Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraaga Sanaag oo wajahaya cudurro uga dhacay xoolaha iyo cunno xumo

Jibril Osman by Jibril Osman
February 17, 2026
in Beeraha Iyo Xoolaha, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Reer-guuraaga Sanaag oo wajahaya cudurro uga dhacay xoolaha iyo cunno xumo

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cudurro ariga ka laynaya ayay maaro u la’ yihiin tan iyo bishii Diseemmber reer guuraa ku nool miyiga deegaannada Sibaaye, Gurmale, Qoyan iyo Jiingadda oo ka tirsan gobolka Sanaag. Dhaqaale la’aan haysa ayaa ka hor taagan in ay xoolaha daawaystaan.

Maxamed Cali Salaad oo ka mid ah boqollaal qoys oo dhibaatadaan ay saamaysay ayaa sheegay in arigiisa oo 200 ahaa ay ka dhinteen 170 ka mid ah. 30 u hartay ayuu xusay in 13 ay xanuunsan yihiin, halka inta kalena aysan cad, caano ama suuq gayn midna lahayn.

Nolol-maalmeedka qoyskiisa ayuu maarayn la’yahay, markii uu meesha ka baxay nacfigii xoolaha. Wuxuu sheegay in ay ku adkaatay helitaanka cunnada iyo biyaha labadii bil ee ugu danbaysay.

Waxay dabka ku shitaan dayn uu ka qaato dukaamada tuullada Gurmale oo mararka qaar loo diido.

“Waxa noogu daran waa biyaha, baadka iyo daawada, marba qof ayaan dayn ka soo qaadaa waa mid aan ka helo iyo mid aan ka waayo. Xoolahaas ayaan ku noolayn wax saylad la gaynayana ma jiraan. Dad iyo duunyo gaajo ayay ka siman yihiin.”

Maxamed ayaa sheegay in gacan marnaantiisa ay saamayn ku yeelatay nolosha qoyskiisa oo 12 ah, kuwaas oo uusan waxba u awoodin. Waxaa yar rajada uu ka qabo in ay u badbaadaan neefafka u haray oo cudur iyo baahi is kugu darsameen.

Wuxuu xusay in deegaanka uusan 2 sano roob fiican ka di’in, taas oo keentay in ay xooluhu nuglaadaan. Meesha ay degan yihiin oo aysan joogin dhaqaatiirta xoolaha, daawo bilaash ahna aan laga helayn iyo dhaqaale xumada haysa ayaa quus-galisay.

Calaamadaha cudurka arigiisa uu ku arkay ayuu sheegay in uu garanayo, balse uusan kala tacaali karin.

“Xooluhu waxay qabaan jadeeco, qoor-laab iyo kaduudiye, waxaana keenaya cunto la’aanta iyo dhulkii oo saxare noqday oo daaq ayay waayeen, inta hartayna maanta mise berri ayay dhiman karaan, haddii aan gurmad deg deg ah la helin.”

Maxamed ayaa sheegay in 30 neef oo ka rimanaa arigiisa ay wada dhinteen. Markii hore ilamaha oo mayd ah ayay soo tureen, iyagiina waa raaceen.

Xilligaan oo jilaal adag ah ayuu xusay in ay wajahayaan qoraxda maalinkii iyo dhaxanta habeenkii soo dhacda oo aysan haysan hoy ay ka galaan.

Aqal Soomaali ay lahaayeen ayay bishii Nofeember uga soo guureen miyi u jira qiyaastii saddex saac oo socod lug ah, markii ay waayeen gaadiid ay ku rartaan.

Carruurtiisa oo xaaladdaan ay ku cusub tahay ayaa la qabsan la’.  Qoyska ninkaan waxaa intaas u dheer biyo yari.

Wuxuu sheegay in xaaskiisa ay maalin kasta caag 5 liitar qaad ah ka soo bariso qoysaska dhamaa, maaddaama aysan heli karin lacag ay biyo ku iibsadaan.

“Buraan ayaa noogu dhow oo 85 illaa 100 km noo jirta cid gaari kartana ma lahan oo booyadihii xitaa waa diideen. $170 ka yar kuma keenayaan. Fuustada biyaha ah waxay gaartay $5 mana awoodno waxaa noogu danbaysay hal fuusto oo labo toddobaad ka hor ay hay’adda Tadamun noo dhaamisay.”

Maxamed ayaa sheegay in uu culays kala kulmayo dayn $2,000 ah oo sannad iyo bar looga leeyahay deegaanka. Xilliyo kala duwan ayuu reerka ugu qaatay raashin, biyo iyo arrad-tir.

Roob la’aanta oo xoolaha saamaysay ayaa keentay in uu ka waayo neef uu ku dayn baxo.

Qoyska Ibraahim Axmed Saalax oo 13 qof ah waxay awoodi la’ yihiin dhamaan adeegyada aas-aasiga ah tan iyo bishii November ee sanadkii hore. Wuxuu sheegay in xoolihiisa ay noqdeen wayd aan lahayn cad, caano iyo suuq midna, meel kalena uusan dhaqaale ka soo galin.

“Biyo ma haysano iyo cunno oo waa ka liidanaa. Dadkii wax iibsan jiray wuu ka dhamaaday ganacsigii, dadkii xoolaha ku noolaana iibkii iyo qallinkiiba waa laga waayay. Afar naq ma aanan helin dhibaatadaas ayaa lagu nool yahay oo khatar ayaa jirta.”

Ibraahim ayaa sheegay in qoyskiisa ay hal mar dabka saartaan in yar oo uga danbaysa raashin min 25 kiilo oo bur, bariis iyo sonkor ah oo dhamaadkii Diseember ay ku caawisay hay’adda Tadamun oo ka shaqeeysa arrimaha gargaarka. Wuxuu xusay in uu ka sii idlaanayo wax kalena uu hayn.

Sagaashan geel ah iyo ari ah oo uu dhaqanayay waxa ka dhintay 57 ka mid ah. 33 ka hartay ayuu tilmaamay in qaarkood ay xanuunsan yihiin, sidoo kalena uusan u hayn qarash uu biyo iyo calaf ugu iibiyo.

“Xooluhu waa bahan yihiin kuwii rimanaa geela iyo ariba waa dhicinayaan, kadibna waa dhimanayaan ariga jadeeco ayaa haysa, neefkii aad isleedahay wuu macyahay, markii la qalo hilibkiisa waa madow oo lam cuni karo.”

Ninkaan ayaa xusay in saddex carruur ah oo iskuul hoose iyo dugsi Qur’aan uga dhigan jiray deegaanka Sibaaye oo miyigiisa ay joogaan la soo eryay bishii hore. Wuxuu 3 bil bixin waayay min $5 oo laga qaadi jiray. Qoys qaraabadiisa ah oo ay la joogi jireen ayaa iska soo diray, markii daruustu ka joogsatay.

Aqoon yarida reer guuraga iyo in aysan lahayn xeelad kale oo ay kaga hortagan cudurrada soo wajaha xoolahooda ayaa rajo beel galiyay.

Dhaqtar Faarax Guuleed Cumar oo ku takhasusay daaweynta xoolaha ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in cudurrada ay dadku sheegeen qaarkood ay sababtay saamaynta roob la’anta.

Wuxuu xusay in ay jiraan daawooyin ay Ogso ka mid tahay oo lagula tacaali karo, isagoo xoolo dhaqatada u soo jeediyay in neefka la duray ay muddo toddobaad ah iska ilaaliyaan cadkiisa iyo caanihiisa si uusan cudurku ugu gubin.

“Cudurradaan labo arimoodba waa sababaan saamaynta cimilada isbeddelaysa ay ku yeelanayso ama abaaraha. Neefka inta badan mandheertu kama soo baxdo, calooshuna waa madoobaataa, sidaas ayuu ku dhintaa ilmuhuna jirro ayuu ku dhashay oo wuu raacaa. Dhalmaa la yiraahdaa nafqo darro ayaana keenta. Waa in calaf la siiyo si uu difaac u yeesho.”

Xoolaha oo inta badan dadka Soomaaliyeed ay noloshoodu ku tiirsan tahay waxaa sannadihii ugu danbeeyay dhibaato ku haya cudurro, daaq la’aan iyo biyo yari. Dadka reer guuraaga ah oo ay il dhaqaale u ahaayeen ayaa wajahaya culaysyada ugu daran.

Previous Post

Colaad burbur dhaqaale iyo nolol xumo galisay qoysas ku laabtay Sabiid iyo Caanoole

Next Post

In ka badan 120,000 oo qof oo biyo yari sababtay cunno xumo ku wajahaya Xagardheer

Related Posts

Nolol xumo ka dhalatay gargaar ka istaagay boqollaal qoys oo ku nool Mudug
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo ka dhalatay gargaar ka istaagay boqollaal qoys oo ku nool Mudug

March 11, 2026
Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood

March 10, 2026
Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

March 6, 2026
Gedo: Rag shaqo ka helay beero ku yaalla Baardheere oo qoysaskooda ka saaray nolol xumo
Cunto-Yaraanta

Gedo: Rag shaqo ka helay beero ku yaalla Baardheere oo qoysaskooda ka saaray nolol xumo

March 5, 2026
Mudug: Daymo ka istaagay iyo abaaro is xig-xiga oo nolol xumo u bidday boqollaal beeraley ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bari: Nolol xumo ku dhacday beeralayda Caluula markii ay biyo la’aan uga qalaleen dalagyada

March 4, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bay: Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta qoysas ka barakacay roob yarida

March 3, 2026
Next Post
blank

In ka badan 120,000 oo qof oo biyo yari sababtay cunno xumo ku wajahaya Xagardheer

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-MAR-2026

IDAACADDA 11-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAR-2026
March 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAR-2026
March 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-MAR-2026
March 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAR-2026
March 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAR-2026
March 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo