Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Khamaarka 1XBET oo saamayn nolol xumo ku yeeshay dadka deggan xeryaha Gaalkacyo

Jibril Osman by Jibril Osman
August 12, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Khamaarka 1XBET oo saamayn nolol xumo ku yeeshay dadka deggan xeryaha Gaalkacyo

Haweenay dhex-fadhida goobteeda ganacsi/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaliimo Maxamed Jaamac waxay qoyskeeda u awoodi la’dahay cunno hal wakhti ah tan iyo bishii May ee sannadkaan. Waxay wajahaysaa nolol xumo iyo dhaqaale burbur saameyn ku yeeshay, markii dukaankii kaliya ee ay ku tiirsanaayeen ay u adeegsatay isticmaalka khamaarka 1-XBET.

Hantidii dukaanka u taallay iyo deyn ay soo qaadatay. Dhammaantood waxay gelisay khamaarka oo aysan wax faa’iido ah ka helin. Xaliimo waxay rumaysanayd in uu ka soo gali doono dhaqaale badan, balse ugu dambeyn waxay ku wayday wixii ay haystay.

Waxay sheegtay in haween kale oo lacago ka helay ay bareen ciyaaristiisa. Tijaabooyinkii hore ayay ku guuleysatay, taas oo sababtay in ay ku sii fogaato ilaa markii dambe ay iyada iyo carruurteedu galeen xaalad hubanti la’aan ah.

“Anigoo dukaanku ii camiran yahay ayey gabdho I bareen, waana la qabsaday. Bilowgii nus dollar iyo hal dollar ayaan galin jiray. Lacag fiican ayaan ka helay. Qaar waan ka baxsaday, qaarna waan ku celinayay. marna waan ku faa’iiday, marna waan ku khasaaray. Ugu dambeyntii, wax kasta waan ku waayay.”

Xaliimo oo kaligeed korinaysa sagaal carruur agoon ah ayaa sheegtay in aysan jirin meel kale oo ay lacag ka hesho. Seygeeda wuxuu geeriyooday shan sano kahor. Wixii markaas ka dambeeyayna iyada ayaa dusha saaratay masuuliyadda qoyskeeda.

Ganacsigeeda oo ahaa raashin iyo bagaash ayay saddex sano kahor ku bilowday lacag dhan $300 oo ay dhowr jeer ka heshay hay’ado kala duwan. Hadda waxay awoodi la’dahay in ay dabooosho baahiyaha aasaasiga ah sida cunnada iyo waxbarashada carruurteeda.

“Xalay ciyaalka waan seexiyay, saaka quraac la’aan, qadona uma hayo, cashana uma hayo. Wax guriga yaalla malahan. Markii dukaanka ii furan yahay, carruurtayda waxay dhigan jireen iskuulka, saddexda waqti waa ii cuni jireen. Hadda waa ii gaajaysan yihiin, wax aan dabka u saaro malahan.”

Xaliimo ayaa sheegtay in ay raadisay shaqooyin nadaafad ah si ay uga hesho quud maalmeedka qoyskeeda, balse uma suuroobin. Shan ka mid ah carruurteeda oo iskuul iyo dugsi Qur’aan u dhigan jiray ayaa bishii hore laga soo eryay, markii ay awoodi weyday bixinta $35 oo bil walba laga qaadi jiray.

Deyn badan ayaa loo haystaa mana hayso qorshe ay ku bixiso. Waxay isugu jirtaa qaar ay khamaarka galisay iyo qaarka ay ku leeyihiin ganacsatada bakhaarrada Gaalkacyo oo ay alaabo ka soo qaadatay kahor intaan dukaanku burburin. Xaliimo ayaa sheegtay in ay wajahayso cadaadis xooggan oo dhinaca deyn bixiyeyaasha ah.

“Bakhaarkii ayaa lacag igu leh xalay waa la i soo wacay, lambarkeyga inaan damiyo ayaan gaaray. Magaaladaaba la iga raadinayaa. Lacagteenna waa rabnaa moobeelka noogu soo shub, haddaadan na siinayn waa ku xiraynaa ayaa la ii taagan yahay, meel aan wax ka keeno ma lahan. Lacagta la igu leeyahay waa $650.”

Qoyska Xaliimo waxay sanadkii 2021 ka soo barakaceen Koonfurta magaalada Jowhar, markii ay fatahaado baabi’iyeen dalagyo ku yiillay beer afar hektar ah oo ay ku tiirsanaayeen. Waxay doorbiday in ay ku biirto xeryaha barakaca ee Gaalkacyo.

Faadumo Xasan Cismaan ayaa ka mid ah haweenka uu khamaarka ku riday masiibo dhaqaale. Miis ay khudaar ay ku iibin jirtay, kana masruufi jirtay qoys ka kooban 12 qof ayaa ka burburay. Ilaa bishii shanaad uma aysan helin cunno joogto ah reerkeeda.

Markay nasiib u yeelato hal mar ayay dirqi ku heshaa hal wakhti oo cunno maalintii. Mararka qaarna 24 saacadood ayaa u dhamaada iyadoon wax dab ah shidan.

Faadumo waxay sheegtay in xilliyadii hore ay bishii soo iibsan jirtay 25 kiilo oo bur, bariis, sonkor iyo 10 liitar oo saliid ah. Waxay sidoo kale Koosaar uga dhigi jirtay khudaarta iyo hilibka ay iibin jirtay, balse hadda waxba kama hayso.

“1-XBET intaanan ciyaarin kahor nolosheena way fiicnayd. Khudaarta lafaheeda waan cadayn jiray, faa’iidadana ilmaha ayaan siin jiray, raashinkaana waan ka soo dhigi jiray.”

Faadumo ayaa sheegay in ganacsigeeda ay maalin kasta ka heli jirtay $5 ilaa $6, taasoo qoyska uga filnayd masruufka. Waxay tilmaamtay in lagu qanciyay in haddii ay lacag kale geliso ay tii hore u soo laaban doonto, balse uu khasaarihii ku sii kordhay.

Waxaa hadda loo haystaa $750 oo dhammaanteed ah lacag ay ku kharash garaysay khamaarka. Waxay ka shalaynaysaa in ay baratay oo nolosheedii burburiyay, sidoo kalena u horseeday deymo iyo dhaqaale la’aan.

“Waxaan ka shalaynayaa, ileen qof lacag laga cunay ayaan ahay. 1XBET way ii xayaysiiyeen, lacag baa laga helaa ayey yiraahdeen. Ilaa kun dollar ayey ii sheegeen, anna waxaan is idhi ka faa’iid. Lafihii aan khudaarta ka aruuriyay ayuuba igala tagay.”

Faadumo ayaa sheegtay in afar carruur ah oo wax u baran jiray ay hadda daruus la’aan ka yihiin. Waxay awoodi weyday $30 oo laga rabay bilihii May iyo June, taas oo keentay in la soo cayriyo. Waxay sheegtay in xaaladdan adag ay qoyskeeda ka dhex dhalisay khilaaf xooggan. Ninkeeda oo waayeel ah dhowr marna kala taliyay dhibaatada khamaarka ayay dhagaha ka fureysay.

Cabdinaasir Cabdullaahi Cali oo ka dhiga dhaqaalaha jaamacadaha Gaalkacyo ayaa sheegay in khamaarku yahay balwad ay aad u adag tahay in laga baxo. Wuxuu xusay in haweenka ciyaara ay kordheen, taasoo saamayn xun ku yeelatay nolosha qoysas badan.

“1-XBET wuxuu leeyahay saamayn dhaqaale burburin ah. Waa balwad qofka ku khasbeysa inuu geliyo hanti kasta, Dowladda ayaa ah cidda wax ka qaban karta, iyadoo lala kaashanayo shirkadaha isgaarsiinta si loo xiro meelaha laga galaayo khamaarka online-ka ah. Qof markuu galayo, inuusan awood u yeelan si fudud ayuu ku dhici karaa.”

Wuxuu tilmaamay in qofka la qabsaday uu mar kasta iskudayo in uu si deg deg ah uga soo kabsado khasaaraha, balse uu baddelkeeda la kulmo mid ka sii daran.

Inkastoo Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyadu ay dhowr jeer ku dhawaaqeen mamnuucista khamaarka 1XBET, haddana wali waxaa laga adeegsadaa deegaano badan oo dalka ka mid ah, taas oo muujinaysa in aan wali xal laga gaarin.

Previous Post

Guurka qasabka ah oo nolol xumo biday gabadho da’yar oo ku nool Baydhabo

Next Post

Bari: Muruq-maalka Boosaaso oo wajahay shaqo xumo sababtay cunno yari

Related Posts

Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari
Beeraha Iyo Xoolaha

Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari

December 18, 2025
Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran

December 16, 2025
Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud

December 12, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhallinyaro fursad shaqo ka helay Baydhabo oo qoysaskooda ka saaray xaaladda barakaca

December 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

December 8, 2025
Next Post
blank

Bari: Muruq-maalka Boosaaso oo wajahay shaqo xumo sababtay cunno yari

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA-18-DEC-2025

IDAACADDA-18-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA-18-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA-18-DEC-2025
December 18, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 17-DEC-2025
December 18, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-DEC-2025
December 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-DEC-2025
December 15, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-DEC-2025
December 14, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo