(ERGO) – Xaalado adag oo dhanka nolosha ah ayay wajahayaan qoysaska in ka badan 300 oo ah beeraley ku nool duleedka degmada Caluula ee gobolka Bari. Waxaa isku raacay cudurro ka galay dalaga, il-biyoodkii ay ku tiirsanaayeen oo ka qalalay iyo in ay bixin la’yihiin daymihii ay ku abuureen.
Caasho Maxamuud Axmed oo ka mid ah dadka ay dhibaatadaan saamaysay ayaa sheegtay in xaaladan ay u horseeday inay dabooli wayso baahiyaha qoyskeeda oo wax soo-saarka ku tiirsanaa. Waxaa ku adag helitaanka cunnada iyo biyaha ku dhawaad 4 bil.
Waxaa gabi ahaanba ka qasaaray dalagyo dhowr nooc ah oo ay abuurtay Bartamihii November, kuwaas oo goosashadoodu ay ku beegnayd Fabraayo. Halka ceel ee magaalada ku yaalla ayaa biyo yareeyay, taas oo keentay in booyaduhu ay $200 uga keenaan deegaanka Bareeda oo u jira qiyaastii 37 km.
“Aniga beertaydii waa baaba’day. Khudaarta iga qasaartay waxaa ka mid ah liin, yaanyo, timir, qare, babaay iyo qaar kale. Xanuuno ayaa ku dhacay iyo biyo la’aan oo way xumaatay. Haddii aysan halaabi lahayn xilligaan waa goosan lahaa. wax ii cayntayna ma jiraan.”
Caasho ayaa sheegtay in nolosha qoyska oo 9 qof ah ay hadda ka maarayso shaah ay meel bannaan ku iibiso habeenkii oo ay ka hesho $1.5. Waxay tilmaamtay in mararka qaar ay soo wayso ama ay u goyin waydo quud ku filan. Dukaamo ay dayn ka qaadan jirtay ayay xustay in looga soo diiday, markii ay ku badatay. Saygeeda oo horay ay beeraha uga wada shaqayn jiray ayaa isna baaga-muudo ah.
Xaaladahan adag ee isku biirsaday ayay sheegtay inay xamili la’yihiin carruurteeda oo kan ugu yar uu shan bilood jiro. Waxay tilmaamtay in habeennada qaar ay calool marnaan ku seexiso oo xilliga danbe ay ku soo kacaan, marka ay gaajada la hurdi waayaan.
“Noloshayadii waxay gashay dhibaato, cunno saddex waqti ah lama helo. Waa dareemi kartaa dad meeshii ay wax ka soo gali jireen ay ka baaba’day baahi lama joogi karaan shaqo kale ama xoolo ma lihin, meel aan wax ka keenana ma garanayno.”
Caasho ayaa sheegtay in beerteeda oo 2 hektar ah ay 11 sano waraab joogto ah uga helaysay il-biyoodka Afkalahaye oo qiyaastii 8 km dhanka galbeed ka xigta magaalada Caluula, taas oo hadda gurtay.
Haweenaydan ayaa sheegtay in loo haystay ku dhawaad $4,000 oo dayn ah. Waxay isugu jirtaa qayb ay xilliyo kala duwan reerka raashin, biyo iyo arrad-tir ugu qaaday iyo lacagtii uga baxday abuurka, falida, daaweynta beerta, shidaalkii iyo shaqaalihii ay galisay.
Caasho waxaa intaas u dheer in 5 carruur ah oo u dhiganaysa fasallada 1 illaa 7 iyo dugsi Qur’aan laga soo eryay billowgii bishan. Waxay illaa December bixin waysay lacagtii ay ku baranayeen oo isku gaartay $120.
Roob yari labo sano ka jirtay deegaanka oo keentay in ay guraan ilihii biyaha iyo cudurro galay beeraha ayaa sababay in ay qoysas badan oo tacabka ku tiirsanaa ay noloshooda maarayn waayaan.
Qoyska Axmed Cabdi Jaamac oo 11 qof ah waxaa saddexdii bil ee ugu danbaysay ku adag helitaanka cunnada, biyaha iyo adeegyada kale ee aas-aasiga ah. Wuxuu sheegay in markii ay meesha ka baxday faa’iidadii beertiisa oo ahayd 3 hektar oo aabbihiis uu ka dhaxlay ay xaaladaan galeen.
Waxay ku tiirsan yihiin dayn ay waydiistaan dukamada ay macaamiisha ka yihiin oo mararka qaar looga soo diido iyo shaqooyin xamaal ah oo uu ka raadiyow magaalada Caluula, kuwaas oo ugu badnaan ay ka soo gasho $0.5 ama $1 oo aan waxba u goyn karin qoyskiisa oo badan.
“Maciishadii waa qaali, shaqo ma jirto. Qoyskii subax kasta in dab loo shido ayuu rabaa, anigiina dhaqaale ma hayo oo wax la’aan ayaa I haysa. Haddii aan dayn doonto qofkasta wuxuu I leeyahay tii hore ayaa kugu maqan.”
Axmed ayaa sheegay in hubanti la’aanta nololeed ee qoyskiisu ay wajahayaan ay u wehliso in ka badan $3,000 oo dayn ah lagu leeyahay. Lacagtaan oo nolosha qoyska iyo beerta ku gashay ayuu sheegay in si joogto ah ay u soo waydiiyaan dadkii ku lahaa.
Wuxuu tilmaamay inay tahay lacag isku gaartay oo qaarkeed labo sano lagu leeyahay. Culays badan ayuu xusay inay ku hayso, balse uusan bixin karin xilligan adag oo uu la daalaa-dhacayo sidii uu mar qoyskiisa dabka ugu shidi lahaa.
Axmed wuxuu sheegay in shaqada keliya ee uu garanayo ay tahay beeraha, taas oo hadda meesha ka baxday. Tan iyo bishii July ee sanadkii hore labo mar ayay ka qasaareen dalagyo timir u badan oo uu beertay.
“Cudurro, biyo la’aan, geedkii mir dhanba yeelan maayo. Hadda beero la waraabiyo ma jiraan biyana looma heli karo oo awood ayaa loo waayay ceelashana ma soo saari karno. Awal beerta qayb ayaan ku celin jirnay, laakiin hadda ma awoodi karno oo anaga ayay baahidii naga badatay.”
Axmed ayaa sheegay in biyaha halkii fuusto la iibiyo in ka badna $10 oo awoodiisa ka baxsan. Arintan ayaa ku qasabtay inuu tacabka dhan iska daayo, maaddaama ay ku adkaatahay helitaanka biyaha iyo raashinka ay isticmaalayaan qoyskiisu.
Ninkaan ayaa xusay in ay daruus la’aan ka yihiin 7 carruur ah oo iskuul iyo dugsi qur’aan u dhigan jiray, horraantii Janaayo la soo cayriyay, markii uu labo bil bixin waayay min $20 oo qof kasta laga qaadi jiray.
Axmed oo noloshiisa oo dhan beeralay ku ahaa gobolka Bari ayaa sheegay in xaaladan faro marnaanta ah ay qoyskiisa culays badan ku hayso, isaguna uusan hayn xalkii uu uga saari lahaa.
Dhanka kale Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed oo ah madaxa xafiiska beeraha ee degmada Caluula ayaa sheegay in cunno xumo, biyo yari, dhaqaale la’aan iyo daymo loo haysto ay quus galiyeen beeralaydaan.
Hay’addaha samafalka iyo dowlada Puntland ayuu sheegay inay gaarsiiyeen dhibaatada dadkaan haysa, balse aysan welli jawaab ka helin. Wuxuu sheegay in abaarta ay baabi’isay rajo kasta oo ay lahaayeen.
“Waxaa jira baaro iyo jilaal ba’an oo dadka saameeyay, ilihii biyaha ayaa hoos u dhacay wax badan, wax soosaarkiina wuu yaraaday xaaladu waxay taagan tahay dadkii in saddex meelood ay labo iska daysay beeraha, markii ay ku adkaatay, gacan qabad ahna ma aysan helin.”
Beeraha waxay kaalin muhiim ah uga jiraan sugnaanta cunnada iyo isku filnaanshaha dhaqaalaha dunida. Markasta oo saamayn ay ku timado wax soo saarka waxay taabanaysaa nolosha kumanaan qof oo meelo kala duwna jooga.










