Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dadka ku barakacay xeryaha Muqdisho oo ka cabanaya gargaar leexsasho

admin by admin
October 11, 2017
in Wararkii u Danbeeyay
0
Koox hubaysan oo dadka barakacayaasha ah xoog uga saaraya xeryaha Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Qoyska Ambiyo* iyo kuwa la midka ah rajo aad u weyn ayaa gashay markii bishii Agoosto ee sanadkan teendho ku dhex taalla xerada ay deggan yihiin lagu dejiyay raashin gargaar ah oo saarnaa saddex gaari. Way faraxsanaayeen maaddaama ay taas u arkayeen fursad ay uga bixi karaan xaaladda cunto-yari ee haysata. Laakiin sida ay sheegtay maalin kaddib raashinkaas oo isugu jiray bur, bariis iyo sokor waxaa dib loogu raray gawaari kale oo ay keensadeen horjoogeyaasha xerada, lamana siin dadkii loogu talagalay ee u baahnaa.

Hooyadan oo haysata saddex gabdho ah waxay deggan tahay xerada Daryeel oo ku taalla degmada Kaxda ee Muqdisho. Xeradan oo ay ku nool yihiin kun qoys oo ka soo barakacay abaaraha waa tan keliya ee uu maamulo maamulka gobolka Banaadir. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay tahay markii saddexaad tan iyo markii ay xeradaas ku biirtay Agoosto 2016 oo sidaas oo kale loo leexsanayo cunto gargaar ah oo loogu talagalay dadka soo barakacay. Falkaas waxay ku eedeysay inay mas’uul ka yihiin saddex ka tirsan horjoogeyaasha xerada.

Ambiyo ayaa xustay in cabsi ay ka qabaan horjoogeyaasha raashinka leexsanaya darteed ay dadka soo barakacay uga cabsanayaan ka hadlidda dhibaatadan.

Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa ka mid ah meelaha uu raashinkan ka yimaado. Iyaga toos ugama qeybiyaan xeryaha, laakiin waxay u sii marsiiyaan maamulka gobolka Banaadir. Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah guddoomiyaha guddiga ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in uu maqlay boob in lagu hayo dadka soo barakacay iyo cabashada la xiriirta lunsashada kaalmooyinka. Dad uu Sheekha ku qiyaasay 15,000 oo qoys oo ku barakacay xeryo kala duwan oo ku yaalla Muqdisho iyo duleedkeeda ayay haysataa dhibaatadan is-dabamarinta gargaarka.

“Waxaan aniga aad ula yaabay in qof aad ku garanaysay magaalada uu kaa soo waco xero, isagoo ku dhahaya ‘kaam ayaan horjooge ka ahay, mana la gaarsiin gargaar’. Maxaa kaa galay? Marka aad waydiisana wuxuu kugu jawaabayaa ‘nolol baan ka raadinayaa meeshaas’. Marka waxaa iska cad in dadka soo barakacay la dhacayo, dhibna ay qabaan,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Caasha* oo ah hooyo haysata saddex gabdhood iyo wiil, kana soo barakacday degmada Waajid ee gobolka Bakool, markii ay abaartu ka dishay 25 lo’ ahaa ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in ay dhowr jeer isku dayday inay ka guurto xerada Daryeel, balse ay waysay xero kale oo ay degto. Guuriska ayaa ku dhalatay markii saddex ka tirsan horjoogeyaasha ay handadeen xilli ay isku dayeysay inay ka cabato raashin iyada loo qorsheeyay oo kala bar ay ka qaateen. Saddex loor oo bariis, sokor iyo bur ah oo qoyskeeda uu lahaa ayay xustay in laga oo keliya min 25 kg.

Waxay aaminsan tahay in dhibaatadan looga bixi karo oo keliya inay dowladdu isbeddel ku sameyso hoggaanka xerada. Sheekh Nuur Baaruud ayaa dhankiisa tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Soomaaliya ay u gudbiyeen cabashada dadka, isla markaana ay iyagu yihiin cidda keliya ee wax ka qaban karta.

Magacyada haweenka waan beddelnay ammaankooda awgiis*

Previous Post

Matabaan: Halkan ka dhegeyso wareysi aan la yeelanay Farxaan oo ka mid xoolo dhaqatada Gurijir oo ay saamayn ku yeelatay abaarta

Next Post

Halkan ka dhegeyso barnaamijka dhaqtarka raadiyaha

Related Posts

Nolol xumo ka dhalatay gargaar ka istaagay boqollaal qoys oo ku nool Mudug
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo ka dhalatay gargaar ka istaagay boqollaal qoys oo ku nool Mudug

March 11, 2026
Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood

March 10, 2026
Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

March 6, 2026
Gedo: Rag shaqo ka helay beero ku yaalla Baardheere oo qoysaskooda ka saaray nolol xumo
Cunto-Yaraanta

Gedo: Rag shaqo ka helay beero ku yaalla Baardheere oo qoysaskooda ka saaray nolol xumo

March 5, 2026
Mudug: Daymo ka istaagay iyo abaaro is xig-xiga oo nolol xumo u bidday boqollaal beeraley ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bari: Nolol xumo ku dhacday beeralayda Caluula markii ay biyo la’aan uga qalaleen dalagyada

March 4, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bay: Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta qoysas ka barakacay roob yarida

March 3, 2026
Next Post
blank

Halkan ka dhegeyso barnaamijka dhaqtarka raadiyaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAR-2026

IDAACADDA 12-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAR-2026
March 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAR-2026
March 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAR-2026
March 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-MAR-2026
March 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAR-2026
March 8, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo