Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda

Jibril Osman by Jibril Osman
December 3, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda

Saynab Maxamed Yuusuf oo beerteeda dalagyo ka goosanaysa/Axmed Cabdi Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamuud Cabdi Makooma wuxuu ku naaloonayaa isbeddel nololeed iyo kobac dhaqaale oo uusan horay u haysan. Wuxuu ka mid yahay in ka badan boqol beeralay ah oo waraab joogto ah ka helaya Kanaal deegaanka Qaam-qaam ay ka hirgalisay juun 2025 hay’adda GIZ oo kaashanaysa NRC iyo wasaaradda beeraha Jubbaland.

Wax soo saar noocyo kala duwan ah uu u gadmay tan iyo bishii Oktoobar ayuu ka faa’iiday lacag gaaraysa $1,100. Wuxuu sheegay in uu macaamiil ka helay Kismaayo, deegaanka Qaam-qaam iyo tuulooyinka u dhow, kuwaas oo joogto uga iibsada.

Dalagiisa oo qiimo fiican laga siiyay ayaa qoyskiisa u horseeday soo kabasho dhaqaale oo deg deg ah iyo isku filnaansho cunno. Wuxuu xusay in uusan hadda ka walwalayn quud-malmeedka iyo baahiyahooda kale.

“Intaan tagno maanaan soo adeegan jirin awal, laakiin hadda beerta qarash ayaa naga soo galaya. Suuqaan tagnaa hilib ayaan soo gadanaa, digir ayaan soo gadanaa beddelka hilibka. Waa ku noolaanay.”

Maxamuud ayaa sheegay in uu iibsaday 70 kiilo yaanyo ah, boqol kiilo barbarooni ah iyo 18 kiish oo galey ah. Waxaa dhanka kale u gadmay sagaashan xabo oo qare ah, ansalaato, kabsar, basbaas iyo qaar kale.

Wuxuu tilmaamay in dhaqaalaha uu helay uu qayb ku maareeyo nolosha qoyskiisa oo 18 qof ah, qaar uu beerta dib ugu celiyay, sidoo kalena uu ka dhigtay $160 kayd ah. Wuxuu ku faraxsan yahay in ay meesha ka baxday caqabadii biyaha ee horay u haysatay.

“Matoor la’aan ayaa na haysay markii hore, dhaqaale aan ku iibsadana ma haysan. Dalag walba ma aanan abuuran karin oo galeyda kaliya ayaan abuuranaynay. Hadda dalag walba waan abuuran karaa. Kala duwanaansho weyn ayaa u dhexeeya xilligaan iyo markii hore.”

Maxamuud ayaa sheegay in dhowr nooc oo abuur ah ay siisay hay’ada FAO, taas oo u suuragalisay in uu dalagyo kala duwan galiyo beertiisa oo sideed hektar ah.

Is beddelkaan ka hore waxay qoyskiisu ku tiirsanaayeen labo ama saddex dollar oo aan joogto ahayn oo mar mar uu ka heli jiray shaqooyin beero falid ah oo toolooyinka u dhow Qaam-qaam uu ka soo qaban jiray.

Wuxuu sheegay in 5 carruur ah oo horay waxbarasho la’aan uga ahaa uu bilowgii Nofeembar geeyay dugsi qur’aan iyo meel ay luuqadaha Caribiga iyo Ingiriiska ka bartaan.

Isku darkooda ayuu ka dhiibaa $60. Wuxuu dhanka kale qaar iska bixiyay daymo lagu lahaa, halka inta ku hartayna uu qorshnayo in uu gudo.

“Markii aan wax weyno dayn ayaa nalagu qorayay oo dukaamo ayaan wax ka soo qaadan jirnay, haddii aan helnayna waa iska bixinay oo hadda $375 ayaa dhiibay. Waxaa wali igu qoran $600 intaasna in aan iska bixiyo ayaan rabaa oo tacabka waan sii wadayaa dhawaana fasal ayaa noo soo go’aya.”

Qoyska Maxamuud oo muddo dheer beeralay ahaa waxaa saddex sano ka hor meesha ka baxay tacabkoodii, markii ay isku raaceen fatahaado, biyo yari ka danbaysay iyo cayayaano ka galay wixii ay tacbadeen.

Kanaalka deegaanka Qaam-qaam oo dheeraskiisu yahay hal km iyo iyo bar, wuxuu dhismihiisu socday saddex bil. Waxaa ku baxday in ka badan $1.5 milyan.

 Waxaa saaran 54 soolar oo maalin kasta webiga ka soo bixin kara in ka badan kun foosto oo biyo ah, taas oo haqab- tirtay beeraley badan.

Saynab Maxamed Yuusuf ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in aysan hadda murug ka qabin waraabinta beerteeda oo toddobo hektar ah.

Waxay xustay in ay dhamadkii Oktoobar illaa hadda ay goosanayso khudaar iyo galey, kuwaas oo qaab fudud ay ku waraabsato.

“Midda kale dadka naga shisheeya ayay biyaha u sii gudbisaa. Marka qofba mar ayuu waraabsadaa. Labadii beerood hal maalin ayaa lagu siidaayaa.”

Saynab ayaa sheegtay in $800 ay ka heshay dalagyo isugu jira khudaarta cagaaran, gelay iyo masago. Waxay kuwii ugu horeeyay suuqa gaysay 15 bishii tobnaad.

Raashinka u soo go’ay oo 20 jawaan ah ayay xustay in ay sideed kiish meel dhigatay si ay ugu noqoto keyd cunno oo ay u baxsan karto mark kale.

Beerta ayay tilmaamtay in ay dib u galisay $250 oo ay ka filayso shan boqol oo faa’iido ah, marka ay u soo go’aan. Dalaga oo marar kala duwan ay abuurtay ayay xustay in qaar ay hadda diyaar yihiin, kuwa kalena ay toddobaayada soo aadan goosan karto.

Haweenaydaan ayaa tilmaamtay in falista beerta ay iska kaashadaan iyada iyo ninkeeda. Waxay sidoo kale qoratay labo qof oo la shaqeeya, kuwaas oo maalinkii ay afar dollar siiyaan. Hormarka dhaqaale ee ay heshay ayaa horseeday in aysan ka walwalin maaraynta qoyskeeda oo 10 qof ah.

“Galeyda noo soo go’day waan shiidanaa soor baan ka dhiganaa, muufo ayaan ka samaysanaa. Digir ayaan u soo gadanaa oo cambuulo ayaan ka dhiganaa isbeddel weyn ayaan helnay hadda.”

Saynab ayaa xustay in ay ka nasatay fakarkii masruufka carruurteeda. Waxay iska bixisay labo boqol oo dollar oo looga lahaa dukaamada raashin ee deegaanka Qaam-qaam.

Waxay sidoo kale joogto u bixisaa $28 oo iskuulka hoose ay ugu dhigtaan afar carruurteeda ah. Waxbarashadooda waxaa awal ka caawin jiray walalkeed degan magaalada Kismaayo, maaddaama aysan awoodi jirin.

Waxay sheegtay in ay ka khasaaareen dhowr mar dalagyo ay uga baxday lacag $380, taas oo ehelkeedu ku caawiyeen.

“Lacag badan ayaa iiga baxday. Webiga uma dhawin waa ka fognahay, haddii aad 10 liitar oo shidaalka ah ku shubto matoorka lix saac ayuu kaaga damayaan 2 hekter ayuuna waraabinayaa.”

Saynab ayaa sheegtay in shantii sano ee ugu danbaysay ay la kulmeen dhibaato nololeed iyo mid dhaqaale. Qoyskeeda oo badan ayaa ku tiirsanaayeen $1.5 illaa $2 oo maalinkii ay ka heli jireen xaabo uu ninkeedu duurka ka soo guro, iyaduna ay sii iibin jirtay.

Guddoomiyaha iskaashatada beeralayda Qaam-qaam Cumar Yuusuf ayaa sheegay in dadka mashruucaan ka faa’iidaystay ay xaaladooda dhaqaale aad u liidatay. Waxaa laga soo xulay in ka badan 300 boqol oo beeralay ah, iyadoo fursadaan la siiyay 110 ka mid ah, kuwaas oo hadda isbeddel nololeed helay.

“Khudaar iyo galey ayay beerteen. Nin walba awoodiisa intii ay u gaartay ayuu ka helay. Waa meel subax kasta lagu kallahayo oo laga shaqaysanayo, markii horena saddex bil oo roob ah kali ah ayaa wax yar la tacban jiray hadda 12 bilood ayay wax beeran karaan.”

Beeraleyda oo hal-bowle u ah wax soo saarka cunno ee dalka waxay muddo dheer xal u la’yihiin culaysyo dhaqaale iyo isbeddelka cimilada oo wax soo saarkooda hoos u dhigay. Taageerada ay heleen ayaa ah mid yar oo aan wada gaarin, taas oo ka dhigta faa’iidada mid kooban.

Previous Post

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

Next Post

Muqdisho: Qoysas nolol-xumo uga baxay shaqo ay ka heleen shirkad caanaha warshadaysa

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas nolol-xumo uga baxay shaqo ay ka heleen shirkad caanaha warshadaysa

December 4, 2025
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
Beeralayda Gabilay oo ka cabanaya cayayaan ka awood badiyay markii uu ka galay dalagga
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeralayda Gabilay oo ka cabanaya cayayaan ka awood badiyay markii uu ka galay dalagga

November 30, 2025
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Bacaadka guurguura oo barakac iyo nolol xumo biday dadka deegaanka Kulub

November 27, 2025
Qoysas barakac ku tagay Wanlaweyn oo ka dayriyay nolol xumo haysa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ku tagay Wanlaweyn oo ka dayriyay nolol xumo haysa

November 25, 2025
Dhadhaab: Cunno xumo haysa 10,000 oo qoys oo laga waayay diiwaanka raashin bixinta
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Cunno xumo haysa 10,000 oo qoys oo laga waayay diiwaanka raashin bixinta

November 24, 2025
Next Post
blank

Muqdisho: Qoysas nolol-xumo uga baxay shaqo ay ka heleen shirkad caanaha warshadaysa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA-04-DEC-2025

IDAACADDA-04-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA-04-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA-04-DEC-2025
December 4, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 03-DEC-2025
December 3, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 02-DEC-2025
December 2, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 01-DEC-2025
December 1, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 30-NOV-2025
November 30, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo