(ERGO) – In ka badan boqol haween ah oo barakac ku ah Kismaayo ayaa awooday helidda nolol-maalmeed qoysaskooda, markii ay billaabeen guridda iyo iibinta miriha ka baxa geedka quraca ee loo yaqaano abqada, kuwaas oo lagu quudiyo xoolaha lagu dhaqdo miyiga iyo magaalada.
Waxaa ka mid ah Cabdiyo Xasan Cali oo 55 jir ah. Waxay lugaysaa 6 saac maalin walba. Miyiga magaalada Kismaayo ayay ka soo gurtaa miraha abqada iyadoo gaysa suuq-yare gaar loogu iibiyo. dhaqaalaha ka hesho ayay raashinka iyo biyaha ugu iibisaa carruurteeda oo siddeed ah.
Muddo saddex bil ah oo shaqadan ay hayso waxay carruurteedu ka soo kabanayaan nolol xumo iyo waxbrasho la’aan la soo daristay, markii ay barakac ku tageen magaalada Kismaayo sanadkii 2022.
“Maalinta aan iibinaayo waxaa iiga soo baxda hadba si. Mar waxaa iiga soo baxda $3, marna $4. Mar. Afartaas dollar $1.5 ama $2 waxaan geeya dukaanka ilmaha saran yihiin. Waxaan ku qaadana raashin. Inta kale xaabada iyo biyaha ayaan ku iibsasaa, raashinka dukaanka ka qaadana oo aan saaranahay. Sidaas baan ku maareeyaa.”
Waxay tilmaamtay in shaqadan ay u fududaysay helidda ganacsato ay macaamiil la noqday, kuwaas oo ku aaminay in ay siiyaan raashin dayn ah maalmaha uu ku yaraado dhaqaalaha ay ka hesho shaqadeeda.
Arrintan ayaa u horseedday in carruurteeda helaan cunno ku filan oo joogto ah. Sidoo kale afar ka mid ah ayay ku dartay iskuul hoose oo ku yaalla Kismaayo.
Labo ka mid ah waa gabdho ka yar da’da 10 sano. Lacagta ay iskuulka ku dhigtaan oo ah $20 ayay ka jartaa lacagta ay ka hesho shaqada abqo guridda. Waxay toddobaad walba dhigaalsataa $5, taas oo ka caawisay in u badkeeda ay waxbarasho helaan.
Waxay aaminsan tahay in nolosha qoyskeeda ee iskugu toostay ay ku kasbatay shaqo abuurka ay samaysatay oo dadaal badan ay ku bixisay. Waxay sharraxaysaa sida ay u suuq-gayso miraha abqada.
“Suuq dhan oo abqada ah ugaar ah weeye. Ninba nasiibkiisa ayuu gataa. Dadka abaarta hayso ayaa naga iibsada oo duurka ayey u qaatan loorar ayey ku gadanayaan. Dad qasacyadaas ku iibsanayaan. Ninba tamartiisa ayuu gadanayaa. Daasadda caano-booraha oo abqada ah waxaan ku iibsada $1.5 Haddaan ku waayo $1.25 ayaan ku gataa.”
Cabdiyo waxay ay shaqada abqo guridda iska kaashadaan koox dumar ah. Waxay xustay in geedaha laga guro mirahan ay yihiin kuwa joog ahaan dheer oo qof kaliya uusan ku filnaanayn in uu ka shaqeeyo.
Sidoo kale waxay sheegay in ay iswheshadaan, maaddama dhulka ay sida joogta ah ugu socdaallaan uu yahay mid cidlo ah, taas oo aan u saamaxayn dumarka in ay kali kali ugu safraan, cabsi amaan awgeed.
“Bir-dheer ayaa la qaadanaa. Waa la ruxaa geedka. Laba qof ayaa lagu ruxaa. Abqada waa soo daadanaysaa, kaddib dhulka ayaa laga guraa jawaan baa lagu shubaa. Xilligan ayuu fiican yahay Abqada helitaankeeda, haween ayaan nahay, ragna nalama jiro. Illaahay waa nagu amaansaday. Daanyeer mooyane wax kale oo aan aragno ma jiro.”
Waxay ka cabatay daanyeero raxan-raxan u socda oo waddada ay kula kulmaan, kuwaas oo iskudaya in ay ka reebtaan biyaha ay jidka ku sii maraan iyo abqada ay soo gurtaan. Xawayaankan ayay xustay in uu saamayn ku yeeshay haraadka ka dhashay roob la’aanta.
Cabdiyo waxay bishii Nofeembar ee sanadkii 2022 ka soo barakacday deegaanka Biyoole ee gobolka Jubbada hoose oo Kismaayo u jira 45 km, halkaas oo ay ku waysay 80 ari ah iyo 15 lo’ ah oo baad iyo biyo la’aan u dhintay.
Cabdiyo iyo haweenka ay shaqo wadaagta yihiin waxay subax walba xilliga qorrax soo baxa ay ka kalahan xerada ay ku nool yihiin ee Nasrudiin iyagoo koox koox u baabulan. Marka ay soo dhameeyaan shaqada qabo guridda waxay geeyaan suuq ay ku iibiyaan.
Wuxuu ku dhinac yaalla sayladda xoolaha Kismaayo, halkaas oo aan tagay waxaan kula kulmay haween safaf u fadhiya oo codsanaya in laga iibsado xirmooyin miraha geedka quraca ee loo yaqaanno abqada. Waxay fadhiyeen meel banana oo cimiladeeda ay kulushahay.
Waxaan la kulmay Faadumo Cabdulle Xassan ka cabaysaa kulayla daran iyo dabayl ku soo bitinaysa ciidda. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in caqabad kasta oo haysta ay ku niyad-santahay, maaddama uu xal u noqday ka ganacsiga abqada nolol xumadii haysay carruurteeda oo saddex ah.
Carruurtan ayaa noloshooda soo kabanaysay tan iyo billowgii bishii Sebteembar ee sanadkan, markaas oo ay billowday shaqadaan. Carruurta oo aabbahood ay kala tageen ayaa kaligeed ku tiirsan.
Faadumo oo 45 jir ah waxay dhabar uga soo qaaddaa miyi u jira Kismaayo in ka badan 20 km labo loor oo abqo ah, taas oo ay ka soo gurto dhirta nooca loo yaqaano quraca.
Waxay sheegtay in ay joogto uga hesho dhaqaale ay ku maarayso nolosha qoyskeeda.
“$3 ama $3.5 ayaa helnaa badanaa. Waxii ay gooyaan ayaa ku gadanaa. Waxii Illaahay qoray ayaa ku cunaa. Haddii ka badan aan helno waa cunaynaa, hadii kalena intii aan hello ayaan wax ku iibsanaynaa.”
Faadumo oo ka mid ah dadka deegaan duruufta ayaa ku qasabtay in ay ku xarooto xerada Nuuradiin, halkaas oo ay ku leedahay aqal cooshad ah. Horay waxay ugu tiirsanayd ka ganacsiga Jalaatada, taas oo u socon wayday, markii ay wajahaday dhaqaale xumo.
Waxay sheegtay in maalinta 100 xabo oo jalaato ah ay samayso ay helli jirtay 30,000 SH SOM oo u dhiganta $1 halka maalinta 50 xabo u iibsanto ay helli jirtay lacag $15000 SH dalka oo u dhiganta $0.5.
Waxaa meesha ka saaray agabka casriga ah ee lagu sameeyo jalaatada oo ku soo batay Kismaayo. Arrintaas oo dhaqaale xumo biday.
“Jalaato hadaad soo qaado caawa haddii ay kuu gadmi wayso. Soo ma dhalaalayso. Dhalaalkaas ayaan isaaga dhaafay iyo waddanka oo suuq la’aan iyo lacag la’aan noqday. Abqada hadii laga gadan waayo kama xumaanayso waa ku oolaysaa, berina waad keensanaysaa suuqa.”
Waxay tilmaamtay shaqada hadda ay hayso ay ka adagtay tii hore ee jalaato samaynta, balse dhinaca dhaqaalaha midka ay hadda hesho uu sareeyo, kaas oo ka saaray nolol xumo haysay.
Shaqada ganacsiga miraha abqada waxaa ku dhiiri-galiyay dumar ku caano-maalay, kuwaas oo ka faa’iideysta xilliga roob-yaridu jirto iib-gaynta mirahan oo ay ka soo garaan deegaano ka durugsan Kismaayo.
Gargaarka laga bixiyo xeryaha oo gabaabsi sii noqonaya waxay ku riixday qoysaskii ku tiirsanaa in ay xoogga saaraan abuurashada fursado il-dhaqaale u noqon kara si ay uga samata-baxaan nolosha adag.










