Xubinta Waayo tegay xusuustood ee barnaamijka madadaalada Axadda, Raadiyo Ergo waxaan toddobaadkan ku soo qaadaneynaa guurka la yiraahdo inan la-yaalka ah, halka uu kaga jira dhaqanka Soomaalida iyo isbeddelka ku yimid waayadan dambe.
Inan la-yaalka waa nooc kamid ah guurka ay caanka ku tahay Soomaalida. Haddaba waxaan ka wareysanay arrintan, Iidle Yuusf Gaade oo ah oday Soomaaliyeed, oo wax badan u soo joogay, kuna nool magaalada Laascaanood. Waa xeeldheere aqoon u leh dhaqanka Soomaalida.
Weriyaheena Faarax Dubbad ayaa wareystay.