(ERGO) – Ku dhawaad 200 dhalinyaro ah oo isugu jira danyar iyo barakac ayaa qoysaskooda ka saaray nolol xumo markii ay fursad shaqo heleen beero dadan (Green Houses), kuwaas oo duleedka magaalada Muqdisho ay ka hirgaliyeen ganacsato.
Maxamuud Ilyaas Xasan, wuxuu ku filnaaday muddo lix bilood ah oo uu shaqaynayo maaraynta nolosha hooyadii iyo walaahii oo todoobo ah. Hadda waxay ka mid yihii dadka ugu ladan xerada Saacid ee degmada Kaxda oo ay ku nool yihiin.
Waxaa isbeddelkan ka caawiyay toddobo doolar oo uu maalinle ugu qaato qeybta uu qaabilsan yahay oo ah gurista dalagyada bislaaday sida yaanyo, basbaas iyo qajaar. Wuxuu sheegay inay isaga iyo qoyskiisa ay ka baxeen culeysyo dhanka nolosha ah oo ay ugu horreyso helidda cunnada.
“Mararka qaar maalin iyo labo maalin waxba lama helayn xitaa cuntada in la helo waxay ahayd mid adag, laakiin beertu waxay noo suurtagelisay inaan nolol maalmeed ka helno si aan qoyskeena ugu dabarro. Saddexda wakhti mararka qaar waa la helayaa, waxbarashadana waa ka bixiyaa.”
Maxamuud ayaa tilmaamay inay shaqadan sidoo kale u rumaysay riyo uu lahaa oo ahayd inay tacliin heleen walaahihii. Waxaa u suura gashay inuu fasalka koowaad ee iskuulka hoose uu ka diiwaan geliyo labo walaalihii ah oo bille uga bixiyo 16 doollar.
Maxamuud ayaa sheegay hab beerashada uu si wanaagsan ugu oo bartay dhul hal hektar ah oo ay ku lahaayeen agagaarka Awdhiigle gobolka shabeellaha Hoose.
Ninkan ayaa sheegay in helidda fursaddan ay u sahashay aqoon hore oo uu u lahaa tacabka. Wuxuu ka mid noqday dadka la xushay marka khibradooda lagu qancay.
“Waxay ii suurtagelisay aqoontaas inaan shaqadan ku helo. Dadku maaddaama ay raadinayeen qof aqoon u leh waxa ay beerteen oo daryeeli kara, fahmi karana inta ay geeduhu dhalayaan, iyo sida looga daaweeyo cayayaanka, taas ayaa ii sahashay maanta inaan shaqadan joogo.”
Maxamuud ayaa tilmaamay inaysan muddo saddex xilli waxba uga soo bixin beertooda markii ay isku xigsadeen fatahaado iyo abaar.
Wuxuu intaas ku daray inay ka fursan waayeen inay xeryaha magaalada Muqdisho soo miciin bidaan sanadkii 2022, markii ay nacfi beeshay beertii ay noloshooda ku tiirsanayd abaarta darteed.
Maxamuud in kasta oo uu hadda yahay laf-dhabarta qoyskiisa. Wuxuu tiigsanayaa inuu aqoontiisa beeraha kor u qaado. wuxuu ka fekerayo sidii uu milkiile u noqon lahaa.
“Waxaa ii qorshaysan maaddaama aan magaalada dhexdeeda joogo, fursado badanna ay jiraan, inaan wahti kooban raadiyo si aan uga faa’iidaysto cilmiga beeraha aan u barto, waqtigaas oo aan magaalada dhexdeeda joogo darteed, aan uga faa’iidaysto si fursad berye ay iigu noqoto.”
Nolosha qoyska Maxamuud ayaa hadda ka wnaaagsan sidii ay ahayd.Wuxuu ku haminayaa inuu ka helo dhaqaale u suura gelinaya inuu ka baxo nolosha barakacnimada.
Ragga kale ee u kallaha beeraha dadan waxaa ka mid ah Cali Xasan Guuleed oo 26 sano jir ah. Wuxuu nolol xasilloon u helay qoyskiisa oo danyar ah oo nool deegaanka Jaziira ee duleedka caasimadda.
Wuxuu sheegaysan inuusan hadda wax welwel ah ka qabin quudinta walaalihii oo sagaal ah iyo daryeelka hooyadii oo la nool cudurka Macaanka.
Shaqada uu Cali ka helay beeraha casriga ah ayaa u sahashay inuu si rasmi ah ula wareego mas’uuliyadda qoyska.
“Shaqada hadda waan ku faraxsanahay sida ay u socoto, Alxamdullilah. Saddexda wakhti iyo guriga biilkiisa waan u filannahay. Waagii hore waxaan ku noolayn qof khayre ah wax noo soo tuura iyo dad meelahaas wax nooga soo dhiiba, laakiin hadda fursad fiican ayaan haysanaa.”
Cali waxaa uu qaabilsan yahay buufinta dallagyada saaran beerta iyo sidii uu uga ilaalin lahaa cayayaanka.
Ninkan ayaa sheegay in ka hor inta uusan helin shaqadan ay noloshoodu ahayd mid aad u liidata balse hadda ay dib u soo kabanayaan.
“Horey hooyo dhar-dhaqis iyo wax kasta ayay u mari jirtay si aan u noolaanno. Hadda laakiin waan ka roon-tahay, Alxamdullilah anigaa shaqeeya oo subax kasta halkan yimaada. Galabtiina waan ka baxaa, marka qoyska hadda waan u filasnnahay. Insha Allah, waxaan rajaynaynaa inaan dib ugu laabanno beereheenii.”
Waxay ku tiirsanayeen dakhli yar oo hooyadiii oo jirran dantu ay ku qasbi jirtay inay ka soo saarto shaqooyinka dhibka badan sida dhar-dhaqista iyo u adeegidda qoysaska kale.
Cali ayaa sheegay inuu qoyska uu yahay qofka keliya ee hadda u shaeeya. Wuxuu tilmaamay inay nolol xumo ay galeen markii uu aabbihii dhintay 2019 ay hadda shaqadan uga soo kabteen.
Maxamed Maxamuud Xirsi, oo ah maamulaha beerta Deeqsan, isla markaana xubin ka ah guddiga beeralayda gobolka Banaadir, ayaa sheegay in mudnaanta koowaad la siiyo dhalinyarada leh khibradda beeraha ee ka soo barakacay gobollada, maaddaama ay horey u yaqaaneen hawsheeda. Sidoo kale, dhalinyarada danyarta ah ee deegaanka u dhow ayuu xusay inaysan illloobin oo ay siiyaan tababaro ku saabsan habka waraabka dhibca-dhibcaha beeraha dadan.
“Dhalinyarada halkan ka shaqeysa inta badan waa dad barakac ah oo beerahoodii ay saameeyeen abaaraha, waxaan door bidnay inaan iyaga fursad siino waayo waa dad aqoon u leh ciidda iyo dhirta, shaqadana si dhakhso ah ayay u baranayaan.”
Ninkan ayaa sheegay inay beerahan deegaanka ku soo badanayaan maaddaama dhulkii miyiga ay abaaro saameeyeen. Wuxuu xusay in hab beerashadan ay tayo leedahay maaddaama la adeegsanayo farsamooyin looga gaashaaman karo isbeddelka cimilada.
Wuxuu intaas raaciyay in ujeedadoodu ay yahay in ay shaqo siiyaan dhallinyaro badan si ay u kordhiyaan wax soo saarkooda. Wuxuu sheegay in keliya beertiisa ay ka hawl galaan lix qof.
“Hadafkeenu ma ahan keliya wax-soo-saar, balse waa inaan abuurnaa isbeddel nololeed. Markaad aragto wiil dhalinyaro ah oo horay u dhibaataysnaa oo hadda qoyskiisa iyo waxbarashada walaalihiis ka bixinaya shan doolar oo uu maalintii halkan ka helo, waxay noo tahay guul weyn.”
Baraarugga beeraha dadan dhulka Soomaalida ayaa isa-soo taraya, maadaama ay qofka leh u suura-gelinayso inuu kala tacaalo biyo yarida ka dhalatay isbeddelka cimilada iyo maaraynta cayayaannada. Waxay sidoo kale kordhinaysaa fursadaha shaqo ee ay dadka deegaanka ka heli karaan.









