Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

Jibril Osman by Jibril Osman
December 9, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Waa Cali oo 70 jir ah, kana soo lugeeyay tuulada Xood oo qoyskiisu ay ku go'doonsan yihiin, si uu gargaar ugu helo/Sidiiq Yuusuf/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cunno xumo iyo biyo yari ay u dheertahay go’doon ayay ku wajahayaan xaafadda Xood oo 85 km u jirta Burco qoyska Cali Sulaymaan Axmed oo roob la’aanta ku waayay 50 ari ah.

Waxay ka mid yihiin boqollaal qoys oo looga guuray tuulooyinka Xayira, War-idaad, Ilka-cadey iyo Xood oo labo xilli aan helin roob. Xoolaha oo u socon waayay iyo dhaqaale xumo ayaa ku haysa tuulooyinkan.

Qoyska Cali oo dhaqanaya 70 ari ah oo cad, caano iyo iib midna aan lahayn waxay la daalaadhacayaan cunno xumo. Waxaa ku adkaatay in ay dabka shitaan hal waqti maalintii saddexdii bil ee la soo dhaafay.

Cali ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoyskiisa iyo xoolihiisa ay ku jiraan xaalad go’doon oo ay u raacday duruuf nolol-xumo. Wuxuu sheegay in tuulada uu ku nool yahay ay ku hareen 60 qoys oo guuri waayay.

Waxay u roob raaceen qoysaskii awooday deegaanno dhaca Kilinka-shanaad ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Cali maaddama xoolaha iyo carruurtu u socon waayeen wuxuu door-biday in uu kiraysto gaari.

Hase ahaatee, waxaa lagu xujeeyay $600 oo ah, taas oo ku adkaatay. Wuxuu xusay in ay isku biirsadeen nolol-xumo, go’doon iyo xoolaha oo daaq iyo biyo la’aan uga dhimanaya.

“Dad aan anigu ka mid ahay ayaa meesha ku haray. Biyo la’aan iyo abaar ayaa jirta oo u aad ba’an weliba raagtay. Waxaan waynay wixii aanu ku guuri la hayn.”

Ninkan oo aan kula kulmay Burco wuxuu soo galay safar lug ah inkastoo dhexda uu ka soo raacay gaari bilaash ku soo qaaday, Wuxuu sheegay in safarkiisa uu daaran yahay samatabixinta qoyskiisa iyo arrimo caafimaad oo la soo darsay.

Wuxuu xusay in dad ehelkiisa ay ka caawiyeen daryeel caafimaad oo uu u helay cudur ka haya lugaha, kaas oo uu ka soo kabanayo. Waxaa kale oo ay ku taageereen min 20 kiilo oo iskugu jira bur, bariis iyo sonkor, kuwaas oo uu qorshaynayo in gaari u saaro qoyskiisa.

Quudkan ayuu tilmaamay in uusan xal waara u noqon karin qoyskiisa, balse ay nafta ku ceshan karaan maalmo. Wuxuu intaas ku daray in uusan helin dhaqaale uu qoyskiisa iyo xoolihiisa uu ku geeyo dhul-daaq u leh si ay uga soo kabtaan xaaladda ay ku ku jiraan.

Ninkan oo 70 jir ah waa labo xaasle. Mid ka mid ah reerihiisa ayaa roob la’aantu ay cayrtaysay bishii Ogoosto ee sanadkan, markii ay ka dhinteen dhamaan arigii ay dhaqanayeen. Xoolaha u haray qoyska kale ayuu ka dayriyay xaaladdooda.

“Reerku ari 60 ku dhow ayuu leeyahay oo abaartaas jooga oo wax la cuno aan lahayn. Arigu iib malahan. Haddii uu iib leeyahay waan ku guuri lahayn. Ari abaar jooga weeye oo xaasas ay haystaan, ahmina aan lahayn, ari soconayana maahan, iibna malahan.”

Kaydadkii biyaha sida baraagaha oo guray iyo ceelgacmeedyada oo qalalay waxay horseedeen haraad daran oo ay wajahayaan dadka iyo xoolaha. Arrintan waxay sababtay in biyo iib ah la geeyo deegaanka, kuwaas oo dadka ku nool aysan awoodin.

Cali wuxuu sheegay in fuustada biyaha ay ka joogto tuulada Xood $6. Xoolo-dhaqatada iyo dadka deegaanka ma awoodaan iibsashada biyaha, waxaana taas beddelkeeda ay billaabeen in ay koox-koox isku abaabulaan si ay u dayntaan. Qaarkood ayaa loo diiday markii ay ku badatay.

Qoysaska ugu badan ee guuri waayay waxay ku hareen tuulooyinka Xayira iyo Xood oo biyo yarida daran ay ka jirto, markii tabartu u dan-sheegtay.

Waxaa ka mid ah qoyska Faarax Jaamac Abukor iyo qoyskiisa oo shan ah. Waxay ku nool yihiin miyiga tuulada Xayira, halkaas oo daaq iyo biyo la’aanta awgeed ay uga dhinteen toddobaatan ari ah.

Qoyskiisa oo ku tiirsanaa nacfiga xoolaha ayaa wajahaya cunno xumo iyo biyo yari. Waxaa kale oo meesha ka baxay ganacsiyo uu daynta ka qaadan jiray, taas oo nolosha ku sii adkaysay qoyskiisa.

“Bakhaarradii gabigoodba busaarad darteed baa loo xiray. Dadkii lahaa intay qufusheen ayay iskaga tageen. Ma jiraan wax la is amaahiyo, ama ha badnaato, ama haraato. Bakhaarradii wax laga qaadan lahaa waa wada xiran yihiin.”

Waxay dantu biday in uu caawinaad waydiisto dadka la socda gaadiidka safarka ah ee adeegsada wadada xariirisa deegaankiisa iyo Burco. Raashin ay mar-mar ku taageeraan ayay dabka saartaan.

Wuxuu sheegay in culayska ugu badan ee uu la kulmayo ay tahay biyo yarida. Badanaa 12 saac ayay biyo la’aan noqdaan, taas oo hor istaagta in ay dabka saartaan cunnada lagu caawiyo.

Wuxuu sheegay in qoysas kooban oo aan waxba isdhaamin dhaqaale ahaan ay ku hareen deegaanka, markii ay ku guuldaraysteen in ay xoolahooda u roob raaciyeen dhulka daaq leh ee loo hayaamay.

“Dadkii ladnaa way naga guureen, inteena halkan yuururta waa in isku mid ah oo isku itaal ah. Wax is dhaama malahan, reerna reer ma dhaamo. Ilaa 70 qoys baan ku joognaa halkan. Markii hore ilaa 200 qoys ayaa daganaan jiray, cidna wax siinayna oo halkan iska yuurura.”

Ninkan oo 45 jir waxaa ka haray xoolihiisa 30 ari ah oo caato ah, kuwaas oo walaac uu ka muujiyay sida ay uga badbaadi karaan roob la’aanta sababtay daaq iyo biyo la’aanta soo taagnayd labo xilli-roobaad.

Waxaa fashilmay dhowr iskuday oo uu ku doonayay in uu safar ku galiyo xoolihiisa si uu u geeyo dhulka roob raacay ee Kilinka-shanaad. Wuxuu xusay in xooluhu ay u socon waayeen, sidoo kalana uu waayay gaari uu ku qaado xoolaha iyo carruurta.

Nolosha sii adkaanaysa ee haysta xoolo-dhaqatada waxaa uga sii daray xaaluf lagu haya dhirta. Rag koox-koox u baabulan ayaa jaris iyo gubis ku haya dhirta deegaanka iyagoo ka faa’iidaysnaya dhulka cidlada ah ee laga hayaamay sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka ku haray.

Boqollaal qoys ayaa ka guuray dhulka xaalufka iyo roob la’aantu hayso labadii bil ee la soo dhaafay sida ay inoo sheegeen maamullada deegaannadaas.

Khuburada cilmiga deegaanka bartay ayaa ku taliyay dowladda iyo hay’adaha samafalka in ay door firfircoon ka qaataan samatabixinta xoolaha reer-guuraaga si dadka ay uga soo kabsadaan nolol-xumada.

Khabiir Aadan Cabdi Cali oo ku nool Burco ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xaalufka iyo qorshe la’aanta reer-miyiga ay halis ku tahay sii jiritaanka xoolaha la dhaqdo.

“Waa in biyaha la ilaalshado oo lagu kaydsado xilliga roobku da’ayo oo daamam la sameeyo. Waa in xoolaha loo beero calaf si xilliga abaarta ay ugu baxsadaan. Waa in aan la gurin dhirtii si uusan xaaluf u imaan ama nabaad guur u dhicin. Seerooyin in la xiro oo la ilaaliyo si loogu baxsado xilliga abaarta waa qaab ka mid ah qaabab cunno la’aanta xoolaha looga hortagi karo weeye. Waa qodob muhiim ah.”

Xoolaha sii dabar-go’aya ee roob yaridu sababtay ayaa reer guuraagu ka walaacsan yihiin in ay meesha ka saarto hab-nololeedkooda miyiga iyo ishooda dhaqaale oo sanado badan ay ku tiirsanaayeen.

Previous Post

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

Next Post

Dhallinyaro fursad shaqo ka helay Baydhabo oo qoysaskooda ka saaray xaaladda barakaca

Related Posts

Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud

December 12, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhallinyaro fursad shaqo ka helay Baydhabo oo qoysaskooda ka saaray xaaladda barakaca

December 10, 2025
Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

December 8, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday

December 6, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas nolol-xumo uga baxay shaqo ay ka heleen shirkad caanaha warshadaysa

December 4, 2025
Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda

December 3, 2025
Next Post
blank

Dhallinyaro fursad shaqo ka helay Baydhabo oo qoysaskooda ka saaray xaaladda barakaca

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-DEC-2025

IDAACADDA 12-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 12-DEC-2025
December 12, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 11-DEC-2025
December 11, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 10-DEC-2025
December 10, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 09-DEC-2025
December 9, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-DEC-2025
December 8, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo