Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Sool: Qoysas ka barakacay colaadda ka dhacday deegaanka Dhabar-dalool

Radio Ergo by Radio Ergo
May 4, 2021
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Dadkii ku barakacay colaaddii Dhumay ee Sool oo gargaar helay

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Caasho Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa ka soo barakacday deegaanka Dhabar-dalool oo 25 km u jirta degmada Xuddun ee gobalka Sool kadib marki uu ka dhacay dagaal u dhexeeya laba qabiil oo halkaasi degan.

Caasho oo ay la socdeen afar carruur ah oo ay dhashay iyo ninkeeda ayaa isaga soo baxay deegaanka oo uu dagaalku ka dhacay 15 bishi hore. Waxaa kaga lumay colaadda 20 neef oo ari ah oo ka tirsanaa 70 neef oo ariga oo ay dhaqanayeen, mana jirin fursad ay ku soo qaataan waxyaabaha kale ee aasaasiga ah sida dharka iyo gogosha oo kale.

“Waan soo lugaynay dhammaanteen waxayna nagu qaadatay hal maalin, Waxaan nimid deegaanka Shimbiraalay oo 15 km u jira deegaanka aan ka soo barakacanay,” ayay tiri Caasho.

Qoyska Caasho oo maalinti 16-aad soo gaaray deegaanka Shimbiraalay oo ka tirsan degmada Xuddun ayaa qayb ka 280 qoys oo ka barakacay colaadda oo deegaanno kala duwan ku kala sugan. Colaaddan ayaa ka billaabatay ceel biyood xoolaha iyo dadka ka cabbaan.

“Dhibaatada ugu wayn ee na haysata waa cunto yaraan iyo hoy la’aan,” ayay tiri Caasho, oo tan iyo marki ay timid deegaankan carruurta seexisa geed ay u dulsaarto baco ay ku caawiyeen dad ay qaraabo yihiin. Dhanka raashinka ayay sheegtay in qoys ay qaraabo yihiin ay uga soo dhiibeen magaalada Laascaanood ay carruurta u kariso laba jeer.

Caasho ayaa sheegtay in marki ay ku noolaayeen Dhabar-dalool ay iibsan jireen arigooda oo ku soo gadan jireen balse hadda aysan jirin meel ariga loo iibgeeyo maadaama wali ay jirto colaadda, roobna uu da’ayo.

Maaha qoyska Caasho oo kaliya dadka ay caaladdan saamaysay waxaa ka mid ah Cabdiqaadir Maxamed Cali oo maalinti xabbadu billaabatay la soo cararay lix carruur ah, 120 neef oo ari ah iyo laba dameer. Waxay hadda ku sugan yihiin deegaanka Qurac-dheero oo 25 km dhanka waqooyi bari ka xiga magaalada Laascaanood. Wuxuu sheegay in lix saac oo lug ah ay ku qaadatay inaysoo gaaraan deegaankan.

“Deegaanka Dhabar-dalool waxaa isugu yimid xoolo dhaqato meelo kala gedisan ka imaaday oo daaq iyo biyo u soo doontay halkan, marka colaaddu cid walba way saamaysay xataa labada qabiil ee diriray,” ayuu yiri Cabdiqaadir.

Waxaa kaga lumay 30 neef oo ari ah oo marki xabbadu dhacday kala yaacay. Qoysaska ay ugu yimaadeen deegaanka ayaa ku caawiyay bustayaal iyo gogol aan badnayn iyo raashin.

“Haddii aan xataa ariga qayb ka mid ah gadi lahaa si aan raashin u helno wadooyinka ayaa xiran oo roob badan ayaa da’ay,” ayuu yiri.

Cabdirisaaq Maxamed oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku howlan in xal laga gaaro colaadan ayaa sheegay inay ku guulaysteen in ay kala qaadaan maleeshiyada dagaallamaysay, lana sameeyo xabbad joojin. Waxaa la ballamay bacdal iid in la kulmo si loo gaaro nabadayn dhamaystiran.

Previous Post

Beeralayda deegaanka Camaara oo sanadkan aan rajo ka qabin in ay ka faa’iideystaan roobka gu’ga, markii ay abuur waayeen

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Tacab

Related Posts

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta

March 25, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Arday raashin iyo biyo ku taageeray qoysas roob la’aan ay ku hayso miyiga Bari

March 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxooti cusub oo nolol xumo iyo diiwaan galin la’aan ku wajaha Dhadhaab

March 19, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysaska haween ku nool Baydhabo

March 10, 2026
Next Post
Dhegeyso barnaamijka Tacab aan uga hadalnno hormarinta beeraha

Dhegeyso Barnaamijka Tacab

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAR-2026

IDAACADDA 25-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAR-2026
March 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAR-2026
March 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAR-2026
March 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAR-2026
March 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAR-2026
March 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo