Koox dhallinyaro mutadhawiciin ah ayaa ka wada magaalooyin ka tirsan Somaliland olole lagu beerayo dhir ay ugu horreysa geedaha laga manaafacaadsado oo ay cambaha iyo afakaadhadu kamid yihiin.
Ololahan oo loogu magac daray Geed Beer, Rajo Beer waxaa uu tiigsanayaa in sanadkan ilaa 1500 oo geed lagu abuuro magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Burco iyo qaar kale.
Maxamed Yaasiin Cabdiraxmaan waa aas-aasaha ololahan, wuxuuna ka warramayaa fekradda ka dhalatay sameynta barnaamijkan iyo qorshahooda, waxaa wareystay Maxamed Xaashi.









