Cunto-Yaraanta Archives - Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information

Galgaduud: In ka badan 100 qoys oo nolol adag uu galiyay bacaadka saamayn ku haya
(ERGO) – Cunno xumo iyo hoy la’aan ayay wajahayaan 130 qoys oo danyar iyo xoolo dhaqato iskugu jira, kuwaas oo bishii Ogosto ee sanadkaan bacaad ku soo rogmaday uga barakacay deegaanka Hul-caduur ee gobolka Galgaduud.

Dadkaan oo horrayba ugu sugna nolol xumo ka dhalatay roob yari tuullada ka jirtay in ka badan sanad ayaa sheegay in bacaadka oo markii ugu horaysay ku fiday uu xaaladdooda uga sii daray.

Waxay ku waayeen guriyahooda, waddooyinkii, xaruntii caafimaadka iyo goobtii waxbarashada. Abuukar Maxamuud Iidow oo ka mid ah wuxuu qoyskiisa oo 10 ah u awoodi la’yahay cunno iyo gabaad.

Waxa keli ah ee ay noloshoodu ku tiirsan tahay waa 20 kiilo oo bur, baris, sonkor iyo saliid iskugu jira oo ay iskugu soo dardareen dad ay ehel yihiin oo jooga degmada Ceel-dheer.

Wuxuu tilmaamay in kalmadaas oo ay tashilayeen tan iyo bartamihii bishii hore ay hadda gababasi sii tahay aysan jirin meel kale oo ay deeq ama dayn ka heli karaan.

“Xoolihii aan ku tiirsanayna waa nacfi beelen. Waddooyinkii waa burbureen. Gawaarida qiimo sare ayay raashinka ku keenaan deegaanka oo aan awoodin inaan iibsano.”

Abuukar ayaa sheegay in qoyskiisa ay duleedka deeganka ku wajahaya hoy xumo. Carruurtiisa oo kan ugu yar uu jira 1 sano, horrayna aan u mudan dugsi la’aan tan lamid ah ayuu xusay in ay la qabsan la’yihiin.

Wuxuu tilmaamay in bacadka uu hoygiisa ku yimid xilli uu dayac tir ku sameeyay saddex qol oo jingad ah oo ay daganayeen.

Wuxuu xusay in carrada ay duugtay dhamaan qolalkii iyo meelihii ay biyaha ku kaydsan jireen, taasina ay ku qasab tay in ay iskaga soo tagaan.

“Guriga marka uu bacadku duugo halkiisa ayaa looga tagaya iyadoon waxbo laga qaadan. Waxyabaha iga qasaaray waxaa ka mid bac aan dhulka galinay oo ay reerka iyo xoolaha biyaha iga cabi jireen, $300 oo ay dad ehel ah igu caawiyeen ayaana markii hore ku samaystay.”

Abukar ayaa sheegay in 20 neef oo ari oo u jooga ay yihiin wayd aan iib galin, sidoo kalana aysan qoyskiisa ka helin wax cad iyo caano toona.

Daaq xumo haysata iyo inuusan calaf u gadi karin ayuu u sababeeyay. Ninkaan ayaa sheegay in muddadii ay roob yaridu jirtay ay daaq la’aan uga dhinteen 55 neef ari ah.

Dhanka kale wuxuu tilmaamay in qoyskiisa ay maalinkii cabaan jirgaan ay xaskiisa dhabarka uga qaato ceellal rig bilaash ah oo deeganka ku yaalla.

Wuxuu xusay in ceelasha ay biyaha ka cabaan uusan wali bacaadku gaarin. Xaaskiisa ayuu tilmaamay in ay ku qaadato qiyaastii in ka badan sacad iyo bar si ay biyo ugu soo dhaamiso.

Waxaa xaaladdan darteed waxbarasho la’aan ka noqday 3 carruur ah oo wax uga dhigan jiray iskuulka hoose dhexe ee deeganka oo hadda xirmay, markii bacadka iyo dabaylo is biirsaday awgeed uu burburay.

Carruurtiisa oo marayay fasalka labaad ee dugsiga hoose ayuu xusay in ay guri joog noqdeen. Iskuulka xirmay ayuu sheegay in uu ahaa xarunta kaliya ee waxbarasho ee tuullada ku taallay, taas oo ay bulshada isku tashi ku dhisteen sanado ka hor.

Ninkaan ayaa sheegay in degmada Ceel-dheer oo u jirta qiyaastiii 40 km ay tahay halka ugu soo sokaysa ee uu tacliin uga heli karo carruurtiisa, balse ma hayo kharashkii uu ku gayn laha.

Waxaa culayska ku sii kordhinaya $800 oo uu qayb raashin iyo arad-tir ugu qaaday reerka, qaybna uu ku soo qaatay agabkii uu guriga ku dhisay.

“Culays wayn ayay dayntaas igu haysa. Habeennada qaar hurdada ayaan ka toosa walwalka ay igu haysa awgeed Illahey ayaan ka baryaya in uu I siiyo wax aan iskaga bixiyo.”

Abukar ayaa sheegay inusan hayn wax qorsha ah oo uu xaaladdan uga samata-bixi karo, maaddama uu faro maran yahay.

Qoysaska ku barakacay bacaadka ku habsaday tuulada Hul-cudur iyo hareeraheeda ayaa ka siman saamaynta nololeed ee haysta.

Cabdullaahi Maxamed Kulmiye wuxuu tilmamtay in qoyskiisa oo 13 qof ka kooban ay wajahayaan daruufo liita oo dhanka nolosha ah.

Bacaadka awgiis waxaa ka xirmay sandaqad uu ku iibin jiray bagaash iyo raashin, taas oo uu maalinkii kaga tashan jiray $8 illaa $10 oo faa’ido ah.

“Ganacsi yar ayaan haystay, wax kale iima raacin. Dukankii waa iga burburay. Gurigii uu igu yaallay ayaa burburay. Si walbo oo aan bacaadka ula dagalami karno waa samaynay, markii wixii kharash aan hayay uu iga dhamaaday ayaan quustay oo aan reerka u soo waday duleedka deegaanka.”

Cabdullahi ayaa sheegay in labadii bil ee la soo dhaafay ay qoyskiisa ku tiirsanayeen raashin 35 kiilo ah oo bur bariis, saliid, sonkor iyo Digir iskugu jiray oo dukaanka u yaallay.

Wuxuu xusay in ay tashiilanayeen, balse uu ka idlaaday bartamihii bishii hore. Waxay dabka ku shitaan daymo ay ka soo qaatan dukaamo ku yaalla degmada Ceel-dheer.

Wuxuu sheegay in uu noqday baaga-muudo ku hungoobay raadinta shaqooyinka xamaalka ah oo ay adag tahay in laga helo tuulladii uu ku noola iyo degmad Ceel-dheer.

Wuxuu tilmaamay in qoyskiisa ay nolol xumo dhinacyo kala duwan leh ku wajahayaan duleedka tuullada oo ay soo miciin bideen.

Culaysyada ugu daran ee uusan xalka u hayn waxaa ka mid ah tacliin la’aan soo food saartay labo ka mid ah carruurtiisa oo horray wax u baran jiray.

“Bacadka waxbarashada waa naga sameeyay. Culays badan ayay igu haysa tacliin la’aanta carruurtayda. Ma hayo kharash aan meel kale ugu diro. Culays wayn ayaa dareemaya.”

Sidoo kale gawaarida yimaada ayuu xusay in ay shidaal badan gubaan si ay deeganka u soo gaaran ama ay ka soo wareegtaan waddooyin fogfog oo qiyaastii illa 25 km ah.

Wuxuu xusay in kirada lagu keeno kiishka raashinka ah ee Gaalkacyo ama Xamar laga soo qaado uu qofka ganacsadaha ahi ku bixiyo $5 halka markii hore u ahaa $2.5.

Bacaadka oo si xowli ah u fidayA ayaa wada gaaray inta badan dadkii dagana konfurka deeganka iyo miyiga hoostaga, taas oo ka dhigaysa meel qarka u saaran in ay noqoto lama deegaan sida uu sheegay Yuusuf Cabdulle Xasan Xoghayaha deegaanka Hul-cudur

“Daruufaha ugu daran ee dadka haysta waa hoy la’aan, waxbarasho la’aan, bubur ku yimid xaruntii MCH ka iyo suuqi lagu ganacsan jiray. Bulshada tabar ay ku dhistaan mahayan.”

“Cid kasto oo nagu caawinta karta xakamaynta bacaadka iyo sidii aan u dhisan lahayn xarumihii naga burburay waa u baahanahay.”

The post Galgaduud: In ka badan 100 qoys oo nolol adag uu galiyay bacaadka saamayn ku haya appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas maciin-biday Janaale, markii ay ka barakceen duqayn saamaysay noloshooda
(ERGO) – Waxay ka soo tageen guryihii iyo beerahii ay ku tiirsanaayeen, si ay waxyeello nafeed uga badbaadaan tan iyo horraantii bishii September in ka badan 1,700 oo qoys.

Duqaymo iyo dagaal toos ah oo dhowr mar dhacay, wellina socda ayaa ku qasbay in ay soo baxaan iyagoo faro maran.

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ayay ku wajahayaan duleedka deegaannka Jannaale oo ay soo maciin bideen.

Waxay ka soo barakaceen tuulooyinka Siigaale, Malable, Oow-gunji, Buula-alondi iyo kuwo kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Aweys Cabdi Isaaqoo dadkan ka mid ah ayaa sheegay in tan iyo 2 bishii September ay daruuf adag ku haysato Jannaale.

Raashin hal mar aan si fiican u deeqin oo beeralayda deegaanku ku caawiyaan ayay ku tiirsan yihiin. Wuxuu xusay in carruurtiisa oo 4 jir ugu yar yahay ay u adkaysan la’ yihiin gaajada.

“Cunto iyo lacag aan ku gadano midna ma haysano. Dadka meesha aan ugu nimid ayaa wixii ay noo awoodaan na siiyaa. Madaal galey, koosto beeraha looga soo gooyo, moos iyo wixii ay noo heli karaan ayaan ku nool nahay. Markastana lama helo.”

Aweys ayaa sheegay in qoykiisa oo 12 qof ah uusan kala gaarayn raashinka yar ee ay helaan. Si uu baahiyahooda u daboolo, wuxuu deegaanka iyo beeraha u dhow ka raadiyaa shaqooyin xoogsi ah, balse uma suuragalin.

Waxay cabbaan biyaha wabiga oo wasaq ah, maaddaama aysan iibsan karin kuwa nadiifka ah oo halkii fuusta ay $2 tahay.

Dariska ayay ka baryaan caagado ay dusha uga soo qaataan wabiga oo qiyaastii 2 km u jira meesha ay ku nool yihiin. Haddii caaga loo baahdo ma heli karaan meel ay biyaha ku shubtaan.

Ninkaan ayaa sheegay in 3 carruurtiisa ah ay qandhaysan yihiin tan iyo markii ay yimaadeen. Dhaqtar ma jiro u xaqiijiyay nooca ay tahay jirrada haysa. Dhibaatooyinka isku biirsaday ayay xamili la’yihiin.

“Dhanka biyaha dhibaato ayaa naga haysta, tuubooyin ma awoodno. Caqabadaha kale waxaa ka mid ah nafaqo darro ay cunno la’aantu sababtay. Carruurtii waa xanuunsan yihiin daawana ma helayaan, malaariya, hargab iyo naqas ayaa haya.”

Qoyskiisa waxaa intaas u dheer hoy la’aan. Buul aan wada qaadin oo ay ka dhisteen geedo duurka ay ka soo gurteen iyo maryo duug ah ayay habeenkii carruurta iyo haweenka galaan, halka raggu ay banaanku seexdaan, markuu roob yimaadana masaajidka ay gabaadsadaan.

Aweys ayaa xusay in ay nolol wanaagsan ku haysteen tuulada Malable oo muddo dheer ay beeraley ku ahaayeen. Waxay ka soo tageen dalagyo galey ah oo goosasho diyaar u ahaa oo ugu yeellay beertiisa oo 3 hektar ah.

Ninkaan ayaa sheegay in loo haysto qarashkii uu beerta galiyay iyo daymo kale oo reerkiisa uu ugu qaaday waxyaabo ay u baahnaayeen ka hor barakaca.

“Lacag $450 ah ayaa iiga baxday dalagii ugu danbeeyay. Wallaahi habeen ma seexan karo oo nambarkii u soo waca ninkii igu lahaa ayaan u moodayaa. Walwal ayay igu haysaa. Wax aan hadda haysanno ma lahan oo nolosheenii hoos ayay u sii dhacday.”

Aweys waxaa waxbarasho la’aan ka ah 5 carruurtiisa ah oo deegaankiisii uga dhigan jiray dugsi Qur’aan iyo iskuul hoose oo gaar ah. Wuxuu qofkiiba ka bixin jiray $10 oo hadda uusan awoodin.

Gobolka Shabeellaha hoose oo deegaanno ka tirsan ay Shabaab haystaan waxaa joogto uga dhaca dagaallo. Dadka ku nool meelaha la beegsado waxay dhibbane u noqdaan waxyeello naf iyo maal ah.

Aamina Xasan Cali, saddex carruurteeda ah iyo labadeeda waalid oo da’ ah waxay dulsaar ku yihiin reer aysan aqoon u lahayn oo degan magaalada Jannaale tan iyo 8 September.

Maalinkii ay yimaadeen ayay hooyada qoysku jidka ka soo kaxaysay, iyagoo meel cidlo ah fadhiya. Ma haystaan cunno ku filan iyo hoy midna.

Waxay la isticmaalaan raashinka iyo biyaha ay heli karaaan qoyska ay la joogaan. Waxay siiyeen hal qol oo darmo ay dhulka dhigtaan.

Ciriiriga iyo daruufaha nololeed ayay xustay in ay u adkaysan la’yihiin, balse aysan doorasho kale haysan.

“Wixii reerku na siiyaan ayaan cunnaa. Habeenkii kali ah ayaa wax la karsadaa. Carruurtu waa igu ooyaan, markii ay raashin waayaan. Xaaladu waa nagu xuntahay.”

Aamina ayaa sheegtay in ay kali ku tahay xaaladaan adag ee ay galeen. Saygeedii oo ahaa qofka kali ah ee reerka u shaqeeya bishiii sideedaad ayuu ku dhinta duqayn lala beegsaday deegaanka Malable oo ay ka soo barakaceen.

Waxaa xasuusteeda ka go’i la’ geeridiisa oo saamayn weyn ku yeelatay. Waa xaamilo aan awood karin inay shaqooyin xoogsiga ah qabato, hooyadeed waxay jirtaa 78 sano, halka aabbaheedna uu yahay sagaashan jir, carruurteedana waxa ugu weyn 7 jir.

Dhamaantood waa dad nugul, taas oo keentay in uusan jirin qof u shaqeeya xilligaan adag. Waxay ka soo tageen 13 loor oo galey ah oo markaas uga soo go’day beer hal hektar ah oo ay hal xilli-beereed ku kiraysteen $20.

Mulkiilaha ayay kula heshiiyeen inay raashinkaan qayb u siin doonaan kiradiisa, balse uma suuragalin oo dagaalka ayaa ka soo hor maray.

Aamina ayaa sheegtay inay culays ku hayso dayn $50 ah oo looga leeyahay deegaankii ay ka soo barakaceen. Waxay ku gashay raashin iyo biyo uu ninkeedu u soo qaaday, taas oo ay doonayeen inay ku bixiyaan dalaga aysan calfan.

Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Al-cadaala guddoomiyaha deegaanka Jannaale ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in guddi ay u xil saareen diiwaangalinta dadka soo barakacay oo ah kuwa aad u daruufaysan.

Waxay ka kala yimaadeen tuulooyin ku teedsan jiinka wabiga iyo miyiga u dhow oo dagaallo ay ka socdaan.

Wuxuu xusay in qaarkood ay gaarsiiyeen kaalmo iskugu jirta agab, raashin, daawo iyo lacago ganacsatada deegaanka ay uga aruuriyeen, balse aan wax badan u tarin, maaddama baahida jirta ay ka sarayso tabartooda dhaqaale.

“Dadkaan waxay soo maciin bidden deegaanka, waxayna ka soo guureen ugu yaraan 25 tuulo. Waa guri la’aan. Qaarkood waa jirran yihiin oo dhiig la’aan, maleeriya iyo cuduro kale ayay qabaan. Wax gargaar ah oo meel kale naga soo gaaray ma jiro.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkan ay ku soo beegmeen xilli ay roobab da’ayaan. Wuxuu xusay inay dadka magaalada qayb qayb ula dajiyeen, si ay ula wadaagaan khayraadka ay heli karaan iyo guryahooda. Qaarkood ayuu xusay inay bannaan-yaal yihiin, maaddama ay badan yihiin.

The post Qoysas maciin-biday Janaale, markii ay ka barakceen duqayn saamaysay noloshooda appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Nolol xumo iyo dayac nadaafadeed oo haysta 500 qoys oo la dajiyay duleedka Hargaysa
(ERGO) – Xaalada caafimaad darro ah oo ka dhalatay nadaafad xumo uu ku sababay qashin lagu aruuriyo halka ay degan yihiin ayay wajahayaan in ka badan 500 oo qoys oo ku nool xerada Qasaali oo 20 km dhanka bariga ka xigta Hargaysa.

Waxaa u wehliya cuno xumo iyo daruufo kale. Xaaladaan waxay wajahayaan illaa bishii June, markaas oo dowlada hoose siisay dhul u dhow goobta la geeyo qarashinka, dhiiga iyo uuska xoolaha la qalo.

Cudurro aysan horay u qabin oo ay isku arkeen ayay aaminsan yihiin in ay ka qaadeen, balse ma aysan helin baaritaan iyo daaweyn. Dadka ay caqabadaan haysato waxaa ka mid ah qoyska Aamina Cawl Xirsi.

Waxay sheegtay in iyada iyo carruurteedu ay 2 bil ee u danbaysay iskugu darsameen shuban, kor cuncun, qufac iyo qandho aysan welli ka bogsoon. Qarash ay isbitaal ku tagan ma awoodo xeradana kuma yaallo.

Waxay sheegtay inaysan jirin dhaqaatiir ku xaqiijisay cudurrada haya ama la tacaashay, balse ay calaamadaha isku arkeen.

“Diqsi iyo masas ayaa nooga soo baxa oo cabsi ayaan ku jirnaa. Subax kasta waa lagu soo shubaa. Waxaa nagu dhacay shuban iyo xasaasiyad. 60 jir ayaan ahay awoodii waa iga tagtay xanuunka awgiis.”

Waxay ku nool yihiin buushash yar yar oo kaabiga ku haya qashin qubka ugu weyn Hargaysa. Diqsiga ka soo duula ayaa ku dega weelasha, cunnada iyo dushooda, waxaana u dheer ur badan oo aan loo adkaysan karin.

Aamina ayaa sheegtay in ay ka joogsadeen shaqooyin dhar-dhaqid ah oo noloshooda ay ka maarayn jirtay. Waxaa isku raacay meesha la geeyay oo ka durugsan magaalada Hargaysa oo ay ka xamaalan jirtay iyo xanuunka saameeyay oo tabar la’aan ku sababay.

Waxay kali ku tahay korriinada 7 carruur ah oo uu dhalay wiilkeeda uu horay u geeriyooday. Ma lahana ehel taageera iyo meel uu dhaqaale ka soo galo midna. Culaysyadaan isku raacay ayaa u horseeday in ay wajahayaan xaalad adag oo cunno xumo ah.

Aamina ayaa sheegtay in 24 saac ay hal mar karsadaan nus kiilo raashin ah oo dariska dhaama ay marmar ku caawiyaan, maalinkii aysan ka helin ayay xustay in ay wajahayaan gaajo iyo murug.

“Saaka rooti yar ayay ii keentay gabadh dariska ah. Maanta oo dhan waxba ma aanan karsan, caawana ma hayno, walal iyo wiil midna ma lihi. Cid I caawisa oo aan ilaahay ahayn ma jirto.”

Aamina ayaa sheegtay in xerada ay degan yihiin aysan lahan ceel-biyood. Waxay Toddobaadka dhan isku celceliyaan 40 liitar oo khamiis walba ay u keento waasaaradda dib u dajinta Soomaaliland, kuwaas oo aan ku filnayn.

Waxaa intaas u dheer in ay dhamaan ilmaheedu waxbarasho la’aaan yihiin. Waxay sheegtay in xeradu aysan lahayn xarun iskuul, aysanna hayn qarash ay ku gayso kuwo magaalada ku yaalla.

Waxay ku nool yihiin hal buul oo ka samaysan maryo duug ah iyo geedo aan roobka iyo qoraxda ka celin karin, sidoo kalena cariir ku ah.

Waxay sheegtay in marka ay dabaysho ku dhacdo ay si sahlan u dubaan oo ay dib dib u dhisto maalin kasta.

“Markii aan magaalada u dhowayn carruurtu iskuul iyo dugsi bilaasha ah ayay ii dhigan jireen, balse hadda waa ka joogsatay oo gaari raaca uma helayo. Qofkiiba $1. Toddobada carruurtaa haddii aan dirayo waa in aan $7 bixiyaana mana hayo.”

Aamina ayaa sheegtay in xerada Naasa-hablood oo ay ku noolaayeen 17 sano ay ka helayeen waxbarashada carruurta, suuq iyo shaqo marmar ay ka heli jireen shaqooyin nadaafad ah.

Dowlada hoose ee Hargaysa ayaa ka soo rartay, markii dadkii dhulka lahaa ay codsadeen in loo baneeyo. Waxaa qoyskasta la siiyay 19 mitir oo dheerar iyo ballac ah.

Waxay la’yihiin awood ay ku dhistaan iyo adeegyadii aas-aasiga ahaa, magaaladana waa ka fog yihiin

Dowlada hoose oo dhibaatada dadkaan aan la wadaagnay ayaa ka gaabsatay in ay faahfahin ka bixiso, balse waxay sheetgay in shirkadda Maandeeq oo qaabilsan qallitaanka xoolaha iyo maaraynta wasaqda ay masuul ka tahay goobta laga cabanayo, ayna ka filayaan in ay xaliyaan.

Dhanka kale madaxda shirkaddaan oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in goobtaan ay qorshaysay dowlada hoose, balse waxay diideen in ay ka jawaabana cabashada qoysaskaan.

Qoyska Ifraax Haybe Warsame oo toddoba qof ah ayaa ka mid ah dadka ay saamaysay nadaafad xumada ka jirta xerada Qasaali.

Waxay sheegtay in cudurrada ka dhashay urka ay u dheer yihiin xayawaano dhiiga soo raacay oo qaarkood ay carruurta iyo dadka waa weyn soo weerarayaan.

Waxay sidoo kale cariiri ku qabaan musqulaha. Dadka oo badan iyo dhamaan adeegyada aas-aasiga ah oo aan meesha ka jirin iyo caqabada ka dhigay mid weyn.

Waxay sheegtay in qofkii banaanka u baxa ay waraabeyaal soo weerarayaan.

“Suuli gaar ah ma lihin oo boqollaal qoys ayaa 3 xabo wadaagaya. Diqsigii ka soo baxa wuxuu galaya weelkii ilmuhu wax ku cunayeen, waana ku shumeen.

Ifraax waxay la nooshahay cudurka sonkorowga oo dhaqaatiirtu ku xaqiijisay waqti hore. Waxay sheegtay in aysan iibsan karin daawada kaalmaatigaa oo ay joogto ugu baahan tahay.

Ifraax Haybe Warsame oo hor taagan buush yar oo ay ka degan tahay xerada Qasaali

Marmar ayay $1 ama $2 ka hesha qaraabo ay u dan sheegato, taas oo ay u qabiso kaniinkeeda iyo wax ay hal mar u cunaan carruurtu.

Maalmaha aysan waxba ka helin waxay sheegtay in ay sonkortu ku kacdo. Carruurtana aan dabka loo shidin. Xaaladaan adag ayay kali ku tahay. Ilameedu waa agoon waana yar yar aan shaqayn karin.

Markay roonaato waxay u lugayso magaalada Hargaysa oo ka durugsan si ay uga soo raadisho shaqooyin nadaafad ah. Inta badan galabtii ayay dib u soo laabataa iyadoo aan waxba soo helin.

Fursadaha oo yar iyo shaqo doonka oo badan ayay u sababaysay.

“Gaajo ayaa loo baqtinayaa. Ilamaha qaar ayaan istaagi karin nafaqo xumo ayaa ka muuqata. Cudurro iyo tabar xumo ayaa iskukaaya raacay, markii cunno dheeli tiran la waayay.”

Ifraax ayaa sheegtay in ay ku adag tahay helitaanka biyaha. Waxay tashiishtaan 3 labaatan qaad oo toddobaadkii ay hal mar u shubaan booyada ay u keento wasaaradda dib u dajinta Soomaaaliland.

Waxay degan yihiin buur korkeed oo aysan baabuurtu soo gali karin. Arintaas ayaa ku qasabtay in ay dusheeda ku soo qaado biyaha yar ee lagu caawiyo. Waxay kala kulantaa daal, dhabar xanuun iyo culays badan.

Dhib kasta oo ay ka marto haddana kuma filna qoyskeeda oo sagaal qof ah, balse doorasho kale ma lahan.

Qoyskeeda ayaa sanadkii 2009 ka yimid miyiga deeganka Salaxley, markii ay roob la’aan iyo cudurro isku raacay uga dhamaadeen 80 ari ah oo noloshoodu ku tiirsanayd.

Dhanka kale dhaqtar Cabdirashiid Cabdiraxmaan oo ka howlgala isbitaallka Mahdi ee magaalada Hargaysa ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in cayayaanka ka soo duula wasaqda, urta iyo qashinka yar yar ee ay dabayshu qaadayso ay si fudud u gudbin karana cudurro kala duwan.

“Diqsiga cagaaran wuxuu gudbin karaa xanuun halis ah oo ku dhaca mindhicirka, caloosha iyo sambabada. Cudurkaas wuu faafi karaa dhimasho ayuuna sababi karaa. Maalin kasta waxaa la ii kulanaa carruur shuban deg deg ah ku dhacay waana nadaaf xumada.”

Wuxuu tilmaamay in ay muhiim tahay in qashinka laga fogeeyo meelaha ay dadku ku nool yihiin, in lagu ku dadaalo isticmaalka biyo nadiif, jeermis dileyaal iyo agabyada nadiifinta intii.

Qashinka aan si wanaagsan loo marayn iyo haraaga xoolaha dhintay waxay saamayn caafimaad ku yeelan karaan nolosha dadka iyo deegaanka, iyagoo sababi kara faafitaanka jeermiska, wasakheynta hawada, biyaha iyo in ay soo raacaan xayawaano waxyeelo gaysan kara.

The post Nolol xumo iyo dayac nadaafadeed oo haysta 500 qoys oo la dajiyay duleedka Hargaysa appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas nolol quus ah ku wajahaya xeryaha Caabudwaaq oo ay maciin bideen
(ERGO) – Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ayay wajahayaan in ka badan saddax boqol qoys oo ku sugan xeryo ku yaalla duleedka magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Xaaladdan ayay ku sugan yihiin tan iyo bishii July ee sanadkaan, markii xoolihii ay ku tiirsanaayeen ay ku waayeen roob-yari soo laalabatay.

Dadkan waxay ka kala yimaadeen deggaannada Koora-goys, Jir iyo Shiikhaley oo gobolka Galgaduud ah iyo qaybo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida.

Faadumo Cabdullaahi Cali iyo qoyskeeda oo 11 qof ah waxay labadii bilood ee la soo dhaafay hubanti la’aan ku haysataa xerada Mubarak ee degmada Cabudwaaq.

Waxay sheegtay in dulsaar ku noqdeen qoys ay ehel yihiin oo xerada horay u deganaa, kuwaas oo ah danyar ah.

Waxay tilmaamtay inay hal mar maalinkii la cunaan wixii ay karsadaan ama raashin bisil oo aan ku filnayn ay ka soo dawarsadaan xaafadaha dariska ah ee nolol dhaama.

‘’Meel biil noo saaran oo aan Ilaahay deeqiisa ahayn ma jidho, marna islaamka Ilaahay baan wax ka soo qaadannaa.

Ilmo yaryar baan haystaa hal waqti ayaan helna, mararka qaar wixii aan helno ayaan kala reebana subixi oo ilmaha duhurkii lagu samarsiiya.’’

Faadumo oo 53 jir ah iyo qoyskeedu waxa ay ka soo lugeeyeen deegaanka Buullalley oo ku yaal xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo dhanka waqooyi-bari ka xiga Caabudwaaq ku dhawaad 70 km.

Intii ay jidka ku soo jireen, carruurta waxa ay u soo dhiibeen dad gaari watay oo ay is garanayeen, iyadoo dadka waaweyn ay ku qaadatay muddo laba cisho inay ku soo gaaraan xerada ay hadda ku suganyihiin.

Waxay xaaladdan ku qasbanaadeen markii biyo yari, daaq la’ aan iyo cudurro isku raacay ay ku waayeen labo boqol oo ari ah iyo soddon geel ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.

Waxay tilmaamtay in muddo saddex sano ah tartiib-tartiib ugu la’anayeen xoolaha. Intii ugu danbeeyay ayay xustay inay ka dhinteen bishii Juun.

Dhanka kale waxa ay tilmaamtay inay dhibaaato ku qabaan helitaanka biyaha.

‘’Biyo ma haysanno oo caagadda la keeno daqiiqad ayay cabitaan ugu dhamaaneysaa, adoo maradii wasaq kaa tahay haddaad rabto aan salaad ka tukan, oo ilmaha midka daran asagoon soo gaarin ayay dhamaanayaan.”

“Haddana caagadda waxay kaa rabtaa dhowr kilo mitir inaad u doontaa adoo oonkii qaba ood garabkii ku soo qaaddo mar labaad.’’

Faadumo ayaa sheegtay in cunto xumada iyo biyo yarida xerada ku haysato ay u dheertahay hoy’ la’ aan. Waxay reerkeeda badan ku nool yihiin buush ay ku caawiyeen dadka ay ehel yihiin, balse ah mid duug ah oo maryaha saaran ay noqdeen kuwa dhamaaday.

Waxaa barakaca uga waxbarasho beelay 6 carruur ah oo horray dugsi Qur’aan u dhigan jiray. Waxay tilmaamtay in xerada aysan ka jirin dhamaan adeegyada aas-aasiga ah aysan u awoodin inay geyso goobaha lacagta ah ee magaalada.

Waxaa culaysyada xerada ku haysta u dheer waydiin joogta ah oo ay kala kulmayso $330 oo ah dayn ay ku lahaayeen dukaamada raashin iyo dharka ee tuulladii ay ka yimaadeen.

Waxay xustay in ay arrad-tir iyo cunno ay carruurta uga soo qaaday aysana hadda awoodin inay guddo.

Haweeynaydaan ayaa xustay in xaalladan ay garab la’aan ku tahay oo ilmaheeda aabbaahood uu yahay wayeel aan waxbo ku soo kordhin karin nolosha reerka.

Nolol xumada xerada ku haysa waa mid ay ka wada siman yihiin dhamaan qoysaska dhawaan ku soo biiray.

Maxamed Aadan Jaamac oo 62 jir ah waa aabaha sideed carruur ah kaas oo cimrigiisa oo dhan ku soo qaatay xoolo-dhaqashada.

Wuxuu sheegay in qoyskiisu ay xilligaan ku jiraan noloshii ugu adkeed ee ay abid mutaan. Wuxuu tilmaamay in arrintaas ay ku abuurayso rajo xumo, maaddama xoolihiisii dhamaadeen uusanna haysan wax beddel u noqon kara.

Wuxuu xusay in xerada Mubaarak oo ay soo gaareen bartamihii bishii sideedaad aysan ku helin wax gargaar ah, dadkii uga soo horreeyayna aysan wax badan ku dhaamin.

Qoysas ehel la ah oo deggen Caabudwaaq ayuu tilmaamay inuu u tago si ay u siiyaan xoogaa raashin ah oo ay mar dabka saartaan.

Ninkaan ayaa sheegay in ay dhibaaato ku qabaan helitaanka biyaha. Qoysas degan meel qiyaastii 3 km u jirta xerada ayay ka soo baryaan 20 liitar oo ay xaaskiisa dhabarka ku soo qaado, joogto ugama helaan oo maalmaha qaar wuxuu xusay inay ka soo waayaan.

Daruufaha isku biirsaday ayuu rajo xumo ka muujiyay.

‘’Hoy nagu filan ma haysanno, biyo nagu filan ma haysanno, cunto nagu filan ma haysanno, musqul ma haysanno, waxbarasho ma haysanno, caafimaad ma haysanno. Subaxdii sidii dad ugaarsato ah intaan kala yaacno ayaan habiinkii soo dheelmannaa mararka qaarkood.’’

Maxamed ayaa sheegay in magaalada uu subax kasto ka raadiyo shaqooyin xamaal ah oo ay kamid yihiin dhagax jabin iyo ilaalo inkasta oo uusan wali helin.

Ninkaan ayaa sheegay inuusan xirfad kale lahayn si uu ugu shaqeysto magaalada oo uu ku cusub yahay.

Ninkaan ayaa sheegay in sidoo kale ay wabarsho la’aan ka yihiin afar carruur oo dugsi Qur’aan uga dhigan jiray deegankoodii, kuwaas oo uu afartii bilba mar neef ari ah siin jiray macalinkooda.

Wuxuu xusay in xerada ay yimaadeen aysan hadda ka jirin waxbarasho isagana uusan u awoodin in uu geeyo iskuullada lacagta ah oo ardayda wax loogu dhigo $10.

Qoyska Maxamed ayaa ka yimid deegaanka Booro-cad oo katirsan gobolka Qorraxey ee dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Wuxuu tilmamaay inay barakaca ku qasbanaadeen markii roob yarida darteed ay uga le’deen intii ugu badnayd xoolihiisa.

Wuxuu xusay inay u hareen 18 neef oo ari ah kuwaas oo aan nacfi lahayn markii ay ka dhamaadeen xoolihiisa oo ahaa saddex boqol oo ari ah iyo labaatan iyo shan neef oo geel ah, xoolahaas oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.

Gudoomiyaha xerada Mubaarak Maxamuud Aadan Warsame ayaa Raadiyow Ergo u shegay in qoysaska xeradaan soo gaaray ay yihiin 340 qoys tan iyo bishii July, kuwaas oo xaalad aad u liidata ku sugan.

Wuxuu xusay in dhamaan dadkaan aysan heli karin baahiyaha aas-aasiga ah, maamul ahaana aysan waxbo ku tari Karin dhankooda.

Xaalaadda dadkaan ayuu ka dayriyay waxa uuna xusay inay gar gaar dhaqso ah u baahi qabaan, gaar ahaan biyaha iyo cuntada.

“Hooy ma haystaan, waxay huwadaan ma haystaan, Teendhooyin ma haystaan, maacuun ma haystaan, biyo mahayaan. Hadda xilli roob baa lagu jiraa haddii caawa roob yimaadana waxaa laga yaabaa xanuunno kale inay ka dillaacaan meesha oo ay ka dhashaan nadaafad la’aanta si deg deg ah in looga jawaabo baan aad iyo aad u codsanayaa.”

Gudoomiyaha ayaa sheegay in maalin kasta xerada ay soo gaaraan qoysas cusub oo roob-yarida ka jirtay deegaannadii ku qasabtay inay soo barakacaan.

Wuxuu xusay in xaalada dadkan ay la wadaageen maamulka Galmudug iyo hay’ adaha gargaarka, basle aysan wax jawaab ah ka helin.

The post Qoysas nolol quus ah ku wajahaya xeryaha Caabudwaaq oo ay maciin bideen appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo iyo faquuq ka saaray suuqyada Dhadhaab
(ERGO) – Suuq xumo iyo dhaqaale yari ayay wajahayaan farsamo yaqaanada soo saara agabyo ay ka mid yihiin qalabka beeraha, sida yaambada, faaska iyo kuwa lagu isticmaalo guryaha ee cunnada lagu kariyo.

Xirfadlayaashan oo ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa sheegay in dadkii macmiilka u ahaa ay uga wareegeen dhanka badeecadaha ay warashaduhu sameeyaan ee dibadda laga soo dhoofiyo.

Dadka ayaa u batay iibsashada qalabka warshadaha oo lagu iibiyo suuqyada, halka kuwa ay farsameeyeen xirfadlayaasha uu yahay mid ku kooban goobaha fariisinka u ah.

Dhanka kale waxaa jira xoogsato agabka dibadda laga keenay ku dhex wareejiya xeryaha.

Waxaan meesha ka marneyn in dadku ay xiiso u qabaan, kal soonina ku qabaan qalabka warshadaha oo ay aaminsan yihiin inuu tayo iyo quruxba ka fiican yahay midka kale, qiimahana aysan ku kala duwaneyn.

Arimahaas oo is biirsaday waxay suuqa ka saareen 200 oo qof, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Yoonis Abukar oo ah guddoomiyaha dadka birta tuma ee xeryaha Qaxootiga.

Saameynta ugu weyn ee ka dhalatay ayaa ah dhaqaale yari saameysay nolosha boqollaal qoys oo danyar ah.

Kamaal Maxamed Xuseen oo xirfadan ay u ahayd isha kaliya ee dhaqaale uu ka soo galayay muddo 10 sano ah ayaa xusay in goobtiisu xirantay bishii Maarso ee sanadkan, markii uu waayay cid wax ka gadata.

Shaqo la’aanta ayuu sheegay in qoyskiisa oo markii hore ku jiray nolol warwar la’aan ah ay bidday inay ku adkaato helitaanka hal waqti oo cunto ah.

“Shalay iyo maanta isku mid maaha, sababta oo ah shaqadii fiicneyd haddey istaagtay gaajo waa qasab way imaaneysaa. Waxaa meesha ka baxaya raashiinkii saddexda waqti ahaa ee quraacda, qadada, cashada iyo caanihii ilmuhu helayeen.”

Qoyska Kamaal oo ka kooban toddobo qof ayaa hadda ku tiirsan kaalmada qaxootiga oo ah 70 kiilo oo masago iyo misir ah iyo 17 liiter oo saliid ah, taas oo labadii bilba mar la siiyo.

Kaal-madan ayuu xusay inay tahay mid kooban oo aan dabooli karin baahidooda. Wuxuu intaas ku daray inuu raadiyay ildhaqaale oo beddal u noqota shaqadiisii hore.

Waxa kaliya ee uu helayna ay tahay shaqo aan joogto aheyn oo ah gurista qoryaha dabka lagu shito oo bishii uu ka helo ugu badnaan $60.

Wuxuu sheegay inay tahay howl dhib badan, dhaqaalaheeduna uu yar yahay, balse uu ku qasban yahay, maadaama uusan hayn xal kale.

“Hadda aniga waxaan wataa dameer iyo gaarigiisa. Markaan xaabo ama qoryo doonanayo waxaan ku maqnaadaa labo habeen. Qoryaha aan keeno lacag fiican ma gooyaan, markiiba waxaan ka helaa illaa $20. Mararka qaar shan habeen ayay ooleysaa oo aan leyga gadaneyn. Dhaqaalaha aan helo qoyska kuma filna, dabkuna nagama damo, balse ma ahan shaqadii hore oo kale, taasi way nagu filneyd oo aadbay u fiicneyd.”

Kamaal ayaa tilmaamay inay wajahayaan xaalad hubanti la’aan ah oo uusan maareyn karin, dhaqaale yari awgeed.

Wuxuu sheegay inay ku jiraan xilligii ugu liidatay ee soo mara tan iyo 2008 oo uu ku nool yahay xerada Xagardheer oo ka mid ah qaxootiga Dhadhaab.

Ninkan oo 45 jir ah ayaa xusay inuusan isku dhiibi doonin waayaha adag ee uu wajahayo, waloow uu muujiyay rajo xumo, maaddama ay dhaqaale xumo ay daashatay.

“Qofku isagoo jooga meel hooseysa haddii uu ka sii aado meel kale oo sii hooseysa xaaladdu way ka sii dareysaa. Marka waxaan ka qabsi qabaa in gaajo loo baaba’o. Aniga waa markii iigu horeysay noloshan mid la mid ah horay ulama kulmin.”

Kamaal ayaa sheegay in ku sii noolaanshaha qaxootiga uu ku door bidayo waxbarashada oo bilaash ah, hoy aan kiro aheyn iyo amni.

Wuxuu faah faahin ka bixiyay caqabadihii ku qasbay inuu ka soo qaxo magaalada Muqdisho oo uu ku noolaa iyo sida dib loogu soo nooleyn karo xirfaddii uu ku shaqeysan jiray ee tumista biraha.

“Aniga waxaan imid 2008, Muqdisho ayaana ka imid. Magaalada waxaa ka jirtay nabad galyo la’aan oo aan oga soo cararay. Soomaaliya inaan ku laabto waa laga yabaa, laakiin hadda ciyaalkii ayaa waxbarasho ku jira oo ma noqon karo.”

“Bulshada Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa in dhaqaalahooda aysan meel kale geyn oo ay iska daayaan wax yaabaha dibadda laga keenayo. Wax haka gataan farsamo yaqaanada Soomaaliyeed.”

Farsamo yaqaano aan ka badneyn 20 qof ayaa hadda ku sii harsan shaqada tumista biraha ee Xeryaha Dhadhaab, sida aan ka soo xigtay hormuud kooda, balse, kama helaan dhaqaalihii ka soo gali jiray markay suuqa haysteen oo u dhexeeyay bishii $180 illaa $250.

Madaahir Salaad Samow oo wali jooga goobtiisa ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in waxa ka soo gala bishii aysan gaareyn $40.

Duruufta dhaqaale iyo shaqo kale oo uusan meel ku ogeyn ayuu xusay inay qasbeyso, balse uusan ku niyad sameyn howsha uu maalin kasta qabto oo dheefteedu ay yartahay.

“Sidaa oo ay tahay shaqada waa nalaku faquuqaa. Marmar waxay iga gaartaa ma iska dhaaftaa, misana shaqo kale ma aqaanee waa iska sabraa.”

Ninkan 58 jir ah ayaa intaas ku daray in reerku ay sidoo kale ku tiirsanaayeen kaalmada qaxootiga oo kabi jirtay, balse gargaarkaas la dhimay boqolkiiba 50, intaasna aysan mararka qaar helin.

Wuxuu sheegay in iyaga oo aan muddo sanad ah qaadan wax kaalmo ah ay bishii Sebteember heleen 100 kiilo oo ah masago, misir iyo 17 liiter oo saliid ah.

Madaahir ayaa xusey in gacmo marnaan uu inta badan kala laabto goobtiisa shaqo oo muddo 38 sano ah laf dhabar u ahayd nolosha qoyskiisa oo 14 qof ka kooban.

“Anigu maanta oo dhan sida aan u joojo aniga oo gamo-maran ayaan iska tagaa oo eber ah aan waxba helin. Maalmaha aanan waxba helin ayaaba ugu badan.”

Caqabadaha nololeed waxaa u dheer in lagu leeyahay deyn $150 ah oo iskugu jirta kirada meesha uu birta ku tumo oo uu iska bixin waayay iyo raashiin uu qoyska u qaaday.

Xaaladda ay wajahayaan ayuu ku sheegay tii ugu liidatay, tan iyo sanadkii 2010 oo uu ku nool yahay xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo uu soo maciin biday.

Abaar soo noqnoqotay ayaa caqabad ku noqday inuu tacbado beer hal hektar ah oo uu ku lahaa degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

“Xoogayga keliya weeye maanta waxaan ku tiirsanahay. Haddii aan xanuusado ama shaqada ka baaqdo, caruurtu waa qadeysaa. Waligay hal Shilling oo meel ka imaaday ma cunin.”

Dadka birta tuma ayaa ah kuwo iyagu is baray xirfadan oo sanooyin badan ay ku tiirsanaayeen, balse hadda u muuqata mid qariib noqotay.

Yoonis Abukar oo guddoomiyaha dadka birta tuma ee xeryaha Qaxootiga ayaa xusay in xifadan ay dad badan ka sii macaashi lahaayeen haddii la xaddidi lahaa agabka la midka ah ee dibadda laga keeno.

Dadka ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa xilligan wajahaya sicir barar, kaalmada gargaarka oo hoos u dhacday iyo fursadaha shaqo helista oo ah kuwo qariib ah.

The post Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo iyo faquuq ka saaray suuqyada Dhadhaab appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa
(ERGO) – Hoy la’aan ayay wajahayaan labo boqol soddon iyo siddeed qoys oo ku nool magaalada Hargeysa iyo deegaannada kale ee Somaliland. Waxay ku guryo beeleen dabab u kacay si kedis ah tan iyo bishii 7aad ee sanadkan.

Waxaa ka mid ah qoyska Foosiya Cabdi Aadan oo ka kooban 10 qof, kuwaas hoy la’aan ah. Waxay xaaladdan galeen markii bishii Luulyo uu dab baabi’yay guri labo qol jiingad ah oo ay degganaayeen xaafadda Dhego-sayn ee magaalada Hargeysa.

Haweeneydan ayaa sheegtay inay waayeen dhaqaale ay dib ugu dhistaan, taas bidday inay marba qoys ku noqdaan dul-saar, maaddaama aysan haysan doorasho kale.

“Wax mahaysataan iska ahay. Makhsin ayuu dabku ka kacay. Carruur yaryar baa huruday waan ka kiciyay. Carruurtii baan ka saaray markaa sidaas ayuu dabkaasi aan ula kulmay. Wax kama hadhin wixii hanti noo dhex-taalay halkaasay ku gubatay.”

Foosiya waxay sheegtay in xilliga uu gurigu gubanayay ay ku maqneyd raadinta shaqo nadaafad ah si ay uga soo dhiciso biilka reerka. Nasiib darro, waxay ku soo beegan tahay gurigeedii oo holcaya.

Foosiya ayaa sheegay inay xaaladdan ugu soo aaday xilli ninkeeda oo macallin dugsi ah uu shaqo la’aan yahay markii laga maarmay, taas oo keentay inay kiro iyo noloshii kale awoodi waayaan.

Dhaqaale xumada iyo duruufaha kale ee awoodooda ka baxsan ayay tilmaamtay inay ku hoggaamiyeen inay ehelka u dan-sheegtaan.

“Waxaan maanta i dhaahdo wax buuran baan meel ka sugaa wallaahi wuxuu ilaahay ii ogyahay mooyee ma jiro. Cuntada hooyaday baan ku tiirsanahay iyaduun baan ku cararaa.”

Foosiya ayaa sheegtay in guriga ka gubtay ay u dhistay soddohdeed, markii ay awoodi waayeen inay iska bixiyaan kirada guryaha magaalada oo sanadihii danbe uu qiimahooda kordhayay.

Waxay tilmaamtay inay gurigaas kaga baxday dhibaato ahayd in marba guri laga saaro, balse waxay mar kale wajahayaan hubanti la’aan dhanka hoyga ah.

Foosiya gabbaad li’idda ku dhacday waxaa u raacda inaysan arrad-tir u gadan karin carruurteeda maaddaama dharkoodii uu ka mid noqday waxyaabihii gurigoodii uga dhex bas-beelay.

“Jeebkaygii ma awoodo inaan maryo u iibiyo. Wixii aan wax gashaday dabkii buu iga raacay maanta laakiin walaahi halka iigu darani waa qaawanidaa awlaadaa yaryar uun haddana alxamdulilaah intaa hadduu odaygu noo camal helo waanu iska iibsan oo mar walba ilaahay baanu khayr ka rajaynaynaa.”

Foosiya ayaa xustay in saddex ka mid ah carruurteeda oo kala jira 9, 13 iyo 16 oo kala dhiganayay fasallada 3aad, 4aad iyo shanaad ay ku dhacday waxbarasho la’aan. Waxay awoodi 18 doollar oo ay bishii ka dhiibaysay.

Dababka ka kaca Somaliland ayaa sababay in qoysas badan ay waayaan hantidoodii iyo guryihii ay ku noolaayeen, taas oo keentay inay mutaan nolol adag. Dabka ayaa ka dhashay koronto sida Radio Ergo ka soo xigatay Ciidamada Dab damiska Somaliland.

Xamda Xaashi Guuleed iyo qoyskeeda 13 ayaa ka mid ah qoysaskaas ka soo kaban la’ qasaaraha. Haweeneydan ayaa sheegtay inuu dab baabi’iyay bishii sagaalaad ee sanadkan labo qol oo ay ku lahaayeen xaafadda Ugaaso ee magaalada Hargeysa.

Xamda ayaa tilmaamtay inaysan keliya waayin guri balse ay maanta ka faro maran tahay wixii gogol, maacuun, sariiro iyo dhar ay haysteen, taas oo keentay inay saamaynta ku badato.

“Hantidii aan ku waayay waxaan ku qiyaasi lahaa hanti badan, sariirtayda oo qudha ayaaba ahayd kun iyo shan boqol oo dollar. Dee carruurtaydii dirayskii baa kaga jirey wax badan baan ku waayay buugaagtoodii hawl badan ayaa iga soo gaadhay reer dab galay ma yara hawshoodu.”

Xamda ayaa xustay in xilligii uu dabka ka kacay gurigeeda ay ilmo yar kula maqnayd madarasad, isla markii ay soo noqotayna ay aragtay iyadoo aysan wax uga cayman. Halka xubna kale ee qoyska ay reer qaraabo ah ku maqnaayeen.

Haweeneydan ayaa sheegtay inay hadda isku biirsadeen maaraynta nolosha oo ku adag iyo hoy la’aan. Saygeeda oo ka shaqayn jiray dhismaha guryaha magaalada ayay xustay inuusan shaqo hayn.

Waxaa intaas u dheer inay hayso hooyadeed oo waayeel ah, isla markaana aan si buuxda wax u kala garanayn oo daryeel iyo ilaalin uga baahan maaddaama ay sheegtay inay iska baxayso.

Xamda tilmaantay inay ku dedaasho sidii ay u heli lahayd daawooyinka ay u baahan tahay balse aysan dantu u saamixin. Marka ay waxba u wayso waxay caawin waydiisataa ehelkeeda.

Haweeneydan ayaa sheegtay inay xammili la’ yihiin hoy xumada iyo duruufaha ku xeeran oo aysan xilli maarayn u hayn. Haweeneydan ayaa ku taamaysay in lagu caawiyo sidii ay dib ugu dhisan lahayd hoygeedii.

Cabdiqani Saleebaan Maxamed, oo ka mid ah shaqaalaha hay’adda Cadaalight kuna takhasusay arrimaha masiibooyinka dabiiciga ah, ayaa sheegay in waxyaabaha ugu badan ee sababa dababka ay ka mid yihiin dab qaybisooyinka la isticmaalo iyo fiilooyinka aan laga taxadarin dhaawaca soo gaara iyo tayadooda.

“Waxyaabaha sababayaa waxa weeyaan hab nidaamyada, dagsiimada ama cufnaantooda way ka qayb qaadanaysaa. Waxaa kale oo sababaya dhismaha. Waxaa dhacda mararka qaar xadhig dhex roorkiisu aanuu qaadi karayn maayad laydh oo ku habboon ayaa dabeetana qofku soo iibsanayaa isaga oo aan hubin in shaygani u shaqaynaayo iyo inuu badbaado leeyahay.

Cabdiqani ayaa sheegay in dababka noocan ah laga hortagi karo haddii bulshada la wacyigeliyo, isla markaana kor loo qaado fahamka iyo garaadka dadka ee ku aaddan khatarihiisa.

Wuxuu bulshada ku baraarujiyay inay si gaar ah uga digtoonaadaan waxyaabaha sababi kara dabka, ayna qaataan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee looga badbaadi karo.

Cabdiqani ayaa sheegay in waxyeellada dabka keliya aysan ku koobnayn inuu  guryo iyo hanti kale kale burburiyo, balse ay uu saamayn ku yeelan karo mustaqbalka qoysaska.

Wuxuu soo jeediyay in taxaddarka iyo ka hortaggu ay yihiin tallaabooyinka ugu horreeyaa ee lagu yareyn karo khasaaraha. Wuxuu intaas ku daray in bulshada  looga baahan yahay inay si masuuliyad leh u isticmaalaan qalabka korontada.

Waxaa muhiim ah in bulshada la baro aqoonta maaraynta dababka iyo in la helo iskaashi bulshada dhexdeeda ah si sanadkan kasta looga baaqsado qasaaraha dabka oo ku soo noqnoqda deegaannada Soomaalida.

The post Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye
(ERGO) – Biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan ayay 300 oo qoys tan iyo bishii Ogosto ee sanadkaan ku wajahayaan xerada Sooglow ee magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Qoysaskaan oo xoola dhaqato iyo beeralay iskugu jira ayaa roob yari saamaysay dallagyadii ay beerteen iyo xoolahoodi uga soo barakacay deegaannada Basra, Alifow iyo Baqdaad.

Dadkan oo ay ku adag tahay in hal waqti ay dabka shitaan maalinkii ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inaysan haysan shaqooyin ay ku dabaraan noloshooda.

Xerada ay soo maciin bideen malahan adeegyada bulshada sida waxbarashada, biyaha iyo caafimaadka.

Xamdi Muxudiin Cali oo ka mid ah ayaa sheegtay in iyada, haweeynay wayeel ah oo ay ehel yihiin iyo 10 carruur ah oo uu abbbahood ku dayacay aysan gaajo ka bixin tan iyo barakacooda.

Waxay xustay In maalinkii ay mar dabka ku shitaan waxay ay dadka ka soo helaan carruurteeda oo magaalada u dawarsi taga.

“$1 ama $2 wixii ay carruurta ku soo helaan dawarsiga ayaan dabka ku shidanaa. Hal mar ka badan nooma goyso waxaa aan ka helno dadka Islaamka ah ku soo caawiyaan. Halkaas mar ayaan u kariya qoyska, inta kalana gaajo ayaan ku joogna.”

Xamdi ayaa sheegtay in ay wayday shaqooyin dhar-dhaqis ah oo ay magaalada ka raadisay marar kala duwan si ay nolosha qoyskeeeda u maarayso.

Waxay xustay in uusan jirin qof kale oo uu qoyskeeda u shaqeeya. Carruurteeda ayay sheegtay in midka ugu wayn uu 12 jir yahay, uusanna ku jirin mid shaqooyinka dhagax jabinta ah qaban kara.

Waxay xustay in ay rajo xumo ku beertay darxumada ay kala kulmeen xeryaha magaalada Afgooye oo iyada iyo qoyskeedaa ay ku soo gaareen gaari dameer ay ku caawiyeen dad ay u dan sheegteen.

Safarkaas ayay tilmamtay in uu ku qaatay toddobo habeen iyo malmahooda.

Xamdi oo 51 jir ah ayaa xustay in xaaladan ay u dheertahay helitaanka biyaha oo ay ku dhibban yihiin. Ceel riig ah oo gaar loo leeyahay oo biyihiisa bilaash looga dhigay dadka soo barakacay,

kaas oo u jira 5 km ayay tilmaamtay in maalinkii ay jirgaan dhabarka uga soo qaado. Waxay ka faro maran tahay $0.25 oo labatanle qaadkii ay iibiyaan ceelasha riiga ah ee xerada u dhaw.

Qubeys iyo dhar-dhaqis ayay sheegtay inaysan tabar u hayn oo ay maalinkii jirgaankaasi u tashiishaan cabida iyo karinta cunnada.

Qoyskeeda ayaa ah bannaan yaal aan haysan hoy ka xijin karaan qoraxda maalinkii iyo qabowga habeenkii.

“Habeenkii dhaxan ayaan ka seexan Karin, maalinkiina qoraxda. buushashka aan gabadsano habeeenkii waa ullo iyo juwaano dhamaad ah oo laisku geeyay waxbo ma celin karaan.”

“Anaga guriyaheeni iyo wixii aan haysan dhan waa iskaga soo tagnay, maaddama aan haynin meel aan ku qaadno. Sidoo kale musqul ma haysano oo meelaha banana ayaan isticmaalna.”

Xamdi ayaa sheegtay in barakaca ay uga waxbarasho beeleen lix ka mid ah carruurteeda oo horray dugsi Qur’aan ay bishii ka dhiibi jirtay $6 isku darkooda uga dhigan jiray deegaanka Basra oo ay ka yimaadeen.

Waxay xustay in aysan hadda qaadan wax daruus ah, maaddaama aysan u awoodin $18 oo qofkiiba ay wax ku baaran iskuullada magaalada Afgooye. Noloshii ay filaysay in ay ka helaan magaalada ayay xustay in ay ku hungoobeen.

Qoyska Xamdi oo xoola dhaqato ahaa ayaa barakaca ku qasbanaaday, markii biyo yari, daaq la’aan iyo cudurro aysan aqoon oo ay tabar u waayeen ay uga la’deen 50 neef oo ari iyo lo’ iskugu jiray.

Xoola dhaqatada iyo beeralayda Soomaaliyeed ayaa sanooyin badan oo is xiga dhibane u ah musiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhashay isbedelka cimilada.

Arintaasi waxay sababtay in sanad kasta ay xeryaha lagu barakacay ku soo biiraan kummanaan qoys oo faro maran, sidoo kalana aan laheyn aqoon iyo xirfado ay uga shaqeystaan.

Cajaba Maxamed Taakooy oo 39 jir ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in nolosheeda oo dhan ay ku qaadatay miyiga, waligeedna ay jeclayd in ay ku sii nagaato, balse ay barakaca ku qasbanaadeen.

Cajaba Maxamed Taakooy oo sheegtay in carruurteeda yaryar aysan u heli karin dhamaan baahiyahooda aas-aasiga ah

Beer saddex hiktar ah oo ay ku leeyihiin deegaanka Alifow waxaa saameysay biyo la’aan. Waxay xustay inay tahay markii ugu horeysay oo ay barakacdo.

Wax la’aanta haysa darteed waxay tilmamtay in qoyskeeda oo 11 ah ay ku tiirsan yihiin cunto bisil oo ay ka helaan dadkii xerada uga soo horeeyay.

“Caawintaas maahan wax nagu filan oo intii ka go’do reerkiisa ayuu qofka ku soo dhiibaya, laakiin inaan qatooyo ku joogno ayay noo dhanta inta aan dadka ka helno. Qoys dhan oo aan iyaga waxbo heli karin, barakacna ah, waa dareemi karta xaaladda ay ku sugan yihiin.”

Cajabo ayaa sheegtay in sidoo kale raadinta shaqooyinka xogsiga ah uu ku hungoobay ilmaheeda aabbahood oo ay sheegtay in subax walbo uu magaalada u kallaho uuna habeenkii soo laabto isago faro maran.

Waxay sheegtay in aysan wax khibrad hore ah u lahayn xaaladda barakaca, ayna carruurteeda la qabsan la’yihiin durufaha ka jira xerada oo aan lahayn dhammaan adeegyada aasaasiga ah.

“Qofka haddii hoygiisa uu joogo oo ay wax la’aan ku dhacdo waxaa laga yaaba in uu iskaga qanacsanaado sidaas, laakiin magaalo ayaan nimid hadda meel aan wax bilawno ma naqaano. Illahey ayaan qeyr ka sugayna uun.”

Cajaabo ayaa sheegtay in 5 bil ka hor ay ugu danbaysay in ay wax beertaan qoyskeeda, markaas oo ay biyo yari awgeed uga dhinteen dallagyo iskugu jira yaanyo, basbaas, ansalaato, kabsar- caleen, masago iyo Galey.  $380 oo ka gashay abuurkii iyo falidii ayay xustay in aysan waxbo uga soo laaban, taas oo quus ku beertay.

Haweeynaydan ayaa tilmamtay in sidoo kale dhamaadkii bishii July ay ka idlaadeen masago iyo galay ay carruurta dabka u saaran jirtay, taasi oo ku riixday in ay barakac miciin bidaan.

Waxay xustay in aysan hayn wax qorshe ah oo ay uga samata-bixi karaan xaaladda soo wajahday.

Guddoomiyaha xerada Sooglow ayaa Raadiywo Ergo u sheegtay in dadka xerada soo gaaray oo 300 oo qoys ay xaaladoodu aad u liidato, ayna u badan yihiin carruur, haween iyo dad da’a ah.

The post Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe
(ERGO) – Nolol xumo ayaa soo wajahday qoysaska afar boqol oo bare oo ku nool Garowe iyo tuulooyinka hoos taga, markii iskuullo ay wax ka dhigi jireen ay qaar xirmeen, kuwana ay dhimeen tirada macalimiinta.

Jaamac Maxamuud Axmed oo ka mid ah wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in dhamaan baahiyaha aas-aasiga ah uu awoodi la’yahay qoyskiisa oo 9 ah, kaligiisna ku tiirsan.

Ninkaan oo ka mid ahaa barayaasha iskuulka hoose dhexe ee Waaberi ee magaalada Garowe ayaa xusay in uu ka mid noqday macalimiin shaqadooda waayay, dhaqaala yari iskuulka soo wajahday darteed.

Waxaa meesha ka baxday $200 oo ahaa mushaarkiisa bisha. Dhaqaalahaas ayuu ku dabari jiray cunnada, biyaha, kirada iyo waxbarashada carruurtiisa. Wuxuu xusay in baagamuudo-nimada soo wajahday awgeed uu hadda cunno ku filan u awoodi la’yahay reerkiisa.

“Hal mar ayaan dabka shidana maalinkii. Wixii Illahey na siiyo ayaan dabka saarana. Ehel, asxaab ama daris aan caawimaad ka dalbano ayaan ku tiirsanahay. Cunno xumada carruurtayd culays aad u wayn ayay igu haysa.”

Jamaac ayaa sheegay in uu ahaa macalin ardayda u dhiga luuqadda Ingriiska. Dhanka kale baahiyaha kale ee reerkiisu wajahayaan waxaa ka mid ah biyo yari.

Waxay ku tiirsan yihiin jirgaan ama ka yar oo ay ka helaan dadka nolol dhaama dhaqaale ahaan. Wuxuu xusay in uu ka faro maran yahay $0.4 oo ay jirgaankii iibiyaan baraago gaar loo leeyahay.

Wuxuu tilmaamay in qoyskiisa dhamaadkii bishii Ogosto laga soo saaray qol dhagax ah oo ay ku noolaayeen, markii uu awoodi waayay kirada, korontada iyo biyaha oo isku darkooda uu ku bixin jiray $80.

Arrintan waxay ku qasabtay in ka soo guuran xaafada Koowda August oo ay daganayeen uuna reerka geeyo dhul banana oo duleedka magaalad ah. Waxay qoyskiisa halkaasi ka dhisteen cooshad ay ka samaysteen maryo iyo ullo laisku geeyay.

“Kaligay ima saamayn arrintan maclimiin badan oo aan garanaya ayaa shaqo la’aan noqday oo baaga-muudo ah hadda.”

Jaamac oo shaqo la’aan ah muddo 2 bil ah ayaa sheegay in marba marka la danbaysa aya ka sii darayso xaaaladda qoyskiisa. Wuxuu sheegay inmarar badan magaalada ka raadiyay shaqooyin xamaal ah si uu reerka dabka ugu shido hasa ahaate uu ku hungoobay.

Wuxuu ayaa tilmaamay in xaaladdan ay uga waxbarasho beeleen saddex carruur. Wuxuu xusay in uu awoodi waayay $25 oo wax lagu barayay, taasi oo sababtay in laga soo eryo iskuulka.

Ninkaan oo bare ahaa ku dhawaad 10 sano ayaa tilmaamay in uusan waligiisa wax kayd ah samaysan taasi oo uu hadda uu ka shalaynayo.

Iskuullada ay macalimiintooda shaqo la’aanta noqdeen ayaa iskugu jira kuwa gaar loo leeyahay iyo kuwa ay gacanta ku hayeen dowlada Putland iyo hay’ado samafal, kuwaas oo ku yaallay xeryaha lagu barakacay ee Garowe.

Xamdi Cali Axmed oo wax ka dhigaysay muddo 15 sano ah iskuul hoose dhexe oo ku yaallay xerada Shabeelle oo dadkii dagana laga barakiciyay ayaa sheegtay in tan iyo bishii July ay carruurteeda u awoodi la’dahay cunno ku filan.

Haweeynaydan waa barakac xirfada macalinimada ay ahayd waxaa kaliya ee ay masruufkooda ka soo saarta 8 carruur ah oo uu aabbaahood ku dayacay.

“Shaqo la’aanta aad ayay saamayn igu yeelatay. Macalimad ayaan ahaa oo xirafadeeda wixii ay ku hesho ilmaheeda ku maaraysa. Shaqo kale oo aan aqoono ama meel aan shaqo u raadiyo malahan. Cid aan caawimaad ka dalbanayana ma haysto.”

Xamdi waxay sheegtay in tan iyo markii shaqo la’aantu ku dhacaday ay qoyskeedu ku tiirsan yiihiin dayn ay ka qaataan dukaan xaafadooda ku yaalla oo ay horay macaamiil ugu ahaayeen.

Waxay xustay in bishaan uu dhimay raashinkii uu siin jiray isaga oo siiyay min 10 kiilo oo bir bariis iyo sinkor ah.

Wuxuu intaas ku daray in in ay bisha danbe iska bixiyaan $150 oo dayn ah oo lagu leeyahay isaga oo ugu goodiyay in uu ka goosan doono haddii aysan gudin in uu siiyo dayn kale.

Arrintaas ayaa timid markii ay meesha ka baxday lacag $110 oo ahayd oo ay bile mushaar ahaan u qaadan jirtay. Haweeynaydaan ayaa xustay in sidoo kale ay dhibaato ku qabaan helida biyaha.

Waxay tilmaamtay in adeegsadaan biyo aan ku filnayn oo ay ka soo dawarsadan dadka dariska la ah, maddaama aysan awoodin $0.2 oo ay jirgaankii iibiyaan ceellal riig ah oo gaar loo leeyahay.

Waxay tilmamtay in sidoo kale ay hoy xumo hayso. Wuxuu qoyskeeda ka mid ahaa qoysaskii daganaa xerada Shabeelle ee la barakiciyay.

Waxay tilmamtay in ay ku nool yihiin sandaqad uu dhismiiheedu qabyo yahay wax ay ku dhamaystirtana aysan u hayn, maaddaama ay baagamuudo noqotay.

Waxay xustay in aysan wax musqul ah lahayn oo ay dariskooda ka codsadaan in ay la isticmaalan. Nolol xumada soo wajahday qoyskeeda oo aysan xal u hayn ayay sheegtay in ay walwal kala kulanto.

Burburka ku yimid iskuulka oo wasaaradda waxbarashad Puntland ay gacanta ku haysay ayay tilmaamtay in uu sababay waxbarasho la’aan soo wajahday carruur iyo macalimiin badan oo barakac ah

“Dad barakac ah ayaan nahay awood uma lihin inaan iskuul dhisano. Waxaan codsanayna in iskuul naloo dhiso si shaqadeena u soo labato.”

Carruurta waxbarashada u dhiganayay oo 4 ah waxay ku jireen fasallada lixaad iyo toddobaad. Lacagta ay ku dhiganayay iskuulka ayay xustay in iskudarkeedu ahaa $30.

Dhanka kale Cabdinaasir Yuusuf Xalliye oo ah guddoomiyaha ururka barayaasha gobolka Nugaal ayaa sheegay in sababta ugu wayn ee iskuulladu u xirmayn ay tahay dhaqaale yari jirta.

iskuullada qaar ayuu tilmaamay in macalin yari soo wajahday oo hal macalin lagu qoro in uu ardayda u dhigo labo ama saddex maado, maaddaama aysan dhaqaale u hayan macalimiin badan oo buuxin kara baahidaas.

“Waxaan ognahay in kalmooyinkii hay’adaha calamiga ah meesha ka baxeen oo hadda ma helaan iskuullada tageeradoodii. Waxaan ku talinayna in dowlada Putland ay hoos u eegto daruufaha waxbarashada iyo kuwa macalimiinta. Waxaan soo jeedinayna in wixii kab ah ee macalimiinta la siin karo in la siiyo.”

Guddomiyaha ayaa sheegay in in tan iyo bilowgii sanadkaan ay xirmeen 30 iskuul oo iskugu jiray hoose iyo dhexe, kuwaas oo sababsaday dhaqaale xumada bulshada soo foodsaartay oo uu aaminsan yahay in ay ka dhalatay roob la’aanta iyo colaadaha soo laalaabtay.

The post Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
(ERGO) – Rooda Xasan Aw Axmed waxay cunno ku filan u la’dahay qoyskeeda toban ah. Waxaa kow bishan ka xirantay meherad ganacsi oo ay ku iibin jirtay khudaar iyo cunnooyin bisil oo waddani ah.

Waxaa meesha ka baxday lacag u dhaxaysa afar ilaa lix doollar oo ay maalinle uga heli jirtay shaqadeeda, taas oo ay ku maaraynaysay baahiyaha aasaasiga ah ee reerka.

Xaaladdan ayay galeen markii waddo bannayn ay hormuud u ahayd Dawladda Hoose ee Hargeysa ay saamaysay ganacsigeeda iyo 69 kale.

Rooda ayaa sheegtay inaan la siin dhul kale. Waxaa u dheer inaysan awoodin inay meel kiraysato.

Haweeneydan oo uu qoysku keligeed ku tiirsanaa weli ka quusan la’ halkii ay ku ganacsanaysay oo ay shaqo ka wadaan gawaarida wax dhisaya iyo shaqaale.

“Wallaahi cagaftii baa naga qaaday. Meheradihii way naga dumeen alaabtii waataas oo way isku dul rasaysan tahay. Dee imika iyo haatanna waadigaa arkaya xaaladdii halkay marayso. Wax taakulayn ah maanaan, waxba noomay ballanqaadin dawladdu.”

Burburka ku yimid ganacsigeeda wuxuu ku soo beegmay xilli qoyskeeda ay horay ula halgamayeen duruufo is-biirsaday.

Rooda ayaa sheegtay in wiilkeeda 26 jir ah kaas oo iyadana oo aan oggayn ka tahriibay uu lix bilood Liibiya ugu yahay magafe. Xaaladdiisa ayay tilmaamtay inay ka sii darayso marba marka ka danbaysa.

Waxaa soo waca kooxaha haysta iyaga oo jirdilaya si ay degdeg ugu bixiso lacag madax-furasho ah oo ay sii dayntiisa ku xireen, taas oo aysan awoodin bixinteeda.

Ehelkeeda ayay xustay inay yihiin danyar aan caawin karin. Waxaa intaas u wehelisa saygeeda oo sariir-yaal ah.

Lix bil ka hor ayay sheegtay inuu ku soo booday cudurka qallalka sida xaqiijisay dhaqtar markii danbe loo geeyay oo baaray.

Rooda ayaa tilmaamtay in xaaladahan oo feker ku hayay ay u raacday in halkii il ee daqli ay waayeen, taas oo ku kordhisay  culeysyadii nolosha ee haystay iyada iyo qoyskeeda.

“Waliba sidaasuu aniga inan yari iga tahriibay, odaygii iga bukaayoo askari buu ahaayoo uu igaga dhacay faalig dee saasay xaaladayadu maraysaa.

Kun Shillin oo lacaga loo hayn maxaad u malayn xaaladiisa. Dee ilaahay uun baa gargaari kara.”

Rooda waxay xustay in dhaqaalaha ay ka heli jireen ganacsigan uu si wanaagsan ugu filnaa daboolidda baahiyaha nolol maalmeedka qoyskeeda.

Hase yeeshee, tan iyo markii ganacsigeedii joogsaday, xaaladooda nololeed ayaa hoos dhacday maaddaama ay dabka ku shidan jireen waxa maalinlaha u soo gala.

Qoyskeeda oo in badan 20 sano barakac ku ahaa magaalada Hargeysa ayay sheegtay inay hadda wajahayaan xaaladdii ugu adkayd.

Filashadeeda ayaa ahayd inay ganacsigan kaga baxdo xerada balse hadda waxay joogtaa quus.

Dhamaan qoysaska ay ganacsiyadooda saamaysay waddo bixinta ayaa ka siman duruufaha dhaqaale ee ka dhashay.

Yusur Muxumed Buuni, oo 94 jir ah ayaa sheegtay in qoyskeeda oo ka kooban sagaal qof ay noloshoodu ku tiirsanayd maqaaxi yar oo ay shaaha ku karin jireen, balse hadda meesha ka baxday.

Haweeneydan ayaa tilmaamtay inaysan jirin cid kale oo u shaqaysa reerka. Noloshooda ayaa ku tiirsanayd shan doollar oo ay maalinle u helaysay, taas oo ka caawin jirtay daboolidda baahiyaha oo ay cunnadu ugu horreyso, kuwaas oo hadda ku soo wada furmay.

“Ma shaqaysano maqaaxidaa yar baanu ku meermeeraa waanu ka helaynoo maalintii waxaanu ka helaynay intaan aqalka dhan la fujin een la dumin konton kun oo Somaliland Shilling ah oo wuu na deeqayoo wuu nagu filaa. Imikana waa iska joognaa uun Baraka alle. Wax hagaagsan kama helo samir uun baanu ku noolahay wallaahi.”

Yusur ayaa sheegtay inuu u joogto wiil ay dhashay oo dhimir-ka jirran muddo saddex sano ah, kaas oo u baahan daryeel dheeraad ah. Waxay tilmaamtay inay dawooyin iyo wixii kale ee uu u baahdo ay uga gadaysay faa’iida ganacsigeeda balse hadda ay gacan maran tahay.

Waxaa culeyska ku sii kordhinaya jirradiisa iyo masuuliyadda qoyska oo saaran iyada oo da’daas ah.

Wiilkeeda labaad oo dhismaha ka shaqayn jiray ayaa ka kabi jiray nolosha balse hadda wax shaqo ah ma hayo sabab la xiriirta inuu waayay cid hawl u dirsata shaqooyinka magaalada oo yaraaday darteed.

Qoysaska waddo bixintu ay saamaysay ayaa isugu jira kuwo wada waayay meelihii ay ku ganacsanayeen markii ay jidka ka mid noqdeen, halka kuwo kale ay u hareen meelo ciriiri ah oo aan ku filnayn.

Dawladda Hoose ayaa ka gaabsatay bixinta macmuulaad ku saabsan saamaynta ka dhalatay waddo samaynta iyo inay qorsho kale u hayso dadkan.

Cabdirisaaq Cabdillaahi Ismaaciil, oo ah xoghayaha Guddoomiyaha xerada State House, ayaa tilmaamay in arrintay ay keentay saamayn dhaqaale oo muuqata.

Wuxuu sheegay inay dadkii waayeen meel kale oo ay si bilaash ah ugu ganacsan karaan.

“Shaqadii baa istaagtay dadkiina intan yar buu ku noolaayee meesha ka soo baxaysaa. Dhaqaale la’aan badan bay saamaysay waddo furistaasu. Markaa wallaahi dhaqaale darro faro badan bay keentay.”

Cabdirisaaq ayaa xusay in markii la dumiyay ganacsiyadan yaryar, ay qoysaskii ay noloshoodu ku tiirsanayd ay la kulmeen xaalad dhaqaale oo aad u adag.

Wuxuu sheegay in qaar badan oo ka mid ah qoysaskaasi ay maanta ku adag tahay in ay helaan nolol-maalmeedkooda aasaasiga ah.

“Wallaahi dab imika maba shitaanba. Meheradiina marka laga dumiyay, carruurtiina halkan u taagan tahay, iskuulkii u taagan yahay ee biyihii u taagan yihiin waad garan karaysaa qof meheradiina ka xidhan tay. Baahida iyo dhaqaale la’aanta annaga aad bay noo saamaysaa.”

Burburka ganacsiyada qoysaskan oo deggan xerada State House waxay keentay inay dabooli kari waayaan baahiyahooda lagama maarmaanka ah.

Waxay u baahan yihiin in loo raadiyo xal u fududeeya inay ka soo kabtaan dhaqaale burburka ka dhacay ee saameeyay iyaga iyo nolosha iyo waxbarashada carruurtooda.

The post Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
(ERGO) – Qulqulka dadka biyo doonka ah ee subax walba ka jarmaada dagmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa joogto noqday 3 bil ee u danbeeyay, markii ay qalaleen ceelal-gacmeedyadii ay ku tiirsanaayeen. Waxay u lugeeyaan ceel la dhuro oo u jira magaalada 8 km.

Biyaha ceelkan waxay u galaan safaf dhaadheer, waxaana qof kasta filashadiisu ay tahay helidda dhowr liitar oo biyo ah, balse dadka qaar ayaa dib uga soo laabta mararka qaar iyaga oo faro maran, saxmadda ka jirta ceel oo badan awgeed.

Dadka caqabadda biyo helidda la daalaadhacaya waxaa ka mid ah Nuurta Xasan Ibraahim oo ku nool Buurxakaba. Galinka hore ee malintii ayay ku qaadataa in ay hesho 15 liitar oo biyo ah, waxaana ay beeqaamisaa biyahaas oo si adag ay ku hesho.

Waxay sheegtay in maalmaha qaar ay ku soo hungowdo helidda biyaha. Ceelka oo sii biyo yaraynaya ayaa kuwada filnaan waayay dadka u soo aroora. Xaaladdaas ayay xustay in ay la kulanto ugu yaraan seddex mar oo ka mid ah toddobaad walba.

Maalmaha ay soo hesho ayay tilmaamtay in ay dhibaato badan ka marto soo qaaditaanka biyaha. Waxaana taas u wehlisa in dadka awooda ay ka codsato in ceelka ay biyaha uga soo saaraan.

“Aniga dhabarkeyga ayaa ku raadsadaa, meesha markii aan tagana waa ka tuugsadaa haddana waa la soo baxaa intii awooddayda ah, haddana lug ku imaanaa. Hal saac iyo bar ayaa loo soconaa biyahaas. Qof dameer wata ayaa kaa horeeya, mid mooto wata ayaa kaa horeysa. Jirgaankaaga ayaad ku fadhiisanaysaa inta mootaalayda ay shubanayaan.”

Nuurto waxay xooggeeda iyo waqtigeeda oo dhan iskugu gaysay sidii qoyskeeda oo 10 ah ay u haraad tiri lahayd, taas oo saamayn ku yeelatay shaqooyin dhar-dhaqista, nadiifinta xafiisyada iyo isbitaallada iskugu jira oo ay subax walba u kalihi jirtay.

Shaqooyinkan inta badan waxaa la qabtaa subaxa hore, balse Nuurto waxay door-biday in galinka danbe ay aaddo, markaas oo ay ka soo laabato socdaalka biyo doonka ah. Waxay xustay in dadkii ay u shaqayn jirtay ay ka maarmeen daaheeda darteed.

Waxay sheegtay in dadka qaar ay siinayaan raashin dayn ama sadaqo ah, balse aysan marna ka helin biyaha oo ah baahi si guud uga wadajirta Buurxakaba, taas oo ku qasabtay in ay waqtigeeda ugu badan galiso heliddooda.

Waxay ku maaraysaa qoyskeeda kiilooyin boorash ah oo laga soo siiyay billowgii bishan isbitaal ay shaqo nadafadeed ka qaban jirtay ka hor biyo yarida. Maamulka xarunta caafimaad ayay la wadaagtay howsha ku soo korortay iyo cunno xumada haysa.

Maalmaha qaar dad dariskeeda ayaa soo waca iyaga oo ku wargaliya in ay u hayaan shaqo dhar-dhaqis ah oo lacag yar ay ka hesho sida ay sheegtay.

“Haddii la tiraahdo; guri ii dhaq waan u dhaqaa. Haddii aan wax ka helo sida kiilo bariis ah ama $1, lacagtaas ayaan carruurta ugu soo gadnaa caanaha garoor ah. Haddii aan waxba helinna waan iska seexanaynaa. Hadda toddobadii saac ayaa la joogaa xitaa 25 senti ima soo gelin. Maxaan sameeyaa?.”

Carruurteeda ayay sheegtay in ay ka cabanayaan gaajo, iyaduna aysan waxba u qaban karin. Boorashka oo gabaabsi ka sii ah ayay xustay in uusan ku filnayn carruurta haddii ay dabka u saarto, waxaa intaas u dheer iidaan la’aan.

Waxay sidoo kale dhibaato ku qabaan cabidda biyaha ay ka keento ceelka la dhuro, kuwaas oo aan nadiif ahayn. Waxay sheegtay in ay kululayso si ay jeermiska uga disho, kadibna ay qaboojiso iyada oo dhigta meel hoos leh.

Nuurto carruurteeda saddex ka mid ah waxay waxbarashada ka hareen bishii Julay, markii ay bixin waysay lacag ay iskuulka ku dhiganayeen. Waxay markii hore ku bixin jirtay lacag ay dhigaal-sanaysay, kuwaas oo qayb ka ahaa lacag $6 oo ay maalinle uga heli jirtay shaqada nadaafadda.

Dhibaatada biyo yarida ee ka jirta Buurxakaba ayaa si guud u saamaysay dadka ku nool. Waxaa biyo la’aan noqday saddex ceel oo 20,000 oo qoys ay ku tiirsanaayeen, kuwaas soo ku kala nool Buurxakaba iyo 40 deegaan oo hoostaga sida ay sheegtay SOS Children’s Villages oo samaysay xog aruurin.

Maxamed Axmed Maxamed, oo ah Isuduwaha Mashaariicda Caafimaadka iyo Nafaqada hay’addan ayaa sheegay in biyo yarida ay ka dhasheen cudurrada faafa, maaddama dadka ay dantu biday in ay cabbaan biyaha ceelasha la dhuro, kuwaas oo aan nadiif ahayn.

Wuxuu xusay in ay ku howlan yihiin daawaynta dadka cudurro shubanka uu ka mid yahay ay soo riteen, kuwaas oo ay ku hayaan xarumo ay u diyaariyeen.

“Celcelis ahaan bil walba waxaa la daawayn jiray 35, 36 ilaa 40 qof. Laakiin markii la soo gaaray May iyo Juun ilaa Julay dadka waxay gaareen ilaa 100 ka badan. Bilihii danbe aad bay u bateen kiisaska shubanka la dawaynayo, taasi oo saamaynteeda ay lahayd biyaha wasaqda ah ee la isticmaalaayo.”

Wuxuu sheegayin kumanaan qoys ay ka barakaceen biyo yarida iyaga oo u hayamay Baydhabo tan iyo billowgii sanadkan. Kuwa ku haray magaalada iyo deegaannada ku dhow ayuu tilmaamay in ay la nool yihiin duruuf nolol xumo oo liidata.

Dadka ku haray magaalada, isla markaana biyaha ku soo qaada dhabarkooda waa dumar. Waxay iskugu jiraan kuwa ilmahooda ay agoon yihiin iyo qaar lagu furay. Waxay isku kaashadaan koox koox si ay iskaga weshadaan socodka biyo doonka ah.

Duniya Xasan Cabdi oo 45 jir ah caag 20 liitar qaad ah ayay ku xirtay xarig ka samaysan maryo iyo dun la isku tolay. Waxay jirgaanka ka soo laalaadisaa dhabarkeeda, waxaana xarigga ay ku qabataa gacmaha iyo qaybta hore ee wajigeeda.

Waa qaabka kaliya ee ay ku xambaari karto biyaha ay soo hesho. Nidaamkan waa mid ay ka siman yihiin dadka aan haysan gaadiid ay biyaha ku qaataan. Faadumo saddexdii bil ee u danbaysay mid kasta oo ka mid ah waxay socotay ku dhawaad 500 km.

Waa marka la isku daro masaafada ay lugayso maalin kasta oo ah 8 km oo soo socod iyo sii socod ah. Safarkaas ma wada noqon mid ay biyo ku helaysay. Maalmaha qaar dib ayay u soo laabanaysay iyada oo faro maran, aadna u niyad jabsan.

Duniya oo ah hooyada siddeed carruur ah oo kan uu jiro labo sano waxay halgan ugu jirtaa ka samata-baxooda dhuruufaha cunno xumo iyo biyo yari

“Salaadii ayaa baxaa. Hal jirgaan markaad keento kuma noqon kartid meeshaas. Feel ayaa la gala. Hal jirgaan haddaad hesho oo la timaaddo qof kasta galas ayuu ka cabaa. Ciyaalkii haddii dugsiga ay aadaan oo ka soo laabtaan waa laga ilaaliyaa ilaa la nadiifiyo. Jirkana looga nadiifiyaa. Biyo qaraar ah weeye. Lama isticmaalo qof daruuf haysta mooyee.”

Tan iyo markii ay billowday in ay u aroorto ceel-biyoodka ka durugsan magaalada waxaa caqabad ku noqotay shaqo ay ka haysay maqaaxi cunnada lagu kariyo, maaddama inta badan maalintii waqtigeeda ay ku bixiso soo helidda dhowr liitar oo biyo ah.

Waxay shaqadaas ku waysay duruufta haysa darteed. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in habeenkii ay shaqo tagto iyada oo ku wareegta xaafadaha iyo maqaayadaha si ay u hesho shaqo nadaafadeed. Haddii ay hesho waxay xooggeeda ku beddelataa raashin.

Carruurteeda waxay 24 saacba mar dabka loo saaraa raashin aan iidaan lahayn. Waxay sheegtay baahida ay isku dhaafiyaan, maaddama aysan heli karin cunno ku filan. Xaaladdan waxaa u dheer sida ay ku heli lahayd kirada gurga ay ku nooshahay oo labo qol ah.

“Maanta 12 saac maqrabkii ayaa canbuulo loo saaray. Xaafadaha ayaa laga soo qaraabtaa, Guriga aan ku noolnahay waa kiro. Bishiaan ayaa afar ii ah oo aanan bixin. Iga bax ayaa la ileeyahay. Bishii waa $10. Aad ayaa daruuf inoo heysaa.”

Waxay ka cabanaysaa dhabar xanuun la soo darsay tan iyo markii ay billowday in ay u aroorto ceel biyoodka. Waxay sheegtay in aysan seexan inta badan habeenkii, isla markaana aysan weli booqon xarun caafimaad si ay u ogaato caafimaadkeeda.

Nolosha Duniya waxay waxay sawir guud ka bixinaysaa xaaladda qoysaska danyarta iyo barakaca iskugu jira, kuwaas oo ku nool Buurxakaba. Waxay daris la yihiin biyo yari iyo dhaqaale xumo sababtay cuno xumo iyo duruufo hoy la’aan ay ka mid yihiin.

The post In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.