Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Warsame oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada indhaha, isla markaasna ka hawlgala isbitaalka indhaha Puntland ee Al-baraka oo Garowe ku yaall,a ayaa sheegay in ay xilliyada ciidda lagu jiro la kulmaan carruur laga keenay gobollada iyo degmooyinka oo ku waxyeeloobay agabka ay carruurtu ku ciyaaraan maalmaha ciidda, taas oo xaruuntoodu ay ka digeyso in aysan u fiicnayn caafimaadka indhaha.
Weriyaha Raadiyo Ergo ee Garowe Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji ayaa la kulmay dhakhtarka oo wareystay.










