Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood

Jibril Osman by Jibril Osman
March 10, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood

Qoys ka barakacay bacaadka guurguura oo saamayay deegaankooda/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan ayay wajahayan ku dhawaad kun qoys oo beeroley ah oo bishii 11 ee sanadkii hore barakac ku yimid duleedka degmada shalaanbood ee gobolka Shabeellaha hoose.

Waxay deegannada Mushani, Gaarilow, Bariire iyo miyiga ku dhow uga soo barakaceen dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda, Ausom iyo Shabab iyo roob yari saameeysay.

Nuur Maxamed Cabdullahi oo ah aabbaha qoys oo ah 17 ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay awoodi la’yihiin maareynta nolosha. Hla mar oo ka mid ah maalintii ay dabka ku shitaan raashin lagu caawiyay.

Wuxuu sheegay in mararka qaar oo ay ka waayen raashin oo ay siiyaan dad daris la’ah, taas oo ku qasabta in ay qatooyo ku seexdaan.

Xaaladii ugu darnayd ee ay abid mutaan ayuu xusay in ay xiligaan ku sugan yihiin.

“Dadka ayaa wax yar na siiya. Bacaadkii magaalada ku soo rogmaday ayaan soo dul dagnay. Dabaysha iyo bacaadka is wata ayaan dhibane u nahay.”

Nuur ayaa sheegay in qoyskiisa ay culays kala kulmayaan helida biyaha. $0.2 oo 20 liitar laga iibiyo ceel riig ah oo ku yaalla meesha ay soo miciin bideen oo dhul banaan ah ayuu xusay inuusan awoodin in uu iibsado.

Hal jirgaan oo ay ka soo dawarsadan dadka shubta biyaha ayuu xusay in habeen iyo maalin ay ku joogan. Wuxuu tilmaamay in qoyskiisa oo balaaran darteed aysan biyahaasi ku filneyn.

Waxay u adeegsadan cabista oo kaliya iyo in ay hal mar cunada ku karsadan. Malmaha qaar ayuu sheegay in dadka waaweyn ay oon ku joogan oo ilmaha kaliya la siiyo.

Qoyskiisa ayaa dhanka kale ay wajahaya hoy la’aan. Waxay gabaadsadan cooshad ay ka samaysteen maryo duug ah iyo ulo la isku geeyay, kaas oo u nugul qoraxda.

Dabeysha iyo bacaad guur guura oo ku sii fidaya magaalada Shalanbood, sidoo kalena aan ku filnayn reerkiisa oo badan.

Wuxuu sheegay in bacaadka ku soo rogmaday magaalada oo sababay in dadkii dagana qaarkood ay ka barakacan ay keentay in ay meesha ka baxaan shaqooyinkii xamaalka ahaa.

Culaysyada isku biirsaday ayuu walwal ka muujiyay.

“Baad, biyo iyo shaqo toona ma heli karno. Markii hore dad ladan ayaan ahayn. Haddii ay marti noo timaado waan dabari jirnay oo wax walbahaar ah kama aan qabin, laakiin hadda anagii ayaa dawarsi ku soo aruurnay.”

Nuur ayaa sheegay in xaaladan ay uga waxbarasho beelen 10 carruur ah oo dugsi Qur’aan uga dhigan jiray deeganka Mushani oo ay ka soo barakaceen, kuwaas oo bishii uu ka dhiibi jiray $50.

Iskuulladii magaalada qarkood ayuu sheegay in bacaadku saameeyay, kuwa ay waxbarashadu ka socotana uusan u awoodin in uu geeyo carruurtiisa faro marnaanta haysa darteed.

Wuxuu xusay in halkii arday laga doonayo $6 uusana tahli karin. Culaysyadaasi waxaa ninkaani u dheer in si joogta ah loo soo waydiiyo dayn looga leeyahay deegaankii uu ka yimid.

“$400 ayaa la igu leeyahay waxay igu gashay raashin aan reerka u soo qaaday. Dadkii aan daynta ka qaatay oo muddadi ay ii qabteen ay dhamaatay ayaa si joogta ah ii soo wacaya. Mar walbo waa u dan sheegta oo waxbo ma heli karo ayaan dhahaa.”

Nuur oo 56 jir ayaa sheegay in dalagyo iskugu jiray yanyo, bacor, barbarooni, qare, galley iyo digir oo uu beertay bishii Agoosto ay biyo yari uga qasaareen uusana waxbo ka faa’iidin.

Kayd galley iyo digir ah oo ay tashiilanayeen ku dhawaad 10 bilood ayuu xusay in intii ugu danbaysay ay ka dhamaatay markii ay soo barakacayeen. Colaada oo uga sii dartay xaaladooda ayaa ku qasabtay in ay isaga soo tagaan deegaankooda.

Qoysaskan oo ka yimid miyiga iyo tuuloyinka ayaa soo gaaray magaalada Shalaanbood oo bacaad uu ku soo rogmaday, taas oo hubaanti la’aan kale u horseeday. 

Cabdullaahi Ibraahim Cali waxaa qoyskiisa oo 10 ah ku adag helida nolol- maalmeedka. Waxay hal mar helaan raashin bisil oo ay xaaskiisa ka soo dawarsato qoysas dagan galbeedka magaalada oo uusan wali bacaadku gaarin.

Mararka qaar oo aysan soo helin ayuu tilmaamay in ay qatooyo ku joogan, maaddaama aysan beddel kale haysan. Dhanka kale waxay reerkiisa dhibaato ku qaban helida biyaha. Hal jirgaan oo ay waydiistaan ceel riig ah oo gaar loo leeyahay ayay ku tiirsanyihiin.

“Ceel meesha ku yaalla oo biyihiisu dhanaan yihiin ayaan ka helnaa biyo yar oo aan nagu filnayn. Haddii aan iibsan lahayn biyo badan ma awoodno. Waysada iyo qubayska waa inaan xadiidna si ay noogu tashiilmaan.”

Cabdullahi ayaa sheegay in duleedka Shalaanbood oo ay soo miciin bideen ay ku wajahayan hoy la’aan. Waxay gabaadsadan buush callalo ka sameeysan oo ay ku caawiyeen dadka deeganka, kaas oo aan wada qaadin, sidoo kalana aan ka celin karin qoraxda iyo qabowga midna.

Ninkaan ayaa sheegay in aysan helin nolol u dhaanta middii ay ka yimaadeen. Wuxuu cabsi qabaa in uu mar kale barakaco carro guurka magaalada ku sii fidaya dartiis.

“Bacaadka guriyihi magaalada ayuu ku soo rogmada, qaarkood ayuu ka sara maray. Samaayn badan ayuu ku yeeshay nolosha dadkii ku noola. Illa xilliga xagaaga ama roobka laga gaarayana sidaas ayuu ahaanaya.”

Cabdullaahi inuu maarayn la’yahay nolosha qoyskiisa waxaa u dheer dayn gaareysa $330 oo uu raashin iyo abuur uga qaatay dukaamo ku yaalla deeganka Bariirre oo ay ka soo barakaceen.

Qoyska ninkaan oo tacabka beeraha ku tiirsanaa ayaa ku qasbanaday xaaladan, markii ay isku raaceen roob yari iyo dagaallada deegaankooda ka jira.

Wuxuu sheegay in markii ugu danbeysay uu bishii tobannaad ee sanadkii hore galiyay beertiisa dallagyo isku jira qudaar iyo raashin, balse biyo yari iyo cayayaan uu tabar u waayay ay ka baabi’iyeen.

Dhaqaale la’aanta haysa iyo xaalada ay qoyskiisa ku sugan yihiin ayuu rajo xumo ka muujiyay.

Dhanka kale Nuur Cusmaan Raage oo ah guddoomiyaha degmada shalaanbood ayaa sheegay in qoysaskaan ay wajahayan xaalado adag oo dhanka nolosha ah. Dhaqaale xumo haysa darteed wuxuu xusay in aysan waxbo ku caawin karin.

“Wax kaalmo ah ma helin. Bacaadku saamayn badan ayuu ku leeyahay nolosha dadka. Waxay ku tiirsanaayeen shaqooyinka xogsiga iyo beeraha kuwiina hadda ma jiran. Ganacsiyo shaqo laga helayana malahana magaalada, taasina waa sii adkaysay xaalada.”

Godoomiyaha ayaa sheegey in tan iyo bishii Novermber ay diwaangaliyeen ku dhawaad kun qoys oo dagaallo iyo roob yari uga soo barakacay deegaanno Shalaanbood hoos yimaada.

Dagaalka u dhaxeeya ciidanka dowlada iyo Shabab ayaa qoysas badan oo horray ula daala-dacayay saamaynta jilaalka daba dheeraday uga sii daray, kuwaas oo ku qasbanaday in ay barakacaan si ay waxyeellada colaada uga baxsadan.

Previous Post

Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

Next Post

Nolol xumo ka dhalatay gargaar ka istaagay boqollaal qoys oo ku nool Mudug

Related Posts

Nolol xumo ka dhalatay gargaar ka istaagay boqollaal qoys oo ku nool Mudug
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo ka dhalatay gargaar ka istaagay boqollaal qoys oo ku nool Mudug

March 11, 2026
Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

March 6, 2026
Gedo: Rag shaqo ka helay beero ku yaalla Baardheere oo qoysaskooda ka saaray nolol xumo
Cunto-Yaraanta

Gedo: Rag shaqo ka helay beero ku yaalla Baardheere oo qoysaskooda ka saaray nolol xumo

March 5, 2026
Mudug: Daymo ka istaagay iyo abaaro is xig-xiga oo nolol xumo u bidday boqollaal beeraley ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bari: Nolol xumo ku dhacday beeralayda Caluula markii ay biyo la’aan uga qalaleen dalagyada

March 4, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bay: Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta qoysas ka barakacay roob yarida

March 3, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

In ka badan 120,000 oo qof oo biyo yari sababtay cunno xumo ku wajahaya Xagardheer

March 2, 2026
Next Post
Nolol xumo ka dhalatay gargaar ka istaagay boqollaal qoys oo ku nool Mudug

Nolol xumo ka dhalatay gargaar ka istaagay boqollaal qoys oo ku nool Mudug

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-MAR-2026

IDAACADDA 11-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAR-2026
March 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAR-2026
March 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-MAR-2026
March 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAR-2026
March 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAR-2026
March 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo