Dhegeyso xubinta qiimaha xoolaha oo aan ku eegno kolba mid ka mid ah suuqyada xoolaha ee Soomaaliya. Maanta waxaynu ku eegeynaa seyladda xoolaha ee magaalada Hargeysa. Weriyaha Raadiyo Ergo ee magaaladaas Ilyaas Cabdi Cali oo tagay saakay suuqa xoolaha ayaa la kulmay qaar ka tirsan dallaaliinta xoolaha kala iibiya, wuxuuna ka wareystay qiimaha maanta la kala siisanayo xoolaha.








