(ERGO) – Sodon iyo shan rag ah ayaa fursad shaqo abuur oo noloshooda iyo midda qoysaskooda beddeshay ka helay tan iyo horraantii sanadkan shirkad lagu magacaabo Malabsan, taas oo deegaannada gobolka Mudug ku leh Sanduuqyo shinnida lagu dhaqo.
Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa ku filnaaday baahiyaha reerkiisa oo toddobo ah. Waxaa u suurageliyey $200 oo dollar oo uu bille mushaar ugu qaato.
Ninkan ayaa sheegay in dhaqaalaha ka soo gala shaqadan oo uu billaabay bishii Luulyo ay uga baxeen hoy xumo iyo cunno yari ay ku wajahayeen xero ku taallla deegaanka Kuweyd. Wuxuu xusay inay soo miciin bideen bishii koowaad ee sanadkan markii ay abaar uga dhamaadeen 100 neef oo ari ah oo ay miyiga ku dhaqanayeen.
“Markaan magaalada imid nin reer miyi ah magaalada waxba ka aqoon baan ahaa. Waxaan ku noolayn nolosha hoose, dadkaas baan shaxaadi jiray. Hal wakhtibaan ciyaalka dabka u shidan jiray. Markii dambe shaqadan baan helay markaan dhaqaalaha helay reerkii magaalada soo degsaday, qol baan kireystay ilmahaygii iskool iyo malcaamada Quraan baan geystay, weliba reerkayo miyiga uga soo kacay waxbaan uga diraa raashinkiyo wixii aan u tari karaan u diraa, aad iyo aad baan ugu baraaray.”
Ninkan ayaa ku ku dhiirraday bishii September inuu waxbarasho geeyo saddex ka mid ah carruurtiisa, kuwaas oo bil kasta uu ka dhiibo $30.
Wuxuu sidoo kale, caawiyaa qoyska waalidkii oo weli degan miyaga Kuweyd. Maxamed ayaa ka mid ah shaqaale deegaan miyi ah ku dhaqa shinnidda. Wuxuu sheegay in halkaas loo geeyay si ay u hesho dhir kala duwan oo ay malab ka samayso.
Wuxuu qaabilsan yahay ilaalinta iyo raridda sanduuqyada lagu hayo. Shaqadan oo badan darteed wuxuu sheegay inuu qoyskiisa bishii u yimaado maalmo kooban. Ninkan ayaa sheegay inuu kaga maarmay inuu deriska kaalmo waydiiso iyo inuu deyn raadiyo.
“Markaan baadiyaha ka soo xarooday waxna ma wadan xoolahiina waatay iga soo dhamaadeen, bakhaaradii magaalada ka samaysnaa ayaan waxaan ka qaatay raashin dhowr meelood baan wax ka qaad qaatay lacagta $500 bay gaadhay markaan isku xisaabshay, $100 baan ka bixiyey inta kala sidaan ku maarayn lahaa hadaan ku jiraa howlaheeda.”
Maxamed ayaa xusay inuu wax badan ka fahmay xannnaanaynta shinnida. Wuxuu qorshaynayaa inuu mustaqbalka u weecdo hab dhaqashadeeda si uu horumar u uga gaaro.
Dadka ku cayroobay roob yari gobolka ku soo laalaabatay, kuwaas oo shirkaddan u dhaqa shinnida, waxaa ka mid ah Cabdishukri Cali Axmed oo awood u yeeshay inuu reerkiisa ka saaro nolosha barakacnimada.
Ninka oo shaqadan loo qaaday bishii May ee sanadkan ayaa bille u qaata $250, waxaa u suura gashay inuu qoyskiisa 11 qof ah uu $25 guri ugu kireeyo. Waxay ka baxeen hubanti la’aan ay ku wajahayeen muddo sanad ah xero ku taalla deegaanka Bilcil.
“Reerka saddexda wakhti dabka waa u shidan yahay, iskuulka iyo dugsi waan ka bixiyaa, guri fiicano kiro ah waa degan yihiin, xiligii horana hal wakhti baa wax la karsan jiray. Mar waxaa dhici jirtay inay nooba goyso la waayo. Kaamkaas noloshiisu aadbay u adkayd ilaa siddeed bilood baan deganaa buushka. Maalintii waa bilaa hoo, habeenkii dhaxantiisa waa leeyahay, aad iyo aad bay u kala fogtahay Ilaahay hadda waa noo barwaaqeeyey.”
Cabdishukri wuxuu waxbarasho ku daray 5 ka mid ah caruurtiisa oo uu bille uga bixiyo $50. Wuxuu sheegay in fursaddan uu helay markii shirkadda ay deegaankooda usoo rartay sanduuqyada shinida markaas oo uu nin ay qaraabo yihiin uu ku daray shaqaalaha hoose.
Ninkan ayaa sheegay inay shaqadan isbedel ku hoggaamisay noloshooda muddo 5 bilood ah oo uu la shaqaynayey. Wuxuu geesta kale uu ku guuleystay inuu iska gudo 200 doolar oo ka mid ah $700 lagu yeeshay muddadii uu shaqo la’aanta ahaa.
Ninkan ayaa xusay markii uu soo degay magaalada inuu miciin biday qaadashada deyntaas muddo bilooyin ah. Wuxuu intaas ku daray inay shaqadan ku soo aaday xilli ay ka istaagtay taageero uu ka heli jiray dad qarabadiisa ah oo ka caawin jiray inay maalmaha qaar dabka reerka u shidaan.
“Sanadkii hore dhamaadkiisa ari fiican oo sideetameeyo ah baan lahaa abaartii baa dhabarka ka jabisay, markii ugu dambaysay toban neef baa ka soo haray qolo qaraabo ahayn oo deris ahayn baan ku darsaday ana waan ka soo guuray tuuladaan soo degay tobankiina igama dambayn, waxaa la sheegayey inay saddex neef ka sii nool yihiin.”
Cabdi shukri wuxuu hadda ka mid yahay shaqaalaha rasmiga ee shirkada Malabsan. Wuxuu ka soo gudbay shaqo hoose oo uu labadii bilood u horaysay ku qaadan jiray bishii $100. Wuxuu sheegay in hadda uu ka shaqeeyo qaybta kala saarida malabka.
Ninkan iyo qoyskiisa ayaa usoo guuray deegaanka Bilcil bishii November sanadkii hore 2024, xilligaas oo dhaafay 80 ari ah oo ay noloshooda ku tiirsanyd. Maalmo adag oo ay soo mareen hadda waxay ka soo kabteen noloshii adkayd ee ay galeen.
Cabdulqaadir Saciid Geelle oo ah madaxa shaqada Shirkadda Malabsan ayaa sheegay in shirkadooda oo shaqaynaysa labo sano markii ay higeliyeen ganacsato fursad ka dhex arkay ka ganacsiga malabka.
50 ka mid ah shaqaalaha ayuu xusay inay badankood kusoo biireen ilaa horraantii sanadkan. Wuxuu xusay inay keentay ballaarin ay ku sameeyeen hawlashooda iyaga oo gaaray migiya Galdogob, Bursaalax iyo Xarfo.
Wuxuu sheegay inay dadka u shaqeeya ay u badan yihiin reer guura ama dad markii hore ka yimid. Wuxuu intaas raaciyay inay mudnaanta ku siiiyeen sabab la xiriirta inay garanayaan dhaqanka deegaanka iyo duruufaha ka jira.
“Maadaama dadkaas ay ahaayeen dad reer miyi ah xoolahii ka baaba’een xirfadii baan barnay iyagun wax badan bay ka faa’iideen dadkooda wax u faa’iideynayaan, ehelkooda wax ka siinayaan caruurahooda wax ku tarayaan, shirkadana waa u faa’iideynaysaa marka dambe waxaa dhici doonta hadii kambaniga sii shaqeeyo in mushaarka loo sii badiyo.”
Dhaqashada shinnida oo aysan Soomaalida markii hore aad ugu baraarugsanayn ayaa hadda helaysa soo jiidasho Gobolka Mudug iyo deegaanno kale. Halka kiilo ee malabka ah ayaa Gaalkacyo ka jooga $25.
Marka laga soo tago inay ganacsatada ka helaan faa’iido wax-soo-saarka shinnida, waxay nolol u abaartay danyar ku xoolo beelay baad yari ka dhalatay isbeddelka cimilada, kuwaas noloshooda ka maareeya.









