Dad ka badan 1,000 qof oo ku nool tuulada Cabdi Geeddi oo ku taalla waqooyiga magaalada Hargeysa ayey soo food saartay xaalad biyo la’aan kaddib markii ceel biyood ku yaallay deegaanka uu jabay.
Waxaa haatan dadka ku nool tuuladan biyaha looga keenaa deegaan masaafe fog u jira, taasaa qiimaha biyaha ka dhigtay mid qaali ah.
Weriyaha Radio Ergo Ilyaas Cabdi Cali ayaa noo haya warbixin arrintaas ku saabsan.










