(ERGO) – Maxamuud Nuur Xasan hadda waa beeraley ku filan maareynta qoyskiisa. Noloshan wuxuu ku haystaa magaalada Baydhabo oo uu horay uga tahriibay. Wuxuu ka mid yahay konton dhallinyaro ah oo ku midoobey beero ay kireysteen.
Dhammaantood horay ayay u tahriibeen, balse waxaa lama huraan noqday dhulkii ay shaqo la’aanta uga tageen oo wax u dhaama ay waayeen.
Maxamuud ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in caqabadaha ay kala kulmeen tahriibka oo iskugu jiray xarig iyo madax furasho ay ku dhaliyeen in si sax ah ay u fakaraan.
Faro marnaantii ay la soo laabtaan waxaa badalay ildhaqaale oo joogta ah oo ay wehliso xorriyad iyo iyagoo la nool qoysaskooda.
Aragti, xoog, midnimo iyo dhaqaale yar oo ay isku darsadeen ayaa ka dhigtay inay noqdaan beeraley si joogta dalagyadooda ugu iib geeya suuqyada magaalada Baydhabo.
Maxamuud ayaa sheegay in dhaqaale gaaraya $800 uu ka helay dalagyadii ugu horeeyay oo u soo go’ay bishii July, hadana uu qorsheynayo in wajiga labaad ay gurtaan dhammaadka bisha October ee sanadkan.
“Awal nolosheydu qiil-qiil ayey ahayd, hal waqti ayaan wax cuneynay, laakiin maanta saddexda waqti waxbaan karsannaa, markii hore tuugsi iyo darbi fadhi ayaan ahaa, waxba ma hayn. Hadda subaxdii markaan kacana waxaan aadaa beertayda. Khudaar ayaan ka gurtaa, qoyskaygana waan maareeyaa. Maanta noloshaydu wey hagaagtay.”
Maxamuud oo 39 jir ah ayaa tilmaamay inuu ku jiro marxalad tii ugu wanaagsaneyd ee soo marta, taas oo ilowsiisay waayo adag oo soo maray.
Dhaqaalahaas ayuu xusay inuu ka caawiyay in qoyskiisu helaan cunto ku filan, ayna waxbarasho u billaabaan 2 carruur ah oo iskuulka iyo dusiga Qur’aanka uu bishii ka dhiibo $40.
Ninkan ayaa sheegay in ka hor beerta ay qoyskiisu dulsaar ku ahaayeen dad ay qaraabo yihiin, maadama uusan waxba u awoodin. Hadda waxay deggan yihiin guri labo qol ah oo kiradiisu bishii tahay $40.
Wuxuu intaas ku daray inuu sameeyey dhigaal lacageed oo gaaraya $200. Wuxuu qorsheynayaa in mustaqbalka uu ku billaabo ganacsi kale oo u gaar ah.
“Noloshan mid ii dhaanta horay uma arag, Xoogeena aan isku darno, muruqeena aan maalno oo aan wax tacbano, sidaas ayaa baahi looga bixi karaa. Shaqo la’aan dhibaato ka weyn oo ka cadowsan ma jirto ayaan u maleynayaa.”
Maxamuud ayaa sheegay inay beertaan dalagyo kala ah Yaanyo, basal, baamiye, bocor, karooto, koosto, digir iyo masago. Sanadkii ayay kun Doollar ku kireysteen 10 beerood oo isku darka cabirkoodu yahay ku dhowaad soddon hektar.
Maxamuud ayaa xusay in qof kasta uu raadiyay deyn iyo deeq wuxuu heli karay. $300 oo uu ka amaahday nin ay qaraabo yihiin ayuu kula midoobay dhallinyarada. Deyntaas ayuu xusay inuu iska bixiyay markii ay beeruhu u soo go’een.
Ninkan ayaa tahriib ku galay dalka Sacuudiga si halkaas uu u gaaro wuxuu doon ka raacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, sanadkii 2023. Dalka Yaman oo uu badda ka galay ayaa lagu xiray, inta uusan Sacuudiga u tallaabin.
Sida uu sheegay waxaa halkaas looga qaatay lacag madax furasho ah oo kun Doollar ah. waxaa si dhib leh uga bixiyay ehelkiisa.
Labo sano iyo bar uu maqnaa wuxuu ka soo noqday isagoo faro maran, markii dowladda Sacuudiga ay soo tarxiishay sanadkii 2024, ayna diyaarad uga dajisay magaalada Muqdisho.
Maxamuud ayaa tilmaamay inuu ahaa go’aankii ugu xumaa ee uu qaato noloshiisa, ayna aheyd aragti qaldan oo uu go’aansaday isagoo aan ka fiirsan.
“Markii aan soo laabtay gacan madhan ayaan la imid waan wareeray, laakiin maanta aad baan u fiicanahay. waxaan niyadda ku hayn jiray; tolow ciyaalka xagee wax uga heleysaa hadda waxaas kama fekero.”
Dhallinyaradan ku soo hungoobay Tahriibka, markii ay billaabayeen howshan gacantoodu way marneyd, maantana qof kasta wuxuu haystaa il dhaqaale oo ku filan.
Ibraahim Muuse Salaad oo ka mid ah wuxuu sheegay inuusan maanta ka welwelin cuntada carruurtiisa oo lix ah.
Wuxuu xusay in ishan dhaqaale ka hor ay xaaladoodu cakirneyd, dantuna ku qasabtay inuu maciin bido dawarsi iyo in reerkiisu dulsaar ku ahaado dad qaraabo ah oo ku caawin jiray hal waqti oo cunto ah maalin iyo hoy ay ka galaan qorraxda iyo qabowga habeenkii.
Hadda waxay deggan yihiin guri u gaar ah oo bishii ugu kireysan lacag $30 ah. Dabka ayuu tilmaamay in saddex waqti ay shitaan maalinkii. Isbedelkaas waxaa u hor seeday dhaqaale ka badan $700 oo uu helay.
“$100 ayaan keydsaday waxaana u qorsheeyey xaalad kasta oo imaan karta. Geeri, caafimaad ama masiibo kale oo aan filaneyn mar walba way dhici kartaa, beerahana wax walba ku dhici kara, way guban karaan ama khasaari karaan.”
Ibraahim ayaa xusay in bilowgii qorshahan uu ku darsadey lacag gaareysa $400 oo ay u uruuriyeen qaraabadiisu. Mira dhalka howshan ayuu sheegay in walaac xoogan uu ka qabay, balse afar bil, kaddib uu ku helay natiijo badashay noloshii adkeyd ee uu ku jiray.
Wuxuu awood u yeeshay inuu waxbarasho geeyo saddex ka mid ah carruurtiisa oo markii hore ay dhaqaale yaridu ka hor taagneyd. Wuxuu bishii ka dhiibaa $10 oo ay ku bartaan Qur’aanka.
“Qof walba wuxuu bilaabay inuu qoyskiisa ku taageero dakhliga uu beeraha ka helo, qaarna waxay carruurtooda dhigtaan dugsi, qaarna iskuul. wadankeenna inay fursadan taallo maba ku baraarugsaneyn..”
Ibraahim ayaa horraantii sannadkan dalka dib loogu soo celiyay. Ha bil ayuu xusay inuu u xirnaa magafayaal ku qabsaday xuduudka u dhexeeya dalalka Yaman iyo Sacuudiga. Waxaa la sii daayay, markii laga bixiyay lacag madax furasho ah oo kun Doollar ah.
Markii uu galay dalka Sacuudiga ayuu sheegay in durbadiiba la qabtay, loona soo tarxiilay dalkiisa hooyo.
Fikradda beera sameysashada waa mid ku dhalatay dhallinyaradan intii ay tahriibka ku jireen, markaas oo ay soo arkeen dhul buuraley ah oo kulul oo dadkii lahaa ku beeranayaan qudaar iyo dalagyo kale.
Isxaaq Nuur Ibraahim oo ah guddoomiyaha dhalinyaradan is bahaystay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in sharci la’aan iyo inaysan u dhalan dhulka ay ku muteysteen xarig iyo madax furasho, balse maanta iyadoon sharci la weydiineyn ay dhulkooda ku haystaan xorriyad iyo shaqo ay abuurteen.
Howshan ayuu xusay in bishii Maarso ay ku billaabeen lacag gaareysa $15,000 oo ay isku darsadeen. Wuxuu sheegay inay qoteen ceel ay ku waraabsadaan beeraha, ayna iibsadeen matoor ka soo saara biyaha. Taas ayuu xusay inay ka caawisay in xilli kasta ay wax beertaan.
Isxaaq ayaa tilmaamay in waaya-aragnimadu ay u yeeshay adkaysi iyo inay fahmaan ahmiyadda uu leeyahay is-kaashigu.
Wuxuu intaas ku daray inay ku heshiiyeen qaab siman oo lagu wadaagayo shaqada beeraha iyo faa’idada ka soo baxda.
Qorshahooda oo noqday mid miro dhalay ayuu sheegay inuu ku dhiiri galinayo inay ka fekaraan abuurista fursado kale, si ay u kordhiyaan dakhligooda.
“Tobankan beerood ee aan maanta ku hawlanahay ayaa nolosheena sal iyo raad u noqday. dhammaanteen shaqo la’aanta iyo baahida ayaa nagu qasabtay in aan safar dheer iyo silic badan soo marno. Waxaan ahayn dad ay tahriibta ku qasbeen duruufo adag.”
Isxaaq ayaa sheegay in jumlo iyo tafaariiq looga gato dalagyada ay soo saaraan. Ganacsatada qaar ayaa ugu yimaada beeraha, iyagoo siinaya lacago horumaris ah, si aan cid kale looga iibin, taas ayuu tilmaamay inay muujineyso in aad loogu baahan yahay khudaarta ay tacbaan oo ku yar suuqyada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
 
 












