(ERGO) – Afar boqol iyo sideetan qoys ayaa biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan ku wajahaya duleedka degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay tageen horraantii bishii Sebteembar ee sanadkaan, xilligaas oo ay saameeyeen dagaallo u dhexeeya dawladda iyo Shabaab.
Waxay ka kala barakaceen deegaanada Galcad, Qoodhileey, Ceel-xaaji iyo Cows-weyne oo dagaalladu ay ka wada dheceen. Dadkaan oo dhamaan ka soo cararay waxay agab iyo maal haysteen ayaa dulsaar ku noqday dad ku nool dhul bannaan ah oo ay tageen.
Faadumo Xaaji Xasan oo ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in 9 carruurteeda ah oo kaligeed ku tiirsan ay u la’dahay masruufkooda. Waxay ku tiirsanyihiin kaalmo yar oo ay mar mar ka helaan dadka nolol dhaama ee horay u sii dagana.
“Xaaladda aan ku nool nahay illahay ayaa og. Dadka yar ee na dhaama ayaa baaquli raashin ah nagu kaalmeeya, marka aan ka helno ayaan dabka shidana marka kalana gaajo ayaan ku joognaa, dhul colaad ah ayaan joognaa, qutul duruuriga meel laga soo saaran karo malahan.”
Faadumo ayaa sheegtay in sidoo kale qoyskeeda ay ku adag tahay helidda biyaha. Waxay xustay in aysan awoodin iibsiga biyo ay booyado xerada ay keenaan oo halkii jirgaan la siiyo $0.2, sidoo kalana aysan dansan karin maaddaama ay ku cusub tahay oo aysan dadku aqoon u lahayn.
Xaaladahaas isku biirsaday ayaa ku qasba in ay garabka uga soo qaadaan maalin kasta hal jirgaan ceel u jira 4 km oo ay dan sheegatay. Waxaa caawisa gabar 10 jir ah oo carruurteeda u wayn. Masaafadaas dheeer oo ay dusha ku soo qaadaan ayay sheegtay in ay ku dhib ku qabaan, mana haystaan gaadiid iyo cid caawisa toona.
Faadumo ayaa sheegtay in carruurteeda oo kan ugu yar uu hal sano jir yahay ay bannaanyaal u yihiin qoraxda iyo qabowga daran ee xilligaan ka jira halka ay joogaan. Waxay gabaadsadaan cooshad ay ka dhisteen maryo iyo qoryo ay duurka ka soo gurteen.
Waxay tilmamtay in ay u joogan labo carruur ah oo socon karin. Dhaqaatir ayaa hal sano iyo bar ka hor u sheegay in ay neerfo qabaan, gaajada oo hadda cudurka u raacday ayay tilmaamtay in ay dhul yaal ka dhigeen. Haweenaydaan ayaa xustay in aysan u hayn qarash ay ku daawayso.
Gaari ay ku caawiyeen dad ay ehel-yihiin ayay ku keentay illa duleedka Ceel-dheer. Xaalada ay ku suganyihiin carruurteeda ayay quus ka muujisay.
“Waa dareemi karta hooyo kaligeed ilmo korinayso oo aan haysan aabbe garab jooga ama wiil weyn oo booskii aabbaha buuxin kara. Ilmo xanuunsan haysato. Xaalad sidaas ah oo rafaadkaas leh ayaan ku jirna.”
Faadumo ayaa xustay in ay ka soo tageen 18 ari ah oo noloshoodu ay ku tiirsanayd. Waxaa sheegtay ay in ay boos uga wayday gaarigi ay soo raaceen, sidoo kalana ay ahaayeen caato aan gali karin socodka in ka badan 80 km oo u dhexeeya deegaankii ay ka yimaadeen iyo meesha ay hadda joogaan.
Dagaallada dhex mara ciidanka dowladda iyo Shabaab ayaa qoysas badan oo haystay nolol fiican u horseeda xaalad barakac ah oo aysan filaneyn. Sareedo Muxiyadiin Axmed waxaa qoyskeeda oo 8 qof ah ku adag helida quud-maalmeedka.
Waxay xustay in ay ku tiirsan yihiin aabaha reerka oo ka shaqeeya dejinta rarka ay gawaaridu keenaan Ceel-dheere. Shaqadaas oo aan joogto ahayn wuxuu helaa todobaadkii hal ama labo maalin.
Ninkaan oo ah waayeel aan qaban karin shaqo badan wuxuu helaa $2 maalinkaas, taas oo aan waxba ka tari karin qoyskiisa. Malmaha uusan soo helin ayay tilmamtay in carruurteeda oo kan ugu yar uu hal sano jir yahay ay biyo siiso si ay uga seexdaan.
Waxaa cunna xumada u dheer hoy la’aan ku haysata halka ay soo maciin bideen.
“haddii roob imaado daadku wuu soo galaya. Haddii dabeyl aad ah timaado way qaadaysaa oo waa naga dumaa. Habeenkii markii aan seexan rabno ayaan isku keekeena. Meesha aan daganahay waa meel banaan ah oo dabayl iyo dhaxan badan leh.”
Sareeda ayaa sheegtay in si ay qeyb uga noqoto maareynta baahiyaha qoyskeeda ay maalin kasto aado magaalada Ceel-dheer oo ay shaqooyin nadaafad ah ka raadisay, balse aysan soo helin.
Waxay maalin kasta gasha 30 daqiiqo oo sii socod ah si ay u gaarto magaalada. Waxay xustay in qoraxda kulul iyo socodkaas dheer ay kala kulanto dal iyo haraad, hasa ahaate aysan ka joogi karin nolol xumada haysa reerkeeda darteed.
“Haddii uu qof kaa xanuunsado waa inaad magaalada dhaqtar ugu doonto. Lacag aan xita ku iibsano cirbad qandho jabin ah ma heli karno oo ma awoodno. Xerada aan joogno malahan xarun cafimaad, cafimaadka aad ayuu nooga liita.”
Sareedo ayaa sheegtay in ay waxbarasho la’aan ka noqdeen saddex carruur ah oo dugsi Qur’aan uga dhigan jiray deeganka Ceel-xaaji oo ay ka yimaadeen. $5 ayay bishii ka dhibi jirtay isku darkooda.
Iskuullada Ceel-dheer oo ay tagtay ayaa loo sheegay in qofkiiba laga doonayo $5, balse kharaashkaas ayaysan awoodin. Waxay tilmaamtay in daruus la’aanta carruurteedu ay walwal joogto ah ku hayso.
Qoyska Sareeda ayaa safar lug ah oo ku qaatay labo maalin iyo habeenadooda ku soo gaaray duleedka Ceel-dheer oo tuulada Ceel-xaji u jirta masaafo dhan qiyaastii 40 km.
Sareedo ayaa sheegtay in roob yarida saddex xilli oo isxigtay ka jirtay deegaankoodii ay ku waayeen 90 neef ari ah oo ay nolashoodu ku tiirsanayd. 10 uga hartay ayay xustay in colaada ay kala soo baxsadeen, hasa ahatee aysan cad iyo caano toona laheeyn.
Qoysaska ku nool deegaannada dhaca bariga gobolka Galgaduud ayaa labadii sano ee u danbeyay dhibane u noqday dagaallada dowladda iyo Shabab. Waxay arrintaasi ku sababtay barakac deg deg ah oo ay ku waayeen dhamaan ilihii ay noloshoodu ku tiirsnayd.
Daa’uud Cabdullaahi oo ah gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada degmada Ceel-dheer ayaa sheegay in qoysaskan ay ku sugan yihiin xaalad aad u liita. Dhaqaale xumada haysa darteed ayuu xusay inaysan u awoodin inay gargaar gaar siiyaan.
“Hoyga iyo caafimaadka ayaa dadkan ugu daran meeshu waa meel banaan oo aan xitaa laheeyn geedo la harsado. Xaalad deg dega haddii ay ku soo kororto meel qofka la geeyo ma jirto. Haddii aan bulshada deeganka kalmo uga soo arruurin laheeyn dhaqaale xumo ayaa hayso oo wax badan kuma dhaamaan. Waxaa roob yarida darteed meesha ka baxa beerihii iyo xoolihi ay dadka ku tiirsanaayeen.”
Gudoomiyaha ayaa sheegay in tan iyo bishii sagaalaad ee sanadkan ay diiwangaliyeen 480 oo qoys oo deegaanno kala duwan ka soo barakacay.
Dadka colaadaha uga tagay deegaannadoodi badankoodu wali ma helin nolol soo kabasho ah, iyadoo dhanka kale mar kasta ay ku soo biirayaan kuwo cusub.







