Hay’adaha gargaarka aya sheegaya in dhibaatada fatahaaddii Beledweyne ka dhacday saameynta ay geysatay ay qaadanayso in dadku ka soo kabto wakhti dheer, biyaha iyo saxada ayaana ah dhibaatada ugu darran ee wakhtigaan taagan.
Cabdillaahi Cabdi Magan waa madaxa hay’adda badbaada carruurta ee Save the Children ee gobolka Hiiraan, hay’addan oo ka shaqeynaysa gurmada dadka fatahaadda saameysay ayaa wuxuu u warramay weriye Maxamed Xasan oo ka tirsan Ergo, wuxuuna marka hore weydiiyey dadka magaalada iyo kuwa tuulooyinka sida ay u barakaceen.










