Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Kismaayo: Ardayda barata caafimaadka oo daweeyn u fidiyay in ka badan 500 oo bukaan

Radio Ergo by Radio Ergo
July 10, 2019
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Kismaayo: Ardayda barata caafimaadka oo daweeyn u fidiyay in ka badan 500 oo bukaan

Sawir kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ilaa 180 qoys oo isugu jira xoola-dhaqato, beeralay iyo dad soo barakacay oo ku nool deeganada Buula-bartire, Istanbuul, Kham-khaam iyo Yontooy ee woqooyiga magaalada Kismaayo ayaa toddobaadkan adeegyo caafimaad ka helay ardayda caafimaadka ee jaamacadda Plasma qaybteeda Kismaayo. Deegaannadan kuma yaallaan xarumo caafimaad, dadkuna waa danyar aan heli karin dhaqaale ay ku gaaraan Kismaayo ama ay dawo ku iibsadaan.

Ardayda Kulliyadda Cafimaad oo kaashanaya Wasaaradda caafimaadka ee dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa bukaannada ka daaweeyay xannuunada maqaarka, burikiitada iyo duumada. Sidoo kale, waxay talooyin caafimaad iyo tallaal siiyeen hooyooyinka uurka leh ee deegaannadaas, waxaana dad gaadhaya 540 qof oo ka mid ah qoysaskaas laga daaweyey xanuuno kala duwan, iyadoona 180 maro-kaneeco la siiyay haweenka uurka leh, dadka waayeelka ah iyo qoysaska carruurta haysta.

Duumada ayaa ah xannuunka ugu badan ee ilaa 200 bukaan laga dabiibay, sida uu inoo sheegay Dr. Maxamed Xassan Nuur oo ah dhaqtar ka mid ah macallimiinta Jaamacadda Plasma, hawshana qayb ka ahaa.

Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in barnaamijkan ay xoogga ku saarayeen daawaynta haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya ee tuuloyinkaas. Wuxuu sidoo kale sheegay in ka hor inta aysan daawaynta samayn ay deeganadaas ka sameeyeen xog aruurin taas oo ay ku ogaadeen in ay dadka tuulooyinkaas u baahan yihiin adeegyo caafimaad iyo daawooyin.

“Sababaha loo doortay in tuullooyinkaas ama deegaanadaas in  looga sameeyo ayaa waxaa ay ahayd ,adeega cafimaad ama baahi cafimaad oo ka jirtay tuullooyinkaas aan soo sheegay, ayna u baahnaayeen bulshooyinka ku dhaqan halkaas in laga caawiyo, dad badan ayaa ka faa’iidaystay barnaamijkan, Hadda xili roobaad ayaa lagu jiraa, deegaanadaasi roobab ayaa ka da’ayay, waxyaabaha ugu badan ee hadda ka Jiray waxaa ka mid ahaa, cuduradda xilliga robaadka la qaado ama qaboobaha iyo waxyaabaha fangal Infection loo yaqaanno,” ayuu yiri Dr. Maxamed.

Ardayda iyo maamulka jaamacadda ayaa iska aruuriyay $2,500 oo lagu iibiyay daawooyinka iyo maro-kaneecooyinka. Waxaa baaritaannada sameeyay ardayda jaamacadda ee caafimaadka barta iyo dhaqaatiirta la socday oo iyaguna daawooyinka qorayay; waxaana hawlahaas qayb kormeer ka ahayd wasaaradda caafimaadka Jubbaland.

Shukri Cabdullahi Cabdi oo ka mid ah dadka ku nool tuulada Istanbuul oo 25 km u jirta magaalda Kismaayo, waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in barnaamijkaas ay ka faa’iidday daaweynta xanuunada duumada, burikiitada iyo adeegyada hooyada uurka leh. Waxay sheegtay in dhaqaatiirta ay u sameeyeen baaritaanno dhinaca dhiigga ah, maaddaama ay tahay hooyo xaamilo ah, oo aan awoodin in ay tagto goobaha caafimaadka ee lacagta looga baahan yahay.

Waxaa sidoo kale loo daaweeyay seddex carruur oo la xanuunsanaa malaariyada muddo saddex cisho ah. Waxay sheegtay in tuuladu aysan lahayn goob caafimaad, sidaas darteed waxay qorshaynaysay in ay carruurta geyso Kismaayo.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in ay doonaysay in ehelkeeda oo Kismaayo jooga ay ka caawiyaan kirada gaariga ay raacayso iyo daawaynta ilmaha.

Shukri waxay dakhaatiirtu siiyeen sharoobooyin iyo kiniini vitamin ah. Waxay sheegtay in Ilmaheeda bukaanka ah loo siiyay kiniiniga Malaariyada oo ay isticmaali karaan mudo toddobaad ah.

“Afar qof ayaan ahayn waan ku cafimaadnay, aniga qof xaamillo ayaan ahay dhiiga ayey iga baadheen, ilmahiina malariyo ayaa laga daaweyey, hadda way fiican yihiin, markii hore raashinba maqaadanayn lakiin hadda way ka fiican yihiin sidii hore, markii hore ilamaha waa matagaayeen, waa qufacaayeen, naqaska ayaa ku dhagaayey, aad bay u rafadsanayeen” ayay tiri.

Qoyska Shukri waxaa uu ka kooban yahay shan qof, noloshooda waxaa ay ku tiirsan tahay 30 neef oo adhiya oo ay ku haystaan tuulada Istanbuul, kuwaas oo uga hadhay 70 neef oo adhiya iyo 20 lo’ ah oo ay dhaafiyeen abaarihii sannadkii 2016.

Xilligan xaggaaga ah ee gu’ga laga soo baxay ayaa badanaa xanuunka duumadu uu deegaanka ku fidaa maaddaama kaneecadu ay ka soo kacdo dhinaca webiga iyo meelaha godan ee biyo-qabatinka ah, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Maxamed Sheekh Aadan oo ah Isu-duwaha wasaaradda cafimaadka ee degmada Kismaayo oo wasaaradda u qaabilsanaa talo-siinta iyo kormeerka barnaamijkan muddadii afarta cisho ahayd ee uu socday.

Wuxuu sheegay dhaqaatiirta iyo ardayda bartay caafimaadka in ay yihiin quwad muhiim u ah wax ka qabashada baahiyaha caafimaad ee jirta.

Xafiido Axmed Cabdullahi waxaa ay ka mid tahay dadka ku nool tuulada Buula-bartire oo Kismaayo u jirta 20 km, waxay sheegtay in loo daaweeyay wiil iyo laba gabdhood oo yaryar.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in wiilkeeda ay haysay qandho aad u badan, cunnadiina uu qaadan kari-waayay balse dhaqaatiirta ay daawooyin ay ka mid yihiin kiniinka xanuunka duumadda markii ay siiyeen ay xaaladdiisa isbadashay oo hadda laga dareemayo is bedel caafimaad.

Xafiido ayaa waxaa sidoo kale loo daaweeyay labo gabdhood oo midi tahay shan sano jir iyo mid saddex sano jirta oo qabay xanuun kaga dhacay maqaarka, waxaa ay sheegtay in gabadhihiina loo siiyey daawo ay korka ka mariso iyo saabuun loogu talagalay in ay yarayso cuncunka jidhka haddana ay fiican yihiin oo sidii hore ay dhaamaan .

“Labadda gabdhood kor cuncun ayey lahaayeen, korka dhan wuu googa’ay iyo gacmaha kuli way fiiq-fiiqmeen, maasha Allaah waxaa ay siiyeen kiniin iyo saabuunta kor cuncunka, way ku raysteen, way ku fiicnaadeen”

Xafiido waa hooyo haysata shan carruur ah oo aabbahood ay kala tageen labo sano ka hor, waxaa tuulada Buula-bartire ay ku haysataa maqaayad yar oo ay ku iibiso shaaha taas oo waxa ay ka hesho ay ku maarayso nolasha qoyskeedda.

 

Previous Post

Somaliland: Ayax baabi’iyay 485 beer oo ku yaala deegaanno kala duwan

Next Post

Waddo la’aanta oo ka hortaagan beeralayda bunka ee Calmadow in ay gaaraan suuqyo badan

Related Posts

Qoysas ka barakacay colaad oo cunno xumo iyo hoy la’aan ku wajahaya Afgooye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ka barakacay colaad oo cunno xumo iyo hoy la’aan ku wajahaya Afgooye

September 29, 2025
Muruq-maalka Hargaysa oo wajahaya shaqo xumo saamaysay noloshooda
Cunto-Yaraanta

Muruq-maalka Hargaysa oo wajahaya shaqo xumo saamaysay noloshooda

September 25, 2025
Qoysas barakac ah oo Baydhabo ka hirgaliyay beero nolol xumada ka saaray
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo Baydhabo ka hirgaliyay beero nolol xumada ka saaray

September 22, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Xoolo-dhaqato kireeya geelooda si ay cunno ugu helaan qoysaskooda

September 19, 2025
blank
Wararkii u Danbeeyay

Haween ku jira xerayaha Cadaado oo laga caawiyay ganacsiyo il-dhaqaale u noqday

September 18, 2025
Nugaal: Boqollaal qoys oo dayac iyo nolol xumo galay markii ay daad ku hanti beeleen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nugaal: Boqollaal qoys oo dayac iyo nolol xumo galay markii ay daad ku hanti beeleen

September 17, 2025
Next Post
Beeralayda Calmadow oo suuq geyntu ku xuntahay

Waddo la'aanta oo ka hortaagan beeralayda bunka ee Calmadow in ay gaaraan suuqyo badan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 29-SEP-2025

IDAACADDA 29-SEP-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 29-SEP-2025
Episode play icon
IDAACADDA 29-SEP-2025
September 29, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 27-SEP-2025
September 28, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 28-SEP-2025
September 28, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 26-SEP-2025
September 26, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 25-SEP-2025
September 25, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo