Cunto-Yaraanta Archives - Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
(Ergo) – Boqollal qoys oo ganacsato yar yar iyo xoola dhaqato is kugu jira ayaa nolol xumo ku wajahaya deegaanka Ari-cadeeye ee gobolka Sool tan iyo billlawgii bishaan.

Waxay colaad qabiil oo ay ku waayeen kaabayaashoodi dhaqaale uga soo barakaceen deegaanka Madax-lagu xoor oo Ari-cadeeye hoostaga.

Waxay sheegen in ay faro marnaan ku yimaadeen si ay waxyeelada dagaalka uga baxsadaan.

Sahra Faaax Cali oo ka mid ah waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in colaada looga gubay mehrad ay ku iibin jirtay cuntooyin bisil iyo bagaash.

Waxay xustay in ay hadda la’dahay wax ay ku dabarto nolosha 8 carruur oo ay ka masruufi jirtay, kuwaas oo kaligeed ku tiirsan.

Waxay xustay in ay noloshoodu ku soo aruurtay wax ay ka helaan dad ay ehel yihiin oo ay dul-saar ku noqdeen, taas oo aan joogta ahayn.

“Hal mar ayaan dabka shidanaa. Markaas xitaa mararka qaar waa wayna oo qatooyo ayaan ku joogna. baahiyaha aan qabnana aad ayay u badan yihiin, maaddama aan nahay dad faro maran oo aan waxbo awoodin.”

Sahro ayaa sheegtay in $300 oo u dhex yaallay mehrada oo ay markii hore ku billawday $100 oo ay dayn ku soo qaadatay ayay xustay inuusan waxbo uga badbadin oo colaada lagu gubay.

Dhinacyadii dagaalamayay oo wada gubay guriyihi iyo ganacsayadii deegaanka ayay sheegtay in keedina uu ka mid noqday.

Waxay xustay in ay meesha ka baxday $6 Illa $10 oo ay joogta uga heli jirtay ganacsigeeda.

Dhaqaalahan oo ay ku maaraynaysay cuntada, biyaha, waxbarashada iyo baahiyaha kale ee carruurteeda ayay tilmamtay in ay hadda ka faro maran tahay.

Haweeynaydan ayaa xustay in xaaladdan ay u dheertahay helitaanka biyaha oo ay ku dhibban yihiin.

Waxay sheegtay in ay awoodi la’ dahay $1 oo jirgaankii ay iibiyaan ceelal gaar loo leeyahay.

Qubeys iyo dhar-dhaqis ayay sheegtay in aysan tabar u hayn oo ay dirqi ku hesho maalinkii 20 liitar oo ay cabaan ama cuntada ku karsadaan,

Waxaa ka caawiya qoyska ay dul-saarka ku noqdeen oo aan waxbadan ku dhaamin.

Qoyskeeda ayaa ah bannaan yaal aan haysan hoy ka xajin kara qoraxda maalinkii iyo qabowga habeenkii.

“Hoy fiican ma lihin. Baco aan dayn ku soo qaadanay iyo ullo aan isku gaynay ayaan dhisanay. Waxaan dhiganay oo aan ku seexana sijaayado ay nagu caawiyeen dadka aan dul saarka ku nahaya. Naguma filna.”

“Carruurta ayaan seexina anaga banaanka ayaan seexana habeenkii, maalikiina geedaha hoostooda ayaan harsanaa.”

Sahra ayaa sheegtay in sidoo kale colaada looga gubay guri ka koobna labo qol oo jiingad ah, barsad, musqul iyo jiko ay ku noolaayeen reerkeeda.

Waxay arrintan ku sababaysa in aysan dib ugu noqon karin deegaankoodi haddii uu amni noqda, maaddama aysan wax hanti ah ku lahayn.

Waxay sidoo kale colaada darteed iskaga soo tageen lix neef oo ari oo ay dhaqan jireen.

Waxay sheegtay in qarkood ay irmaan ahaayeen oo ay carruurta u maali jirtay, balse ay soo wadan waysay maaddaama ay xabad dhacaysay darteed aysan awood u lahayn.

Haweeynaydaan oo 41 jir ayaa xustay in ay ku hungowday raadinta shaqooyin dhar dhaqis ah oo ay deeganka ka raadisay.

Arrintaan ayay xustay in ay rajo xumo ku beertay, aysanna u muuqan xal ay ku heli karto wax ay masruufka carruurta ka soo saarato.

Waxay sheegtay inaysan haysan cid garab u noqota xilligan adag. Ilmaheeda aabbahood ayay xustay in afar sano ka hor uu u dhintay cudur aysan aqoonsan.

Dhanka kale haweenaydaan ayaa xustay in xaaladda barakaca ay uga waxbarasho beelen saddex carruur ah oo u dhigan jiray dugsi Qur’aan, kuwaas oo ay bishii ka dhiibi jirtay $30.

Waxay tilmaamtay in aysan hadda u awoodin in ay waxbarasho ku darto, maaddama ay faro maran tahay.

Waxaa walwalka ku sii kordhinaya dayn lagu yeeshay tan iyo markii ay xaaladdan soo wajahday.

“$300 oo dayn ayaa la igu leeyahay. Gaarigii aan ku soo guurnay iyo bacaha aan guriga ka dhiganay ayay is kugu jiraan. Dhibaato ayay igu haysa dayntaas si aan ku bixiyana ma aqaan.”

Colaadaha kadiska ku billawda waxay cayrtoy iyo nolol xumo u horseeda sanadka kasto boqollal qoysas ah oo horray u haystay nolol nagaansho leh.

Waxay miciin bideen barakac aysan xal u helin sidii ay uga soo kaban la’haayeen.

Hinda faarax jamac waxay qoyskeeda oo toddobo qof ka kooban u awoodi la’dahay dhamaan baahiyaha aas-aasiga.

Xerada Ari-cadeeye oo ay soo miciin bideen ayay tilmaamtay in aysan wax kaalmo ah ku helin.

Qoyskeeda ayay horray masruufkooda uga soo saari jirtay dukaan bagaas ah oo ay ku lahayd deeganka Madax-lagu xoor, kaas oo hadda colaada looga gubay.

Waxay xustay in halkaas ay ku waayeen dhaqaale ay ku qiyaastay illaa s$3,000 oo ahaa waxa kali ah oo ay ku tiirsanayeen.

Raashin bisil oo aan joogta ahayn oo ay ku caawiyaan dadkii xerada uga soo horeeyay ayay ku tiirsan yihiin. Xaaladda ay muteen ayay quus ka muujisay.

“Dad badan ayaan nahay wax hal mar dabka la saaray naguma filna. Danta ayaase nagu qasbaysa.”

Hinda ayaa sheegtay in sidoo kale ay ku dhib qabaan helida biyaha. Xerada ay yimaadeen kama jiraan dhamaan adeegyada aas-aasiga ah,

Dantu waxay ku qasabtay in ay jirgaan dhabarka uga soo qaado ceel u jira 1km oo ay u dan sheegteen.

Waxay xustay in biyihiisu dhanaan yihiin, balse aysan beddel kale heli karin, maaddaama aysan awoodin kuwa macaan oo jirgaankii la iibiyo $1.

Waxay sheegtay in qaaliyowga biyaha ay sabab u tahay colaadda jirta oo aysan dadku inta badan tagi karin ceelka.

“Carruurta wxaa waxbarasho la’aan iga noqday 4 ka mid ah. Hadda wxbarasho la’aanta waxaa ka dhigay waan soo barakacnay wax wax u dhiga waan u waynay. Halka aan joogno waa xeryo iskuullo malahan. Carruurta midkii $8 ayaan ku bixin jiray haddana lacagtaas ma awoodno.”

Waxay xustay in muddo dhawr iyo toban berri ah oo ay joogan xerada ay seexdaan meel banaan habeenkii halka maalintiina ay dulsaar ku yihiin qoys deggan buush aan wada qaadin.

Dadka ku soo barakacay xeryaha ee aadka u badan darteed waxaa adkaatay in ay caawiyaan dadkii horay u deganaa meelaha ay tageen sida uu sheegay Cabdisalaan Abshir Cabdiraxmaan oo ah guddoomiye xerada Ari-cadeeye.

Wuxuu tilmaamay in dadka soo barakacay oo ay tan iyo billawgii bishaan diwaangaliyeen ay gaarayaan 370 qoys.

Colaaddda ayuu xusay in ay ku soo beegantay xilli dadku ay ka soo kabanayeen saamayntii ka soo gaartay abaarihii daba dheeraaday ee deegaanka ka jiray muddo saddex sano ah, balse ay wajaheen saamayn tii hore ka culus.

“Waxay u baahan yihiin cunno, hoy, waxbarasho iyo caafimaad. Dhamaan baahiyaha aas-aasiga ayaa ka maqan. Dadku waxay qaar barakac ku noqdeen xerada Ari-cadeeye, qaarna dad ayay dul-saar ku noqdeen.”

Colaadaha soo laalabtay ee dalka ka jira ayaa noqday dhibaatada ugu wayn ee sanad kasta nolol xumo u horseeda kumanaan qoys.

Waxaa adkaata in ay ka soo kabtaan nolol xumada ay mutaan maddaama aysan halayn awood ay ku abuurtaan ilo kale oo dhaqale.

The post Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
(ERGO) –  Nolol-xumo aad u liidata ayaa soo foodsaartay boqollaal qoys oo xoolodhaqato ah oo ku nool deegaanka Dajimaale ee gobolka Mudug, markii saddex sano oo roob la’aan ah isku raacday ay sababatay inay nacfi beelaan xoolahooda ayna guraan ceelgacmeedyo ay ku tiirsanaayeen.

Waxaa deegaanka iskaga guuray intii badnayd dadkii deganaa halka ay ku hareen dad lagu qiyaasay in ka badan boqol qoys oo u badan dad nugul oo aan guuri karin. Waxaa ka mid ah Qoyska Busuri Cabdiqaadir Axmed oo toban qof ah ayna ku jiraan dad waayeel ah.

Wuxuu tilmaamay inay ku adag tahay inuu cunno iyo biyo ku filan u helo qoyskiisa. Xaaladdaas ayuu sheegay inay qabsatay markii uu wada dhaafay tiro ari ah oo ay dhaqanayeen oo ahaa waxa keliya ee ay ku tiirsanaayeen.

“Walaalow dhibaataan ku jirnaa abaar baa na saamaysay biyo ma leh, cunto fiican ma leh, caafimaad ma leh. Duunyada wixii haray abaar baa leeftay waa soo dhamaadeen. Dhibaatada jirta waqti wax lagu cuno iyo kalsooni wax lagu cuno midna ma leh.”

Busuri wuuxu sheegay in hadda qoyskiisu ay ku tiirsan yihiin raashin min shan kiilo oo burbariis iyo sonkor ah oo ay horraantii bishii June ku caawiyeen qoysas ay qaraabo yihiin oo ku nool kuwaas oo ka war helay xaaladdooda. Si ay u beeqaamiyaan ayuu xusay inay hal waqti karsadaan.

Waxaa intaas u dheer biyo yari. Wuxuu xusay inay iibsan waayeen biyo laga keeno deegaanno ka durugsan oo halkii fuusto la siiyo $6. In ay biyuhu qaali noqdaan ayuu sheegay inay sabab u tahay waddo xumo deegaanka ka jirta oo dhibaato ku ah booyadaha, taas oo ku qasabtay inay qiimaha kordhiyaan ilaa ay gaartay heer la gadan waayay.

Wuxuu xusay in hadda ay ku qasbanaaden dhamaan dadka deegaanka inay dhurtaan ceelasha ku yaalla deegaanka oo 24  saacba soo saara ugu badnaan shan fuusto oo biyo ah taas oo aan wada deeqin. Wuxuu xusay in subaxdii uu galo fayl si uu u helo hal jirgaan, balse mararka qaar uu soo laabto isaga oo gacan maran.

Dhan ka kale wuxuu sheegay in saddex ka mid ah carruurtiisa ay muddo todobaad ah la jiifaan shuban iyo qandho. Wuxuu u sababaynayaa in cudurka ay sababeen biyaha ay isticmaalaan ee ceelka oo aan nadiif ahayn.

“Hadda waxaa ka dilaacday cuduro ah bakteria. Hadda aniga waa iga xanuunsan yihiin shuban baa ku dhacay daawo la’aan iyo nafaqo la’aantaa baa ku dhacday abaartaa iyo dhibaatadaas baa jirta.”

Busuri ayaa sheegay in muddo dhawr jeer ah uu isku dayay in reerkiisa uu u raro magaalada Gaalkacyo oo u jirta 110 km deegaanka uu joogo ee Dajimaale, balse ay u suurageli waysay markii uu waayay qarashka gaariga qaadaya oo ugu yaraan ku kacaya $100, maaddaama qoyskiisu uu badan yahay.

Sidoo kale carruurta iyo dadka waayeelka ah oo hadda tabartoodu hoosayso ayuu sheegay inaysan masaafadaas dheer lug ku mari karin.

Ninkan wuxuu sidoo kale tilmaamay in deegaanka aysan sii joogi karin maaddaama aysan ku haysan cunto ku filan, halka ceelka kaliya ee ay hadda biyaha ka helaanna uu sii biyo yaraynayo marba marka ka danbaysa oo la qiysaasayo in bishan wixii ka danbeeya uu gurayo.

Dhibaatadan waa mid ay ka siman yihiin dhamaan dadka deegaanka ku haray ee ka guuri waayay. Sacdiyo Cabdi Xuseen waxay sheegtay in cunno iyo biyo ku filan ay u la’adahay 10 carruur ah oo agoon ah. waxay xustay inay ku masruufto wax ay ku caawiyaan dadka tuulada oo ay ku dhex wareegto.

Waxay sheegtay in maalmaha qaar ee ay ka wayso ay qatooyo ku joogaan carruurteeda. Waxaa intaas u dheer biyo yarida. Maalinkii waxay soo heshaa ugu badnaan 10 liitar oo aan ku filnayn.

“Baahida ugu daran ee na haysata waa biyo yari. Waxaasna waxa keenayna waa abaarta. Meeshaan aad ayaa loogu daruuufaysan yahay. Cuntada marna waa la helaa marna waa la waayaa laakiin biyaha iyo caafimaadka aad ayaa loogu dhib qabaa. Haddii dadkan la caawinayo waxyaabahaas aad ayaa loogu baahan yahay.”

Sacdiyo waxay sheegtay in saddexdii sano ee la soo dhaafay oo roob yarida soo laalaabanaysay  ay si tartiibtartiib ah kaga marteen labo tiro oo arri ah oo ay dhaqanayeen, kaas oo ahaa waxa kaliya ee ay ku tiirsanayd noloshooda.

Haweenaydan oo 55 jir ah waqtigeeda oo dhanna ku soo qadatay deegaanka ayaa sheegtay in xilligan reerkeeda ay wajahayaan nolol xumaddii ugu darnayd abid.

Dhibaatada ka dhalatay roob yarida ee ay dadka kala siman tahay waxaa u dheer in siddeed bil ka hor uu saygeeda oo reerku ku tiirsanaa uu u geeriyooday cudur aan la aqooonsan. Waxay u sababaysay dhimashadiisa inuusan helin daryeel caafimaad faro marnaantooda dhaqaale darteed.

“Isbitaal ma leh meeshan qofku haddii uu xanuunsado kaniini madax loo liqo ma laga heli karo. Meesha joogno hadda qofkii jirada baabuurna uma kirayn karno baabuurka sadex boqol afar boqol buu ku leeyahay.”

“Farmashi Gaalkacyo noogama sokeeyo magaalooyinka waaweyn haddii aan u guuri lahayn maxaan ku guurnaaba? Xoolodhaqato baan ahayn xoolihiina waa baaba’een.”

Sacdiyo oo hadda kali ku ah maaraynta nolosha carruurteeda ayaa sheegtay inaysan hayn qorshe ay qoyskeeda kaga saari karto xaaladda adag ee ay galeen.

Wxay xustay in cunno xumada ku raagtay darteed ay hadda ilmaheeda ka muuqato dabar darro aad u liidata ayna ka baqayso inay nafaqo darro isku beddesho.

Dhanka kale waxay tilmaamtay in dhawr mar ay isku dayday inay u guurto magaaloyinka waawayn ee gobolka balse ay waysay gaadiid ay ku qaadato ilmaha iyo alaabta. Duruufaha ku gadaaman darteed.

Deegaanka waxaa ka guuray inta badan dadkii deganaa iyaga oo aaday degaano ay biyo ka heli karaan. Balse kuwa ku haray oo ah kuwa danyar ah oo aan guuri karin oo aan tabar ahaan isdhaamin dhanka nolosha.

The post Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
(ERGO) – Kaltuumo Faarah Cusmaan, iyada iyo carruurteeda oo shan ah waxay duruufo is-biirsaday ku wajahayaan deegaanka Buufow-bacaad oo ay tageen 15 bishii May, iyagoo faro maran.

Qoyskeeda ayaa ka soo barakacay dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed, kaasi oo salka ku haya muranka dhul beereed ku yaalla deegaanka Beder ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Haweenaydan ayaa tilmaamtay inay ka fursan wayday inay albaabada u garaacdo dadka tuulada ay soo miciin bidden oo danyar ah. iyada oo waydiisanaysa inay raashin bisil siiyaan.  Marka ay soo wayso ayay xustay inay ku qasbanaadaan inay qatooyo ku joogaan.

“Xaaladeena nololeed aad iyo aad ayay u liidataa. Waa iska rafaadsanahay wax la cunaayo meeshan ma yaalaan waala baahanyahay. 5 caruur agoon ah ayaan meeshaan ku heystaa. Wallaahii raashiin mar waala helaa mar waala waayaa. Hadda saan wax aan siiyo ma haayo inaan sidooda ku seexiyo ma ahane.”

Haweeneydan ayaa keli ku ah maaraynta nolosheeda iyo midda carruurteeda oo ah yaryar aan ku kabi soo dhicinta biilka reerka. Saygeedii ayay xustay inuu cudurka macaanka u dhintay 2024. Wixii intaas ka dambeyay waxay keli ku ahayd.

Kaltuumo ayaa intaas ku dartay inay xanuun ku hayso nolosha qoyska gaar ahaan xilligan oo ay ku jiraan xaalad hubanti la’aan ah. Gasiin xumada waxaa u dheer inaysan haysan gabbaad awood u leh inuu ka celiyo qorraxda iyo roobka xagaaga oo gobolka ka da’aya.

Hoy xumada ayay xustay inay si gaar ah u saamaysay carruurteeda oo la qabsan la’ xaaladdan oo cusub.

“Meel ay ku hoydaan ma heysti. Maryahan ayaa meeshaan ku xirxirtay hadda roob haduu yimaado meel aan dhaxanta uga ilaaliyo ma haayo. Wallaahi xanuun saa’id dareemaa. Habeenkii ma hurdo.  Ma harsado. Fekerfaceyga uma eki. Waan dhibbanahay.”

Kaltuumo ayaa sheegtay inay ka soo tageen guri ka kooban saddex qol, suuli iyo jiko oo ay ku lahaayeen tuulada Beder oo kaabiga ku heysa deegaanka Janaale.

Waxay xustay inaysan waxba ka soo qaadan balse ay naftooda kala soo baxsadeen, markii maleeshiyo ay ku amartay inay banneeyaan gurigooda oo saaran beeraha Garshiine ee la isku haysto lahaanshahooda.

Waxay sidoo kale ka soo tagtay 8 neef oo ari ah oo ay dheefsan jireen cadkooda iyo caanahooda. Qoyska kaltuumo ayaa la qabsan la’ nolosha barakaca maaddaama ay tahay markii ugu horreysay ee ay dibad joog ka noqdaan tuuladoodii.

Kaltuumo ayaa xustay inay isku dayday marar badan inay shaqo ka raadiso deegaanka Shalaambood iyo magaalada Marka balse ay weysay cid ay u shaqeyso sabab la xiriirra deegaanka oo aysan aqoon u lahayn iyo fursadaha ka jira oo yar.

Kaltuumo ayaa tilmaamtay inay ka waxbarasho beeleen saddex kamid ah carruurteeda oo dhiganayay dugsi Qur’aan. Waxay tilmaamtay in dugsigii tuuladoodii ay macalinka bishii siin jirtay hadba wixii ay u garato maaddaama uu yaqaannay.

Haweeneydan ayaa sheegtay in soo gaarida deegaanka Buufow-bacaad ay ku qaadatay socod 11 saacadood ah maaddaama ay wayday dhaqaale ay gaadiid ugu kirayso ubadkeeda.

Sida maamulka deegaanka aan ka soo xiganay tan horraantii May in ka badan kontan qoys ayaa barakac ku yimid kuwaas oo wajahaya xuno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan.

Waxaa ka mid ah qoyska Daahir Cabdi shakuur xuseen. Ninkan ayaa reerkiisa  oo 7 qof ah u awoodi la’yahay cunno, biyo iyo hoy ay gabaadsadaan. Xaaladan adag ayay wajahayaan tan iyo dhamaadkii bishii May oo uu ka soo barakacay tuulada Beder.

Noloshooda ayaa ku tiirsan dawarsi ay dantu bidday. Wuxuu aroor walba u lugeeyaa magaalada Marka oo deegaanka u jirta qiyaastii 5 km. Wuxuu sheegay inuu kilo bariis uu soo helo, taas oo ay labo maalin tashiishaan.

Wuxuu sheegay inay isku raacday gaajo iyo haraad ku haysta deegaankii ay u soo nolol doonteen. Ninkan ayaa sheegay in qiimaha biyaha deegaanka jirgaankii uu yahay $0.2, aysanna awoodin inay shubtaan dhaqaale xumada haysa awgeed.

“Mararka qaar waaba la qadaa. wax la haayo malahan, dadka iyagaa wax heysanba. Culeysada noogu daran waa hoy la’aan. Baco ma heysano roob haduu yimaado.  biyaha horta $.20 waaye anagana ma awoodno nadiif maaha ilmahana way ku xanuusadaan.”

Daahir ayaa xusay in noloshooda Beder ay ku tiirsanayd beeraha aseendooyinka oo uu caws ka fali jiray. Wuxuu tilmaamay in maalinkii uu ka helayay $4. Waxaa dugsi Qur’aan u dhiganayay 5 carruur ah, kuwaas oo uu bishii ka bixin jiray wadartooda $10.

Ninkan ayaa tilmaamay in aysan marna ku tashanaynin inay guryahooda dibad yaal ka noqdaan. Wuxuu intaas raaciyay in xilli habeen ah mid kamid ah dhinacyada is haya ay u sheegeen inay guuraan.

“Dagaal dhul beereed ka bilowday ayaan ka soo guurnay. Waxaa nalagu yiri meeshan ka taga noloshiina haDdii aad nabad u rabtaan. Annaga dad hubeysan manihi dad shacab ayaan iska ahayn meeshaasaa ka xamaalan jirnay guura ayaa nala dhahay sidii ayaana usoo qaxnay.”

Daahir ayaa sanadkan isku diyaarinayay inuu dalagyo kala duwan uu saaro beer 5 hektar ah dhaxal ah balse maanta wuxuu doorbidday barakac inuu noqdo. Ninkan ayaa nolosha ka jooga quus.

Dadka ay soo sal-kicisay colaadda ayaa ka siman hubanti la’aanta. Faadumo Cumar Xaaji oo ah hooyo lixdan jir ah iyada iyo qoyskeeda oo 6 ah waxay dulsaar ku yihiin qoys degan deegaanka Buufoo-bacaad.

Noloshooda ayaa ku tiirsan xaabo ay gabadheeda u doonto dhul kaymeed deegaanka ka baxsan. Waxay sheegtay in maalinkii ay ka soo hesho $0.5 oo aan ku goyn karin quud ku filan.

Saygeedii ayay tilmaamtay inay kala tageen isla markaana uusan ku daryeelin carruurta. Faadumo ayaa sheegtay in labo sanno ay madaxa ka xanuusaneyso. Waxay wayday dhaqaale ay dhakhtar ku tagto.

“Jirro ayaa sidaan iyeeshay. Madaxaaan ayaan ka jiranahay. Madaxeyga wuu lulanayaa. Carafadan  carafadeedii ayaan isku arkay. Madaxa waxaana ku dhacay ma dhihi karo. habeen iyo maalin dhegteyda waxaa ka qeylinayo waxa ay yihiin ma ogi.”

Inta aysan barakaca noqon noloshooda ayaa ku tiirsanayd caano ay ganacsato ugu iibin jirtay deegaanka Jannaale oo tuuladeedii u jira qiyaaskii 3 km. Waxaa maalinkii ka soo geli jiray saddex ilaa afar dollar oo ku filnayd.

Waxay sidoo kale ka soo tageen beer labo haktar ah oo ay la tacban wayda colaadda markii laga aasasay kannaaladii u waraabin jiray.

Qoysaskan  oo sanadkan isku diyaarinayay inay beerahooda tacbadaan si ay uga soo kabtaan biyo yari sanadihii la soo dhaafay saamaysay wax soo saarkooda ayaa hadda waxay galeen xaalad adag markii colaadda ay ceel ku riday hankoodii nolosha.

The post Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
(ERGO) – Noloshooda ayay maarayn la’yihiin boqollaal ganacsato ah, kuwaas khudaar ku iibinayay Haraysa. Waxaa 3 bil ee u danbeeyay saameeyay qiime koror marba marka ka danbaysa sii badanayay.

Qaarkood waxaa ka burburay miisas iyo dukaamo ay ku iibin jireen tafaariiq. Arintaan ayaa keentay in ay waayaan ishoodii ugu muhiimsanayd ee ay kala soo bixi jireen nolol-maalmeedkooda.

Waxaa ku adag in ay heleen fursado kale oo ay isku maareeyaan. Farxiya Ismaaciil Cali waxaa dhamaadkii Abriil ka xirmay miis ay ku iibin jirtay yaanyo, baradho, basal iyo noocyo kale oo ay ku lahayd suuqa Gobanimo.

Tan iyo markaas waxay cunno ku filan, biyo ay isticmaalaan iyo baahiyahood kale ay u la’dahay qoyskooda.

“Saddexda waqti aad ayay noogu adag yihiin. Mar si dhib ah ayaan ku helnaa. Haddaan waynana waxaa na caawiya dariska. Dukaamadii aan macaamiilka ka ahayn way noo diideen. Guriga aniga ayaa ugu weyn oo carruurtu isoo eegaysaa.”

Ganacsiga ka burburay waxay ku tiirsanaayeen tan iyo sanadkii 2025, markaas oo ay geeriyootay hooyadeed oo ku biili jirtay caano ay banaanka ku iibin jirtay.

Masuuliyada afar walaalaheed ah oo ka yar ayay dusha saaratay, maaddama aabbaheed uu yahay 73 jir aan xamaali karin.

Waxaa culays ku sii badiyay in aysan heli karin wax ay daawo kaalmo ah ugu iibiso aabbaheed oo cudurrada macaanka iyo gaaska la nool muddo dheer.

Markii uu aad u xanuunsado waxay u wacdaa adeerkeed aan wax badan ku dhaamin oo u soo dir $1 ama $2.

Farxiya ayaa xustay in dukaamo ay jumlada ka qaadan jirtay ku yeesheen $150. Waqtigii loo qabtay oo ay ku bixin wayday ayaa sababtay in loo diido khudaar kale. Waydiin joogto ah ayay kala kulmaysaa, iyadoo faro maran.

Kiilada yaanyada oo horay u hayd $1.5 ayaa noqotay $5, basasha oo ahayd $0.5 waxay noqotay $2.5-$3 halka kabashka oo horay ay iibin jirtay xabadii $0.4 uu gaaray $1.5-$2.

Waxaa ku darsamay qiimo ka badan labanlaab, taas oo suuqa ka saartay.

“Waxa ugu daran ee qaaliga noqday waa yaanyada iyo basasha oo ahaa kuwa ugu badan ee aan iibin jiray. Miiskii yaraa in muddo ah ma tagin. Waxa ugu weyn ee aan suuqa u tagi waayay waa daymo la igu leeyahay. Gabdho jumlad iibiya oo aan ka soo qaadan jiray ayaa lacag igu yeeshay wax aan isaga bixiyana waan waayay.”

Farxiya ayaa sheegtay in ay shaqo nadaafad ah ka raadiso magaalada Hargaysa, balse aysan helin. Ehelka waalidkeed ayay xustay in ay yihiin danyar miyiga degan oo aan waxba ku caawin karin. Xaalada adag ee ay galeen ayay garab la’aan ku noqotay.

Waxaa waxbarashada laga soo eryay bishii May 3 walaalaheed ah, markii ay bixin waysay min $7 oo ay ka dhiibi jirtay. Qur’aanka oo meel wanaagsan ka gaareen ayay ka cabsanaysaa in ay hilmaamaan, maaddaama ay yar yar yihiin..

Waxay degan yihiin hal qol oo aysan 2 bil bixin kiradiisa oo $25 ah. Koronto iyo biyo midna uguma jiraan, taas oo ku qasabtay in ay hal jirigaan maalinkii ka baryaan dariska.

Toosh ayay ifsadaan habeenkii, maaddaama aysan awoodin lacagta korontada.

“Gurigu waa nagu kiro. Bilihii hore ee hooyo geeriyootay waa nalaga dhaafay, balse markaan shaqada billabay iska bixi ayay dhaaheen mana awooda hadda. Taangi ayaa noo yaalla 3 bil biyo kuma aanna shuban. Dariska ayaa hal caag nagu caawiya.”

Qoyskeeda waxay Hargaysa yimaadeen sannadkii 2024, markaas oo abaaro saameeyay gobolka Togdheer ay kaga dhamaadeen intii ugu danbaysay 200 oo geel iyo ari ah oo noloshoodu ay ku tiirsanayd.

Abaaraha soo lalaabtay iyo roobabka yaraaday ayaa saamayn ku yeeshay wax soo saarka gudaha, taas oo keentay in khudaarta yar ee la helo uu qiimuhu sare u kaco. Dhibaatadaan kuma koobana danyarta.

Caasha Cabdullaahi Axmed oo ka mid ah haweenka jumlada iibiya ayaa sheegtay inay la kulmayaan caqabado ka dhashay kor u kaca qiimaha noocyada kala duwan ee khudaarta.

Beeraha deegaanka oo wax soo saarkoodu hoos u dhacay iyo khudaartii ka imaan jirtay Itoobiya oo yaraatay ayaa isku raacday.

Haweenaydaan ayaa xustay in ay aad isku dhintay khudaartii ay keeni jireen, maaddaama dhowr xilli oo xiriira ah oo ana roobabka fiican la helin ay saamayn weyn ku yeesheen wax soo saarka gudaha, nolosh dadka iyo dhaqaalahoodii.

“Roobkii haddii uusan jirin waxba waa la beeran waayay. Sidaas ayuu qiimuhu u kacay. Baradhadii Itoobiya ka imanaysanayna waa yaraatay. Beeralayda ma heli karaan biyo ay wax ku beertaan.”

Caasha ayaa sheegtay in gaadiidka khudaarta keena ay nooliga kordhiyeen shidaalka qaaliga ah dartiis. Waxaa dhanka kale yaraaday macaamiishii wax ka iibsan jira, maaddama ay awoodi waayeen in ay mar kasta wax gataan.

Qaar ayaa qaata wax yar, halka kuwo kalena ay suuqa isaga baxeen. Waxay tilmaamtay in khudaarta oo ay lacag qaali ah ku soo qaadaan ay dayn ku bixiyaan inta badana aysan waxba ka soo laaban.

Caasha ayaa sheegtay in dantu ay ku qasabtay in halkii kiilo ay ku soo qaadato $1.5-$2 basal Yemen laga keeno oo inta badan halaysan ama dhexda ku soo xumaatay oo qaali ah. Ka hor sicir bararka waxay ku heli jirtay ugu badnaan $0.5 basal ka soo go’aday gudaha Somaaliland.

Haweeynaydan oo aan waligeed ganacsi kale samayn ayaa xustay in 15 sano oo ay waday iibinta khudaarta aysan horay ula kulmim culays midka haysta la mid ah.

“Aad buu noo saameeyay qiimaha kordhay oo dadkii ma adeegan karnaa, dhaqaalihii hoose ayuu u dhacay, markii la waayay dadkii wax iibsan jiray. Dhibaatooyinku waa badan yihiin.”

Caasha ayaa sheegtay in lagu leeyahay lacag $1,000 ah, ayna ka maqan tahay ku dhawaad afar kun oo kale. Dhibaatadaan haddii ay sii jirto waxay ka cabsi qabtaa in uu burburo ganacsigeeda oo kaalin muhiim ah ugu jira nolosha qoyskeeda.

Dhanka kale Xaliimo Cabdi Yuusuf oo ka mid ah haweenka ay saamayntu gaartay ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in ay maarayn la’dahay nolosha qoyskeeda oo 9 ah.

Waxay waxay tilmaamtay in kaligeed ay ku tiirsan yihiin. $7 oo maalinle ay uga heli jirtay miis ay khudaar ku iibiso oo gurigeeda uga furan ayaa meesha ka baxay.

Waxaa saddexdii bil ee ugu danbaysay dayn looga qaatay $650 oo aysan filayn in xilligaan adag loo soo celinayo. Waxaa intaas u dheer in iyadana lagu leeyahay $300.

Ninkeeda oo dhismaha ka shaqayn jiray shan bil ayuu shaqo la’aan yahay, taas oo sababtay in ay xaaladoodu sii adkaato.

“Waxaa nahay dad danyar ah oo halkii ay saddex waqti wax karsan jireen hal mar ku soo aruuray oo daruuftu. Khudaartii aan qaali ku keenay waa iska oolaysaa cid iibsan karta ma leh, noloshii dhan meesha ayay ka baxday.”

Horraantii June waxaa iskuulka laga soo eryay 4 carruurteeda ah oo dugsi hoose ku jiray. Waxay labo bil bixin waysay $80 oo isku darkooda ay ka dhiibi jirtay.

Qiimo kororka ku yimid noocyada kala duwan ee khudaarta magaalada Hargaysa ayaa ku soo aadaya, iyadoo dadku aysan welli soo kabsan saamayntii abaaraha. Ma jiro kab dhaqale oo ay helaan, taas oo xaaladooda sii adkaysay.

The post Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
(ERGO) –  Faadumo Xasan Cige oo waxay maarayn la’dahay nolosha qoyskeeda oo siddeed ah. Arrintan ayaa ka dhalatay markii ay ka xirantay bishii May ee sanadkan maqaaxi shaah iyo cunto oo ahayd isha ugu weyn ee dhaqaalaha reerka.

Haweeneydan ayaa sheegtay in meheraddeedu ay si toos ah ugu tiirsanayd reer miyiga deegaanka oo maalin kasta wax ka iibsan jiray. Waxay xoolahooda ula hayaameed deegaanno kale oo ay roobabkii guga si fiican uga da’een.

Qoyska Faadumo ayaa ku noolaa dakhliga ka soo xaroon jiray ganacsigeeda, kaas oo maalintii ay ka helaysay lacag u dhexeeyay 2000 illaa 3000 Birr, una dhiganta qiyaastii $10 illaa 18 doolar.

Waxay sheegtay in dhaqaalahaasi uu dabooli jiray nolosha guriga iyo in ay dib ugu soo adeegto meheradda.

Hadda waxay cunno xumo iyo biyo yari ku wajahayaan deegaanka Qaranracade oo hoostaga degmada Gallaadi ee gobolka Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

“Meherada markay ii shaqaynaysay waxyaalo badan bay ii kabi jirtay. Ciyaalka dugsigaan ka bixin jiray, dharkooda, raashinkooda, waxbarashadooda waxkasta way iiga soo bixi jirtay waa ku deberi jiray. Ilmahii noloshooda cariiri bay ku jirtaa marna waa shidanaa marna waa qadnaa.”

Faadumo ayaa sheegtay inay dareemayso culeysyo isbiirsaday oo uga yimid maqaayadda ka xirantay. Waxay dhaqaale u la’day shan ka mid ah caruurrteeda oo dugsi quraan u dhigta. Waxaa hadda lagu leeyahay $25 oo labo bil isku gaartay.

Waxaa cadaadis saaraya sidoo kale bakhaaro ku yaalla tuulada, kuwaas oo meheradeeda inta aysan albaabada u laabin ay ka soo qaadatay adeeggii ugu danbeeyay. Waxay xustay inay ku dhibayaan bixinteeda oo aysan awoodin. Waxaa u dheer inay dadkii kala guureen iyada $200 ay ku lahayd.

“Deymaha ma yara lacag $400 ah baa laygu leeyahay. meelaan u raadiyo garan mahayo. waxaan samayn jiray deyn baa soo qaadanayaa deyntaas baan cadayn jiray markaan cadeeyo bakhaarka ku shubo baa mid kale la ii keeni jiray, hadda markii reer guuraagii waa kala yaaceen.”

Dadka ayaa siin jiray xoolo nool oo ay dib u iibin jirtay hilibkooda. Hadda ma suura-galayso inay hesho qoysaskii oo fogaaday iyo neefka u haray oo waydii ah.

Saygeeda wax shaqo ah ma hayo deegaanka oo aysan ka jirin fursado darteed. Wuxuu sanadkii dhowr bilood u safri jiray magaalooyinka Gaalkacyo iyo Wardheer si uu u raadsado shaqooyin xamaal ah sida dhagax jabin.

Faadumo waxaa kale oo ku adag inay qoyskeeda ku shubto fuusto biyo ah oo la siisto $5. Jirigaan 20 litir qaad ah ayay hadba qoysaska dhaama waydiisataa. Deegaankan biyaha waxaa looga soo dhaamiyaa qiyaastii 30 km oo ay booyad ku keento ugu yaraan $100.

Ganacsayada yaryar ee deegaanka ayaa ka siman dhaqaale burburka ku dhacay markii ay guureen dadkii tuulada agagaarkeeda degannaa guuritaanka xoolo dhaqatada aah. Cabdiraxmaan Xasan Cabdulle wuxuu maarayn la’ yahay nolosha qoyskiisa 10 ah.

Ninkan ayaa sheegay inay ka xirantay maqaaxida uu ku samayn jiray cunto bisil iyo hilib, taas oo ahayd isha kaliya ee ay ku tiirsanaayeen. Wuxuu xusay in labadii bilood u dambeeyey oo uu yahay shaqo la’aan ay ku soo furmeen culeysyo dhanka nolosha ah.

Wuxuu sheegay in ka hor inta aysan abaartu saameynin deegaanka, ganacsigiisu uu si wanaagsan u shaqayn jiray. Wuxuu maalmaha qaar qali jiray  illaa laba neef oo ari ah. Wuxuu tilmaamay inuu heli jiray faa’iido gaaraysa $40 maalinkii.

Adeeggii ugu danbeeyay ee uu maqaayadda u soo qaaday ayuu sheegay inay biisheen qoyskiisa bishii ugu horaysay. Hadda wuxuu xusay inuu ka dhamaaday, isaga oo aan faro ku hayn beddel kale.

“Meherada ma shaqayso quutul duruurigii baa hadda cariiri galay kiilada bariiska iyo nuskiilada hadda deyn inta badan ku soo qaadnaa la iskaga nool yahay. Xaafadda waagii hore saddexda waqti meheraday ku tiirsanayd ka cuni jireen.”

Cabdiraxmaan waxaa intaas u sii dheer deymo lagu leeyahay oo gaaraya ilaa $700. Dadkii ku lahaa ayaaa ku cadaadinaya inuu degdeg u bixiyo. Isaga waxaa  ka maqan $300 markii ay reer miyi ay macaamili jireen ay guureen isaga oo aan aqoon.

Ninkan ayaa sheegay in culeysada haysta ay ka mid tahay biyo yari ay wajahayaan qoyskiisa. Wuxuu xusay in $100 biyo loogu keenay bil ka hor laguna leeyahay. Waxaa ka sii dhamaanaya biyahaas oo uu ka welwelsan yahay sidii mar kale u uku heli lahaa.

Cabdiraxmaan in kasta oo uu shaqo la’aan yahay haddana wuxuu la nool yahay rajo ah inay dadka dib ugu soo laaban doonaan deegaanka balse marka loo eego baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira tuulada ma sahlana.

“Meheradaan dhowr iyo toban sano bay ii furnayd laakiin abaarta hadda na haysa mid la mida weli ima soo marin. Dadkii reer miyiga ahaa baa ilaa 200km magaalada dhinacaas ka maray abaarta darteed. Dadkii reer miyiga xoolaha magaalada keeni jiray caanaha keeni jiray anagana waxaan sii jirnay bariiska iyo meherada naga gadan jiray isku socodkii ganacsiga waa istaagay.”

Ninkan ayaa horay u ahaa reer miyi dhaqda xoolaha. Wuxuu sheegay in abaartii sima ay kaga baxeen ilaa 160 neef ari ah iyo 5 neef oo geel ah oo uu dhaqan jiray. Wuxuu magaalada soo galay 2016kii.

Cabdiwaaxid Maxamuud Aw-Khalaf oo ka mid ah odayaasha deegaanka Qaranracade ayaa sheegay in abaarta daba dheeraatay ay saameyn ballaaran ku yeelatay nolosha bulshada iyo qulqulka dhaqaale ee deegaanka, markii reer miyigii laf-dhabarta u ahaa dhaqdhaqaaqa ganacsiga ay ka hayaameen deegaanka.

Wuxuu tilmaamay in deegaanka Qaranracade ay ku nool yihiin ku dhowaad 300 qoys oo degsiimo ah, halka in ka badan 1,000 qoys oo reer miyi ah ay awal degenaayeen dhinacyada miyiga magaalada iyagoo keeni jiray caano, xoolo iyo wax-soo-saarkooda, iyagoo ka iibsan jiray ganacsatada raashinka iyo adeegyada kale.

Ninkan ayaa xusay in deegaanku lahaa Goobo ganaci oo badan, kuwaas oo uu sheegay in saddex meelood labo ka mid ah ay u xirmeen suuq la’aan.

“Markii ay abaartu sii dheeraato waxay noqonaysaa maalinba maalinta ka sii dambeysa waxay noqonaysaa in qof walba deegaankii gaari ka raaco oo u isleeyahay oo meeshii kale oo is leeyahay nafta ku cesho u hayaamo.”

Gobolka Doolo oo ah oo uu ka tirsan deegaanka Qaranacade waxaa  intiisa badan ka jirta abaar meelaha qaar gaarsiisay in baad iyo biyo la’aan looga guuro.

Roob yari soo noqnoqotay kaliya kuma koobna dhibaatadeeda xoolo dhaqatada balse waxay sidoo kale u gudubtaa saamaynteeda dadka kale. Qoysaska qaar ayaa si ay u badbaadiyaan xoolahooda ula guuray gobollo kale.

The post Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
(ERGO) – Markii labaad ayay sanadkan wajahayaan xaalad barakac in ka badan 400 qoys, kuwaas oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan ay ku haysto duleedka deegaan Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada hoose.

Fatahaada oo  burburisay xero ay daganaayeen 28 bishii May ee sanadkan ayaa sababtay in ay bannaanka ku soo dhacaan, noloshoodan aya maarayn waayaan, kaddib fatahaadda wabiga Jubba.

Caasho Cali Aadan iyo qoyskeeda oo 12 ah waxay maciin-bideen baadiyaha deegaanka, gaar ahaan meel u dhow wadada dhinaceeda. Waxay ku doorteen si ay cunno iyo maryo u waydiistaan dadka ku safraya.

Waxay sheegtay in ka daashay xaaladdaas oo ay ku jirto muddo ku dhow bil, maaddama cuno joogto ah aysan helin, sidoo kalana ay u suurto galiwaysay dhisidda aqal cooshad ka samaysan oo gabaad u noqda.

Toddobaadkii u danbeeyay ayay xustay in labo maalin oo ka mid ah ay cunno bisil, mid ciiriin ah iyo lacag ay u heshay qoyskeeda, halka inta kale aysan dabka shidan.

“Maanta dhan hadaad Joogto $0.5 ayaad ka soo helli. Hadii kale ilmahaaga ha baahdan oo ha jiiftaan ayey noqoni, qabowga ayaana u dheer yahay. Nus dollar maxay ii gooyni. Waa nus kiilo baasto ah. Intaas ayaa lagu nool yahay. Waad imaan kartiin waad arki kartaan.”

Caasho iyo carruurteeda waxay maalintii waqtigooda oo dhan ku qaataan waddada dhinaceeda iyagoo halkaas ku suga gaadiidka isticmaala waddada. Xaaladdan ayay tilmaamtay in duruuftu ay ku qasabtay.

Xeradeedii ay ka soo barakacday ayay sheegtay in fatahaaddu ay ka saramartay, halka inta badan jidadka gala deegaan Baar-sanguuni ay biyuhu xireen, taas oo ku kaliftay in ay u soo baxsato duleedka tuulada.

Dadka ugu badan ee caawiya ayaa ah ciidamada dowladda ee ku safra waddada oo isku xirta Kismaayo iyo Muqdisho, kuwaas oo raashin bisil ku taageera marmar. Waxay ka dayrisay xaaladda ay ku jiraan.

“Waxaan cunno askarta ayaa noo keenta. Raashinka ay karsadaan ayey wax nooga keenaan. Wax kale oo aan hayno malaha. Shaqo ma jirto. Meel walba biyo ayaa soo xidhay.”

Fatahaadda ka hor qoyskeeda wuxuu ku tiirsanaa cunno ay ku beddelan jirtay shaqo ay ka qaban jirtay beer ku taalla deegaanka Baar-sanguuni, taas oo ay fali jirtay, sidoo kalana ilaalin jirtay maalintii.

Waxaa la siin jiray raashin iyo khudaar maalinle ah oo qoyskeeda ay ku noolaayeen. Xaaladdaas waxay ku jireen bilihii Febraayo, Maarso iyo Abriil, balse fatahaadda ayaa saamaysay beerta iyo xeradeeda.

Waxay sheegtay in biyaha fatahaadda ay qaadeen guri ka samaysan baco iyo alwaax la isku dhisay oo ay ka caawisay mid ka mid ah hay’adaha maxaliga ah. Waxay rajo xuntahay sidii ay uga soo kaban lahayd.

“Meeshii la daganaa biyaha ayaa soo galay. Meel tag ah ayaa nala geeyey. Waxaa nageeyey ciidanka Dowlada. Bac ma haysano roob ayaa habeen iyo maalinba da’aya. Wax la’aanta iyo gaajada ayaa u sii dheer. Sidaas ayaan ku suganahay.”

Waxay tilmaamtay in saygeeda uusan xaaladda ay wajahayaan carruurtiisu uusan kala dabaalan karin. Wuxuu ka mid yahay dadka qaba baahiyaha gaarka ah, gaar ahaan indho la’aan muddo 10 sano ah.

Musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dadku sameeyaan ayaa isku biirsaday haweenaydan iyo qoyskeeda. Billowgii sanadkan ayay ka soo barakceen Jamaame, halkaas oo ay ku leeyihiin beer 12 hiktar ah.

Waxaa soo salkiciyay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Alshabaab, kaas oo ka galaaftay dalag iskugu jiray gallay, digir iyo sisin, kaas oo u saarnaa beerta iyo guri labo qol ah.

Waxaa la mid ah duruuf ahaan Abuukar Nuur Sabriye iyo qoyskiisa oo 13 ah, kuwaas oo galay lixdii bil ee u danbeeyay barakac iyo nolol xumo u raacday. Waxay cuuryaamiyeen horumar kasta oo uu naawilayay.

Tan bishii Febraayo wuxuu ku foogganaa sidii uu u la qabsan lahaa xero barakac oo uu ku biiray, taas oo ku taalla Baar-sanguuni, halkaas oo guri labo qol ah uu ka samaystay, balse nasiib daro ma sii waarin.

Waxaa ciidda ku daray fatahaad uu sameeyay webiga Jubba bishii May. Wuxuu sheegay in fatahaadda ay ku noqotay lama-filaan aysan ka sii tabaabushaysan. Wuxuu sharraxaya sida ay u saamaysay.

“Ismaynaan lahayn meesha ayey soo gaadhayaan biyaha. Waxaan Aragnay xili habeen ah biyaha webiga oo dhinac walba naga maray. Wixii alaab iyo Maacuun ah biyaha ayaa naga qaadday. Waxba biyaha nooma dhaafin. Laakiin carruurta waan ka soo badbaadsanay.”

Wuxuu sheegay in 48 saacba hal mar ay helaan wax ay cunaan. Waxaa si aan joogto ahayn ugu caawiya dadka beeraley iyo xoolo-dhaqato, kuwaas oo laftoodu la tacaalaya dhibaatada ay fatahaaddu sababtay.

Wuxuu tilmaamay in qoyskiisa uu ku nool yahay xaalad adag. Waxay bannaan-yaal u yihiin qobowga iyo dhibicda roobka. Waxay ku heleen dhul taag ah, halkaas oo tageen markii webigu ku fatahay.

“Meel bannaan bay taagan yihiin dadka. Wax hooy ah oo ay haystaan malaha. Meel ay uga gabanayaan malahan. Kaneecada dadka waa na dhamaysay oo marakaneeco maleh. Habeenkii marka roobka uu imaado waxaa lagu soo cararaa gidaarada guryaha tuulada oo jiingadaha hoostoda la iska fariistaa.”

Wuxuu intaas ku daray in dhibaatada ay fatahaaddu u horseedday ay qayb ka tahay shaqo la’aan. Biyaha fatahaadda ayaa meel walba xiray. Waxay ka hor istaageen shaqo beero falis ah oo uu qaban jiray.

Howshan ka istaagtay oo ahayd shaqo-cunno-ku beddelasho wuxuu ku helayay khudaar iyo raashin maalinle ah, balse biyo baxada oo hakad ku keentay tacabka beeraha ayaa saamayn ku yeelatay.

“Meel aan ka shaqayno malahan. Meel loo xoogsi tago ma jirto. Mar mar waxaa na caawiya ciidamada oo garaamkooda wax nooga keena si aan ilmaha u siisano. Waxaa wax noo keenaan hal waqti oo kaliya. Dadka deegaanka wax walba waa nala Jeclaanlahayeen. Laakiin waxba mahaystaan.”

Wuxuu ka soo barakacay tuulada Buulo-aji oo hoostagta dagmada Jamaame. Wuxuu halkaas ku lahaa beer 12 hiktar ah. Waxaa u saarnaa labo matoor oo uu ku waraabin jiray.

Wuxuu sheegay in dalag u saarnaa iyo agabka beerta lagu waraabiyo uu ka soo cararay, markii dagaal uu ka qarxay, kaas oo u dhaxeeya ciidmada dowladda iyo Alshabaab.

Saamaynta fatahaadda ayaa si guud u saamaysay dadka deegaanka Baar-sanguuni, kuwaas oo u badan beeraley ay fatahaaddu baabi’isay dalagyadooda sida uu sheegay guddoomiyaha deegaankan Maslax Saalim Cali.

Wuxuu xusay in dadka ugu nugul ay yihiin kuwa barakac ku ah, kuwaas oo ka soo kaban waayay hoy la’aanta iyo nolol xumada ay sababtay fatahaadda. Maamulka, ciidamada iyo dadka tuulada ayuu tilmaamay in ay wajir u caawiyaan, balse aysan ku filnaan taageeradaas.

“Dadkii waan soo rarnay oo waxaan dejinay meel bannaan oo ku dhow tuulada oo iskuulka banaankiisa ah. Caqabada ugu wayn  ee haysata dadka waa hooy la’aan. Ma haystaan Marakaneeco iyo meel ay ka galaan dhaxanta iyo dhibicda roobka. Dadka deegaanka tabar malahan ay walaalahood ku caawiyaan.”

Dhibaatooyinka fatahaadda, colaadaha qabiilaysan iyo kuwa kooxaysan ay ku hayaan dadka nugul ayaa sare u sii kacaya, waxaana gobollada dhaca koonfurta dalka ay yihiin kuwa ugu badan ee wajahaya musiibooyinkan isbiirsaday.

The post Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Maraakiibta ka jillaabta xeebaha Bari oo galaaftay nolol-maalmeedka qoysas badan
(ERGO) – Maxamed Muuse Cali wuxuu qoyskiisa oo 14 qof ah u awoodi la’yahay biyo, cunno iyo dhamaan baahiyaha kale ee aas-aasiga ah taniyo bishii Febraayo. Xaaladdan ayay galeen, markii qalabkii uu ku kallumaysan jiray uu ka burburiyay markab jariif ah.

Si la mid Maxamed arrintan waxay baagamuudo-nimo u horseeday in ka badan kun kallumaysato ah oo agabkooda shaqada ay ka qaateen maraakiib ajaaniib ah, kuwaas oo jooga xeebaha Murcanyo, Bareeda, Caluula, Bandar-bayla, Dhaadaar iyo Caris ee gobolka Bari.

Ninkan ayaa sheegay in qoyskiisa ay wajahayaan nolol xumo. Hal mar oo aan ku filnayn qoyskiisa ballaaran ayuu xusay inay dabka ku shitaan $3 oo uusan joogta uga helin shaqooyin xamaal ah.

“Qoyskayga uma awoodo saddexda waqti. Waa dareemi kartaa qof baagamuudo noqday oo waayay meelihii ay wax ka soo gali jireen xaaladiisa. Noolosha waa nagu adag tahay hadda.”

Maxamed ayaa sheegay inay meesha ka baxday $15 illaa $20 oo uu maalinkii ka heli jiray kalluunka uu iibsado. Waxaa intaasi u dheeraa qiyaastii $400 oo uu toddobaadkii ka helay jiray kalluun kala duwan oo uu ka gadan jiray ganacsato u iib geeyo magaalada Boosaaso.

Ninkan ayaa xusay inuu faro marnaan ka joogo afar shabaagood oo uu dhamaan dayn ku soo qaatay dhamaadkii sanadkii hore ee 2025. Lacagtii lagu amaahiyay oo dhamayd $2,100 ayuu xusay inuu ka bixiyay $900.

Cunno xumada ayuu sheegay in reerkiisa ay u dheertahay biyo yari. $6 oo ay fuustadii iibiyaan biyaha macaan booyado ka keena deeganka Tageer oo qiyaastii 6 km u jirta magaalada Bareeda oo ay ku nool yihiin ayuusan awoodin. Waxay ku tiirsan yihiin jirgaan ay dayn ku qaatan ama ay ka soo dawarsadaan xaafadaha dariska la ah.

Biyaha ceelasha ayuu tilmaamay inay yihiin qaraar aan cabid galin. Daruufaha isku raacay reerkiisa ee uusan awoodin inuu wax ka qabto ayuu sheegay inay walwal ku hayaan.

Dhanka kale waxaa xaaladdan uga waxbarasho beelay lix ka mid ah carruurtiisa. Bishii Abriil ayaa laga soo cayriyay iskuul hoose dhexe oo ay dhiganayeen. Waxaa looga yeeshay $300 oo isku gaartay intii uu baagamuudada ahaa. Waxaa culayska ku sii kordhinaya daymo lagu leeyahay.

“Lacago badan baa la igu leeyahay oo shan kun oo doollar gaaraysa. Waxay iskugu jirtaa mid hore iyo mid hadda la igu yeeshay. Sacad walbo ayay i soo waydiyaan dadka igu leh, iga suga un baan ku iraahdaa. Culays bay igu haysaa. Hadda waxaan qabaa cabsi ah goorme lagu xiri doonnaa.”

Maxamed oo kallumaysato ahaa in ka badan 10 sano ayaa sheegay in xaaladdan oo kale uusan horray u mudan. Wuxuu ka shalaysan yahay inuusan wax kayd ah dhigan muddadii uu shaqada haystay.

Dhamaan kallumaysata ay arrintan saamaysay ayaa ka siman nolol xumada. Bandar Maxamed Maxamuud oo ah aabbaha qoys sagaal qof ka kooban ayaa sheegay inuu maarayn la’yahay noloshooda.

Wuxuu xusay in intoodii badnayd laga burburiyay agabkiisi kallumaysiga. Waxay hadda qoyskiisa ku tiirsan yihiin dayn iyo ugu badnaan $2.5 aan joogta ahayn oo uu ka soo helo shaqooyin dhagax jabin ah.

Ninkan ayaa tilmaamay inay meesha ka baxday $25 illa $30 oo uu maalinkii ka heli jiray kalluumaysiga. Dhaqaalahan ayuu xusay inuu si buuxda ugu filnaa baahiyaha qoyskiisa oo hadda ku sugan nolol xumo aysan horray u mudan.

“Wixii Illaahey na siiyo ayaan dabka ku shidana. Marna waan helna marna waan waynaa. Mararka qaar maalmo ayaan wax helin. Illaahey xaggiisa uun baan ku tiirsanahay. Khayraadka badda oo aan iibsano ayaan masruufan jirnay, iyadiina caqabad ayaa naga haysata.”

Bandar ayaa sheegay in sidoo kale qoyskiisa ay biyo yari wajahayaan. Xaaskiisa ayaa ceel riig bilaash ah oo u jira 1 km dhabarka uga soo qaado hal jirgaan oo ay maalinkii tashiishaan, maaddaama aysan awoodin biyaha ay iibiyaan gaari dameerada oo labaatankii litir siiya $0.25.

Waxaa reerkiisa culasyadaas u wehliya hoy la’aan. Labo buush oo uu joogta u dayac-tiri jiray ayaa hadda qarka u saaran inay dumaan. Wuxuu xusay in bacihii u saarna ay duug noqdeen uusan hayn dhaqaale uu ku beddelo.

Xilligaan oo ay roobab ka da’ayaan deegaannada gobolka Bari ayuu sheegay in qoykiisa ay bannaan-yaal u yihiin dhibicda roobka iyo dhaxanta. Carruurtiisa oo yaryar u badan ayuu tilmaamay inay xaaladan la qabsan la’yihiin. Ninkaan ayaa xusay in uu badbaadsan waayay qalabkiisi kallumaysiga.

“Anagoo isku dayayno inaan qalabkeena difaacano ayaa awood noola adeegsaday oo nagala baabi’iyay. Inaan nafaheena badbaadsano ayay noqotay. Hub ayay wataan, qofkii u dhawaada waa xabbadaynayeen. Maraakiib iyo doonyo ayay iskugu jireen. Waxaa la iga burburiyay shabaago, jilbo iyo tasbiiq. Kallumaysiga ayaa ahaa shaqada kaliya ee aan masruufka ka soo saarano. Hadda nolol xumo ayaan ku sugan nahay.”

Bandar ayaa sheegay inuusan dib ugu laaban karin kallumaysiga, maaddaama ay wali joogan xeebaha marabiibti shisheeye. Wuxuu sidoo kale quus ka muujiyay inuusan dib u heli karin agabkii laga burburiyay.

Gaadiidka iyo qalabka maraakiibtu baabi’iso oo joogto noqday iyo shirkadaha oo marka hore dayn ku bixiya qalabka, sidoo kalana waaya dhaqaalihii ay kallumaysata ka filayeen ayuu xusay in dhaqaala darrada ay ku keentay shirkadaha oo xirmay.

Shaqadan ka istaagtay wuxuu ku tiirsana 16 sano. Wuxuu sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay saddex mar laga burburiyay agabkiisa, balse saamaynta ugu xooggan ay hadda soo gaartay.

Dhanka kale Yuusuf Samatar Bulxaan oo ah guddoomiye ku xigeenka iskaashatada ximilo oo ay ku midaysan yihiin kallumaysatada deegannada dhaca xeebaha gobolka Bari ayaa sheegay in ka badan 1000 qof ay baaga-muudo yihiin, markii jiriifku saameeyay.

Wuxuu sheegay inay iskaga soo baxeen badda, markii agabkoodi la burburiyay. Xaaladdan darteed qoysaskii ku tiirsana waxay wajahayan daruufo nololeed.

“Jariifka sharci darrada ah dhibaato ayuu nagu haya. Meelaha ugu badan waa Yeman. Iraan, Bangaladesh, Shiinaha iyo maraakiib reer galbeedku leeyihiin. sharci qabanayo malahan, anagana malihin awood aan iskaga qabano. Illaa 500 oo saxiiimadood ayaa howlgab noqday oo aan wax shaqo ah lagu qaban. Xaaladdu aad ayay u adag tahay.”

Yuusuf ayaa sheegay in kallumaysatada aysan dib ugu noqon karin badda cabsi ay qabaan awgeed, maaddaama la xabadaynaayo. Dowladda Putland ayuu ugu baaqay in arrintaan ay wax ka qabato.

Kallumaysiga sharci darrada ah ee maraakiibta shisheeye ayaa saamayn soo laalabatay ku yeesha qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo waaya hab kale oo ay nolol-maalmeedka ku soo dhacsadaan, maaddaama khayraadka badda uu ahaa ishooda dhaqaale.

The post Maraakiibta ka jillaabta xeebaha Bari oo galaaftay nolol-maalmeedka qoysas badan appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
(ERGO) – Cali Xasan Maalin mid ka mid ah xaasaskiisa iyo gabar uu dhalay oo sanad jir ah ayaa u geeriyooday bishii Maarso nafaqo-darro, markii uu u awoodi waayay cunno qoyskiisa oo 18 qof ka kooban tan iyo dhamaadkii sanadkii hore.

Sidoo kale wuxuu kari waayay in uu xilli hore geeyo xarun caafimaad dhaqaale xumo darteed. Reerka ninkaan ayaa ka mid ah in konton qoys oo beeralay ahaa oo galay xaalad nolol xumo ah oo aad u liidata.

Bishii labaad ayaa laga gubay beero ay ku lahaayeen deegaanada Dab-dheer iyo Wabarka oo hoos taga magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgadaduud, kuwaas oo noloshoodu ku tiirsanayd.

Arrintan ayaa timid kaddib markii odayaasha dhaqanka ee deegaannadan ay dawladda ka codsadeen in beeraha la gubo. Waxay u arkeen xalka is qabqabsi dhul oo marar badan soo laalabtay.

Ninkaan ayaa sheegay in beertiisa oo labo hektar ah uu bishii Diseembar ee sanadkii hore ku abuuray Dallagyo isku jiray raashin iyo khudaar, kuwaas oo dhamaan bas-beelay.

Xilliga la gubayay ayuu sheegay in ay iib gayn u diyaarsanaayeen dalagyada. Xaaladdaas ayaa keentay nolol xumo aysan abid mudan.

“Waxaan ku tiirsanahay koonbo baris ah iyo koonbo sonkor ah oo ay xaaskayga reeraha dariska ah ka soo dawarsato. Xaalada adag ayaan ku suganahay. Oday 77 jir ah ayaan ahay. Illahey mooye meel kale wax kama sugayno. Wixii na caawin kara waa u bahanahay.”

Cali ayaa sheegay in uu cabsi ka qabo in dad kale ay kaga geeriyoodaan nafaqo darrada. Wuxuu tilmaamayin in xilligaan ay weli ka sii darayso xaaladda qoysaskiisa.

Labo carruurtiisa ugu yar ayuu sheegay in hadda ay jirran yihiin muddo labo todobaad ah uusanna gayn goob caafimaad si xaaladdooda loo baxnaaniyo.

Ganacsato ay qaraabo yihiin oo uu horay uga dayntay $230 oo uu isbitaalka ku geeyay dadkii geeriyooday ayay xusay in ay mid kale u diideen.

Xaaladdaas darteed wuxuu sheegay in hadda uu ka rajo dhigay in uu dawo la raadiyo. Wuxuu sheegay in deeganka aysan ka jirin wax xarun caafimaad ah.

Meesha ugu soo sokeysa waa magaalada Dhusamareeb oo deeganka Wabarka oo uu jooga u jirta qiyaastii in ka badan 30 km. Wuxuu xusay in lagu tago $50.

Xaaladaha kale ee haysta qoyskiisa waxaa ka mid ah biyo yari. Waxay ku tiirsan yihiin hal jirgaan oo ay ka helaan dadka dariska la ah, kaas oo aan ku filnayn reerkiisa badan.

Booyado biyaha ka keena deeganka lowrkii oo fustaadii iibiya $2 ayuu xusay in uusan awoodin. Wuxuu hadda gocanaya inuusan dib u tacbi karin beertiisa.

“Deeganka Wabarka beer igu taalay ayaa la iga gubay. Waxaa amarka lagu gubay bixiyay rag odayaal ah. codsanayaa in raggii beertayda gubay shareecadda islaamka iyo calaadda in la ii hor keeno.”

Wuxuu xusay in uu filayay in tacabkiisa uu ka faa’iido $800 haddii uu goosan laha, balse rajadaas ayuu ku hungoobay. Ninkaan oo sidoo kale ahaa xoolodhaqato ayaa roob la’aanta soo laalabatay ku wayay 65 arri ah oo uu dhaqanayay.

Dhamaan beeralaydan oo ka siman saamaynta ayaa sheegay in aysan dib u yagleeli karin beerahoodi.

Dayib Cali Axmed wuxuu tilmaamay in saddexdii bil ee la soo dhaafay ay qoyskiisa oo 10 qof ah wajahayaan nolol xumo liidato. Beer saddex hiktar ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd ayuu xusay in ay noqotay meel banaan.

Dallagyo iskugu jiray galey, digir, masago, qaro iyo sinsin oo uu beertiisa bishii Janaayo ku galiyay $350 ayuu xusay in aysan waxbo uga babaadin, taas oo nolol xumo u horsedday reerkiisa.

“Wax ii kaydsamay malahan wixii dhaw waa la iga gubay. Waxaan noqday qof isaga oo xoola leh inta laga qaatay meel cidlo ah ku soo dhacay oo gacan maran.”

Dayib ayaa sheegay in reerkiisu ay dabka ku shitaan raashin ay u soo dhiibaan dad ay ehel yihiin oo jooga magaalada Dhusamareeb, kuwaas oo uu u dan sheegtay.

Dhanka kale qoyskiisa waxaa ku adag helida biyaha. Booyado 30 fuusta qaada ayaa deeganka Dab-dheer oo uu ku nool yahay ku keena $50, taas oo uusan awodin.

Waxay ka soo dhaamiyaan magaalada Dhusamareeb oo u jirta qiyaastii in ka badan 20 km. Sido kale waxaa saamaynta ku sii kordhasay bac uu biyaha ku kaysdan jiray oo u dhex taallay beerta oo dabku qabsaday.

Arrintaas ayaa ku qasabtay in uu mutaan baco ay leeyihiin reero daris la ah oo biyaha ku caawiya, kuwaas oo ay garabka uga soo qaataan

Bishii saddexaad ayuu xusay in laga soo eryay iskuul hoose iyo dhexe oo ay dhiganayeen, markii uu awoodi waayay $25 oo wax lagu barayaay. Taclin la’aanta soo wajahday ayuu walwal ka muujiyay.

“Waxyaaba badan oo ay beerta iga aadanayd ayaa banaanka ku soo dhacay. Marka wixii dhan waxay noqdeen wax aan gacan lagu hayn hadda iyo kow soo bilow.”

Dayib ayaa sheegay in beerta uu markii hore ku billabay $1,500 oo uu qayb ka helay 50 ari ah oo uu iibsaday iyo qaar ay ku kabeen dad ay ehel yihiin. In hadda laga gubay oo uusana dib u aas-aasan karin ayuu xusay in ay walwal ku hayso.

Dadka beeraha ka falanaya deegaanka oo aad u soo badanayay waayihii danbe ayaa keenay qilaaf soo noqnoqday oo sababay in la gubo dhamaan beeraha sida u sheegay Salaad Cali Cawaale oo ka mid odayaasha dhaqanka ee amarka bixiyay.

Waxay saamaynta ugu xoogan gaartay dadkii hore beeraha u laha oo ay u ahaayeen halka il ee ay ku tiirsanayeen. Dhanka kale wuxuu sheegay in dadka deegaanka oo ah xoola dhaqato ay beeralayda caqabad ku noqdeen, maaddaama la wada xirmaystay dhulkii daaqsinka ahaa.

Dhowr mar oo hore ayuu sheegay in ay isku dayeen in ay xal u helaan arrintaan, balse ay u tabar waayeen, taasi oo horsedday in ay doorteen in la gubo.

“Muran iyo is qabqabsi bulshada oo qaarkood ay ka dhasheen xoolo la dhibaateeyay, islamarkaasna ku dhawaaday dagaal toos ah keenay ayaa sababay inaan amarka bixiyo, markii aan tashanay. Waana iska kaashanay maamulka iyo booliska Galmudug.”

Dhanka kale taliska saldhiga Dhuusamareeb oo aan la xariirnay ayaa noo sheegen in arrintan ay ku fuliyeen codsi iyo saxiix uga yimid odayaasha dhaqanka ee deegaannadan.

Beeraleyda soomaaliyeed oo u nugul isbeddelka cimilada oo saamayn soo laalabatay ku yeeshay ayaa dhanka kale la kulma caqabada aysan xamali karin oo curyaamiya wax soo saarkooda, nolol xumana u horseedda qoysaskooda.

The post Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo
(ERGO) – Nolol xumo ayaa soo foodsaartay qoysaska boqolaal ganacsato yaryar ah oo ku nool xeryo ku yaalla magaalada Baydhabo.

Arrintaas ayaa ka dhalatay, markii bishii Abriil ee sanadkaan dalka oo dhan laga diida isticmalka lacagta shilin Soomaaliga, waxaana ka dhashay in ay xirmaan dukaamo ay ku tiirsanaayeen.

Ganacsatada xeryaha ayaa horay wax ugu gadan jiray shillin soomaaliga, maaddama macaamiishooda ay yihiin dad barakac ah oo aan haysan doollar.

Xaaladdaas ayaa keentay qasaare xooggan. Kaydkooda oo ahaa shillin Soomaaliga ayaa lagu diiday in wax looga iibiyo iyaga oo haya.

Cabdiqaadir Maxamed Cabdi oo ka mid dadka ku ganacsada xerada Buur-shabeellow ayaa sheegay in uu gabi ahaanba ka xirmay dukaan uu ku iibin jiray raashin iyo bagaash.

Wuxuu awoodi waayay in uu badeeco ku soo qaato 500 milyan oo shilin Soomaali ah oo uu haysto. Qoyskiisa oo ka kooban 13 ah ayuu nolol u ahaa ganacsigan.

Wuxuu intaas ku daray in raashinkii ugu danbeeyay dukaanka oo ahaa min 20 kiilo oo bur bariis iyo sonkor ah uu u soo qaaday bishii hore reerka si ay uga sii noolaadan.

Wuxuu sheegay in raashinkaas in uu gabaabsi yahay, isla markaana rajada uu ka qabo helidda mid kale uu yaryahay.

“Xaaladdena waa adag tahay. Masruufka reerka ayaan awoodi la’ nahay. Ka hor inta uusan meesha ka bixin shillin Soomaaliga dhaqaale fiican ayaan ka heli jirnay ganacsigeena. Raashinka qoyska kama walwali jirin. Bil walbo waa u soo dhigi jiray wax ku filan.”

Cabdiqaadir ayaa sheegay in maalinle uu u heli jiray 264 kun illaa 330 kun oo shillin Soomaali ah, taas oo ugu filnayd baahiyaha qoyska iyo wax uu kayd ahaan u dhigto.

Lacagta uu awoodi la’yahay in uu wax ku iibsado ayuu xusay in uu kaydinayay afar bil. Ganacsiga ka xirmay 2 sano ka hor ayay hirgaliyay, wuxuuna ku billaabay $500 oo ay ku caawisay hay’adda NRC.

Ka hor fursaddan wuxuu tilmaamay inuu ahaa baagamuuddo shaxaad iyo dayn ku maareeya nolosha qoyskiisa.

In dukankiisa uu maran yahay lacagta uu haystana aysan waxbo u goyn ayuu xusay inuu walwal ayuu tilmaamay in ay walwal ku hayso.

Wuxuu sheegay inuusan horay ugu baraarugsanayn in adeegsiga shilin Soomaaliga uu mar uun meesha ka bixi doonna, taas oo keentay in uusan ka gaashaaman.

“Qof walbo aan u tago wuxuu i leeyahay waxbo kaagama gadi karo. Aad ayay saamayn noogu yeelatay in shillin soomaaliga ah laga guuray. Ganacsiyaddeenii meesha ayay ka baxeen.”

Cabdiqaadir ayaa sheegay in tan iyo bishii Abriil uu bixin la’yahay $20 oo ah kirada qol jingad ah oo ay qoyskiisa dagan yihiin, korontada iyo tuubo biyo ah oo ugu jirta. Wuxuu xusay in lagu wargaliyay in bishaan uu ka baxo haddii uu dhibi waayo.

Xaaladan darteed waxaa ka waxbarasho beelay 6 carruur oo u dhigan jiray iskuul hoose iyo dhaxe. Wuxuu xusay in laga soo cayriyay, markii uu bishii Abriil u awoodi waayay $60 oo laga rabay.

Ninkaan waxaa culayska ku sii kordhinaya dayn gaaraysa $1000 oo ay ku leeyihiin qaar ka mid ah ganacsatadii uu badeecada ka soo qaadan jiray.

Wuxuu qorshaynayay in uu ku gudo lacagta ku dhacday, balse nasiib xumo inta uusan gudin ayaa la diiday adeegsigeeda.

Wuxuu xusay inuusan hayn qaab uu ku buxiyo, maaddama aysan xaaladdiisa waxbo dhaamin qof faro maran oo qoyskiisa aan dabari karin.

Ninkaan oo 51 sano jir ah noloshiisi horana ku soo qaatay miyiga magaalada Baydhabo ayaa barakac ku yimid magaalada sanadkii 2023.

Waxaa soo salkicisay abaar nacfi la’aan ka dhigtay beertiisa oo saddex higtay ah.

Diidmada shillin Somaaliga ayaa timid, markii inta badan gansatada magaalada Muqdisho ay billaabeen in ay wax ku gadan waayaan, taaas oo wada gaartay gobollada.

Waxay u sababaeeyeen lacagta oo noqotay mid coosh ah ama jeexjeexan aysanna dawladd dayactir ku samaynayn, ayna qasaaro joogtaa kala kulmaan.

Cabdirashiid Cadow Cabdi oo ah aabbaha 6 carruur ayaa tilmaamay in uu awoodi la’yahay masruufkooda. Wuxuu badeeco la’aan darteed u xiray ganacsi u badnaa bagaash.

Ninkaan ayaa sheega in ay meesha ka baxday 297 kun illaa 396 kun oo shillin soomaali ah oo uu joogta uga heli jiray ganacsigiisa.

Dhaqaalahan ayaa ugu filna qoyskiisa cunnada, biyaha, waxbarashada iyo cafimaadka qoyska, kuwaas oo uu hadda kari la’yahay maarayntooda.

“Markii hore nolosheenna aad ayay u fiicnayd. In lacagta aan haysano aysan waxbo noo gayn waxaa noo dheer maciishadii oo qaali noqotay. Dhaqaalaha waan haysanaa, laakiin waxbo nooma gaayo.”

Cabdirashiid ayaa sheegay in ay ku tiirsan yihiin dayn ay ka qaataan dukaamo ay macaamiil u ahaayeen, taas oo aan joogta ahayn. Wuxuu haysta 70 milyan oo shilin Soomaali oo uusan waxbo ku iibsan karin.

Ninkaan ayaa xusaynin ganacsiga ka burburay uu markii hore ku billaabay $840 oo iskugu jirtay wax uu dayn ku qaatay iyo qaar uu ka kaydsaday $120 oo ahayd kaalmo uu ka heli jiray hay’ ada World vision.

Labo sano ayuu ganacsigiisu shaqaynayay ka hor inta uusan meesha ka bixin. Waxaa xaaladdan uga waxbarasho beelay saddex carruur ah oo wax uga dhigan jiray dugsi hoose iyo dhexe.

Dhamaadkii May ayaa la soo eryay markii uu awoodi wayay $60 oo isku gaartay labo bil.

“Hadda guriga ayay iska joogaan. Marxalad adag ayaa nala soo gudboonaatay. Isbeddelka ku yimid lacagtana si aad ah ayuu noo saameeyay.”

Wuxuu sheegay in dukaamadi uu ka soo adeegan jiray looga leeyahay 45 milyan oo shilin soomaali ah, taas oo uu qorshaynayay in uu ku bixiyo lacagta uu kaydsaday.

Hasa ahaate uusan hadda awoodin, maaddama la joojiyay isticmaalka lacagta u aruurtay. Lacagtaas oo uusan hayn si uu ku bixiyo ayuu tilmaamay in ay joogto u soo waydiiyay dadka ku leh.

Macaamiishiisi oo barakac u badna ayuu xusay in ay wax uga iibsan jireen shilinka dalka. Tani waxay ku keentay in dhaqaalaha uu haysta uusan ka dhax heli karin lacag doollar ah oo uu u baxsado xilligaan.

Ninkaan ayaa rajaynayay in uu horumar ka gaaro ganacsigiisa, balse nugaylka lacagta dalka ayaa rajo xumo biday.

Qoyska Cabdirashiid ayaa sanadkii 2022 ka soo barakacay deegaanka Goof gaduud- Buurey oo Baydhabo hoostaga. Beer 4 hiktar ah oo ay noloshooda ku tiirsanayd ayay ka qusteen biyo yari darteed.

Habacsanaan ka jirtay howlaha bangiga dhexe ee dalka ayaa loo aaneeyay in ay sabab u tahay mashaakilka haysta ganacstada ku kalsoonaada shilinka soomaaliga.

Dadka dhibaatadan ay quus-goosay ayaa ah danyarta iyo kuwa ku jira xaaladda barakaca sida uu aaminsan yahay Maxamuud Maxamed Nuur oo ah khabiir bartay cilmiga dhaqaalaha barena ka ah jaamacada Zamzam ee magaalada Baydhabo

“Way ku adkaanaysa in ay sii wadaan ganacsiyadooda, maaddama aysan heli karin alaab ay iibiyaan iyo wax ay iskaga bixiyaan daymaha lagu leeyahay, mararka qaarna shaqadooda waa joogsataa, maaddaama aysan haysan lacag ka duwan midda gacanta oo ay ku baxsadaan xaaladdan oo kale.”

Dib u cusboonaysiinta lacagta dalka iyo kalsoonideeda oo la abuuro ayuu sheegay in ay xal u noqon karto dhibaatada haysta ganacsatada iyo dadka kale ee soomaaliyeed.

The post Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
(ERGO) – Nolol xumo iyo culaysyo dhaqaale oo wax-soo-saarkooda baabi’iyay ayay wajahayaan ku dhawaad 2,500 oo beeralay ah oo ku nool deegaanka Sayn ee gobolka Bari. Waxaa saameeyay biyo yari ka dhalatay baraagihii ay ku kaydsan jireen iyo ilihii ay u soo mari jireen oo dhul go’ ku burburay.

Waxay awoodi waayeen inay wax beertaan illaa horraantii sannadkan. Roob-yari 3 xilli ah ayaa sidoo kale nacfi tirtay xoolaha oo u ahaa il kale oo dhaqaale. Waxay galeen daymo aysan awoodin bixintooda.

Sahal Cabdi Maxamed oo ka mid ah ayaa sheegay in afartii bil ee ugu danbaysay uusan waxbo beeran haddana uusan rajo ka qabin. Wuxuu maarayn waayay masruufka reerkiisa oo 12 qof ah. Tacabka ka joogsaday ayaa sababay inay cunno la’aan wajahayaan.

“Dhibaatada ugu weyn ee na haysata noloshii ayaa hoos u dhacday abaarna waa noogu darsantay. Meel aad kaga xisaabtamaysay khudaar badan oo reerka aad ku maarayso oo aad ka wayday waa dareemaysaa saamaynteeda ma yara.”

Sahal ayaa sheegay in Janaayo sanadkan uu labo mar beertiisa oo 2 hektar ah galiyay khudaar, balse uu ku guul-daraystay, markii uu waraab ku filan u waayay. Booyado biyaha ka keena magaalada Baargaal oo u jirta in ka badan 100 km ayuu awoodi waayay qarashkooda.

Wuxuu sheegay in halkii Fuusto ay iibiyaan $12 mana heli karin. Waxaa intaas u dheer in geedihii timirta ee beerta ugu yaallay ay mirtii iyo caleemihii daadiyeen. Wuxuu ka cabsi qabaa inay ka qallalaan, haddii uusan u helin biyo xididkooda qooya.

Boholo ka samaysmay dhulka ayaa jaray wadooyinkii, sidoo kalena dhaawac gaarsiiyay ilihii dabiiciga ahaa ee biyaha laga helayay iyo baraagihii ay dadku qoteen. Iskuday kasta oo ay samayn lahaayeen waxaa u diidan biyo la’aanta oo noqotay mushkilad.

“Beertayda dhibaatadu dhanka biyaha ayay ka haysataa oo waa fogaadeen, dhulkiina wuu kala go’ay lamana soo gaarsiin karo. Hoos u dhacaas iyo caqabadahaas cidii wax ka qaban karta waxaan rabnaa in ay naga caawiyaan, maaddaama ay laf-dhabar u yihiin nolosha dadka.”

Sahal ayaa xusay in daruufaha kale ee haysta ay ka mid tahay dayn ka badan $1,000. Waxay isugu jirtaa qayb waqti dheer lagu lahaa iyo qaar uu reerka ku biilay dhowrkii bil ee ugu danbeeyay. Dadkii uu ka qaatay ayuu xusay inuu waydiimo joogto ah kala kulmayo.

Tacab la’aanta ayaa saamayn nololeed iyo mid dhaqaale galisay. Wuxuu awoodi la’yahay in uu shaqooyin kale oo ka raadiyo meel tuulada ka baxsan, maaddaama uu gacanta ku hayo hooyadiis oo 78 sano jir ah oo daryeel joogto ah uga baahan.

Da’da iyo tabar yaraanta waxaa u wehliya cudurka sonkorta oo muddo dheer ay qabtay. Wuxuu sheegay inay joogto ugu baahan tahay daawooyin iyo cunnooyin gaar ah, balse uusan u awoodin.

Sahal ayaa sheegay in ay waxbarasho la’aan ka yihiin shan carruur ah. Bishii May ayaa iskuulka laga soo eryay, markii uu 3 bil bixin waayay min $20 oo laga qaadi jiray. Waxay kala dhiganayeen fasallada 3, 5 iyo 7 ee dugsiga hoose dhexe. Daruus la’aantooda ayuu ka murugsan yahay.

Qoyskiisa oo muddo badan ka mid ahaa beeralayda gobolka Bari waxay xamili la’yihiin tacab la’aanta ku dhacday.

Rooble Maxamuud Cismaan oo ka mid ah beeralayda maarayn la’ noloshooda ayaa sheegay in biyo la’aantu nacfi tirtay beer hal hektar iyo bar ah oo uu ku lahaa duleedka deegaanka Sayn. Waxay u ahayd halka meel ee uu dhaqaale ka soo gali jiray.

Ninkan ayaa sheegay in 2026 uunsan waxba beeran. Durdurradii biyuhu ka imaan jireen oo qallalay dhowr xilli oo roob la’aan ah darteed iyo dhulka oo buuralay ah oo aysan sahlayn in gawaaridu soo gasho ayaa isku raacay.

“Caqabada ugu weyn wadooyinkii waa go’een, kannaaladii iyo baraagihi waa jajabeen. Beeraha dhagaxyo weyn ayaa ku soo dumay oon ka qaadi weynay dhib badan ayaa jira.”

Rooble oo 59 jir ah ayaa sheegay inay walwal ku hayso shaqada ka istaagtay, maaddaama il kale oo dhaqaale uusan lahayn. Wuxuu xusay in muddo 30 sano ka badan oo beeraley uu ahaa uusan la kulmin culayskaan oo kale. Waxaa ku adag cunno ku filan iyo baahiyadooda kale ee aas-aasiga ah. Dukaamadii uu daymaha ka qaadan jiray ayaa xiray buugiisa, markii ay ku badatay lacagtu.

Wuxuu sheegay in xilligii ay beertu u baxaysay ay ku jireen nolol ka wanaagsan middaan. Waxay reerkiisu labo mar oo cariiri ah dabka ku shitaan hadda raashin min 15 kiilo oo bur, bariis, sonkor iyo saliid ah oo 27 May uu walalkiis degan Boosaaso u iibiyay.

“Timirtii iyo dalagyadii kale ee aan beeran jiray oo aan iibsan jiray oo carruurtu ay noo cuni jirtay ma lahan hadda. Bariiskii ciyaalka ayaa lala tacaalayaa oo meel biil looga keeno ayaan la’nahay. Xaaladu waa adagtahay.”

Rooble ayaa sheegay inuu culays kala kulmayo dayn $1,500. Waxay isugu jirtaa qayb uu galiyay dalag biyo la’aanta uga qasaaray bishii Janaayo ee sanadkaan, qaar intii uu tacab la’aanta ahaa uu reerka raashin iyo biyo ugu qaatay iyo qayb horay loogu lahaa.

Intii uu xaaladaan ku jiray waxaa ka waxbarasho beelay labo carruurtiisa ah oo dugsiga hoose ka dhiganayay deegaanka Sayn. Wuxuu xusay in la soo eryay bishii April, markii lagu yeeshay qarashkii saddex bilood oo isku gaaray $180.

Dhanka kale Guddomiyaha iskaashatada beeralayda deegaanka Sayn, Cabdalle Axmed Maxamed ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in caqabadaha haysta dadkan ay yihiin kuwo ka awood batay oo aysan waxba ka qaban karin. Wuxuu tilmaamay in meelaha qaar ee dhul go’u saameeyay ay dayac-tireen, balse dhibaatada jirta ay ka baaxad weyn tahay.

“Dadkan waxay u baahan yihiin qalabkii beeraha, daawooyinkii iyo wax ay ku waraabsadaan oo ugu muhiimsan. Waxay u baahan yihiin matooro iyo soolaro ay biyaha ku gaarsiiyaan. Beero badan ayaa biyo la’aan u qallalay oo laga tagay.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dowlada Puntland iyo hay’adaha samafalka ee deegaanka ay gaarsiiyeen caqabadaha haysta beeralaydan, balse aysan weli ka helin jawaab wax looga qabanayo.

Wuxuu sheegay in dhibaatada biyo la’aanta ah ee haysta haddii aan xal loo helin ay sababi karto in wax-soo-saarkoodu uu gabi ahaanba meesha ka baxo. Beeralayda Soomaaliyeed waxay la kulmaan caqabado joogto ah oo ka hor istaaga in ay tacabkooda ka mira dhaliyaan.

Kaydadka biyaha oo aan ku filayn, aqoon yarida iyo u adkaysi la’aanta isbeddelka cimilada ayaa ah dhibaato aan xal loo helin.

The post Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.