Gobol walba oo Soomaaliya ah dadka ku nool waxay leeyihiin cayaaro iyo dhaqamo u gaar ah, ama ay la wadaagaan gobollo kale oo dalka ah. Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaa laga dheelaa cayaar la yiraahdo fallaar-tuur. Rag dhallinyaro iyo odayaal isugu jiro ayaa cayaaro. Tartan ahaan ayay mararka qaar u cayaaraan iyaga oo koox koox ah.
Cali Saney Nuur, wuxuu ka mid yahay odayaasha cayaartaan weli ku taxan oo cayaaro. Weriyaha Ergo ee Jowhar, Maryan Sheekh Cabdi, ayaa ka wareysatay cayaartaan iyo sida ay isaga ku soo gaartay.







