Tuulada Dhagaxow oo ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo dadka ku nool ay yihiin beeraley, ayaa laga soo sheegayaa in saameyn ay ku yeelatay fatahaad uu sameeyay webiga iyo roobab ka da’ay halkaas. Beero badan oo ku yaallay hareeraha webiga ayay qaadeen daadadka iyo fatahaadda biyaha webiga. Sidoo kale waxaa tuulada ka jiro xanuunno ay malaariyada iyo jadeecada ka mid yihiin.
Si aan wax badan uga ogaanno arrintaas, ayaan wareysi la yeelanay Cali Aadan Xaaji, oo ka mid ah dadka ku nool tuulada oo nagula soo xiriiray lambarka farriint gaaban ee 2012 oo si bilaash an nalooga soo wici karo, markaas oo aan dib u wacnay, waxaana wareysatay Waris Maxamed oo marka hore weydiisay waxa ka jira tuuladiisa.









