Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Afgooye: Fatahadda webiga oo sababtay barakaca in ka badan laba kun oo qoys

admin by admin
July 24, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Roobab ka da’aya buurallayda Itoobiya oo laga digayo inay khatar fatahaad ku keenaan webiga Shabeelle

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Laba kun iyo saddex boqol oo qoys ayaa guriyahoodii ka cararay kaddib markii webiga Shabeelle uu ku soo fatahay degaanno ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose, sida ay sheegtay Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed

Cabdinaasir Caruush oo ah Wasiirka Maaraynta iyo Masiibooyinka ayaa sheegay in sidoo kale ay saamayn ku yeelatay fatahaaddu in ka badan lix kun oo qoys, isagoo intaas ku daray in dadku u baahan yihiin gargaar deg-deg ah sida cunto, hoy iyo biyo nadiiif ah.

Sahro Cumar Maxamed oo qoyskeedu ka kooban yahay 14 ruux, ayaa muddo laba toddobaad ah dulsaar ku ah qoys kale oo ay daris yihiin oo ayan biyuhu gaarin gurigooda. Guriga Sahro oo jiingad ah ayaa waxaa galay biyo aad u badan oo wali dhex fadhiya. Waxay nolosha Sahro iyo qoyskeeduba ku tiirsanaayeen wiil ay dhashay oo khudaarta ku daabbula gaari-dameer kuna geeya suuqa.

“Afar saac barqadii ayay biyo na soo galeen carruurta ayaan kala baxnay, alaabti iyo gurigi wali way is dhexyaallaan, wax laga qabto ma leh, Sinta ayay qofka u joogaan biyaha, way badan yihiin, wayna sii socdaan.”

Sahro oo deggan xaafadda Damalley degmada Afgooye oo ka mid ah xaafadaha saaran webiga, ayaa tilmaantay in marki hore ay biyahu tartiib u soo galeen xaafadda islamarkaana ay billowday in carruurta ay gayso meel kale.

“Biyaha bahallo ayaa la socda sida maska, jabisada iyo kuwa kale taasi ayaaba cabsi kale ah, inta aan ogahay laba cunug bay qaniineen mid wuu dhintay, midna waa sakaraad, roobka waa da’yaa, biyaha webiga way socdaan,”ayay tiri Sahro oo aad uga walwalsan khataraha kale oo biyuhu la socdaan.

Waxay fatahaaddu wada gaartay xaafadaha kala ah Dhagaxtuur, Damalley, Ceel-qode, Aytire iyo qaar ka mid ah tuulooyinka Sabiid, Raqayle iyo Caanoole oo dhammaantood hoos taga degmada Afgooye sida uu radio Ergo u sheegay gudoomiyaha arrimaha bulshada ee degmada Afgooye Cabdullaahi Xasan Cabdi, wuxuuna intaa ku daray in fatahaad tan la mid ah aysan ka dhicin Afgooye inta uu isagu garanayo.

“Dhammaan webiga biyahu waa ka sara-mareen, waa ka awood badiyeen, meel uu webiga ka jabay waa la difaaci karaa, jawaano carro iyo wax baa la dhigi karaa, hadda awooddu saas maahan, awood sa`id ayuu la yimid webiga.’’ Ayuu yiri Gudomiye Toogane.

Khadiijo Xuseen oo ka soo barakacday tuulada Caanoole ayaa iminka ku sugan tuulada Sabiid oo Caanoole kaabiga ku haysa. Khadiijo ayaa sheegtay in guud ahaan dadki degganaa Caanole ay ka barakaceen oo guryihii iyo beerihiiba ay biyo galeen, iyadoo intaa ku dartay in roobka iyo daadku wada-socdaan oo aysan wali istaagin.

“Shaqo ma leh, raashin ma leh, cunto ma leh, guri la dego ma leh, hal qol ayaa dad badan lagu degaa, xataa guri ijaar ma leh illeen wixii dhan biyo ayaa galay,”ayay khadiijo tiri.

Guddoomiyaha tuulooyinka Sabiid, Caanoole, Moordiinle iyo Belad Amin Maxamed Abuukar Axmed ayaa sheegay in khasaaraha ugu badan uu gaaray beeraha, sidaas si la mid ahna ay dadka deegannadaas ku adag tahay in ay isu gudbaan ama ay ka soo iibsadaan magaalada Afgooye oo u jirta 12 km waxyaabaha daruuriga ah ee ay u baahan yihiin.

“Khasaaro aan la soo koobi karin ayay biyaha webiga gaysteen, xag guryo iyo xag beeraba, meel afka la aaddiyaa la la`yahay, dadkii oo dhan hal meel ayey joogaan. Sabiid iyo Caanoole oo kale waa kala go`an yihiin”ayuu yiri guddoomiyuhu.

 

 

 

Previous Post

Toddobaatan jir dugsi dhexe dhammeeyay oo doonaya in uu bare noqdo

Next Post

Gaalkacyo: Qoysas sanad ka hor dib-u-dejin loo sameeyay oo wajahaya cunno xumo iyo biyo yari

Related Posts

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta

March 25, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Arday raashin iyo biyo ku taageeray qoysas roob la’aan ay ku hayso miyiga Bari

March 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxooti cusub oo nolol xumo iyo diiwaan galin la’aan ku wajaha Dhadhaab

March 19, 2026
Saamaynta roob la’aanta oo kordhisay ardayda Jubbaland ee waxbarashada ka haraya
Wararkii u Danbeeyay

Saamaynta roob la’aanta oo kordhisay ardayda Jubbaland ee waxbarashada ka haraya

March 17, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
Next Post
Gaalkacyo: Qoysas sanad ka hor dib-u-dejin loo sameeyay oo wajahaya cunno xumo iyo biyo yari

Gaalkacyo: Qoysas sanad ka hor dib-u-dejin loo sameeyay oo wajahaya cunno xumo iyo biyo yari

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAR-2026

IDAACADDA 25-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAR-2026
March 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAR-2026
March 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAR-2026
March 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAR-2026
March 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAR-2026
March 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo