(ERGO) – In ka badan 300 oo arday ah oo dhiganayay dugsiga hoose iyo dhexe ayaa waxbarasho la’aan noqday tan iyo bishii December ee sanadkii hore. Waxaa saameeyay roob yari ka jirta gobolka Bay oo ku qasabtay in ay barakaaan.
Arrintan darteed waxaa irdaha loo laabay in ka badan 20 goobo waxbarasho oo ay dhiganayeen sida uu inoo sheegay Xuseen Aaadan oo ah guddomiyaha deeganka Goof-gudud iyo deegaannada hoostaga.
Qoysaska ay carruurtaan ka soo jeedaan oo ah xoolo-dhaqato iyo beeraley ayaa kabayaashoodi dhaqaale ku waayay roob la’aan. Xasan Isxaaq Sabri ayaa ka mid ah.
Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in 4 carruurtiisa ah aya waxbarasho la’aan yihiin. Wuxuu kala soo barakacay dugsi hoose iyo dhexe oo ku yaalla deegaanka Oflow roob la’aanta darteed.
Wuxuu xusay inuusan u awoodin $10 oo qofkiiba wax lagu baro iskuullada gaar loo leeyahay ee magaalada Baydhabo.
“Iskuulkii ay dhigan jireena waa xirmay dhaqaale xumo waalidinta carruurta haysa darteed. Waa soo barakacnay xero barakac ayaan joogna hadda. Waxaan ka cabsi qaba in ay mandooriye iga bartaan carruurta.”
Xasan ayaa sheegay inuu naawilayay in ay tacliinta heer wanaagsan ka garaan carruurtiisa, balse ay taasi meesha ka baxday. Wuxuu tilmaamay in ay si joogto ah u waydiiyaan inuu waxbarashada uu sii wado, hasa ahaate uusan awoodin.
Ninkaan ayaa tilmaamay in waligiis uu reer miyi ahaa, horrayna uusan u soo helin fursad waxbarasho, balse uu raja ka qabay in ilmihiisa ay waxbartaan.
Shaqooyin xamaal ah oo uu marar kala duwan ka raadiyay magaalada si uu reerka ugu dabaro, carruurtana waxbarasho ugu helo ayuu ku hungoobay.
Wuxuu u sababeeyay dhaqaale xumo magaalada ka jirta oo yaraysay shaqooyinkii xamaalka ahaa. Wuxuu xusay in waxbarasho la’aanta carruurta ay qoyskiisa 13 ah ay u dheer tahay cunno xumo.
Waxay ku tiirsanyihiin kaalmo ay ka helaan dadkii xerada uga soo horeeyay oo ay hal mar dabka ku shitaan maalinkii.
“Markii hore saddex waqti ayaa carruurta cuntada loo karin jiray oo waa ladnayn, laakiin hadda waxbo ma heli karno.”
Xasan ayaa tilmaamay in reerkiisa ay sidoo kale culays kala kulmayan helitaanka biyaha. Waxay ku tiirsanyihiin 20 liitar oo ay ka soo dawarsadan dadka kaga soo horreyay xerada.
Waxaa intaas u dheer hoy la’aan. Wuxuu tilmaamay in carruurta ay habeenkii u geeyaan qoysas ay buushash u dhisan yihiin si ay ula seexdaan, halka dadka waaweyn ay darmo dhigtan meelo banaan.
Maalinkii ayay gabadsadan geedo aan har lahayn roob la’aanta darteed. Ninkaan oo ah 55 waqtigiisana ku soo qaatay deegaanka Oflow oo uu ku lahaa beer roobaad 4 hiktar ah ayaa sheegay in xilligaan ay wajahayaan noloshii ugu adkeed ee ay abid mutaan.
Wuxuuu xusay in labo xilli oo xiriir ah uu ku qasaaray dalaggii uu beertay roob la’aan darteed. wuxuu halkaas ku wayay $350 oo uu abuurka ku soo iibiyay.
Dhanka kale waxaa daaq xumo iyo cudurro uusan aqoon oo isku biirsaday ku dhaafay 32 neef oo arri ah oo uu dhaqanayay.
Wuxuu tilmamay in uu aad uga rajo xun yahay in uu ka soo kabto saamaynta gaartay qoyskiisa, maaddaama dhamaan ilahoodii dhaqaale ay meesha ka bexeen.
Roob yarida soo laalaabatay ayaa dhinac kasta ka saaamaysay nolosha dadka reer miyiga ah iyo kuwo tuulooyinka degan oo xoolaha iyo beeraha ku tiirsanaa.
Hanti beelka ku dhacay ayaa keenay in aysan dib u soo kabsan karin. Cali Macalin Xasan waxaa waxbarasho la’aan guriga u jooga tan iyo bishii December ee sanadkii na dhaafay shan carruur ah oo deegaanka Aarag uga dhigan jireen fasallada 2, 4 iyo 5.
Isku darkooda wuxuu bishii ka bixin jiray $30 oo hadda uusan heli karin. Tacliinta la’aanta soo wajahday carruurtiisa ayuu xusay in ay ku beertay walwal uu ka qabo mustaqbalkooda.
“Lacag aan waxbarashada ugu sii wado ma heli karo, waxbarasho la’antoodana murug tiro badan ayay igu haysa.”
Cali ayaa sheegay inuusan hayn $50 oo laga doonayo iskuullada lacagta ah ee magaalada Baydhabo. Xerada Ceel-bay 1 oo ay hadda joogaan ayuu tilmaamay in aysan iskuul lahayn kuwa u dhowna ay qaali yihiin.
Wuxuu sheegay in carruurtiisa oo faham fiican ka haystay waxbarashada uu ka cabsi qabo in ay ka lumaan waxyabahii ay soo barteen. Wuxuu tilmamay in ay ka niyad jaban marka ay arkaan carruurta da’dooda ah ee waxbaranaya.
Cali ayaa sheegay in daruus la’aanta ay carruurtiisa u dheertahay nolol xumo ku haysata xerada ay soo miciin bideen. Qoyskiisa oo 12 ah waxay hal mar maalinkii cunaan ugu badnaan killo raashin ah oo ay xaaskiisa ka soo tuugsato xaafadaha magaalada.
Mararka qaar oo aysan soo helin ayuu tilmaamay in ay gaajo ku seexdan. Biyaha ayuu xusay in ay yihiin waxaa ugu adag ee haysta.
“Ceelal gaar loo leeyahay ayaa ugu badnaan toban tallaabo noo jira, dadkii hore ee xerada qaar dayn ayay uga soo qaatan qaarna waa ka soo iibsadan, balse anaga intaba ma awoodno. Dayn noolama ogolo oo meesha waa ku cusub nahay. Biyaha aad ayaan ugu dhib qabna helidooda.”
Cali ayaa sheegay in reerkiisa ay ku tiirsanyihiin 10 liitir oo ay marba qoys waydiistaan dadka dhaama ee biyaha iibsan kara. Wuxuu tilmaamay inuusan ku filnayeen, balse aysan beddel kale haysan, maaddama aysan awoodin $0.2 oo halkii jirgaan ay iibiyaan ceelasha.
Qoyska Cali ayaa xaaladaan ku qasbanaaday, markii ay ka nacfi beeshay beer 3 hektar ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd. Dallagyo iskugu jiray Galley, digir, masago, qare, yaanyo iyo bacor oo uu galiyay bishii Abriil ee sanadkii hore ayaa biyo yari iyo cayaayaan ka galay darteed uga qalalay.
Wuxuu xusay in ay kaga baxday $400. Lacagtaas oo dhamaan dayn ahayd ayuu tilmaamay in hadda si joogta ah loo soo waydiiyo, balse uusan aqoon qaab uu ku bixiyo.
Qoyska ninkaan ayaa barakaca ku qasbanaday bishii Diseembar ee sanadkii tagay markaas oo uu ka dhamaaday kayd raashin ah oo iskugu jiray galley iyo digir oo u soo go’ay dabayaaqaddii sanadkii 2024.
Waxay filayeen in xeryaha ay ka helayaan nolol dhaanta toodii walow ay ku hungoobeen damacooda.
Maxamed Aadan Ibraahim oo ah godoomiyaha xerada Ceel-bay 3 ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoysaska soo gaaray xerada ay ku sugan yihiin xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Wuxuu xusay in aysan helin karin dhamaan adeegyada nolosha aas-aasiga u ah.
Dhaqaale yari haysa iyo tirada dadka oo badan darteed ayuu sheegay in aysan waxbo ku caawin karin.
“Tabar aan wax uga beddelno xaaladooda mailihin. Hay’adaha iyo cid walbo waxaan ugu baaqayna in loo soo gurmado.”
Guudoomiyaha ayaa sheegay in ku dhawaad 500 oo qoys oo wata carruur ku jira da’da waxbarashada ay diiwaangaliyeen tan iyo bishii December ee aan ka soo gudubnay.
Daruufaha kala duwan ee soo wajahaya qoysaskooda ayaa sanad walbo waxbarasho la’aan dhiga boqollal carruur ah oo horray tacliin u haystay. Arintaas waxay dhibaato ku tahay mustaqbalkooda, sidoo kale waxay meesha saartay mid ka mid ah xaquuqaha aas-aasiga ah ee carruutu leeyihiin.










