Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo ka dhalatay gargaar ka istaagay boqollaal qoys oo ku nool Mudug

Jibril Osman by Jibril Osman
March 11, 2026
in Wararkii u Danbeeyay
0
Nolol xumo ka dhalatay gargaar ka istaagay boqollaal qoys oo ku nool Mudug

Haween barakac ah oo ku howlan helidda meel ay dagaan/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaalad nolol-xumo oo aad u liidata ayaa soo fodsaartay 476 qoys oo barakac ku ah xerada khayr-door ee duleedka magaalada Bacaadwayn ee gobolka Mudug.

Xaaladdaan ayaa qabsatay markii ay ka go’day kaalmo ay ka heli jireen hay’ado samafal ah, sidoo kalana lacag laga dhigay biyaha tubo xerada ku taalla.

Jaamac Maxamuud Muuse oo ka mid ah dadkaas ayaa sheegay in qoyskii oo 12 qof ah uu u awoodi la’yahay cunto iyo biyo tan iyo bishii Diseembar ee sanadkii hore.

Wuxuu tilmaamay in xaaladdaas ay u hor seeday nolol xumo ka sii daraysa. Waxay hal waqti cunaan raashin aan ku filayn oo ay ku caawiyaan dad ay qaraabo yihiin oo ku nool magaalada.

Wuxuu tilmaamay in sidoo kale ay culays ku qabaan in ay iibsadaan biyaha hal tubbo oo xerada ku jirta taas oo jirgaankii la siiyo $1.3, sidoo kalana ah biyo kharaar oo ay adag tahay in la cabo.

“Waxaan nahay dad jilicsan sadexda waqti mid baan wax cunnaa. Biyaha noo xiran oo $1.3 uu jiirgaankii yahay. 4 bil iyada oo hadda la igu leeyahay ayaa la iga jartay. Wax meel nooga yimaadaa ma jiraan.  Dad xoolo iyo shaqo midna haysta maajin.”

Jaamac ayaa tilmaamay in muddo labo sano ah oo ay ku noolaayeen xerada ay waxa kaliya ee ay ku tiirsanaayeen ay ahaayeen deeqda hay’adaha, balse aysan helin muddo lix bil ah. arrintaas ayaa sababtay in ay mutaan xaalad aad u liidata.

Waxaa ugu danbeeyay kaar uu ka qaadanayay hay’adda WFP oo bishii uu ka helayay $75 balse ka go’ay bartamahii sanadkii tagay. Waxaa intaas u dheer dayn gaaraysa $300 oo uu raashin uga qaatay dukaanno ku yaalla Bacaadwayn.

Wxuu xusay in hadda ay u diideen dayn kale ayna ku cadaadiyaan in uu bixiyo tii hore. Wuxuu tilmaamay in haddii ay sidaan ku sii jiraan uu cabsi ka qabo in carruurtiisa ay nafaqo darro kaga dhacdo cunno xumada darteed.

Wuxuu intaaas ku daray in sidoo kale ay wax barashada ka hareen sanadkaan afar ka mid ah carruurtiisa oo dugsiga hoose iyo dhexe ka dhiganayay iskuul ku yaalla Bacaadwayn, markii uu bixin wayay qarashka ku baxaya oo isku darkooda ah $35.

Qoyska jaamac ayaa ka soo barakacay sanadkii 2023 miyiga magaalada Gallaadi ee dowlad deegaanka soomaalida markii ay daaq la’aan iyo cudurro isku raacay uu ku dhaafay 70 ari ah oo ay dhaqanayeen.

Wuxuu tilmaamay in xilligaas uu magaalada Bacaadwayn u soo doortay ka dib markii ay kula taliyeen dad ay qaraabo yihiin oo uga soo horreeyayay, kuwaas oo u sheegay in uu ka helayo caawinta hay’adaha.

Ninkaan inkasta oo uu ahaa xoolo-dhaqato aan xirfad kale uu uu ku shqaysan karo haddaana wuxuu subax kasta safar lug ah ugu kallahaa magaalada Bacaadwayn oo u jirta xerada 10 km. wuxuu ka raadiyaa shaqo xoogsi ah walow uusan helin inta badan.

Maalmo dhif ah oo uu helo gawaari rar laga dejinayo, ayuu sheegay in la siiyo ugu badnaan $5, taas oo aan ku filnayn qoyskiisa ballaaran.

Dhamaan dadka ku barakacay xerada ayaa si isku mid ah u wajahaya nolol xumada. Siraad Maxamuud Dalmar waxay cunno iyo biyo ku filan u la’ dahay todobo carruur agoon ah oo ay kaligeed korinayso.

Waxay tilmaamtay ay saddexdii bil ee ugu danbaysay ay carruurteeda ku masruufayso biyo iyo cunto ay ku caawiyaan dadka xerada degan oo ay ku dhex wareegto. maalamaha qaar ee ay soo wayso ayay tilmaamtay in ay gaajo ku joogaan taas oo welwel ku haysa.

“Haddii loo helo hal waqti wax la cuno waqtiga kale baa lagu dhawraa. Markaas waxa aan helanan dadkaa muslimka ah ee walaalahaya baan u tagnaa oo caawin ka dalbanaan.”

Siraad ayaa sheegtay in nolol xumada ay u dheertrayahay dayn gaaraysa $300 taas oo ay ku qaadatay biyo iyo raashin. Dadka leh ceelka tubada laga soo jiiday ayay tilmaantay in ay ka goosteen 10 bishii Janaayo ee sanadkaan xilligaas oo ay isku gaartay $50 oo ah labo bil lacagtood.

Qoysaskan waxaa intaas u dheer caqabad dhanka hoyga ah. Ma haystaan guryo ay ka galaan kulaylka maalintii iyo qabowga habeenkii. Waxay sheegtay in uu ka dumay dibna ay u dayactiran waysay buush calallo ka samaysan oo ay muddo deganeed.

Qoyska Siraad ayaa ka soo barakacay sanadkii 2017 miyiga magaalada Bacaadwayn, halkaas oo ay ku dhaqanayeenn30 ari ah oo ahaa waxa kaliya ee ay ku tiirsanaayeen. Waxay sheegtay in xilligaan ay wajahayaan nolol xumaddii ugu liidatay ee ay abid mutaaan.

Dadka ku nool xerdaa Khayr-doon oo ah midda ugu wayn xeryaha barakaca Bacaadwayn. Xeraddu malahan dhamaan adeegyada aas-aasiga ah sida waxbarashada iyo goobo caafimaad toona. Qofka xanuunsada waxay dadka garabka ugu soo qaadaan magaalada 6 km ka durugsan.  

Sidoo kale biyaha oo horay bilaash u ahaa ayay maamulka ceelka ka dhigeen lacag bishii diseembar ee sanadkii hore.

Cabdiweli Axmed Maxamed oo ah guddoomiyaha xerada ayaa sheegay sheegeen in dadka gacanta ku haya ay ka baxeen heshiis horay ay ula galeen dad qurma joog ah oo u dhiibay lacag dhan $17,000 oo kula heshiiyay in ay dadka biyaha bilaash ku siiyaan.

Dhanka maamulka ceelka oo aan la xiriirnay manoo suuraabin in ay ka jawaabaan eedda loo jeediyay. Maamulka xerada ayaa sheegay geestooda in ay dhawr mar la wadaageen cabasho balse aan looga jawaabin.

Waxay intaas ku dareen in biyaha oo hadda qaali ah aysan suuragal ahayn in ay sii gataan dadka oo dhaqaalahoodu uu hoos u sii dhacayo.

“Dadkan hoy ma helin mid u bedelana ma helin buushashkii oo dhamaaday baa hoy u ah rug caafimaad ma helin oo bacaadweyn oo lix km u jirta baa gabadhii foolata ugu dhow dumar iyo carruur ayuu dadkani u badan yahay halkaas baa loo qaadaa qofkii bahal qaniino Mch ka Bacaadweyn baa rug caafimaad ugu dhow rug waxbarasho ma leh oo sadex boqol carruur ka badan baa jooga wax barashana ma helin.”

Abaaraha, roob yarida iyo saamaynta isbeddelka cimilada ayaa boqolaal qof oo soomaali ah saamayn ku yeeshay noloshooda gaar ahaana reer guuraaga oo qaarkood cayroobay. Waxaa u raacay gargaarkii ay heli jireen oo istaagay.

Previous Post

Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood

Related Posts

Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood

March 10, 2026
Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

March 6, 2026
Gedo: Rag shaqo ka helay beero ku yaalla Baardheere oo qoysaskooda ka saaray nolol xumo
Cunto-Yaraanta

Gedo: Rag shaqo ka helay beero ku yaalla Baardheere oo qoysaskooda ka saaray nolol xumo

March 5, 2026
Mudug: Daymo ka istaagay iyo abaaro is xig-xiga oo nolol xumo u bidday boqollaal beeraley ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bari: Nolol xumo ku dhacday beeralayda Caluula markii ay biyo la’aan uga qalaleen dalagyada

March 4, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bay: Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta qoysas ka barakacay roob yarida

March 3, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

In ka badan 120,000 oo qof oo biyo yari sababtay cunno xumo ku wajahaya Xagardheer

March 2, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-MAR-2026

IDAACADDA 11-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAR-2026
March 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAR-2026
March 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-MAR-2026
March 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAR-2026
March 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAR-2026
March 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo