(ERGO) – Maxamuud Xuseen Nuur oo 38 jir ah iyo qoyskiisa ayaa ka soo kabtay nolol xumo. Waxaa isbeddelka ka caawiyay fursad shaqo oo uu ka helay bishii Febraayo warshad soo saarta Yogurt iyo burcadka oo ku taalla deegaanka Jaziiro ee duleedka magaalada Muqdisho.
Wuxuu bille u qaataa $250. Dhaqaalahaas ayaa isaga iyo qoyskiisa ku hoggaamiyay inay ku noolaadaan nolol ka wanaagsan middii ay ku sugnaayeen ka hor shaqadan.
Maxamuud iyo reerkiisa oo colaad uga soo barakacay degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa fursaddan helay xilli ay magaalada ku cusbaayeen oo ay ku wajahaeen xaalad hubanti la’aan ah, maaddama ay fara marnaan ku soo galeen.
“Nolosheyda wax badan ayay ku soo kordhisay, qoyskeyga waa ku filan yahay mushaarka aan qaato. Qado, quraac iyo casho ayay cunaan ilmaheyga. Waxaan rabno ayay helaan.”
Wuxuu sheegay inuu sameysto dhigaal bille ah oo gaaraya 20 doolar oo uu ugu diyaar garoobayo waqtiyada adag ee soo wajihi kara iyo inuu sameysto mustaqbalka shaqo uu u madax bannaan yahay.
Maxamuud ayaa xusay in dhaqaalaha uu ka helo shaqadan uusan kaliya wax ka beddelin qoyskiisa, balse uu sidoo kale wax uga diro hooyadiis iyo walaalihiis oo ku nool, halkii ay ka soo barakaceen, maaddama ay halkaasi ku haystaan xoolo iyo dhul beereed ay abaar nacfi tirtay.
Ninkan ayaa dugsi Qur’aanka lagu barto geeyay shan kamid ah carruurtiisa, kuwaas oo uu bishii ka bixiyo $25, wuxuu sidoo kale waxbarashada ka bixiyaa gabar uu adeer u yahay oo dhigata fasalka siddeed iyo dugsi lacag bille ah oo gaareysa 15 dollar. Wuxuu sidoo kale lacag gaareysa $15 bishii ka bixiyaa gabar uu adeer u yahay oo dhigata fasalka siddeed.
“Ilmo agoon ah oo walaalahey dhaleen waxbarasho ayaan ka dhiibaa, gabadha aan qabo ciddeeda meesha ayay jiraan iyadana qaraabo ayaan nahay marka adiga ayaa lagu fiirinaa oo lagu leeyahay adiga ayaa shaqeeya.”
Maxamuud oo markii hore uga soo horreeyay qoyskiisa Muqdisho ayaa raadin u galay shaqo uu ku maareeyo nolosha reerkiisa oo ay ku adkaatay nolosha deegaankooda. Wuxuu sheegay in uu dulsaar ku ahaa lix bil guriga nin ay qaraabo yihiin, intii uu raadinayay shaqada.
Ninkan ayaa ka soo jeeda qoys beero iyo xoolo dhaqato ku ah degmada Buulo mareer ee gobolka Shabeelaha hoose, halkaas oo ay ku leeyihiin beer 20 hictar ah oo ay ku tacban jireen Galey, Digir iyo noocyo kala duwan oo qudaar ah,
Hase, ahaatee roob yarida ayaa rajo beel ku riday. Sidoo kale waxay hadda dhaqdaan 20 neef oo Lo’ ah oo uga soo haray 60 neef oo uga le’day xilliyo kala duwan cudurro iyo daaq yari.
Kororka warashadaha yaryar ee dalka ayaa fursad u noqday boqollaal qof oo danyar ah, kuwaas oo is beddel ka helay.
Dahabo Xasan Maxamed oo 48 jir ah waxay ka walwal la’dahay cunno maalmeedka carruurteeda iyo hoy ay ku noolaadaan, markii ay shaqo ka heshay warshadan bilowgii bishii Maarso ee sannadkan 2025.
Waxay u qaabilsan tahay nadaafadda iyo cunno u karinta maamulka iyo shaqaalaha Warshadda.
“Raashiinkooda ayay karsadaan. Halkii qol waan ka soo guuray, meeshaas waan ka soo guuray, hadda labo qol ayaan degnay.”
Kahor shaqadan waxay dulsaar ku ahaayeen haweeney ay qaraabo yihiin oo ay kula noolaayeen guri saddex qol oo jiingad ah oo laga siiyay hal qol oo aan deeqin tiradooda badan darteed.
Qoyskooda ayaa kamid ah dad laga soo raafay magaalada Hargeysa sannadkii 2021, markii lagu amray inay dib ugu laabtaan Koonfurta Soomaaliya oo ay ka soo jeedaan.
Dahabo qoyskeeda waxay muddo bil ah ku noolaayeen magaalada Gaalkacyo, balse nolosha oo ku adkaatay ayay door bideen inay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho oo ay uga qaxeen dagaal sannadkii 2012.
Nolosha Muqdisho oo iska beddeshay xilligii ay ku noolaayeen ayay dantu bidday inay ku soo guryo noqdaan iyaga oo fara maran. Haweeneydan ayaa gashay halgan si carruurteeda aysan u gaajoon maaddaama saygeedii uu dhintay.
Keli ku ahaanshaha korinta ubadkeeda waxay ka dhaxashay kalsooni iyo dhiiragelin ku riixeysa shaqo raadin joogto ah si ay ugu filnaato noloshooda. Waxay xaafadaha degmooyinka Muqdisho ka naadin jirtay nadaafad, cunno karinta iyo dhar dhaqista oo aysan si joogto ah u heli jirin.
Dahabo fursaddan shaqo oo ay ugu danbayn heshay ayaa u suuragalisay isbeddel iyo inay labo kamid ah carruurteeda geysay dugsiga Cali Xuseen oo ah iskuul dowladeed oo lacag la’aan ah, balse gabar kamid ah carruurteeda ay ka bixiso 15 dollar bishii, taas oo oo iskuul gaar ah ka dhigata luqada Ingiriiska iyo Xisaabta.
“Markii hore barakac ayaan ahaa, waana la soo barakiciyay Hargeysa dadkii laga soo bixiyay oo la soo raafay ayaan aheyn. Xoog ayay aheyd. Waan soo baxnay.”
Waxay sheegtay inay qoyskeeda ka soo kabteen sannado ay ku jireen xaalado adag oo dhanka nolosha iyo hoyga ah. Dadka shaqooyinka ka helay warshadan ayaa u badan danyar shaqo la’aan ku ahaa caasimadda iyo in kale oo deegaannadooda uga soo cararay colaado iyo abaaro.
Sacdiyo Cali Xasan waxay shaqadan u horseeday inay ku filnaato nolosha qoyskeeda oo ku nool deegaanka Budbud ee gobolka Galguduud, halkaas oo ay uga soo tagtay si ay u maareyso noloshooda, maaddaama ay tahay curadka reerka.
Shaqadan oo ay bilowday bishii May ee sannadkan waxay u noqotay mid reerkooda ka saartay xaalad hubanti la’aan cunno. Dhaqaalaha ay bishii ka hesho shaqadeeda oo gaaraya $200 $150 kamid ah waxay u dirtaa qoyskeeda oo ka kooban saddex walaalaheed, hooyadeed iyo aabbaheeda.
Qoyskeeda ayaa abaar soo laalaabatay ku waayay 50 neef oo geel ah iyo 100 neef oo ari ah. Bartamihii 2024 ayay soo gashay Muqdisho muddo bilo ah waxay la joogtay reer ay qaraabo yihiin oo ku nool degmada Hodan, halkaas oo ay iska barteen haweeney ay daris ahaayeen.
Warshaddan oo la hirgeliyay sannadkii 2024, waxay ku shaqo bilowday ajaanib, kuwaas oo tababar dhammeystirin siisayay shaqaalaha hadda hawsha wada.
Hirgelinta mashruucan wuxuu sidoo kale rajo u horseeday xoolo dhaqatada, gaar ahaan kuwa jooga Shabeelaha hoose, kuwaas oo hadda xaaladooda dhaqaale wax is ka beddeshay, markii ay suuq joogto ah u heleen caanahooda.
Fartuun Cali Axmed oo kamid ah maamulka warshadda ayaa sheegtay in fursadda ugu badan ee shaqada ay siiyeen dadka danyarta ah si ay ugu noqoto mid wax ka beddesha xaaladahooda dhaqaale.
Waxay tilmaamtay in caanaha Lo’da oo ay ka farsameeyaan Yogurt-ka ay fursad joogto ah siisay dadka xoolo dhaqatada ah, kuwaas oo aan heli jirin rukun maalinle ah.
“Waxay fursad siisay dad xoolo dhaqato ah oo iyagana caanahoodii wax ka qaato waayi jireen oo haddana aan annaga ku xirannahay oo dheef ay u keenaan caanahooda, waxay kala joogaan Shabeelaha hoose meelo kamid ah sida, Daafeed, Afgooye iyo Lafoole. Uma heli jirin cid ka gadata caanahooda hadda maalinle ay dhahaan lacagta ha na lagu siiyo waan ku siinaa.”
Kororka warshadaha maxalliga ah sida Dheef, waxay bog cusub u furayaan iskaashi dhaqaale oo dhexmara iyaga iyo xoola-dhaqatada Soomaaliyeed oo wajahaya caqabad ah in caano boore lagu soo saaray dalal shisheeye uu suuqa kala wareegayo, balse dadaalladan waa fursad ay xoola-dhaqatadu ku heli karaan suuq joogto ah oo caanahooda looga iibsado, isla markaana kordhinaaya dakhliga qoysaskooda.








