Farxaan Daahir Cabdi waa 25 jir aragga naafo ka ah. Hadda wuxuu ku nool yahay Burco, laakiin waa nin kolba magaalo tago. Meelaha uu tago waxaa ka mid ah Boorama iyo Hargeysa.Farxaan wuxuu ku shaqeystaa agab uu wareejiyo oo ay ka mid yihiin Tusbaxyo, Muraayadaha indhaha, makiindaha lagu xiirto, iyo qalab yaryar oo kale.
Waxa uu iibkiisan ku magacaabaa kor-ku-dukaanle waxaanuu la wareegaa suuqa, mana jirto cid hageysa ama ku caawineysa socodka iyo shaqada uu hayo. Waxaa la yaable, meel kastuu u baahdana keligiis baa tago oo cidna ma hoggaamiso. Weriyaha Ergo ee magaalada Bucro, Sidiiq Yuusuf Khalaf, ayaa la kulmay Farxaan, sheekadaan ayaana dhex martay.







