Arrimaha Bulshada Archives - Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen
(ERGO) – Samafale da’yar oo is xilqaamay ayaa ku guuleystay inuu xabsi ka sii daayo dhallinyaro dhiggiisa ah oo sannado u xirnaa deymo lagu yeeshay oo ay waayeen cid ka bixisa.

Cabdullaahi Maxamed ayaa sabab u noqday inay xorriyadooda helaan siddeed maxbuus oo ku xirnaa magaalada Muqdisho. Waxay dib ula midoobeen qoysaskoodii ay kala baadeen.

Dadkaas waxaa ka mid ah Cabdifitaax Maxamed Dhaqane oo bishii October ee 2025 ka soo baxay xabsiga dhexe ee caasimadda oo uu ku xirnaa saddex sano iyo lix bil.

Qoyskiisa ayuu hadda kula nool yahay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Wuxuu ku howlan yahay inuu dabaro nolosha afar carruur ah iyo hooyadood.

Wuxuu qabtaa shaqo aan joogta aheyn oo ah sameynta mobilada, taas oo maalinka uu helo uu ka soo galo dhaqaale gaaraya $3. Wuxuu sheegay inuusan ku filneyn dhaqaalahaas, balse uu ku qasban yahay shaqadan inta uu ka helayo mid kale.

“Hadda been kuuma sheegayo, hal qol oo ka jiingad ah ayaan hadda ku jirnaa. Magaaladan ayaan wax ka raadinayaa si aan u helo labo Doollar ama saddex Doollar oo aan reerka dabka ugu shido. Kiradii guriga ayaa maanta la igu haystaa, mulkiilihii ayaana iigu yimid guriga, labo bilood oo kira ah ayaa la igu leeyahay. Macallinkii dugsiga isna lacag ayuu igu leeyahay.”

Sanooyinka uu xirnaa ayuu tilmaamay in qoyskiisu ay wajahayeen nolol xumo aysan wali ka soo kaban, maadaama uusan wali helin shaqo fiican.

Xaaskiisa ayaa nolosha reerka ku sii dabari jirtay shaqo dhar-dhaqid ah, taas oo marka ay weydo ay ku qasbaneyd in dadka ay weydiisato kaalmo, si hal waqti ay u shitaan dabka.

Cabdifitaax ayaa xusay inuu waxbarasho geeyay labo ka mid ah carruurtiisa oo waxbarasho la’aan ahaa inta uu xirnaa. Wuxuu bishii ka dhiibaa $14 oo marna uu helo, marna uu waayo.

“Muddo saddex bilood ah ayaan bannaanka joogaa, hadda labo bilood ayay dugsiga dhiganayaan. Toddoba doollar ayaa hadda la igu leeyahay, suuq xumo ayaana jirta hadda.”

Cabdifitaax oo 39 jir ah ayaa ku dadaalaya inuu dib u billaabo shaqadii uu qaban jiray inta uusan xabsiga galin, taas oo aheyd iibinta teleefannada.

Dhaqaale xummada haysa darteed, howshaas uma sahlana hadda. Qaabka uu ku shaqeyn jiray ayaa ahaa in qeyb uu lacagta bixiyo, inta kalana uu ku soo qaato deyn uu iska bixin jiray markay u gadmaan.

“Magaaladii hadda xaalkeeda waad aragtaa, qof kasta wuu ka shakisanyahay. Waxaa igu adag qarashkii aan moobaylada ku soo gadan lahaa ma hayo. Meeshu waxay u baahan tahay inuu qofku lacag haysto uu moobaylada ku soo gato.”

Ninkan ayaa la xiray bishii June ee 2022, markii lagu yeeshay $590 oo ah lacagta toddobo Mobile oo uu kasoo deyntay dukaan ku yaalla degmada Afgooye. Tuugo jidka u gashay ayuu tilmaamay inay ka dhacday, kadibna uu iska bixin waayay lacagtaas, taas oo keentay in xukun xarig ah ay ku riddo maxkamadda degmada Afgooye.

Dhallinyarada uu xabsiga ka soo daayay samafalaha ayaa ah kuwo aan dambi galin, balse la kulmay caqabado aysan dooran.

Cabdullaahi Maslax Idiris oo xorriyadiisa helay bishii September ee sanadkii hore ayaa ka mid ah. Shan sano ayuu u xirnaa lacag dhan kun oo Doollar ah oo ah xukunka nin ay isla dhaqayeen gaari oo si aan ku talo gal aheyn uu xusul uga jabiyay ilkaha.

Qoyska uu ka soo jeedo oo danyar ah ayaa awoodi waayay inay ka bixiyaan lacagtaas. Quus ayuu sheegay inuu ku sugnaa xilliga la soo deynayay.

Wuxuu ahaa qofka kaliya ee ay ku tiirsan yihiin hooyadiis iyo toddobo carruur ah oo ah walaalihiis ka yar, kuwaas oo noloshooda uu ku dabari jiray $5 illaa $15 oo uu ka heli jiray shaqada gaari dhaqista.

“Horta intaan xabsiga ku jiray waxyaabaha welwelka igu hayay ee aadka ii dhibayay markii aan xusuusto waxa ay ahaayeen hoyaday, walaalahay, noloshooda, iyo halka ay ku dambeeyaan. Ilaahay mar uun hadduu iga saaro ayay iga ahayd. Alxamdullilaah maanta bannaanka ayaan imid horta, waxaa mahad leh ninka isoo daayay.”

Cabdullaahi ayaa xusay in xirnaashihiisu uu qoyska biday inay gacan hoor sadaan dad qaraabada ah. Xaaladaas ayaa ah mid ay wali ku tiirsan yihiin, maadaama uusan wali helin wax shaqo ah.

Wuxuu la tacaalayaa dhaawac caabuq ah oo lugta ka soo gaaray intii uu xabsiga ku jiray. Wuxuu tilmaamay caqabad dib u dhigeysa inuu shaqo billaabay.

“Shaqo ayaan raadiyey, dadaal badan ayaan u galay sidii aan shaqo u heli lahaa. Maalin ayaan is-leeyahay shaqo dhismaha ah (shubka) qabso, laakiin dhibaatadu waxay tahay lugtayda oo boqonku ka naafada yahay. Markii aan isku dayey inaan shamiintada qaado, culayskii shamiintada iyo jilicdii lugta ayaa is-qabsan waayey, markaasay lugtii i dillaacday oo i xanuuntay. Hadda guriga ayaan iska fadhiyaa oo shaqo ma qaban karo.”

Cabdullaahi Maxamed Cali oo ah nin dhalinyaro ah oo deggan magaalada Muqdisho ayaa noqday rajada iyo garabka dad danyar ah, markii uu u istaagay qorshe bini-aadantinimo oo uu xorriyadooda dib ugu soo celinayo maxaabiista u xiran deymaha ay iska bixin waayeen.

Muddo sannad ah oo uu qorshahan waday ayuu sheegay inuu ku guuleystay in xabsiga uu ka daayo 8 dhallinyaro ah oo uu ka bixiyay lacago uu ka soo aruuriyay dad Soomaaliyeed oo baraha bulshada ka arkay ololaha uu billaabay.

“Qisooyinka iigu yaabka badnaa waxaa ka mid ah hooyo carruur agoon ah haysata, halkeedii wiil ee u shaqaynayayna haddana uu ka xiran yahay, aanan haysan maanta awood ay ku soo deyso, haddana wiilkeedii u baahan. Sanadkii 2024, dhexdiisa ayaan bilaabay. Illaa hadda lacagaha guud ee baxdayna waa illaa shan iyo toban kun oo Doollar.”

Qorshihiisa is xilqaanka ayaa dib u mideeyay qoysas danyar ah. wuxuu xusay in howshan uu sii wadayo oo aysan halkan ku ekeyn, haddii uu dhaqaale helana uu ku dari doono in shaqo abuur u sameeyo dadka uu soo daayo.

Boqollaal qof ayuu tilmaamay inuu ogaaday inay xabsiyada ugu jiraan deymo lagu leeyahay oo aysan bixin karin.

Waxay ula muuqataa arrin xalkeedu fudud yahay, haddii ay dadku u soo jeestaan oo leysku kaashado.

“Lacagta dadka waxaan ugu soo aruuriyaa dadka deegaanka Soomaaliyeed ayaan ka qaadaa, oo aan dhahaa ‘war qof baa halkaas ku xiran, xaaladdiisu sidaas ayay tahay, waxaan rabnaa inaan ka qaybqaadanno, xorriyaddiisa inaan siinno aan ku dadaallo maaddaama qofkaas uusan iska bixin karin. Dadka aan caawinno waxay joogaan magaalada Muqdisho iyo Shabeellada Hoose, Afgooye qaar baa ku nool.”

Cabdullaahi ayaa intaas ku daray in sanadkan cusub uu qorsheynayo in xabsiga uu ka sii daayo in ka badan tirada uu hadda caawiyay.

The post Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
(ERGO) – Dad gaaraya 80,000 oo qof oo ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa wajahaya dhibaato dhanka nolosha ah, markii ay qabatimeen isticmaalka maandooriyaha, taas oo keentay in ay iskaga haraan waxbarashada iyo shaqooyinka, markii ay xamili waayeen

Xogtaan waxaa lagu ogaaday daraasad ay soo saartay dalada ay ku midaysan yihiin ururada dhallinyarada. Xog aruurinta oo laga sameeyay dhamaan xeryaha ayaa la waday muddo toddobo bil ah iyada oo la soo bandhigay sanadkan.

Dhamaan dhallinyada isticmaalaya maandoorihaya ayaa ka siman saamaynta. Waxaa ka mid ah Cali oo aan qarinay magaciisa saxda ah. Wuxuu muddo saddex sano ah uu si joogti ah u adeegsada xashiiishka iyo qamriga. Xaaladdaas ayaa gelisay dhibaato uu ka soo kabsan la’ayahay.

“Waa inaan maalin walbo isticmaalo sabaabto ah haddan isticmaali waayo waan isku dhax yacaya oo dulqad la’aan ayaan noqnaya, taas ayaa keeneysa inaan dadka igu dhaw aan la dagaalo oo la buuqo. Sigaarka ugu yar waxaan isticmalo maalinkiina 15 xabo ayaan ka isticmala, xashiishkana waa la mid. Qaadka ayaan malmo ka joogi kara.”

Cali oo ah 24 sano jir waxaa markii ugu horraysay dayriyay qoyskiisa. Arrintaas waxay ku qasabtay in uu noqdo darbi jiif, maaddaama uusan hayn qaab uu noloshiisa ku maareeyo. Wuxuu subax kasta u kalahaa in uu dadka ka dawarsado lacag uu ku iibsado maandooriyaha.

Maalamaha qaar oo uu waayo ayuu sheegay in uu galo xaalad caafimaad oo khatar ah, maaddama uusan ka ahaan karin. Wuxuu xusay in uu isbeddelayo miir ahaan taaas oo keenaysa in xitaa uu dhibaateeyo dadka waddooyinka maraya.

Qoyska Cali oo aan weligood qof isaga ka horreeya ka baran isticmaalka maandooriyaha ayaa u muujiyay takoor. Ninkan oo dugsiga sare dhameeyay sanadkii 2020 waxay qoyskiisa qorshaynayeen in ay u diraan jaamacad, balse rajadaas ayaa meeesha ka baxday markay ogaadeen in uu balwad bartay.

“Aad iyo aad ayuu xariirka aniga iyo waalidkeyga u daciifay oo sidii hore maahan. Qofka inta uusan balwad yeelan baa la aamini kara, laakiin mar hadaad balwad bilawdo walaga aamin baxa, waxaana qof walbo ka aaminaya qof noolasha ka dhacay oo aan waxbo qabsan karin.”

Cali ayaa sheegay in isticmaalka maandooriyahha ay bareen dhallinyaro ay saaxiibo ahaayeen. Wuxuu xilligaas ujeedkiisa ahaa in uu iskaga yareeyo welwel ay ku haysay in uu qurbaha aadddo, Wuxuu aminsanaa in uu xilliga uu rabo iska jari karo wallow ay taas suurageli waysay markii u aad u bartay.

Dhanka kale Cali ayaa sheegay in ka hor inta uusan balwadda baran ay qoyskiisa ka lahaayeen rajo aad u sarraysa. Wuxuu ku fiicnaa waxbarashad halka sidoo kale uu ku shaqayn jiray samaynta boorarka ganacsiga oo uu yaqaanay naqshadayntooda balse shaqadaas ayuu iskaga haray markuu bartay balwadda.

Waxaa ka soo geli jiray dhaqaale u dhexeeya 5000 ila 7000 oo kenya shilin ah, taas oo uu ku kala qaybin jiray waxbarashadiisa in uu ku maareeyo iyo in uu nolosha qoyskiisa ku kabo. Wuxuu tilmaamay in hadda maaddaama uusan muddo ku shaqayn uu xitaa halmamay xirfaddiisii, taas oo ka niyad jabisay in uu mar kale billaabo.

“Waddo khaldan ayaan ku socdaa waa ogahay, laakiin waxaan ilaahay ka rejaynayaa in uu albaab khayr noo furo oo aan waxaan ka baxno. Ma jiro qof jecel, balse wakhtiga iyo marxladaha ayaa keenay. Waxyaabo badan ayaa kalifay inaan isticmaalno, Aniga shakhsi ahaantayda waxaa igu kalifey waxaan qabto ayaan waayay.”

Inta badan dhallinyada ku nool Dhadhaab ayaa la dhibtoonaya saamaynta ka soo gaartay maandooriyaha ku faafay. Waxay u isticmaalaan si ay iskaga mashquuliyaan shaqo la’aanta ka jirta xeryaha.

Marka laga soo tago dhalinyarada weli ku foogan isticmaalka maandooriyaha. Waxaa jira kuwa iska joojiyay, markii ay ku baraarugaan waxyeeladeeda halka qaar kalana ay ka faa’iidaysteen talo siin iyo wacyi-gelin ay ka helaan qaybo ka mid ah bulshada.

Maxamed Cilmi Jaamac wuxuu 2024 iska dhaafay isticmaalka maandooriyaha, markii uu garawsaday dhibaatada ka soo gaartay muddo afar sano ah oo uu joogto u adeegsanayay. Wuxuu tilmamay in tan iyo markaas uu galay nolool wanaagsan.

“Markii aan iska daayay daroogada hurdo caafimaad leh ayaan helay. Xiriirkii aniga hooyaday iyo walaalahay waa fiicnaaday. Gurigeenii waa ku noqday. Nin lagu xisaabtamayo oo maalintii soo shaqeeya oo magaalada ka soo xamaala ayaan noqday.”

Wuxuu la shaqeeyaa shirkad ay leeyihiin rag ay qaraabo yihiin oo ka shaqaysa dhismaha guryaha. Waxay siiyaan lacag dhan shan iyo toban kun oo kenya shilin ah.

Muddo 5 bil ah oo uu shaqaynayo wuxuu tilmamay in uu kaalin ka qaato nolosha qoyskiisa oo 10 qof ah. Wuxuu bilkasta hooyadiis siiyaa todobo kun oo ka mid ah lacagta uu qaato, taas oo isbeddel u horseedday qoyskiisa oo ah qaxooti aan lahayn il dhaqaale oo ay toos ugu tiirsan yihiin.

Wuxuu sheegay in labo jeer uu xabsi u galay dhibaato uu dad u gaystay isaga oo aan maankiisu joogin. Wuxuu xusay in hadda uu murigoodo markuu soo xasuuusto xaaladdii uu ka soo laabtay.

“Mararka qaar dad ayaan is dagaali jirnay sadex ruux ayaan wax ku dhuftay. Dhib xoogle ayay naftayda u gaystay daroogada.”

Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa si xawli ah ugu soo batay xeryaha dhadhaab isticmaalka maandooriyaha, taas oo caqabad aad u wayn ku noqotay dhallinyarada sida uu Radio Ergo u shegay Maxamed Cabdulaahi Jimcaale oo ah gudoomiyaha dalladda ururka dhalinyarada.

Wuxuu xusay in daraasadda ay soo saareen ay daaha ka qaadayso in dhibaatooyin badan ay dadka xeeryaha ku nool kala kulmaan dhalinyarada isticmala maandoriyaha. Wuxuu tilmamay in xiliyada habeenkii dadka daroogaysan ay bulshada u gaystaan jirdil. Dhac iyo falal kufsi ah wallow aysan shegin tirakoob rasmi ah.

“Sababaha waxaa ka mid ah shaqo la’aan bahsan oo xeeryaha ka jirta. Waxaa kalo jira isku buuq ay dhalinyarada la kulmayaan oo la xariira in rajadoodi labaad ee ahayd in ay dhoofaan ay iyaadana mesha ka baxday.”

Guddomiyaha ayaa sheegay in ay wadan tababaro iyo wacyigelin ay doonayaan in ay ku joojiyaan tirada sii kordheysa ee dhalinyarada adeegsanaya maandooriyaha, balse wuxuu xusay in dhaqaale yari haysa darteed ay ku adkaan doonto in ay natiijadaasi gaaran.

Dhalinyaro badan oo adeegsada moondiriyayaal ayaa dhibaatooyin kala duwan kala kulma, waxayna xog aruurintu muujinayaa in tirada badan ee arintaan ay daashatay ay saamayn aan wanaagsanayn ku yeelanayso mustaqbalkooda iyo kan bulshada.

The post Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
(ERGO) – Daahir Cabdullaahi Cali wuxuu saddex sano oo abaaro ah kaddib awood u yeeshay inuu si buuxda u maareeyo nolosha qoyskiisa oo sagaal qof ah. Arrintaas ayuu karay markii uu bishii Febraayo billaabay iibinta caanaha saddon geel ah oo uu ku xareeyay duleedka magaalada Cadaado.

Wuxuu ka mid yahay boqollaal xoolodhaqato ah oo ka soo kabsaday nolol xumo ay badday roob yaridda ku soo laalabatay gobolka Galgaduud, markii ay beddeleen hanaankoodii dhaqashada miyiga oo ay magaalada u soo wareejiyeen xoolahooda.

Daahir 19 ka irmaan geeliisa ayuu subax kasta suuqa ka geeyaa 46 liitar oo caano ah, kuwaas oo uu ka helo dhaqaale ugu yaraan gaaraya $20 marka uu ka jaro qarashka ku baxaya raashinka iyo biyaha geela. Lacagtaas ayaa u noqotay qoyskiisa fursad ay kaga baxeen nolol xumo muddo dheer haysay.

“Qoyska nolol maalmeedkiisu wuu hooseeyay. Xagga biilkana waa uga kaaftoomeen oo raashinkooda awal waxaa laga yaabi jiray saddexda waqti waqti inay wax cunaan labada waqti kee kalana ay u ganbiyaan hadda saddexda waqti waa joogto.”

Daahir ayaa ka soo guuray miyiga deegaanka Docolleey oo hoos taga Cadaado markiii rag kaga soo horreeyay magaalada ay ku wargeliyeen in hanaankan uu faa’iido badan kaga heli karo xoolihiisa, sidoo kale ay badbaado uga noqon karto daaq la’aanta xilligaas ay uga dhimanayeen.

Wuxuu magaalada keenay iyaga oo ah wayd ah oo aan cad iyo caano toona lahayn. Wuxuu bil siinayay  raashin uu soo daynsaday kadib wuxuu tilmaamay inay si tartiib-tartiib ah caano u yeesheen illaa ay ka gaareen heer labo waqti la liso maalintii.

Daahir oo ah 40 jir waqtigiisa oo dhan ku soo qaatay dhaqashada xoolaha ayaa sheegay in xilligan uu ku jiro xilligiisii ugu faa’iidada badnaa. Wuxuu xusay in habkan uu xoolaha iyo dadkaba uga nacfi badan yahay miyiga.

Ninkan wuxuu intaas ku daray in waqtigan oo ay curteen roobabka gu’ga uusan ku talo jirin inuu dib ugu celiyo miyiga. Wuxuu u arkaa inuu qaabkan wax badan kaga fiican yahay daajinta naqa xoolaha ayna ku adkaan doonto inuu dib ula soo qabsado mar kale haddii uu ka saaro. Wuxuu sheegay in arrintan ay hor u qaaday rajada xoolihiisa oo uu awal quus ka taagnaa.

“Waxaan rabaa inaan halkaan ku siiwado illlaa todobaatan aan gaarsiiyo geelaas oo aan halkaas ku sii dhaqdo, waaye hamiga igu jiraa ee maahan inaan ka celiyo oo aan dhulkiisii iyo wadankii uu joogi jiray aan dib ugu celiyo waayo isma uu dabari karo oo qarashaadkaan dheerigaa ee lahelaayo lama heli karo.”

Daahir marka laga yimaaddo maaraynta nolosha qoyskiisa wuxuu hadda iska bixiyay $650 oo ka mid ah kun dollar oo lagu yeeshay ka hor inta uusan billaabin hab dhaqashadan cusub. Lacagtaas oo ay ku yeesheen baqaarro deegaankiisii ku yaalla ayuu raashin ku qaatay markay xoolaha ka nacfi beeleen.

Waxaa intaas u dheer inuu iskuul ku daray lix ka mid ah caruurtiisa oo markii hore dhaqaale xumi darteed uu u gayn la’aa. Wuxuu hadda ka dhiibaa bil kasta isku darkooda $60. In ay markii u horraysay daruusta billaabayaan ayuu tilmaamay inay u tahay farxad aad u wayn.

Faa’iidooyinka wax ku oolka ah ah ee uu ninkan ka dhaxlay dhaqashadiisa cusub waxaa ka mid ah in lixdan ari ah oo uu qoyskiisu dhaqdo ay abaartan dhamaadka ah ugu soo baxeen markii uu raashin joogto ah uga iibiyay qayb ka mid ah dhaqaalaha uu ka helo caanaha.

Dhanka kale wuxuu sheegay inay meesha ka baxday dhibaatadii ay ka mari jireen ilaalinta geela intii ay miyiga ku dhaqanayeen, taas oo ahayd in si maalinle ah loo raaco  iyada oo faa’idada laga heli jiray waqtiyo kooban oo ah markay barwaaqo tahay.

Hanaankan cusub ee ay u weecdeen xoolodhaqatada ayaa noqday mid wax badan taray. Dhamaan magaalooyinka waawayn ee gobolka ayay geeyeen xoolaha si ay iib joogto ah ugu helaan caanaha. Halka koonbo ayaa laga siiyaa $1 taas oo u sahasha in ay faa’iido fiican sameeyaan muddo kooban.

Dadka arrintaas ka faa’iidaystay waxaa ka mid ah Kaafi Cabdullahi Aadan oo konto geel ah ku soo xareeyay horraantii sanadkaan magaalada Cadaado. Wuxuu sheegay inuu 15 ka mid ah geeliisa oo irmaan ah ka iib geeyo 17 liitar oo caano ah. Arrintaas ayuu xusay in ay qoyskiisa gelisay nolol wanaagsan.

“Aad iyo aad baa noloshu isku badashay waa la wada soo maray xaalad adag laakiin hadda xilligii laga baxay oo kole aad bay xilliyadii hore ee aan soo marijiray iiga qiimo badan tahay oo iiga fiican tahay.”

Kaafi ayaa sheegay in neefafka geela ah ee hadda u jooga ay uga badbaadeen lixdan geel ah iyo boqol iyo siddeetan ari ah oo ay ka laayeen abaarihii dalka soo maray sanadihii 2017 iyo 2021.

Wuxuu sheegay in ka hor inta uusan billaabin iibinta caanaha ay qoyskiisu hal mar oo ah habeenkii ay karsan jireen hadba wuxuu ka soo helo shaqo xoogsi ah oo uu u aadi jiray magaalada Cadaado. Ragga dhisa guryaha oo uu u ahaa shaqaalaha keena dhagaxa iyo dhoobada ayaa siin jiray $10. balse wuxuu shaqo heli jiray todobaadkii hal ama labo maalin.

Maaraynta nololsha reerka waxaa u dheeraa raashinka geela oo uu bishii siin jiray saddex illaa shan kiish. wuxuu dayn uga qaadan jiray baqaar ay macaamiil ahaayeen oo ku yaalla magaalada. Wuxuu ku yeeshay $1,500, oo uu hadda billabay inuu iska gudo.

Wuxuu tilmaamay in haddii uusan qaabkan uusan billaabi lahayn ay nolosha qoyska iyo tan xooluhuba qatar geli lahaayeen maddaama uusan hayn qaab kale oo uu kaga baxnaanin karay xaaladda markaas jirtay.

“Fikraddaan waxay igu dhalatay, markii aan arkay xaaladdaan siday ku socoto oo waqti adag aan ku jiro caanaha geela ee saafiga ahna dadku ay jecelyihiin oo dadka magaalada jooga caano booraha ay uga maar maan oo ay aad u goobaan ayaan sidaas datreed iigu dhalatay.”

Cabdinuur Xassan Cusmaan oo cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Galmudug ayaa sheegay in hab dhaqashadan casriga ah ay wax wayn ku soo kordhinayso dhaqaalaha guud ee gobolka oo inta badan ku tiirsan xoolaha. Wuxuu tilmaamay inuu xal u noqon karo dabar go’ ay xooluhu la kulmayeen sanooyinkii danbe taas oo ay ugu wacan tahay daaq xumada ka dhalatay roob yarida taas oo sahlaysay in ay xitaa cudurada u nuglaadaan.

Wuxuu sheegay in qorshahaan uu yahay mid xilliyada adag gabbaad u noqon kara qoysaska miyiga sidoo kolana uu geelu ku filnaan karo dhaqaalaha ku baxaya nolosha dadka ku tiirsan iyo raashinka la siinayo intaba. Dhanka kale wuxuu xusay in arrintaan ay fursad ka helaan dad ka baxsan xoolodhaqatada.

“ Geelaas markuu duurka jiray ninka wada baa ku bakhtin jiray. Geelu xayawaanaadka duur joogtaa awal waxba madhaamin laakiin hadda markii la dhaqday dhaqaale ahaan dadkii waa koreen.”

Xoolodhaqatada ayaa sanooyinkii danbe aad ugu soo badanaya u soo weecashada dhaqashadaan cusub oo ay sheegeen inay u arkaan qaabka ugu fudud uguna faa’iidada badan ee ay ku manaafacaadsan karaan xoolahooda.

The post Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
(ERGO) – Cabdirashiid Cabdi Maxamed oo ah aabbaha siddeed carruur ah wuxuu awood u yeeshay in uu ku filnaaday maaraynta noloshooda, markii uu billaabay dhaqashada shinida bishii Janaayo ee sanadkan.

Wuxuu ka mid yahay 150 qoys oo barakac ah oo iskugu jira xoolo-dhaqato ku ceyrtoobay abaaraha iyo beeraleey hore oo dhaqaalo burbur soo wajahay oo ku nool gobolka Sanaag,

hay’adda ADEC oo gacan ka heleysa WFP ayaa ka caawisay barashada xirfadda shinni-dhaqashada, kaddibna waxay billaabay inay ka dhigtaan il-dhaqaale oo noloshooda ay ku maareeyaan.

Cabdirashiid ayaa xusay in shinidiisa uu bishii Maarso ka helay dhaqaale gaaraya $480, markaas oo ahayd wax-soo-saarkiisii ugu horeeyay ee uu suuq geeyo. Wuxuu tilmaamay in muddada uu dhaqanayo ay reerkiisu uga bexeen cunno yari ay wajahayeen.

“Reerkayga way ku filan tahay weliba aad iyo aad bay ugu filan tahay. Halka sanduuq waa $250. Sadex sanduuq marka la yirahdo waa dareemi kartaa isbedelka dhaqaale ee ay qoyska ku yeelan karta.”

Qoyskiisa oo ku tiirsanaa lacag $70 ah oo ay siin jirtay hay’adda WFP ayuu sheegay in aysan kaafi karin. Muddada uu hawshaan wado ayuu tilmaamay in uu dareemay isku filnaan dhaqaale oo meesha ka saartay hubanti la’aantii nolosha ee ay ku sugnaayeen.

Saddex sanduuq oo shinni ah ayuu sheegay inuu hadda xannaaneyso, balse bishii kowaad ayuu ku bilaabay hal sanduuq. Waxay u soo saartay malab gaaraya 10 kiilo isaga oo halkii kiilo siistay $25.

Cabdirashiid wuxuu tilmaamay in dhaqashada shinida ay u noqotay il- dhaqaale oo ay isku halleyn karaan xiligaan.

“Qofku mar hadii uu ogyahay malabka cidii samaysay ama waxani in uu yahay dabiici suuqba ma waayo. Dadku iyagaa kuu imaanaya oo ku oranaya ninyahow aniga malabkaas ban rabaa marka shinnidu soo saarto intaas ii keen. In la yaqaanno  unbaa muhiim ah.”

Ninkan wuxuu sheegay in maaddama uu ku filnaaday maaraynta reerka uu qorshaynayo in uu shinnida ka sameeyo ganacsi waara. Wuxuu billaabay hannaan uu ku badinayo tirada shinnida isaga oo soo iibsanaya shinni hor leh. Waxaa intaas u dheer in uu qaatay labo shaqaale ah oo ka caawiya hawlaha la qabanayo.

Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in ka ganacsiga wax-soo-saarka shinnida aysan dadka intooda badan ku baraarugsanayn. Qofka fahma habka loo xannaaneeyo ayuu tilmaamay u noqon karta fursad wax weyn ku soo kordhisa noloshiisa.

“Waxbyaaha aan la fahamsanayn bey ka mid tahay ganacsiga shinnida. Il-dhaqaale iyo il-caafimaad labadaba wey leedahay. Weliba mid aad iyo aad u weyn. Isbeddel dhqaale inay  horseedi karto waa dareemi kartaa.”

Cabdirashiid oo keliya ma ahan dadka ay noloshooda isbeddeshay, markii la baray xirfado kala duwan oo u noqotay fursad ay ka maareeyaan reerahooda.

Mukhtaar Cabdullaahi Aadan wuxuu labadii bil ee u dambeysay qoyskiisa oo 10 qof ah ka baxeen nolol xumo ay muddo ku noolaayeen. Waxaa u suuragalisay markii la baray farsamada cilad-bixinta korontada.

Shaqadaan oo uu maalinkii ka helo $15 ayuu xusay inay sabab u noqotay inuu la wareego masuuliyadda masruufka reerka, si uu u buuxiyo kaalinta aabbihiisa oo ay ka istaagtay shaqo xamaal ah.

Saddexdii bil ee la soo dhaafay ayuu sheegay in aabbihiisa uusan shaqaynin, markii waayeelnimo iyo xaalado caafimaad-darro ay isugu darsameen.

“Markii hore korontada waxba kama garanayn, haddase waxaan ahay nin ku shaqaysan kara oo ku shaqo tegi kara maanta. Marka la igu yiraahdo waxaan rabnaa in koronto la noo xiro nin xiri kara oo ku soo shaqaysan kara oo nolol maalmeedkiisa ka soo dhacsan kara ban ahay.”

Mukhtaar wuxuu sheegay in qoyskiisa ay yihiin danyar la daalaa dhacayay duruufo dhaqaale, balse hadda uu rajo ka qabo inuu xal u helo caqabadahaas saameeyay hab nololeedkooda.

Qoyska Mukhtaar oo xoolo-dhaqato hore ahaa waxay miyiga magaalada Dahar ku dhaqan jireen afartan neef oo ari ah, kuwaas oo abaar iyo cudurro ay ka laayeen afartii sano ee la soo dhaafay.

Samsam Abshir Xasan waxay biilka maalinlaha ee qoyskeeda ka soo saartaa harqaan ay ku tosho magaalada Baran. Shaqadan oo ay billoowday saddex bil ka hor, waxay maalinkii ka heshaa lix  ilaa siddeed doolaar.

Haweeneydan ayaa ka mid ah dhowr dumar ah oo loo tababaray xirfadda harqaan tollida, si ay nolol maalmeedka uga la soo baxaan. Tababarka oo u socday lix bilood ayaa markii uu dhammaaday la siiyay makiinaddii ay wax ku toli lahayeen.

Samsam waxay sheegtay in xirfaddaan ay u noqotay il-dhaqaale oo ay ka maareeyso qoyskooda oo ka kooban 12 qof. Waxay sharraxaad ka bixinaysaa sida ay ugu suuragashay inay ku shaqaysato xirfaddaan.

“Imtixaan baa nalaga qaaday markaan barangay. Kaalinta koowaad ban galay, markii dambana harqaanka baa la i siiyey waan ku shaqaystay anigu oo si fiican ban ugu shaqaystay waa ii rakiban yahay oo waan ku tolaa oo faa’iido ayaan ka helaa.”

Qoyska Samsam ayaa ku tiirsanaa dhaqaale aan joogto ahayn oo ka soo geli jiray duruucda dumarka oo ay ku wareejin jirtay magaalada dhexdeeda. Ka hor inta aysan baran xirfaddaan. Waxay xustay inay xaaladdaan soo maciin bideen markii ay abaar ka laysay 30 neef oo ari ah oo ay ku dhaqanayeen miyiga Sanaag sannadkii 2023.

“Anigu markii hore shaqo sidaas oo macno leh ma haynin, laakiin hadda waxayga anigaa isku kaafiyey oo shiidkayga toshay isaga oo tolan gata lacagtii toliinka iyo tii gadashada isku qaata. Awalna markii aan meesha ku toil jiray aan harqaanka ku barto waan qaadan jiray oo iyaga oo tolan baan gadan jiray.”

Xoolo-dhaqatada iyo beeraleydu waa laf-dhabarta dhaqaalaha iyo nolosha dad badan, gaar ahaan kuwa ku tiirsan hab-nololeedka dhulka iyo xoolaha. Bale sannadihii ugu dambeeyay, abaaraha soo noqnoqda iyo isbeddelka cimilada ayaa si weyn u saameeyay nolo-maalmeedkooda, kuwaas oo dhaxalsiiyay nolol adag.

The post Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
(ERGO) – Xafso Ibraahim Salaad waxay ku filnaatay maareynta nolosha qoyskeeda, markii shaqo nadaafad ah ay ka heshay maamulka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay. Waxay bishii qaadataa $150 oo mushaar ah. Waxay ka mid tahay 60 qof oo toban ay haween yihiin, kuwaas oo iskugu jira danyar deegaan ah iyo dad soo barakacay oo shaqadan loo qaatay bishii Siteembar ee sanadkan.

Dhaqaalaha soo gala ayay ka dabartaa nolosha toddobo carruur ah oo ah agoon aabbahood uu dhintay sanadkii 2021, kuwaas oo keligeed ay koriso. Xafso ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in shaqadan u horseeday inay helaan cunno ku filan, iyadoo xustay in hal waqti ay dabka shidan jireen markii hore.

“Shaqadan intaan helay aad ayuu nolol maalmeedkeyga u fiican yahay, mushaar fiican ayaan helaa. Nolosheenna waan ku filanahay. Raashinkeyga aduunyadeyda waxaas oo dhawan waan ku filnahay. Carruurteyda warwar la’aan ayay ku sugan yihiin hadda. Aadbaan ugu mahad celinayaa dowladda Koonfur Galbeed.”

Xafso oo 44 jir ah ayaa tilmaantay inay waxbarasho u billaabeen labo carruur ah oo bishii Oktoobar ay geysay iskuulka Al-macrifa.

Waxay ka dhiibtaa $20 oo ay xustay in markii hore helitaankeedu ku adkaa, sidaasna waxbarasho la’aan carruurtu uga ahaayeen. Waxay sheegtay in tani ay tahay mid ka mid ah himilooyinka ugu muhiimsan ee ay ka dhabeysay.

“Carruurteyda hadda waxbarashadooda aad ayey u fiican tahay. Markii hore waan dhibaateysnaa xaabada ayaan Soo guran jiray, hadda waan ka nastay. Carruurteyda cuntadooda, dharkooda iyo waxbrashadooda kama warwaro oo intaas ayaan ku haystaa.”

Xafso oo shaqeysa toddobaadka dhan ayaa howsheedu tahay guridda qashinka, gubistiisa iyo nadiifinta waddooyinka.

Waxay sheegtay in iyadoon war u hayn loo sheegay inay ka mid tahay dad ay qaadatay dowladda hoose. Waxaa shaqada geeyay nin ay qaraabo yihiin oo deegaan ku ah magaalada.

Waxay xustay inaysan horay u laheyn il dhaqaale oo ku filan maareynta noloshooda. Waxay qaban jirtay shaqo aan joogto aheyn oo ah dhar-dhaqid iyo xaabo guris.

Waxay xustay inay aheyd shaqo ka dhib badan tan hadda ay qabato, maadaama ay subax kasta raadin jirtay cid ay u shaqeyso, halka xaabo gurista ay u aadi jirtay masaafo ugu yaraan 5 km ah.

“Noloshii hore Iyo nolosha hadda farqi weyn ayaa u dhexeeya oo biilkeyga meel ayuu ii saaran yahay, markii hore waxba meel Kuma ogeyn. Xaabada hadDii aan aado duurka wax miyaa kugu Soo qabsan doona ayaan ka warwari jiray, laakiin hadda kama warwaro.”

Xafso iyo carruurteeda ayaa ku nool xerada Cusboole oo ay soo degtay sanadkii 2021, markaas oo ay ka soo barakacday degmada ay go’doomisay Al-shabaab ee Xudur oo Baydhabo u jiirta 180km. Waxay sheegtay in geedigu ku dhashay markuu geeriyooday seygeedii oo nolosha reerka ka maareyn jiray shaqo ah dajinta rarka gaadiidka.

Binto Aadan Isxaaq oo ka mid ah haweenka noloshooda ka maareeya shaqada nadaafadeed ee Baydhabo ay ka qabtaan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay inay tahay markii ugu horeysay oo uu soo galo dhaqaale bille ah oo gaaraya $150.

Waxay tilmaantay in maalinkii lix saac oo ka mid ah ay qabato shaqo dhib yar oo dhaqaalaha ka soo gala ku filan yahay nolosha qoyskeeda oo ka kooban iyada iyo toddobo carruur ah oo uu aabbahood u dhintay cudurka Cagaar-showga sanadkii 2018.

Waxay sheegtay in shaqadan ka hor ay mararka qaar qatooyo ku seexan jireen, balse hadda ay saddex waqti wax karsadaan.

“Hadda wax nagama maqno waan noolaney, caafimaad ayaan qabnaa, waan shaqeysanayaa. Markii hore raashiinka habeenkii ayaan wax karsan jirney. Carruurta ayaa isku qabsan jiray, biyo ayaa lagu dhameystiran jirey, hadda oo aan kula hadlayo guriga waxaa ii yaala haaf bariis ah, haaf bur ah, haaf sonkor ah iyo toban liiter oo saliid ah.”

Binto oo 56 jir ah ayaa ka guurtay bishii Oktoobar xerada Hagarow oo ay ku nooleyd muddo saddex sano ah.

Xaafadda Buula Nuuriyo ayay ka degtay labo qol oo ah jiingad kiradeedu tahay $30. Waxay sheegtay in xerada ay dantu ku qasbeysay oo aysan ku haysan biyo ku filan iyo hoy ka xajin kara qabowga iyo roobka.

Saddex ka mid ah carruurteeda ayay xustay inay waxbarasho u billaabeen bishii tobnaad ee 2024, kuwaas oo ay ka dhiibto bishii lacag $15.

Waxay intaas ku dartay in bilaha ay shaqeyneyso ay keydsatay lacag $200, taas oo ay tilmaantay inay iskaga bixisay qalliin looga saaray buro oo ay ku gashay isbitaalka Shaafici ee magaalada Muqdisho.

“Labadii boqol anoo ii yaalaan ayaan xanuunsaday, carruurteyda ayaa ii buuxinayey shaqada, kun iyo seddex boqol oo Doollar ayaa la igu soo qaley. Lacagtaas oo dhan ma haysan ee dad isoo qaaraamay ayaa wax ii keenay. Sedex boqol oo doolar ayaa la igu leeyahay hadda. Shaqada sidii aan ku helay gabar khadiijo Daadey ay dhahaan oo suuqa qudaarta ka shaqeysa oo wallkey qabo ayaa ii sheegtey. ”

Dadka soo barakacay iyo kuwa danyarta ah inta badan ma helaan fursado shaqo. Arintaas waxaa u sabab ah inaysan laheyn aqoon iyo xirfado ay uga shaqeeyaan xafiisyada dowladda iyo kuwa kale sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Abshir Cali Xuseen oo ah agaasimaha waaxda Faya-dhoorka Dowlada hoose ee magaalada Baydhabo.

Wuxuu xusay in maamul ahaan ay ku dadaalayaan inay ku caawiyaan shaqooyinka fudud si ay uga helaan ildhaqaale oo noloshooda wax ka bedesha. Howsha nadaafadeed ee ay hadda qabtaan ayuu xusay inay doonayeen dad badan, balse ay ka xusheen inta ugu nugul ee ay adag tahay inay helaan waxay dabka ku shitaan.

“Sidaan ognahay qofka markii uu meel ka soo barakaco oo meel kale imaado, waxa weeye qof aysan noloshiisu fadhin oo saxneyn. Dadkan soo barakacay waxaan rabnaa inaan u bedelno dad deegaan ah, marka waa inay helaan dib u dajin, dib u dajintaas waxaa ku jirta shaqaaleysiin. In la abuuro fursad lagu shaqaaleysiiyo dadka danyarta ah waa door muhiim ah.”

Abshir ayaa intaas ku daray in danyar kale oo kuwan ka badan ay shaqaaley siinayaan sanadada soo aadan.

Qoysas badan oo soo barakacay ayaa xeryaha ku wajahaya cunno yari, biyo yari iyo hoy xumo. Sannado dhowr ah oo ay halkaas deggan yihiin ma helin dib u dajin iyo gargaar joogta ah.

The post Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
(ERGO) – Cabdiwali Cabdullaahi Aadan ayaa si buuxda ugu filnaaday maaraynta nolosha qoyskiisa oo ka kooban 15 qof, markii uu bishii Nofeembar ee 2024 fursad shaqo ka helay iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee Cumar Al-faaruuq ee magalaada Cadaado.

Wuxuu ka mid yahay 400 oo bare oo ay Wasaaradda Waxbarashada Galmudug qaadatay markii ay ka soo gudbeen imtixaan-aqooneed dhamaadkii sanadkii tagay, kuwaas oo hadda ka howl-gala iskuullo ku yaalla deegaannada maamulka.

Cabdiwali oo dhiga maadooyinka xisaabta iyo tiknoolojiyada ayaa xusay inuu bishii qaato $320. Wuxuu sheegay inuu ka baxay walaacii uu mudada dheer ka qabay nolosha qoyskiisa oo ahayd mid adag.

“Nolosha qoyska markii uu wax haysto iyo markii uusan waxba haysan isku mid maahan, dhaqaalaha shaqadu wax wayn buu ku soo kordhiyay, dad waxaa noqonay guri kiradiisa iska bixi kara iyo dugsigii Quraanka, maanta maradooda soo gadan kara wixii ay cuni lahaayeen heli kra. Alxamdu lillaah wax waynbay nolosha qoyska ka beddeshay.”

Ninkan oo 16 bishii Febraayo ee sanadkii hore ku shaqo waayay colaaad gobolka Mudug ku dhex martay Al-shabaab iyo ciidanka dawladda oo sabab u noqtay inuu xirmo iskuul uu ka dhigayay deegaanka Camaara ayaa hadda sheegay inuu qoyskiisa ka saaray horraantii Diseembar 2024 noloshii barakacnimo ee ay ku sugnaayeen tan iyo markii ay soo gaareen Cadaado ay bishii maarso ee isla sanadkaas.

Cabdiwali ayaa sheegay inuu qoyskiisa dejiyay guri saddex qol ah oo uu bishii ku bixiyo lacag dhan $80.Wuxuu xusay inuu sidoo kale bille u bixiyo korontada iyo biyaha guriga lacag dhan $40. Wuxuu tilmaamay inuu muddo sideed bil ah gudaha magaalada Cadaado ka raadinayay shaqo baranimo balse aysan u suurto galin.

“Qoyska noloshiisu waxay ku xirneyd hadba wixii la hello, wax xilli u go’an maahayn ama qado, quraac iyo casho ku xiran maahayn. Marna waa u toosi jirtay marna waa ka wareeri jirtay haddana alxamdu illlaah qoysku waa iska barwaaqaysanyahay.”

Ninkan ayaa sheegay inuu iska yar-yareeyo lacag $700 oo dayn ah oo lagu yeeshay, taasi oo hadda uu bixiyay $180 ka mid ah. Wuxuu tilmaamay inuu dugsiga Quraanka ku daray afar ka mid ah caruurta qoyska oo uu bishii ku bixiyo $30. Shan kale oo dhigta iskuulka Cumar Al-faaruuq waxa uu sheegay inay si bilaasha ah ku bartaan. Waxaa ka caawisay inta uusan shaqadan helin mu’assasada Iftiin.

Ninkan oo heerka koowaad ee jaamadda ka baxay bishii December sanadkii 2020 ayaa sheegay in billowgii sanadkaas uu geeriyooday aabihiis, taasi oo keentay in dhamaan masuuliyaddii iyo masruufkii reerka ay isaga ku soo wareegto. Cabdiwali ayaa sheegay inuu wasaaradda waxbarashada la galay heshiis afar sano oo uu u shaqaynayo.

Dadka arrintan ka faa’iidaystay waxaa ka mid ah Axmed Maxamed Abuukar. Waxa uu sheegay inuu ku filnaaday nolosha qoyskiisa oo todobo qof ka kooban markii uu bare ka noqday Iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee Dayax oo ku yaalla magaalada Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Ninkaan ayaa xusay inuu markii hore nolosha qoyskiisa ka daberi jiray shaqo la xiriirta wax barista dadka waa wayn oo uu ka heli jiray lacag u dhaxaysa $80 illaa $100, taasi oo aan ku filnayn noloshooda. Hadda waxa uu sheegay inay ka gudbeen culays yadii haystay ka hor inta uusan shaqadaan billaabin.

“Ciyaalka dugsiga aadaya waxaa laga yaabaa wax quraac ah inaysan helin oo lix saac ama todobo saac la qadeeyo cashana aysan helin oo gaajo ay ku seexdaan markaas. Marka wax badanaa iska beddelay waqtigaan hadda aan joogno.”

Waxa uu sheegay inuu bishii November billaabay shaqada wasaaradda waxbarashada oo uu ka helo lacag dhan $320, taasi hadda si joogto ah uu ugu bixiyo $25 ka mid ah kirada guri labo qol ah oo ay ku noolyihiin, sidoo kolana uu $43 ku bixiyo korontada, biyaha iyo dugsiga Quraanka labo ka mid ah caruurtiisa.

Ninkaan oo dhiga maadooyinka Xisaabta iyo Physics-ka ayaa  xusay inuu qoyskiisa ka saaray hubanti la’aantii cunno ee haysatay, waxaa intaas ku dheer sida uu sheegay inuu lacag dhan $50 ku taageero bil walba hooyadiis oo ku nool magaalada Muqdisho. Wuxuu tilmaay inuusan shaqo mushaarkan oo kole leh aysan horay u soo marin tan iyo markii uu heerka koowaad ee jaamadda dhameeyay sanadkii 2015.

“Wax badan iska beddelay arrad tirkoo kole markii hore ma awoodi jirin, hadda laakiin waqtigii gabadha ay tiraah suuqa waan tagayaa waxeeda waan u kaashaa awal ma jirin wax kayd ah. Waa iidii ugu horaysay oo aan rajaynayo inaan sifiican  iidno.”

Axmed ayaa sheegay inuu hadda kala bar bixiyay lacag $600 oo dayn ah oo lagu yeeshay intii uusan shaqada fiican haysan, inta dhimman ayuu qorshaynayaa inuu iska yar yaraynayo kaddibna uu dhigaal ka dhigto qayb ka mid ah mushaarkiisa.

Dhammaan barayaasha fursaddan shaqo helay ayaa wax ka beddelay noloshooda iyo midda qoysaskooda, waxay ka soo kabanayaan duruufo dhaqaale xumo oo ay ka dhaxleen shaqo la’aan ku raacday.

Agaasimaha Macallimiinta iyo horumarinta manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Sakariye Cabdullaahi Xassan ayaa sheegay inay barayaashaan howl-galiyeen markii ay mareen hanaan adag oo loo jideeyay si tartan loogu kala reebo kumanaan qof oo soo codsaday shaqadan.

Wuxuu tilmaayay inay ku shaqeeyaan dhaqaale ay bixiso Wasaaradda Maaliyadda dalka oo ah canshuurta dadka Soomaaliyeed, barnaamijkaan ayuu xusay inuu waxbadan ka tarayo sare u qaadista tayada waxbarashada Galmudug.

Wuxuu intaas ku daray inay wasaaraddu gaysay barayaashaan ilaa konton iskuul oo ku yaalla deegaannada Galmudug, kuwaas oo si bilaash ah ay ardaydu ku dhigtaan. Dumarka ayuu sheegay inay 40% ka yihiin macalimiinta la qaatay. Sakariye ayaa xusay inay markale qorshaynayaan qaadashada barayaal kale oo ku soo bixi doona hanaan la mid ah midkii kuwaan lagu qaatay.

Dowlada Soomaaliya ayaa  bartamihii sanadkii 2023 billowday qorshe qaran oo muddo afar sano ah lagu howlgalinayo tobon kun oo barayaal ah, kuwaas oo lix kun oo ka mid ah la diiwaangaliyay labadii sano ee tagay. Maamulka Galmudug ayaa tiro sideed boqol oo bare ah ku yeeshay macalimiintaan oo haatan ah kuwo ka shaqeeya iskuullada dowladda.

The post Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Muqdisho: Wiil ganacsi u hirgalay ku furtay lacag uu mar u qorsheeyay inuu ku tahriibo
(ERGO) – Maxamed Cumar Xuseen lix bil kaddib wuxuu ku faraxsan yahay inuu la wareegay masuuliyadda maareynta nolosha afar walaalihiisa ah iyo hooyadiisa, taas oo ay u suuragelisay dukaan lagu iibiyo dharka raga oo uu ka furtay Muqdisho.

Wuxuu awooday inuu saddexda waqti, kirada iyo waxbarashada walaalihiisa ka maareeyo iibinta dharka ragga. Inuu daboolay baahida qoyskiisa oo uu markii hore u maaro la’aa, ayuu sheegay inay ka caawisay markii uu bishii September markaas suuqa Barakaaha ka furtay carwo lagu gado dharka.

Wuxuu sheegay inuu bille u helo faa’iido u dhaxaysa $500-700. Lacagtan ayaa isbeddel nololeed u horseeday isaga iyo qoyskiisa. Wuxuu faahfaahinayaa sida uu u maareeyo daqligiisa.

“Faa’iido badan ayaan ka helay, kaddib waxaan sameeyay waalidka iyo walaalahay oo gobolka jiray ayaan soo raray oo halkaan aan keenay. Degmada Dayniile ayaan soo dejiyay oo  hadda wixii kharashaad iyo masruuf aan ka dabaro ganacsigaan.”

Maxamed ganacsigaan u bullaalay wuxuu ku furtay lacag $8,000 ah oo uu mar u qorsheeyay inuu ku tahriibo sida uu Ergo u sheegay. Sababta uu isaga daayay go’aanka tahriibka ayuu ku sheegay inuu waayay cid uu ku halleeyo masuuliyadda reerka, maaddama ay yihiin danyar markii hore dhaq dhaqaaqiisa ku tiirsanaa.

Sidookale wuxuu tilmaamay  inuu arkay dhallinyaro badan oo horay u tahriibay inay weli ku cadiban yihiin xabsiyada Liibiya, taas oo ahayd  sabab kale oo beddeshay mowqifkiisa.

“Fikrad kale ayaa igu dhalatay oo ah in lacagta aan heysto haddii aan wadada ku galo meesha aan rabana I geyn weyso. Anigana aysan waxba gacanta iigu jirin ay dhibaato tahay oo waxaa waaye waalidka in aan dhibo  maahane faa’iido kale aanan soo kordhin, sidaas darted waxaa igu dhalatay in aan ganacsi sameysto oo waxa aan hayo aan maalgaliyo wax soo saarna aan ku sameyo.”

Lacagta uu ganacsiga ku bilaabay waxay ka soo gashay boos hooyadiisa ay ku lahayd Buuloburde oo uu iibiyay bishii Ogosto ee 2024.  Waxay u noqotay $7,000, balse wuxuu ku kabay $1000 oo kale, taas oo uu ka kaydsaday shaqada cilad-bixinta korontada oo uu magaalada ka qaban jiray.

Maxamed wuxuu sheegay inay ka go’nayd inuu dalka ka tago oo uusan marnaba ku qancin inuu ganacsi sameysto, wuxuu aaminsanaa ina ysan jirin wax fursad ah oo la maalgashan karo oo nolol maalmeed laga soo saaran karo xiligaan.

“Waxyaabaha ugu badan ee kugu dhalin kara inaad tahriibto waa qof aad taqaana oo tahriiba iyo inaad la saaxiibto dad u ololeeya arrimaha tahriibka, sidaas darted aniga labadaas ayaa isku key bahaystay. sidaas ayay igu dhalatay arinka tahriibka.”

Ka hor inta uusan billaabin shaqadaan wuxuu reerkiisa ka ka quudin jiray cilad-bixinta korontada oo uusan ka heli jirin dhaqaale ku filan baahiyaha reerkiisa, balse hadda waxaa u suuragashay inuu shaqadaas uga maarmo ganacsigiisa cusub.

Maxamed Cumar oo 24 sano jir ah ka sokow inuu xal u helay masruufka qoyskiisa, waxaa uu dheer inuu lacagta waxbarashada ka dhiibo afar walaalahiisa ah oo dhigta dugsiga sare, kuwaas oo isku-darkoodu uu bishii ka bixiyo $85.

Wuxuu ka hadlayaa culeysyada kaga degay shaqadaan ee uu hadda miraheeda dheefsanaayo.

“ Sidaan ka filayay si ka badan ayaa iga soo gasha, wayna naga soo hartaa, hal wiil ila shaqeya biilkiisa mesha ayuu ka qataa. Nolosheena aad bay u wanaagsan tahay maanta.”

Maxamed Cumar oo sannad ka hor ay adkayd inuu dhagaysto qof kala talinaya tahriibka oo u sheegaya khatarta iyo cawaaqib-xumada ka dhalan karta. Wuxuu xusay inuu isbeddel ku yimid aragti walba oo uu horay uga qabay inuu tahriibo, maaddama uu soo arkay xaqiiqo ka duwan doonistiisii hore.

“Wixii aad ku tahriibi lahayd wadankaaga dhexdisa khayraad uu Alle ka buuxiyay baa talaa. Fursadaas in lagu maalgasho ayaan aaminsanahay.”

Maxamed ayaa sheegay in sida kaliya ee xal loogu heli karo tahriibka ay tahay in la abuuro fursado nololeed oo wanaagsan si dadku aysan u dareemin baahida keeneysa tahriibka.

Horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka, tababaro xirfadeed, iyo helitaanka nabad iyo xasilooni siyaasadeed ayuu tilmaamay inay yihiin duruufaha wax ka beddeli kara arrimaha tabriibka.

The post Muqdisho: Wiil ganacsi u hirgalay ku furtay lacag uu mar u qorsheeyay inuu ku tahriibo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Muqdisho: La kulan nin noloshiisa iyo midda qoyskiisa ku hormariyay xirfad uu bartay
(ERGO) – Axmed Cabdullaahi Bocoreey waa 45 jir ku kaafiyay xirfaddiisa samaynta agab dhirta lagu rido qoyskiisa oo kooban xaaskiisa iyo labo carruur ah oo uu dhalay. Wuxuu awooday inuu saddexda waqti, kirada iyo waxbarashada carruurtiisa uu ka maareeyo dhiraynta guryaha.

Ninkan ayaa ku faraxsan inuu wax soo saarka farsamadiisa ku helay dhaqaale daboolay baahiyiha qoyskiisa oo uu markii hore u maaro la’aa. Wuxuu ka hadlayaa culeysyada kaga degay xirfaddiisa aqooneed ee uu hadda miraheeda dheefsanaayo.

“Inaan dad ku tiirsanaado. Inaan qof shaxaado. Inaad qof baryo.  Waxyaabahaas oo dhan waan kaga kaaftoomay. Nolol wanaagsan iyo biil igu filan alxamdullilaah. Markaan shaqadan billaabay, gacantayda ayaan dhunkaday.”

Ka hor inta uusan billaabin shaqan nolosha qoyskiisa ayaa ku tiirsanayd foorno uu ka dubi jiray rooti oo uusan ka heli jirin dhaqaale ku filan baahiyaha reerkiisa, balse hadda waxaa u suuragashay inuu shaqadaas uga maarmo sancadiisa.

Wuxuu sheegay inuu bille u helo faa’iido u dhaxaysa 200-300 doollar. Lacagtan ayaa isbeddel nololeed u horseeday isaga iyo qoyskiisa. Wuxuu faahfaahinayaa sida uu u maareeyo daqligiisa.

“Waxaan u kala dabbaraa. Kiradaan isaga bixiyaan. Nolosha gurigayga, hooyo, habar yarm abtiyaal, eeddeyaal mar hore isugu kayn danbaysay wana wacaa. Waxaan dhahaa hal kiilo hilib ah ha loo sameeyo.”

Axmed ayaa gaaray heer uu caawiyo qaar ka mid ah xigtadiisa oo la ka-kacaa-kufaya nolosha. Wuxuu dib u milicsanayaa sidii ay ugu adkeyd inuu helo masruufka qoyskiisa inta uusan shaqadan ku dhiiran.

“Marar qaar waxaan waayi jiran hal dollar balse maanta taleefankayga lacag kama waayo alxamdullilaah. Dhan dhaqaale ayay ii kaafisay, dhan nadaafad, dharkayga, annoo lebbisan oo nadiif ah oo boor iyo foorno wixii iga muuqan, rafaad ayaa jiray.”

Ninkan oo muddo ku noolaa Sacuudiga ayaa waardiye ka ahaa garaash, mana heli jirin tixgelin, hayeeshee nin indonesiyan ah oo xirfaddan si wanaagsan u yaqaano ayay carabtu siin jireen qaddarin.

Bocoreey markii uu arkay sida mudnaan looga siinayo ninka xirfadlaha ah ayuu go’aansaday inuu ka barto. Bilowgii way ku adkaatay inuu ka aqbalo baristeeda, inkastoo dadaal iyo sabsabasho dheer u suuragelisay inuu ka meersado.

“Markii aan arkay ninkii oo la qaad-qaadayo waan masayray, juhdi ayaan geliyay inaan barto. Caqabado waa weyn ayaan kala kulmay inuu iga qariyo waxyaabo qaar. Ilaa aan ka soo ritay oo aan isku dhul dhigay mushaar kayga aan wax uga soo gado, oo aan dhaho dharka ayaan kuu dhaqi.”

Xirfaddan ayaa ah midda keliya ee uu reerkiisa ka maareeyo noloshooda, wuxuuna farsameeyaa agab dhirta lagu rito oo uu ka farsameeyo shamiindo, carro gaduud iyo rinji midabo kala ceyn ah ka kooban.

Agabka farshaxanka ah waxaa u raaca dhiraynta guryaha ay deggan yihiin qoysaska ladan, xafiisyada, xarumaha waxbarashada iyo hay’addaha. Xirfaddan keligiis iskuma koobin wuxuu sidoo kale baray dhallinyaro kale oo hadda iyana ku shaqeysta.

“Koox ayaan baray oo hadda ila shaqeeya. Hadda waxa ay marayaan heerkii labaad. Waa kalkaaliyaan sare. Xirfaddi way ku socotaa , shaqadii waan barayaa. Meelay ku tashtaan waaye, qoysaskooda ayay ka maareeyaan. Noloshooda isbeddel buuxa ayaa ka muuqda, markii hore meelaha ayay iska fadhiyeen.”

Ninkan ayaa shaqadan si rasmi ah u billaalay bartamihii sanadkii tagay. Intii uu hawshan wadday wuxuu ku guuleysay inuusan dabin dabka qoyskiisa. Sidoo kale wuxuu wax baray oo shan dhallinyaro ah oo hadda xirfadooda maala.

Axmed ayaa intaas raaciyay inuu farsamadiisa doonayo inuu ku caawiyo dad badan si ay uga baxaan dhibaatada shaqo la’aanta. Wuxuu sheegay inuu ka fekerayo sidii aqoontiisa uu u gaarsiin lahaa dad badan balse wuxuu leeyahay qorsheyaal u degsan si uu u gaaro yoolkaas.

“Marka hore waxaan ka billaabi inaan page You Tube ah aan ka sameeyo annoo dadka aan waxba ka qarinaynin inaan qof walba isagoo gurigiisa jooga ka baro. Markaan muddo aan jooyo oo aan is dhabo maanta waad iskaabtaa aan kireysto xarun weyn oo  Bocorray Akadheemiyo wiilal yaqaanna qurxinta soo saarta.”

Marka uu isku daro carrada, shamiindada iyo rinjiga waxa uu ka soo saarayaa agab u eg geedo la qoray, balse la dareemayo markii la taabto.

Bocoreey ayaa ku taamayaa inuu furo xarun lagu barto xirfaddan, si aysan u noqon mid isaga oo kaliya ku kooban, dadaallada uu ku gaarsiinayo bulshada sidii ay u baran lahaayeen xirfadiisa ayuu ka bilaabatay barta Tik Tok oo ay maalin ba dad boqolaal gaaraya ay ku soo biirayaan.

The post Muqdisho: La kulan nin noloshiisa iyo midda qoyskiisa ku hormariyay xirfad uu bartay appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Gaalkacyo: Ku shaqaynta mootooyinka oo xal u noqday nolosha dhallinyaro danyar ah
(ERGO) – Cali Maxamed Aadan waxaa u suurta gashay inuu ku filnaado maareynta nolosha qoys kiisa oo ka kooban 5 Carruur ah, hooyadood iyo isaga. Wuxuu sheegay inaysan ka warwarin in saddex waqti ay shitaan dabka.

Arintan ayaa u suurta markii uu ku shoqo billaabay mootada labada lugood leh oo uu caanaha uga soo qaado tuulooyin hoos taga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Mootada oo uu ku shaqeynayo tan iyo bishii November ayuu ka helaa $200. Dhaqaalahaas ayuu xusay in qoyskiisa uu ka saaray cunno yari ay wajahayeen muddo toddobo bilood ah oo uu shaqo la’aan ahaa.

“Aad ayay shaqadan wax ii tartay oo ciyaalkayga ayaan ka biishaa. Lacag badan kama helo oo keyd kama dhigto, laakiin nolosha reerka aadbay ugu filan tahay. Reerkii oo iga maqan biilkooda ayaan u diraa, anigu kiro ayaan iskaga bixiyaa iyo maqaayad aan wax ka cuno, intaasba iyadaa iga dabarta mootadan.”

Cali wuxuu ka mid yahay ku dhowaad boqol dhallinyaro ah oo ku shaqeysta mootadan oo magaalada ku soo badaneysay tan iyo bartamaha sanadkii hore.

Shaqadan oo uu u soo helay nin ay qaraabo yihiin ayuu sheegay inay u suurta galisay in waxbarashada dugsiga Qur’aanka uu dib ugu celiyo bishii December saddex carruur ah oo dugsiga laga soo ceyriyay, markii oo uu awoodi waayay inuu ka bixiyo $30 oo hadda uu ka dhiibo bishii.

Howshan ka hor ayuu xusay in reerka oo deggan deegaanka Far-libaax ee gobolka Hiiraan ay qaraabadu dabka u shidi jireen, marna uu deyn u soo qaadi jiray. Rag ay saaxiibbo yihiin ayuu tilmaamay inay magaalada ku hayeen oo uu la wadaagayay hoyga iyo cuntada, maadaama uusan is bixin karin.

“Ilaa hadda waan iska deymaysanahay, hadba xoogaa baan iska bixiyaa. Hadda $350 baa igu qoran hadba xoogaa iska bixiyaa, awal hore $800 laygu yeeshay, inta mootada waday inyar inyar ayaan iska jar-jarayey, waana iska wada bixin doonaa.”

Gaalkacyo ayuu tilmaamay inuu shaqo u soo raadsaday si hubanti la’aanta nololeed uu uga saaro qoyska oo beer ay noloshoodu ku tiirsaneyd oo hal hektar ah aan tacban muddo sannad ah roob yari darteed.

Hadda ayuu xusay inuu ku talo jiro in reerka uu keeno si ay ula noolaadaan, maaddama ay meesha ka baxday noloshii adkeyd ee kala geysay.

Cali oo 37 jir ah ayaa shaqeeya toddobaadka oo dhan. Galinka hore iyo kan dambe ayuu caanaha ka soo qaadaa xero magaalada u jirta 30 km oo geel ugu xareysan yahay rag ganacsato ah.

“Mootada qofbaa iska leh oo anigu darewal ayaan ka ahay. Awal hore caanaha waxaa lagu keeni jiray gawaari uu brobox ka mid yahay, marka waxaa la jecel yahay mootada oo 100km ku cuneysa saddex liiter oo kaliya, halka gaarigu uu cunayo soddon liiter. Faa’idadaas ayaa lagu arkay mootada.”

Mootadan oo qiimaheedu u dhexeeyo $1,000 illaa $2,000 malahan badi dhallinyarada ku shaqeysa, balse dhaqaalaha ay ka helaan waa mid muhiim u ah oo ay ku xalliyaan baahidooda aasaasiga ah.

Sakariye Aadan Xasan oo ka mid ah dhallinyarada ku shaqeysata ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoyskiisa oo dhaqaale darrada awgiis dul saar ku ahaa hooyadii uu hadda isagu biilo, ayna helaan cunto ku filan.

Wuxuu bishii mushaar ahaan u qaataa $150. wuxuu xusay inay tahay shaqadii ugu horeysay oo joogto ah oo uu helo. Caanaha ayuu ka soo qaadaa geel ku xareysan tuulada Godod oo 20km u jirta magaalada Gaalkacyo.

“Lacagta bille ayaan u qaataa, waxaan iskaga bixiyaa kirada, biyaha, korontada iyo biilka kale ee reerka, anigana waxaan ka isticmaalaa magaala joogeyga iyo labiskeyga. Waxaan ku jiraa nolol nadiif ah oo warwar la’aan ah.”

Qoys kiisa ayaa ku nool deegaanka Xarfo ee gobolka Mudug oo ay ka deggan yihiin guri uu waalidkiis leeyahay. Mootada oo uu ku shaqo billaabay bishii December waxaa barashadeeda ku caawiyay wiil ay saaxiibo yihiin oo howshan uga horeeyay.

Dhaqaale xumada ayuu tilmaamay inay gaarsiisay in muddo lix bilood ah uu kirishboy ka ahaa gaari aan mushaar lagu siin jirin.

Wuxuu sheegay in hadaf kiisu ahaa in la aamino oo uu shaqo barto. Nasiib wuxuu u yeeshay in halkii uu juhdiga ku bixiyay meel aan aheyn ay u noqotay il dhaqaale oo uu ku tiirsan yahay maanta.

Sakariye oo 25 jir ah ayaa tilmaamay in shaqadan ay ka dul qaaday dhammaan culaysadii nololeed oo dhaxal siiyay in lagu yeesho deyn ah $600 oo iskugu jirta raashin iyo lacag uu dukaamo ka qaatay.

“Markii hore waan iska shaxaatami jiray ama deyn ayaan u soo qaadi jiray reerka. Mar waxaan iska raaci jiray baabuurta si aan u helo waxaan cuno. Dhowr mar ayay igu dhacday intaad wax waayay in xaafadda aan dabka loo shidin.”

Sakariye oo ah aabaha hal wiil ayaa xusay inuu qorsheynayo bixinta lacagta lagu leeyahay iyo inuu gato mooto u leeyahay, si dhaqaalihiisu u kordho. Mootooyinkan laguma qaado caanaha oo kaliya ee sidoo kale waxaa kireysta oo labo ama hal qof ku raaca dadka aadaya ama ka imaanaya tuulooyinka hoos taga magaalada.

Qiimaha lagu raaco oo jaban iyo inay ka dhaqsiyo badan tahay gaadiidka afarta lugood leh waa sababta ay dadku ku door bidayaan. Xasan Maxamed Muuse waa ganacsade geel 50 ah oo xerada lagu quudiyo ugu xareysan yahay tuulada Godod.

Waxaa markii hore caanaha u geyn jiray magaalada gaari kiro ah oo hal waqti u yimaada galinka hore, kaas oo bishii uu siin jiray saddex boqol oo Doollar. Afartii bil ee ugu dambeysay ayuu sheegay inuu u wareegay mootada oo galinka hore iyo kan dambe u shaqeysa, bishiina uu siiyo $200.

“Faa’ido badan ayaan ku qabaa mootada, waxay ka qeyb qaadataa in shaqadeyda ay ii kala socoto oo duruufteyda ayay muhiim u tahay. Awal hal shaqsi oo gaari wata ayaan sugi jiray. Haddii uu doono wuu iska daneysanayaa oo maba imaanayo, markaas ayay caanihii iga hallaabayaan. Mar macmiilkii ayaa igu soo qeylinaya oo dhahaya aaway caanihii, laakiin hadda wax waliba waa deg deg sidaan u helay mootada.”

Gaariga oo kiradiisu ku badneyd ayuu xusay inuu ku qasbayay in barqadii oo kaliya ay iib geeyaan caanaha, maadaama ay lacagtu noqoneyso lix boqol oo Doollar bishii, haddii uu labada galin u shaqeeyo.

Caanaha geela ayuu tilmaamay in bishii uu ka faa’ido ugu yaraan $3,000. Xilligan oo jiilaal ah xoolo dhaqatada guur guurta way adag tahay in caano ay ka helaan duunyada ay dhaqdaan oo ay u la’ yihiin biyo iyo baad ku filan.

The post Gaalkacyo: Ku shaqaynta mootooyinka oo xal u noqday nolosha dhallinyaro danyar ah appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Hal-abuur ganacsi oo ka caawiyay haweenka Goobwayn soo kabasho nololeed
(ERGO) – Maryan Khaliif Digaale ayaa ku filnaaday masruufka qoyskeeda oo 10 qof ah. Waxaa u sahlay dhaqaale ay ka heshay ganacsi loo maalgaliyay bishii October sanadkii hore. Waxay hadda u awood carruurteeda cunno saddex waqti.

Waxay ka mid tahay 90 haween ah oo ka soo jeeda qoysas ay saameeyeeen abaaro iyo fatahaado oo lagu taageereen min $500. Ganacsigeeda oo khudaar ah waxaa macaamiil joogto ah u noqday boqollaal qoys oo ku nool deegaanka Goob-weyn iyo duleedkiisa.

Waxay xustay in ay maalinkii ka hesho faa’iido u dhexaysa $6 ilaaa $7 oo reerkeeda ka saartay nolol xumo ay muddo ku jireen.

“Wax iga maqnaa ayaan helay aad ayaan u wacanahay, waxna waan dhigtaa, waxna ilmahayga ayaan ku maareeya, qaarna miiska ayaan galiyaa oo markii khudaarta iga go’do waan dirsadaa.”

Maryan ayaa sheegtay in markii lacagta la siiyey ay 30 haween ah oo ay isku koox ahaayeen ku heshiiyeen in ay samaystaan kayd dhaqaale oo ay isku furdaamiyaan xilliyada ay culaysyadu ku soo kordhaan.

Waxay xustay in bishii ugu horaysay qof kasta uu iska jiray $40 oo isku geyn u noqotay $1200, taas oo dhigaalkooda ay ka bilaabeen.

Haweenaydaan ayaa xustay in qoyskeedu uu ganacsigaan ka hor ku tiirsanaa deyn iyo dad qaraabadeeda ah oo ay ka heli jireen raashin hal waqti ay cunaan.

“Dad ban ku tiirsanayn markii hore. Dadkii la qoraayay ayaan ka mid noday. Ilmo agoon ah ayaan haystaa oo qof kaligii guri degan ayaan ahay oo oday aan ku tiirsanayn ilaahay ayaa arintaan watay.”

Maryan ayaa tilmaamtay in bishii Noveember ay dhamastirtay sandaqad ay ka dhistay qayb gurigeeda ka mid ah oo ay kaga baxday $250.

Waxay xustay in ay ganacsigeeda u soo wareejisay goobtaan cusub ayna kaga maarantay miis ay awal maalinkii qoraxda ku dhib qabtay. Waxay iibisaa noocyada kala duwan ee khudaarta, taas oo u noqotay fursad dhaqaale.

Waxay tilmaamtay in ay bixisay $50 oo shan bil looga lahaa iskuulka Goob-weyn oo dugsiga hoose dhexe ay u dhigtaan saddex carruur ah. Waxay hadda samaysatay dad meelo kaduwan jooga oo ganacsigeeda ku xiran.

“Macaamiil ayaan leenahay. Telefoon ayaa jira wixii aan rabno noo sii dhiib ayaan dhahnaa, sidaas ayay noogu imaadaan bocor, yaanyo, baamiye, basal, moos aan Kismaayo ka soo qaato, beer hadda warkeed ma leh.”

Maryan qoyskeedu waxay ku noolaayeen duleedka deegaanka Goob-weyn, halkaas oo ay ugu taallay beer 4 hektar ah. Waxaa uga soo go’I jiray dalagyo khudaar iyo raashin ah oo ku filnaa.

Bishii May 2023 iyadoo ay u beernaayeen dalagyo kala duwan oo ay ku maalgalisay lacag $300 ayuu webigu ku fatahay beerteeda. Wixii markaas ka danbeeyay waxaa carruurteeda oo agoon ah u bilaabatay nolol hubaanti la’aan ah.

Waxay xustay in ay hadda qorshaynayso in ay beerteedii dib u tacabto iyada oo bil kasta meel u dhigta lacag ay si maalinle ah u aruuriso. Waxay aaminsan tahay in haddii ay arrintaas u suurawdo ay helayso wax-soo-saar laba dhinac ah.

Dumarka ganacsiyadan loo aas-aasay ayaa ka siman faa’iido dhaxal siisay is beddelka dhaqaale. Qof walba aya doortay fikrad uu la yimid, kadibna loo maalgaliyay.

Aamina Shide Dhinbil waxay si welwel la’aan ah ku debartaa nolosha qoyskeeda oo 12 qof ah, markii ay 10 bishii October bilowday ka ganacsiga dharka iyo kabaha. Waxay sheegtay in ay ka ka baxeen culays dhaqaale oo haystay.

Dukaankeeda oo ku yalla bartamaha Deegaanka Goobwayn ayaa leh macaamiil joogto ah. waxay xustay in ay ku bixiso dedaal dheeri ah oo u sahlay in ganacsigeedu uu muddo kooban ku sameeyo kobac muuqda.

Waxay iibsatay dhulka shan mitir ah oo ay ka dhisatay hal qol oo ay hadda ku ganacsato. $400 oo deyn ah ayaa kaga baxday, taas oo loo qabtay in ay ku bixiso muddo sanad ah. lacagtaas ayay bilowday aruurinteeda.

“Dhul ayaan gatay waa dhistay sodon iyo laba xabo oo foosta ah ayaan ku wareejiyay korna waxaa laga saaray laman-yeeri ganjeel ayaa iigu xiran. Meeshaas ayaan hadda ku ganacsadaa markii hore meel aan fariisto oo la iigu yimaado ma aanan haysan.”

Aamina ayaa sheegtay in marka ay iska bixiso deyntaas ay bilaabi doonto qorshe ay dukaan kale kaga furanayso deegaanka Istanbuul si ay balaariso ganacsigeeda una hesho macaamiil badan.

Waxay tilmaamtay in ay la macaamisho ganacsato waa weyn oo ay jumlado uga soo qaadato alaabta kadibna ay sii cadayso, iyada oo faa’iido yar saaranaysa. Faa’iido maalinle ah oo marba in ah ayay u kala qaybisaa dhamaan baahiyaha qoyska iyo bixinta deynta.

“Suuqa mar waa xun yahay oo waxba kuma soo galaayo oo marka ay ugu badato $10, $15 ayaad helaysa, maalina $20 ilaa $25 sida markas uu u macaan yahay weeye. Waxaas lee isku celceliyaa oo ilmahana iskuulka iyo dugsiga looga bixiyaa.”

Aamina ayaa xustay in lix carruur ah oo iskuul iyo dugsi qur’aan u dhigta ay labadii bil ee ugu danbaysay joogto uga bixiso $50 oo ay wax ku bartaan. Intii aysan ganacsigaan bilaabin waxaa ka bixin jirtay walaasheed, balse ay ka maarantay hadda.

Qoyska haweenaydaan oo markii hor ahaa xoolo dhaqato ku nool miyiga deegaanka Goob-weyn ayaa abaar saamaysay bartamihii 2022 ay kaga dhinteen 30 neef oo ari iyo lo’ ah oo ugu danbeeyay.

Cayrtowgaas ayaa ku qasbay in ay tuulada yimaadaan. kaalmo ay ka heleen ehelkood ayay ku dhisteen guri cariish ah, iayadoo iskuulka deegaanka ka bilowday shaqo cunto karin ah oo maalinkii ay ka heli jirtay $1.6.

Waxay tilmaamtay in aysan lacagtaasi ugu filnayn cunto hal waqti ah, balse ay dabka saran jireen wixii yar ee ay u goyso. Aamina ayaa sheegtay in ganacsigaan uu ka saaray nolol adag oo ay qoyskeedu ku jiraan saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Raado Maxamed Ibraahim oo ah gudoomiyaha haweenka ka faa’iidaystay fursadahaan ayaa sheegtay in la soo xulay dadkii xaaladaha ugu liita ku jiray, kuwaas oo hadda dhaqaale ahaan is badalay.

Waxay tilmaamtay in ay sameeyeen xog aruurin la xiriirta qoysaska dabku ka damsan yahay ee tuulada degan si looga faa’iideeyo fursadaan maalgalinta ah ee soo baxday.

Raado ayaa xustay in ay samaysteen nidaam ay isku raacsan yihiin oo dhaqaale ay ku aruursadaan, qofkii ganacsigiisu dhib la kulmo lagu taagulaynayo.

“Bishii laba mar ayaan fariisanaa qofka magaciisaa la qorayaa, lacagta uu dhigtay ayaa la qorayaa,  taarikhda waa la qorayaa, waa la diiwaaan galinayaa waxii la aruuriyo. Haddii gabadh wax u soo baahato waa la siinaa, haddii uu boqol u yaallay sadex boqol ayay qaadan kartaa.”

Dadka abaaraha iyo fatahaada ku hanti beelay oo soo maciin biday tuulooyinka iyo xeryaha barakaca inta badan kuma dhiiradaan in ay la yimaadaan qorshe ay kaga bixi karaan nolosha adag, sababtoo ah in aysan garab istaag dhaqaale heli karin badankoodu.

The post Hal-abuur ganacsi oo ka caawiyay haweenka Goobwayn soo kabasho nololeed appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.