Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo sidoo kale ka mid ah bahda fanka ayaa ku luuqeeya hees hal hayskeedu yahay ‘Hodan ma aha dhagarrey’. Weriyaha Ergo ee magaalada Muqdisho Munasar Maxamed Cabdi ayaa la kulmay fannaan, wuxuuna ka wareystay sida ay ku timid heestan oo su’aalo badan gelinaysa sida ay wax uga jiraan sheekadii jaceyl ee Cilmi Boodhari ee caanka ka noqotay geyiga Soomaaliya iyo inuu jiray xiriir ka dhexeeyay iyoga iyo Hodan Cabdulle Walanwal.