Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween carmal ah oo ku keliyaystay korinta carruur lagu dayacay

Jibril Osman by Jibril Osman
December 29, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Haween carmal ah oo ku keliyaystay korinta carruur lagu dayacay

Captionka: Fartuun Maxamed oo dhar dhaqaysa si ay carruurteeda dabka ugu shido/Axmed Cabdullaahi/ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nolol xumo iyo dayac ayay wajahayaan haweenka keligood koriya carruurta lagu furay ee ku sugan xeryaha Dhadhaab. Maareynta nolosha ayaa ku adag sida ay sheegeen qaarkood oo la hadlay Radio Ergo.

Xaaladooda ayaa ka sii dartay markii laga joojiyay gargaarka bani’aadanimo oo noloshooda tiir dhexaad u ahaa. Halka qaarkodna laga dhimay xaddigii raashinka la siin jiray, dhaqaale yari ku dhacday hay’adihii sama-falka darteed.

Khadiijo Cabdulqaadir Aadan oo korisa siddeed carruur ah oo ay aabbahood kala tageen ayaa sheegtay in iyada iyo caruurteedu ay ku jiraan hubanti la’aan dhinaca nolosha ah. Waxay xustay in ay ku keliyaysatay duruufaha xeryaha.

Haweeneydan ayaa tilmaamtay inay wax garab iyo daryeel ah ka wayday ninkii ay carruurta u dhashay oo ku dayriyay isaga oo la socda xaaladdooda. Waxay intaas raacisay inay ku jiraan nolol ciriiri ah oo aanay aqoonin meel ay uga baxdo.

“Qaxootiga wax iga dan-daran aniga iyo caruurtayda ma jiraan, ileen aabbihii ilamaha ila korin lahaa faro kuma hayo oo waa kala tagnay sanadkaan dhexdiisa. Saxariir baan ku noolahay. Mar waxaa laga yaabaa in habeen aan qadno habeena aan helno, xaaladdu aad ayay u halis u tahay.”

Khadiijo waxay halgan adag ugu jirtaa inay qoyskeeda ka gudbiso marxaladda adag balse dedaalkeeda waxaa wiiqaya dhaqaale xumada ka jirta xeryaha.

Shaqooyin xoogsi ah oo ay jirtay ayay sheegtay inay yaraadeen oo inta badan aysan helin, markii dadkii loo shaqaysan jiray uu saameeyay gargaarka laga dhimay.

“Qooto qooto ayaanu iskaga noolahay. Maalin kastana deris ma dhih kartid wax i siiya, marna ha ku siiyaan marna kawaa sidaa ayaan ku noolahay, habeen qad, habeen quudo sidaas lee waaye.”

Haweenaydan ayaa tilmaantay inay nolosha quus ka joogaan iyada iyo caruurteeda. Waxay gocanaysaa oo hadaleeda ku badan sida carruurta aabbahood oo xerada la joogaa uusan waxba ugu kordhin nolosha iyo waxbarashada ubadkiisa.

Waxay xustay in 4 ka mid ah carruurta oo dhiganayay dugsi qur’aan ay muddo sadex bil hadda guriga joogaan markii ay awoodi wayday lacag $23 ah oo ay ka bixin jirtay bishii. Waxay sheegtay in markii laga soo eryay dugsiga ay raadisay aabbahood si ay ula socodsiiso balse aanay waxba ka faa’iidin.

Khadiijo ayaa tilmaantay in 4 kale oo dhigan jiray iskuul bilaashka ah ay igana xaafadda joogaan markii ay gaajada awgeed ugu adkaatay inay si joogto  ah u tagaan, arrintaas oo ay sheegtay inay aad ugu qalbi jabtay.

“Macalimku lacag buu rabaa, markii dhowr mar la igu soo celiyay, ilmahii waa xareeyay guriga ayay joogaan. Waxba ma bartaan. Waxba ma haayo. Hadda saacadan aan kula hadlayo waxaan dabku saaro ma hayo, xalay waa galnay waana kusoo baxnay.”

Khadiijo waxay sheegtay inuusan ku filnayn raashinka deeqda ah ee laga siiyo xerada oo ah 45 kiilo bariis ah, 13-kiilo misir ah iyo oo 10-litir saliidda cunnada oo labadii bilba mar la siiyo. Waxay xustay inuusan u gaarin doorka kale ee raashin bixinta oo uu dhexda uga go’o. Waxay tilmaantay in lacag deyn ah oo dhan $230 looga leeyahay dukaan ay macmiil la ahayd, taasi oo hadda la waydiiyo balse aysan garanaynin meel ay ka bixiso.

Qoyska khadiijo ayaa sanadkii 2004 amni xumo uga soo qaxay magaalada Muqdisho waxay ahaayeen xoogsato ku tiirsanaa shaqooyin muruq-maal ah oo waalidiinteed ay ka qaban jireen suuqyada caasimadda.

Haweenka la dhibaatoonaya kaalinta ay ku cidleeyeen raggoodii hore waxaa ku jira kuwa laga reebay dadka loo qoondeeyay inay sii qaataan raashinka deeqda ah bishii sideedaad ee sanadkan. Dumarkaas waxaa isku biirsaday in lagu dayriyay ubadka iyo gargaar la’aan.

Fartuun Maxamed Aadan oo ah 35 jir keligeed korisa toddobo carruur ah ayaa sheegtay inay maareyn la’dahay culaysyada isku biirsaday. Waxay xustay in saameynta uu ku yeeshay qoys burburku iyo raashinkii deeqda ahaa laga jaray ay caruurteeda galisay duruuf nololeed oo adag.

Haweenaydan ayaa tilmaantay inay u taag la’dahay quudinta caruurteeda markii ay meesha ka baxday kaalintii aabbaha iyaduna ay wayday shaqo joogto ah oo ay nolol maalmeelkooda uga hesho.

“Aabbaha ilmaha wuxuu na siiyo malahan. Magaalada ayuu dhinac ka jooga, shilina nama siiyo, raashinkiina waa nalaka jartay.”

Fartuun oo ay saygeedii kala tagaeen labo bilood ka hor ayaa sheegtay in hadda caruurteeda ay ku tiirsan yihiin, cuno hal mar maalintii ah. Waxay dabka ugu shidaa waxa ka soo gala shaqo dhar dhaqaal ah oo aan joogto ahayn.

Haweenaydan ayaa tilmaantay inay xamili la’dahay maareynta qoyska ee ku soo furantay. Waxay xustay in caruurteeda habeennada qaar ay gaajo ku seexiso. Iyada oo intaas ku dartay inaysan jirin cid ay ciirsato.

“Shalay magaalada ayaan aaday waa ka soo laabtay aniga oo aan waxba haynin, markii aan imaaday quraac aan shalay subaxdii u kariyay ayay ku baryeen, dantaana ii gaysay. waa gaajaysan yihiin. Waan iska jeclaan lahaa qof garab i siiya oo caruurta ila ogaada.”

Fartuun subax walba xilli hore ayay guriga kasoo baxdaa iyada raadinaysa cid shaqo u dirsada si ay maalintaa carruuteeda dabka ugu shido, waa howl adag, dedaal iyo doon-doona u baahan, helisteeduna ay yartahay sida ay xustay.

Qoyskeeda ayaa sanadkii 2010 kii amni daro uga qaxay magaalada Jowhar ee gobolka Shabbeellaha dhexe. Waxay noloshoodu ku tiirsanayd shaqo tacab ah oo ay u qaban jireen iyada waalidkeedba beeralayda deegaanka.

Gudoomiyaga xerada Xagardheer oo xiganaya maxkmadaha islaamiga ah ee xeryaha iyo odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in afartii bil ee u danbaysay la diiwaan galiyay boqollaal qoyska oo is furay markii khilaafkooda xal kale loo waayay.

Sababa loo tiiriyay badashada furriinka  waxaa ka mid ah hoos u dhaca gargaarka oo horseeday shaqo la’aan, taas oo keentay in is-qab-qabsiga lammaanayaasha .  

Ragga oo masuuliyad xumo iyo dayac lala xiriiriyay ayaa dhankooda sheegaya in haweenka oo raadinaya dhaqaale ka badan awooda ragaa ay sabab u yihiin kala tagga, sida uu sheegayo Cabduhaahi Maxamed Tifow oo ay xaaskiisii kala tageen afar bil ka hor. Wuxuu tilmaamay in uu dhibane u noqdey hanti badan oo xaaskiisu ku xujaysay, taasi oo markii dambe sababtay in uu qoyskii ka dumo.

“Guryo ayay igu kaliftay in aan dhiso anna ma awoodi karo ayaan dhahay, haddii aan awoodi karo waaba fiicnaan lahayd, caruurtuna waxbarasho ayay iga rabaan. Waa awoodi waayay lacag bacaweyne lagu dhisayo, waa $10,000 xagee ka keenayaa nolol maalmeedkii ayaa xarbinayaa.”

Cabdullaahi oo ah muruq-maal guryaha dhisa ayaa sheegay in marnaba uusan qoyskiisa gabin, ilaa haddana uu u taagan yahay kaalintiisa waalidnimo oo uu ka war hayo.

Culayska dhinaca nolosha ah ee dhasha burburka qoysaska waa mid aad uga jira xeryaha qaxootiga welina aan wax xal ah loo helin, iyadoo ka soo kabashada saamaynta ka dhalata ay ku adag tahay haweenka iyo carruurta.

Previous Post

Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari

Related Posts

Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari
Beeraha Iyo Xoolaha

Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari

December 18, 2025
Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran

December 16, 2025
Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud

December 12, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhallinyaro fursad shaqo ka helay Baydhabo oo qoysaskooda ka saaray xaaladda barakaca

December 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

December 8, 2025

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 28-DEC-2025

IDAACADDA 28-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 28-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 28-DEC-2025
December 28, 2025
Episode play icon
IDAACADDA-27-DEC-2025
December 27, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 26-DEC-2025
December 26, 2025
Episode play icon
IDAACADDA-25-DEC-2025
December 25, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 24-DEC-2025
December 24, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo