Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baardheere: Qoyski ku barakacay fatahaadda oo cunto yari iyo hoy xumo ka cabanaya

admin by admin
August 30, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Roobab ka da’aya buurallayda Itoobiya oo laga digayo inay khatar fatahaad ku keenaan webiga Shabeelle

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Sagaal boqol oo qoys oo ku barakacay fatahaaddii webiga  Jubba uu ka gaystay tuulooyin hoos taga degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya inay haysato cunto yaraan, hoy xumo iyo shaqo la’aaan.

Qoysaskan oo nolashoodu ku tiirsanayd wax soo saarka beeraha ayaa guud ahaan biyuhu ka qaadeen dalagayadi u saaraa beeraha.

Deynabo Muxumed oo ku nool xerada barakaca ee Liibaan, ayaa sheegtay in muddo afar bil ah, ay ku nool yihiin hoy ka samayn baakado iyo dhar oo aan celi karin dhibicda roobka.

“Ma haysano cunto, hoy, biyo, gogol iyo adeeg caafimaad toona,maalintii hal mar ayaan soor iyo kablo cunaa, naguma filna laakiin wax kale oo aan samaynno karno ma jiraan”

Daynabo oo qoyskeedu ka kooban yahay 13 ruux ayaa sheegtay in si ay carruurta ugu hesho wixii ay hal wakhti cuni lahaayeen ay u shaqo tagto magaalada ayada soo qaabata shaqooyinka dhar dhaqidda iyo mararka qaar oo ay soo gurto xaabo oo ay iibiso wixii ka soo galana ku maaraysa cuntada yare ee ay maalintaasi cunaan.

Qoyska Daynabo ayaa nolashoodu ku tiirsanayd dalagga ka soo go’a beeraha balse fatahaaddii ayaa baabi’isay, waxayna sheegtay in beeraha waxyaabaha ay biyaha ku reebeen ay u baahantahay shaqo.

“Xilliga roobka wax yar ayaa ka dhiman, hoyigan maaha mid celin kara roobka, hadda xerada ayaan sii joogi doonaa wayo meel aan ku noqon karno ma jirto, waan welwelsannahay”

Qoyska Deynabo ayaa ka soo barakacdey tuulada Xanyaaley oo Baardheere u jirta 7 km, waxayna lahaayeen beer 5 hiktar oo waraab ah, taasi oo ay kaga khasaartay lacag dhan 27 milyan oo shilinka Soomaaliga ah una dhiganta $1038. 

Cali Cabdi xuseen oo ka mid ah Horjoogayaasha xerada Liibaan,oo ah aabbe qoyskiisu ka kooban yahay 9 ruux, kana mid ah dadkan xeradan barakac ku yimid kadib marki dalaggii u beertay ay biyuhu ka qaadeen. Cali beertiisa oo ku taala nawaaxiga tuulada Shimbirole, ayaa waxaa u saarnaa khudaar.

Halkan oo ku sugan yahay ku dhawaad afar bilood, ayuu sheegay in nolasha qoyskiisa ay hadda ku tiirsan yahay shaqo muqruq maal ah oo ay qabtaan laba gabdhood oo u dhalay iyo hooyadood, kuwaas oo ka shaqeeya nadiifinta guryaha iyo dhar-dhaqidda oo aan joogto ahayn.

“Aniga iyo qoyskeyga waxaa ku nool nahay nolol aad u adag maalintii oo dhan hal mar ayaan wax cunna, nagumana filna waxa aan cunno, waa shaqo muruq maal oo aad u adag” ayuu yiri Cali Cabdi Xuseen.

Qoysaskan ayaa markii hore ahaa qoysas ka shaqeysta beeraha waraabka ee ku  yaala qaar ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada Baardheere, iyagoona suuqyada Baardheere keeni jiray dalagyo u badnaa khudaar.

Faadumo Aden iyo qoyskeedu waxay ka soo barakaceen tuullada Damballey oo Baardheere u jirta 7 km, hadda waxay ku nooshahay xerada barakada ee Liibaan.

 “Afar saac habeenimo ayay biyo na soo galeen carruurta ayaan kala baxnay, alaabti iyo gurigi wali way is dhexyaalleen, xilligaasi waxaa naga baaba,ay dhammaan waxii dalag ee noo baxayey, khasaaro ayaa nagu dhacay, waana ka soo kaban la’nahay, xeradan barakaca ayaan joognaa waxba ma haysanno meel aan aadno ma naqaano, matooradii iyo qalabkii beeraha webiga ayaa nagala tagey” sidaasi wax tiri Faadumo Aden .

Cabdullaahi ismaaciil Nuur oo ah Madaxa Arimaha Bini’adanimada iyo Mashaariicda  Maamulka degmada Baardheere ayaa sheegay in haddii dadkaan aan degdeg wax loogu qaban qoysaskan ay imaan karto xaalad ka daran midda ay hadda ku sugan yahiin. 

 

Previous Post

Guriceel: Xarun daash ah oo dad deggan 19 tuulo siisa adeeg caafimaad oo bilaash ah

Next Post

Hiiraan: Fatahaad khasaarisay beeralay deggan 13 tuulo oo u dhow Jalalaqsi.

Related Posts

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta

March 25, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Arday raashin iyo biyo ku taageeray qoysas roob la’aan ay ku hayso miyiga Bari

March 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxooti cusub oo nolol xumo iyo diiwaan galin la’aan ku wajaha Dhadhaab

March 19, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysaska haween ku nool Baydhabo

March 10, 2026
Next Post
Jowhar: Qoysas ay go’doomisay fatahaadda oo ka walwalsan inay biyaha guryaha ugu soo galaan

Hiiraan: Fatahaad khasaarisay beeralay deggan 13 tuulo oo u dhow Jalalaqsi.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAR-2026

IDAACADDA 25-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAR-2026
March 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAR-2026
March 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAR-2026
March 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAR-2026
March 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAR-2026
March 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo