiciyay qoyskiisa.

Dadka ay saamaysay barakicinta waxaa u badan dad nugul oo u badan carruur, haween, waayeel iyo dad naafo ah, kuwaas oo aan haysan cunno ku filan iyo hoy xilli ay ku dul hoorayso dhibicda roobka.

Waxaa ka mid ah Faadumo ibraahin Raaxow oo korinaysaa 8 carruur ah oo ay ka dhinteen wiil iyo gabar ay dhashay. Waxay sheegtay in ay la daalaadhacayso helidda cunno biyo ay ku noolaan lahaayeen.

Waxay ku nool xerada Kaxare, halkaas oo ay tageen billowgii bishan July. Waxay sheegtay in ay hayso hoy la’aan. 48 mar ayay xustay in iyada iyo carruurta ay helaan raashin iyo dhowr liitar oo biyo ah.

Waxaa ku taageera carruurta oo 9 ah dad xerada uga horreeyay, nolol ahaana aan waxbadan dhaamin. Faadumo ayaa xustay nolol xumada haysa iyo hubanti la’aanta deegaan ee haysa ay quus-bideen.

“Hadda waa nalagu soo maqan yahay in nalaga bixiyo ayaa la rabaa, annaguna malihin. Waxaan wax ku gadanana mahaysano. Ilmo rajooyin ah oo gabadhaydu ay dhashay ayaan hayaa, awalna ilmo agoon ah ayaan haystay.”

Nolosha qoyskeeda markii hore wuxuu ku tiirsanaa wiil kabo-caseeye ah, kaas oo nolol-maalmeedka u soo dhicin jiray, balse hadda shaqo la’aan, markii ay ka soo fogaadeen magaalada Baladwayne.

Wuxuu shaqadaas ka heli jiray lacag u dhaxaysa $1 ilaa $2. Sidoo kale waxay heli jireen caawinta dad daris iyo qaraabo lahaa, kuwaas oo kala irdhoobay, markii laga barakiciyay xeradoodii hore.

Faadumo oo 62 jir ah waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in tabar darro haysa awgeed aysan shaqo tagi karin, sidaas darteedna ay walaac ku haysa badbaadada carruurteeda oo waalid kale haysan.

“Marbaan casho karsanaa oo aanan qado karsanin. Marba si ayaan ku nool nahay. Wax ku joogno meeshan maleh. Ilaahey xaggiis baan ku joognaa maahane. Wax aan wax ku gadano mahaysano.”

Dhul la’aanta ayay xustay in saamaynta ugu daran ay ku hayso, maaddama aysan awood u lahayn iibsashada dhul ay leedahay, taas oo ku qasbaysa in ay dib ugu laabato halkii ay ka soo barakacday.

Sanadkii 2018 ayay ka soo barakcday dagmada Qalaafe oo beer lix hiktar ah ay ku tabcan jirtay. Colaad saamaysay ayaa sababtay in ay u soo wareegto Baladwayne, halkaas oo nolol cusub ay ka billowday.

Kororka qiimaha dhululka Baladwayne ayaa loo sababeeyay barakicinta lagu hayo dadka dantu ay biday xeryaha sida uu sheegay Cabdifitaax Xaashi Cismaan oo ah madaxa xafiis ururka qareennada Tolwaaye.

Wuxuu xusay in dadka soo barakacay aysan helin deegaamayn ama aan la dajin dhul dowladdu ay ku ogtahay, taas oo u nuglaysay dadka iskaleh dhulalka ama xoogga kula wareega milkiyaddiisa.

Wuxuu intaas ku daray in ay billaabeen u dooditaanka dadkan oo hanti kulahaa dhulka laga kiciyay sida guryo iyo ilo biyaha laga helo, kuwaas oo la burburiyay ama lala wareegay.

Wuxuu tilmaamay in ururkooda oo kaliya aysan xal u heli karin ka hortagga barakicinta qasabka ah haddii aysan garab ka helin maamulka iyo maxkamada, si dhibaatada looga yareeyo dadkan.

Wuxuu soo jeediyay in dadka laga saaray gurayoodaha xal degdeg ah loo helo dhibaatada haysata.

“Inta duruufahoodu ka xalismayaan waa in dowladdu meel gaar ah u calaamadayso oo ay ku hayso. Waxyaabaha horumarka ahna halkaas ugu gayso. Sharciga dhulka iyo nidaamkiina iyada oo la marinayo si halkaas aysan u noqon meel qof iska qaato oo xilligii uu doonana uusan ka burburin. Meeshaas dowladda ayaa maamulaysa ama hay’ado dowladdu ku ogtahay oo ku koontarooshay.”

Labadii sano ee u danbeeyay waxaa kordhay tirada dadka hoy la’aanta noqday, markii dowladda Soomaaliya iyo shaqsiyaad ay ka saareen dhulal ay muddo dheer ku noolaayeen dad soo barakacay.

The post Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho
(ERGO) – Wuxuu noqday guri-joog aan wax shaqo qaban tan iyo billowgii sanadkan Xasan Xuseen Noor, kaas oo cunno xumo ay wajahayaan qoyskiisa oo barakac ku ah Gaalkacyo.

Wuxuu ku dabari jiray howl samafal oo si madax-bannaan uu ugu qaban jiray hay’ad gargaar.

Waxaa la mid ah ku dhawaad 100 dhallinyaro, kuwaas oo kala shaqayn jiray dhinaca wacyi-galinta iyo faya-dhowrka hay’ado ay ka mid yihiin CARE, DRC iyo Kuwo kale oo gargaarka gaarsiin jiray kaamamka.

Waxay ka howl-gali jireen xeryaha ay ku nool yihiin iyagoo ku shaqayn jiray mushahar ay si bille ah u heli jireen.

Xasan oo ay ka istaagtay $200 oo ahayd isha dhaqaale ee qoyskiisa wuxuu la daalaadhacaya duruuf nolol xumo oo ka dhalatay xaaladdaas.

Toddobaadkii labo maalin oo ka mid ah ayay helaan cunno 2 waqti ay dabka saartan. Waxaa soo dhicisa xaaskiisa oo shaqo xoogsi ah qabata.

Bishii labaad ee sanadkan ayay ku qasbanaatay in ay ku wareegto gudaha iyo daafaha magaalada si ay u soo aruuriso biraha macdanka ah, kuwaas oo asbuucii labo mar oo ka mid ah ay ka iibsadaan raga biraha tuma.

Waxay ka heshaa lacag aan joogto ahayn oo u dhacaysa $3-5.

Dhaqaalahan oo aan ku filnayn ayaa ku riixay in ay dayn ku kaalmaystaan. Xasan wuxuu gocanayaan shaqadii uu ka helayay mushaharka joogtada ahaa.

“Xaga dab-shidka culay baa ka jiro. $200 ciyaalkayga waa ku filnaa jirtay. Saddexda waqti raashinkooda way ku filnayd. Hadda ma haysano wixii dhan. Rajo ayaa nagu jirta. Hay’ada markay soo laabayo daynta iska mag.”

Wuxuu tilmaamay in muddo Afar sano ah uu qoyskiisu ku tiirsanaa dhaqaalaha ay siinaysay hay’adda DRC oo uu u shaqayanayay.

Wuxuu u qaabilsanaa wacyi-galinta, ilaalinta nadaafadda iyo xog aruurinta la xariirta tacadiyada ka dhaca xeradiisa Samawade 1.

Wuxuu sheegay in uu ahaa adeeg bulsho oo marna uu ka faa’iideysanayay shaqada uu yahay, marna uu ugu shaqaynayay dadkiisa nugul, taas oo hadda meesha ka baxday, markii hay’addu ay fasaxday.

Waxaa lagu war-galiyay in shaqo joojintan ay la xariirto dhaqaale xumo.

Ka hor shaqadan wuxuu ahaa farsamo yaqaan qaabilsanaa dhismaha guryaha, balse fursad tababar oo uu ka helay hay’adda uu u shaqaynayay ayaa siisay in uu si madax-bannaan ugu biiro kooxaha ka howl-galayay xertaha.

Xasan ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa dib ugu laabashada xirfaddiisii hore, balse qiimayn uu ku sameeyay uu ogaaday in heliddeedu ay adag tahay xilligan.

“Farsamadii aan ku shaqayn jiray waanba ilaawayba. Macaamiishii aan la shaqaynayey dad kalaa u shaqaynaya. In aan doon doono nambarada aan wacdo mooyee dadkii niman kalaa u shaqeeya. Qof cusub baa magaalada ka noqday.

Hay’ada Ilaahay wax iigu soo dhiibi jiray meelba ma aadin shaqada, shaqadii horana waan iska illaaway oo faryaamo ayaan qandaraas ka qaadanayay. Hadda magaalada iyadaaba iska xiran. Wax laga shaqeeyo malahan.”

Wuxuu rajo xumo ka muujiyay saamaynta sii wiiqmaysa ee hay’adaha samafalka, kuwaas oo sidoo kale xeradiisa ka bixiya raashin, kaas oo hadda aan joogto ahayn. Wuxuu xusay in mararka qaar la helo, inta badana la waayo. Waa culays kale si guud looga cabanayo.

Duruufaha kale ee haysta Xasan waxaa ka mid ah dayn uu qaadanayay tan bishii Janaayo ee sanadkan oo dadka ku leh ay ku qasbanayaan in uu bixiyo.

Wuxuu sheegay in uusan awoodin lacagtaas oo ah $350 oo raashin uu ku qaatay.

Intaas wuxuu ku daray in sidoo kale lagu leeyahay $120 oo ah lacag ay waxbarashada ku dhiganayeen afar ilmood oo uu dhalay.

Wuxuu xusay in uu ku sii faro adaygayo si aysan waxbarashada iskuulkooda uga harin duruufta haysa awgeed.

Afartan iyo shan xero oo ku yaalla Gaalkacyo ayay ka howl-galayeen dhallinyarada shaqo la’aanta noqday.

Xero kasta waxaa ka shaqaynayay 2 qof xirfad u leh iskudubbaridka arrimaha wacy-galinta bulshada, faya-dhowrka iyo qaar kale sida ay inoo sheegeen horjoogayaasha xerayaha.

Xirsi Jaamac Baadi oo ah guddoomiyaha xerada Danwadaag ayaa ka mid ah masuuliyiinta culays soo kordhay ku tilmaamay howlaha samafal ee meesha ka baxaya iyo dhallinyarada shaqo la’aanta noqday.

Wuxuu tilmaamay in kaalin wayn ay uga jireen baraarugga bulshada barakaca ah iyo xitaa dhaqaalaha ka soo galayay hay’adaha oo ku dhex-wareegi jiray xeryaha gaar ahaan ganacsiyada ay wax ka iibsanayeen.

Taakuladii gargaar iyo tii wacyi-galin ayuu xusay in ay waayeen dadka xeradiisa iyo kuwa la mid ka ah, taas oo rajadooda nololeed sii adkaysay.

“Dadkaas hoy ma haystaan, caafimaad ma haystaan iyo waxbarasho ma haystaan. Quutul duruurigii cuni lahaayeen ma haystaan. Wax Allaale oo aasaasi ah oo qofka bani’aadamka u baahan yahay bay u baahan yihiin. Raashin hadii nala siiyo waan qaadan lahayd waa na anfacaysaa. Wax aan diidayno ma jirto.”

Sacdiyo Cabdi Axmed oo ah hooyo kaligeed korisa sagaal carruur ah waxay ka soo kaban la’dahay shaqo la’aan ku dhacday. Waxay ahayd xariiriyaha hay’adaha, bulshada iyo maamulka xerada Danwadaag.

Waxay sheegtay in shaqadaasi ay ahayd isha keliya ee dhaqaale ee qoyskeeda ku tiirsana ilaa 2023, isla markaana ay ka dabooli jirtay baahiyaha cunto ee qoyskeeda iyo tan waxbarasho ee carruurteeda.

Waxay ka dayrisay xaaladda qoyskeeda ay ku jireen lixdii bil ee u danbeeyay. 24 ba mar ayay xustay in ay dabka saartaan cunno aan ku filnay. Waxay ka heshaa shaqo xoogsi ah oo aan joogto ahayn.

“Waxaan ku maareeyaa noloshayda inaan shaax kariyo iyo inaan meelo soo xaaqo. Meeshay noloshayda ku jirto ayaan wax ama bariiskayga aan kala soo baxaa, kaamkayaga wax yaala malahan waa xero cayr ah. Aniga oo mar $50 ama $100 isoo dhici jirtay ayaa ugu wacnaa.”

Sacdiyo Waxay Shaaxa ku karisaa gurigeeda iyadoo ka dibna ku wareejisa suuqyada iyo goobaha ganacsiga, Iyadoo koobka shaxaa ay ku iibiso $0.2.

Haweenaydan Waxay xustay in dhowr hay’adood in ay si madax-bannaan ay u la shaqayn jirtay, kuwaas oo ay ka mid yihiin. Waxay si bille ah ugu heli jirtay lacag cadad ahaan kala duwan.

Waxay ku xirnayd shaqooyinka ay qabato bilaha qaar ayay xustay in ay shaqaysan jirtay $150, taas oo ku filnayd nolol ahaan, balse la’aanteed waxay qoyskeedu galeen xaalado nolol xumo oo isbarkan.

Waxay sheegtay in daymihii ay heli jirtay in hadda ay gabaabi noqdeen sabab la xariirta lacag badan oo lagu yeeshay. $440 ayay ku leeyihiin ganacsato iyo xarumo waxbarasho oo 4 carruur ah u dhigtaan.

“Maalintay iga go’day lacagtaas nolo mugdi ah oo waxaan galay. Dhaqaale daro darteed caruurtayda dugsiga waa ka hareen, Iskuuladiina waa ka hareen.”

Sacdiyo iyo qoyskeeda waxay sanadkii 2018 ka soo barakaceen deegaanka Buursaalax ee gobolka Mudug, markii abaar ay dhaafisay xoolo ay dhaqanayeen oo ahaa ishooda dhaqaale.

Waxay isku martay dhowr xero, balse sadddexdii sano ee u danbeeyay waxay ku nagaatay xerada lagu barakacay ee Danwadaag, halkaas oo ay uga howl-galaysay hay’adaha gargaarka bixiya.

Dadka soo barakacay waa kuwa ugu badan ee saamaynta ay ku yeelatay hoos u dhaca dhaqaale ee ku dhacay hay’ado cunno iyo shaqo abuur siinayay dadka ku jira xeryaha.

The post Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
(ERGO) – Toddobo qof ayaa cudurka shuban-biyoodka ugu dhintay deegaanka Buula Xaaji oo dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo. Wuxuu sidoo kale soo ritay tan iyo bartamihii bishii June 235 qof oo isugu jira rag, haween iyo carruur, sida ay noo sheegeen dhakhaatiir deegaanka u tagay caawinka bukaanada.

Dr. Xasan Xuseen Maxamed, oo ka mid ah dhakhaatiirta si mutadawacnimo ah u caawinaya bukaannada, ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee cudurka loo aaneynayo ay tahay biyaha wasakhaysan ee laga cabbo waraha.

Aadan Bakaal Sheekh waxaa cudurka uga dhintay wiil labo jir ah bilowgii July 2026. Wuxuu xusay inuu halmar ku soo booday shuban aan kala joogisi lahayn, ayna Joogeen dhul baadiye ah oo aan lahayn goob cafimaad iyo daawo midna.

“Wuu shubmay. Shubankii wuu Isbeddelay. Quraan ayaan saarnay.  Cunugii indhihii god ayey galeen. Wax daryeel ah ayaan waynay. Waxaa nala dhahay Buula Haaji ayaa daryeel uu jiraa oo cafimaad la keenay. Aniga iyo gabadhii ii dhashay ayaa soo qaadnay. Gabadhii waa qaadi wayday shubankii ayaa iska socda.”

Aadan ayaa sheegay in wiilkiisa uu u waayay lacag uu gaari ku soo saaro, taas oo dib dhigtay. Wuxu xusay in saddex habeen iyo saddex maalin uu la soo lugaynayay. Markii uu u soo dhawaaday deegaanka Buula Haaji nin ayaa ku caawiyey gaari Dameer.

Wuxuu tilmaamay inay jirka kula soo kulmeen culeyso kale oo safarka ku dheereeyay sida roob mahiigaan ah oo jaray waddooyinka. Arrimahaas ayaa keenay in wiilkooda uusan durba helin gargaar badbaado leh.

“Waxaan u soo qaadi waayey gaadiid la’aan. Meesha Gaadiid ma galo.  Waa cir ka dheer dhul dheer. Marka aan soo dhawaanay ayaan qaadmo ku soo dayey. Tiirabi ayaa qabsatay walaalow cunugayagii aan jeclayn.”

Ninkan ayaa sheegay in wiilkiisa uu naf baxay markii ay geeyeen Buula Haaji oo lix saac uu yeelay goob yar oo si ku meelgaar ah loo dhisay. Dhakhaatiirta ayuu xusay inay u sheegeen inuu u god galay cudurka Shuban biyoodka.

Waxaa xannuunka ku kordhinaya in sababta geeridiisu tahay fuuq bax ku socday maalmo, iyada oo aan la siin wax dawayn iyo baxnaano kale ah midna.

“Dhakhtarka waxaa uu yidhi shubanka ayaa dilay.  Haddii uu daryeel caafimaad helli lahaa waa fiicnaan lahaa ayuu nagu yidhi. Anagana waan soo gaadhi waynay. Mar hore maxaad u keeni waydeen ayuu na waydiiyey. Anagana tamarta ayaan u sheegnay sida aan Buula haaji ku keenay, marka xaalka ayaad sidaa noqday.”

Aadan iyo xaaskiisa ayaa dib ugu laabtay tuuladoodii Qurac-dheer iyada oo uusan wehlin yaraankoodii. Waa danyar dhaqda afar sac iyo toban ari ah oo uga soo haray abaaro deegaanka saameeyay.

Buula Xaaji ma laha isbitaal ama xarun caafimaad oo si rasmi ah u shaqeysa. Xarunta caafimaad ee ugu dhow waxay ku taallaa magaalada Kismaayo oo u jirta qiyaastii 90 km. Qoysaska qaar ayaa awoodin inay iska bixiyaan qarashka gaadiidka.

Dadka deegaanka ayaa iskood isu abaabulay, iyagoo dhisay laba teendho oo ku-meel-gaar ah, kuna diyaariyey afar sariirood si loogu dabiibo bukaannada ugu daran. Waxaa sidoo kale la geeyey daawo kooban oo ay bixisay Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland, hase yeeshee dhamaad ah.

DR Xassan Xusseen Maxamed oo ka mid ah dhakhaatiirta dadka ugu shaqaynaysa sida tabaruca ah ayaa sheegay in uu cudurka uu ku faafayo si xawli ah marka loo eego dadka uu soo ridanayo.

Wuxuu intaas ku daray in daawooyinka iyo sariiraha ay ku jiifanayaan bukaanka ay aad u yaryihiin, taas oo hoos u dhigaysa dedaalkooda. Wuxuu tilmaamay inay awoodooda ka baxsan tahay baahida jirta.

“Anagga waxaan siinaynay dadka Oras iyo daawooyin u badan faleenbooyin oo ku xidhaynay dadka. Dadka waxaa ay ka imaanayaan miyi iyo magaalaba. Cudurka waxaa uu ka dhashay biyha wasakhada ee dadka ay cabayaan.”

Marka laga tago reer guuraaga bukanaadda ugu badan waxay ka imaanayaan xeryaha deegaanka. Faadumo Hilowle. Cumar oo ku nool duleedka deegaanka Buula Haaji ayaa sheegtay inay wiil ay dhashay oo labo sano iyo bar jira uu kaga dhacay Shuban 25 June.

Waxay keentay deegaanka balse waxaa loo sheegay inay xaaladdiisu tahay mid aan waxba looga qaban karin. Faadumo ayaa xustay inay wayday $16 oo ay ku gayso magaalada Kismaayo. Nasiib wanaagsan, waxaa ka ogolaaday inuu si dayn ah ugu qaado mid ka mid ah darawallo ay u dan-sheegatay.

“Cunugga markaan qaadaayey magaalada isagga oo nool ma tagaysaan mise dhaxda ayuu ku dhiman-doona ayaa lahaa sida uu u liitay awgeed. Markii aan magaalada tagay oo isbitaalka geeyey waa la isoo dhaweeyey cunuggan daawo ayuu meesha iiga helay.”

Faadumo ayaa sheegtay in wiilkeeda kowdii bishan July laga saaray Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo isaga oo ay soo hagaagtay xaaladiisa caafimaad ayna dib ugu celisay deegaanka Buula Haaji oo ay ku nool yihiin.

Waxay xustay in daawooyin kala duwan loo siiyey wiilkeeda intii ay kula jirtay Isbitaalka dhakhaatiirtana ay ku bixiyeen dadaal  fiican sidii uu u badbaadi lahaa.

“Markii cunugga ii cafimaaday oo dhiigiisa uu soo noqday shubankiina uu joojiyey oo daawo walba la ii siiyey oo fiicnaaday ayaan soo bixiyey. Dhakhaatiirta waxaa ii sheegeen in cunugay uu aad u liitay oo shuban biyood uu ku dhacay oo xitaa qaybta ilmaha aad u liita la galiyey ayey ii sheegeen.”

Faadumo ayaa sheegtay inay nolol adag ku wajahayaan xeryaha deegaanka oo ay soo galeen Febraayo markii ay roob yari uga dhamaadeen 25 lo’ ah iyo 50 neef oo ari ah oo ay noloshooda ku tiirsanayd.

Nolasha qoyskeeda oo toban ah ayaa ku tiirsan shaqo muruq maal ah oo aan joogta ahayn oo saygeeda uu qabto. Waxy sheegtay in maalintii uu helo $1.5, mararka qaarna uu wayao.

“Nolosha waa iska xuntahay waddanka shaqo la’aan ayaa ka jirta. Ninkii Shaqayn lahaa wax uu ka shaqeeyo ma lahan. Waddanka shaqo mataalo. Wax yar oo lo’ ah iyo adhiya ayaan lahayn. Lodii waa dhamaatay. Adhigiina wuu dhamaaday.”

Qoysaskan oo horay u wajahayay saamayn taban oo ka dhalatay isbeddelka cimilada markii ay ku cayroobeen roob yari soo laalaabatay ayaa hadda waxaa u raacday xaalad caafimaad daro oo ku kordhisay duruufihii nolosha ee ay la halgamayeen.

The post Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.