Xoolo-dhaqatada Soomaalida waxaaa saameyn ku yeelatay abaarti soo martay. Hadda waxaa dalka ka billowday roobka Gu’ga.
Haddaba Cabdi Xuseen Rooble, waa madaxa hay’adda haqab-beelka cuntada ee FSNAU ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in xoolaha oo abaartu ay nugleysay ay suuragal tahay in dhibaato ay ka soo gaarto roobabka da’aya.
Maxamed Xasan oo ka tirsan Ergo ayuu uga warramay duruufaha ay waqtigaan oo kale wajahaan reer guuraaga.









