Waa arrin mar la arag ah in xayawaan ugaarsato ah uu la saaxiibo xayawaanki uu ugaarsanayay. Magaalada Hargeysa sanadihii 1980-kii horaantiisii waxaa ka dhacday sheeko Soomaalidii wakhtigaasi nooleyd ay aad ula yaabeeb kadib markii xayawaanka Gorgorka la yiraahdo uu tagay reer xoogaa riyo ah haystay, wuxuuna la saaxiibay baa la sheegay mid ka mid ah riyihii reerku lahaa. Dadka qaar ee xilligaas joogayna waxayba sheegaan in Gorgorka iyo ridu jaceyl dhex maray.
Gorgorka ayaa la sheegay inuu ilaalin jiray doogana usoo guri jiray lana ciyaari jiray ri’daas. Sheekada Gorgorka iyo Ri’da oo suugaan badan laga tiriyay wakhtigaasna dadku arrimo kala duwan ku sifeeyeen ayaa wariyaha Hargeysa Ilyaas Cabdi Cali, waxa uu ka wareystay Abwaan Axmed Aw Geedi oo ka mid ahaa dadkii wakhtigaas u daawasho tagay Gorgorka iyo Ri’da.