Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Guriceel: Gabdho la daalaandhacaya isu dheelitirka howsha guriga iyo waxbarashada

Radio Ergo by Radio Ergo
November 12, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Guriceel: Gabdho la daalaandhacaya isu dheelitirka howsha guriga iyo waxbarashada

Shukri Xashi Cabdi, 16, waxay isku dayaysaa in ay isu dheelitirto howsha guriga iyo waxbarashada/Cabdirisaaq Haajirow/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Marka laga soo tago in ay caqabad kala kulanto in ay isu dheelitirto howsha xaafadda ay ka qabato iyo waxbarashadeeda, Shukri Xaashi Cabdi oo dhigata Iskuulka Ablaal ee magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa ay ku dagaashaa in ay waxbarashadeed ka guul gaarto.

Shurki waxaa markii ay quraac reerka diyaariso kaddib u lugaysaa Iskuulka oo u jira ilaa laba kiiloomitir.

“Marka ugu dhaqsiyaha badan ee aan dhaho waan dadaalay hal saac iyo bar ayaan ka soo bixi karaa halka saac iyo barkana waa xilligii iskuulka iridisa la xiranayay, waad dareemi karta haddii lagu yirahdo saddex xisadod ayaad istaag ku qadaneysaa,” ayay tiri Shukri.

Shukri iyo gabdhaha kale uma badna in ay iskuulka u sheegaan caqabadaha ay wajahaan iyagoo ka baqaya in la ciqaabo.

“Maamule howl ayaan xafadda ka qabta ma igu cag dhigo, maxaa yeelay ardaydii waa ay faro badan yihiin, haddii qof laga yeelo howl ayaan qabtaa, ardayda dhan ayaa sameyneysa xitaa gabdho aan howl guriga ka qabaneyn in ay ku marmarsiyodan ayaa dhacda,” ayay tiri Shukri.

Qaar badan oo ka mid ah ardayda magaaladda Guriceel gobolka Galguduud gaar aaan gabdhaha ayaa waxay wajahaan dhawr caqabadood oo keeno in ay xiisadaha uga daahaan xilligii loogu talagalay.

Waxaa jira qoysaska oo aan goor horeba fahmi karin culaysyada shaqo ee gabduhu ka hayaan guriga iyo iskuulkaba.

Juweeriya Khaliif oo ah 18 jir ardayad ka ah iskuulka Cumar bin Cabdicasiis, waxay xilli dugsiyeedkan dib u bilawday fasalkii saggaalaad ee ay sannadkii hore dhiganaysay, kadib markii ay ka hartay Iskuulka bishii febraayo ee sannadkan.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay isku wadi weyday shaqada guriga iyo iskuulka marki hore balse qoyskeeda ayaa maamulka iskuulka kala hadlay una sameeyay jadwal ay si ay waxbarashada iyo hawsha gurigaba u sii waddo.

“Wey adag tahay sida loo mareeyo balse qofkii ku fakarta in ay waxbarashadeda ka guul gaarto ay kaalin gasho, waxay ku fakarta in ay howsha gurigana iska qabato, imtixaankana diyaariso. waxayna ku diyaarin kartaa badana gabdhuhu waxay sameyaan shaqo waxaa jirta marka jikadda lagu jiro oo kale badana waa la fadhiyaa markaas ayey inta ay fadhiso ayay buugta inta soo qadato ayayy aqrisaa gabadha rabta in ay waxbarashadeda ku dadaasho,” ayay tiri Juweeriya.

Gabdho badan sida Shukri waxay wajahayaan culaysyo kala duwan oo sabab u ah in gabdhuhu ay waxbarashada kaga hooseeyaan wiilasha, sida uu sheegaayo maamulaha Iskuulka hoose/dhexe iyo sare ee Mustaqbal Cumar Cali Xaashi.

“Caqabadaha gabdhaha heysta waxaa ka mid ah tusaale ahaan marka imtixaanadka ay jiraan wiilka wuxuu fursad u heli karaa in uu wax diyaariyo gabadha xilliga aysan imtixaanka diyaarineyn iyo xilliga ay diyaarineyso isku si ayaa shaqadda guriga loogu rabaa,” ayuu yiri Cumar.

Maamule Cumar Cali Xaashi oo 15kii sano ee ugu dambeeyay ka shaqaynayay ku hawlanahaa waxbarashadda, iminkana maamule ka ah iskuulka Mustaqbal, ayaa ku talinaya in gabdhaha in ay muhiim tahay in qoysasku ay fahmaan duruufaha gabadha wax baranaysa.

“Waxaa la rabaa waalidku ardayga isaga mar walba guriga la jooga, waxaa la rabaa in waxa caqabada ku noqon kara ee waxbarashadda ka reebi kara in uu waalidku ka fogeyo gabdhaha,” ayuu yiri Cumar.

Inkasta oo ay q oysaska qudhooda faham wanaagsan ka haysan sida ay gabadhu ugu baahan tahay wakhti, ayaa haddana waxaa jira hooyooyin sida Xaawo Maxamed Faarax,waxay aaminsan yihiin in gabdhaha fursad ay wax ku bartaan.

Xaawo ayaa shan carruur ah oo labo gabdho yihiin ay u dhigtaan iskuul ku yaalla Guriceel.

“Gabadha in ay waxbarasho aado ayaan jeclahay, howsha gabadheyda qaban laheydna, aniga ayaa qabsada, quraacda, qadada iyo cashadda intaba aniga ka cawiya, xitaa iskuul kaliya ma aade dugsina waan u diraa,” ayay tiri Xaawo.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 11-NOV-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 12-NOV-2019

Related Posts

Dhadhaab: Haween carmal ah oo ku keliyaystay korinta carruur lagu dayacay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween carmal ah oo ku keliyaystay korinta carruur lagu dayacay

December 29, 2025
Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari
Beeraha Iyo Xoolaha

Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari

December 18, 2025
Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran

December 16, 2025
Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud

December 12, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhallinyaro fursad shaqo ka helay Baydhabo oo qoysaskooda ka saaray xaaladda barakaca

December 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 12-NOV-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 29-DEC-2025

IDAACADDA 29-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 29-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 29-DEC-2025
December 29, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 28-DEC-2025
December 28, 2025
Episode play icon
IDAACADDA-27-DEC-2025
December 27, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 26-DEC-2025
December 26, 2025
Episode play icon
IDAACADDA-25-DEC-2025
December 25, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo