Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley ku soo barakacay xeryaha duleedka Muqdisho

Radio Ergo by Radio Ergo
November 27, 2015
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
27 November, 2015 SHABELLADA HOOSE

Qoysas beeraley ah oo ay tiradooda gaareyso 1400 oo qoys ayaa toddobaadkan ku soo barakacay xeryaha ku yaalla inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose, kaddib markii ay beerahooda ku baaba’een fatahaadaha uu sameeyay webiga Shabeelle.

Guddoomiyaha Guddiga Dadka ku barakacay duleedka Muqdisho, Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay dadkaas kala dejiyeen xeryo lagu barakacay oo ku yaalla afar deegaan oo kala ah Carbiska, Lafoole, Ceelasha Biyaha iyo Saddex-buurood, balse aanay u awoodin inay aqallo u dhisaan. “Bannaannada ayay iska seexdaan iyaga iyo carruurtooda, wax aan u haynana ma laha,” ayuu yiri.

Xumeero Xaaji Cali oo wadata sagaal carruur ah waxay ku biirtay qoysaska ku barakacay Carbiska oo Muqdisho u jira 25km. Waxay ka mid tahay 800 oo qoys oo ka soo barakacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose oo beer 12 hektar ah oo ay ugu beernaayeen sisin iyo yaanyo ay ku baaba’day fatahaadda. “Buushash ay dad kale horay u deggenaayeen ayaan la wadaagaa tan iyo Khamiistii hore oo aan imid, waxaana ka galaa roobka habeenkii da’. Waa nolol cariiri ah oo ay adag tahay in lala qabsado,” ayay tiri.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in markii ay joogeen Qoryooley ay carruurteeda dhigan jireen iskuul wax lagu baro agoonta iyo dugsi Qur’aan. Noloshoodana ay ku maareyn jirtay dakhliga ka soo gala beerta. Laakiin hadda aanay carruurtu haysan waxbarasho. “Waxaan u shaqo tagaa beeraha ku yaalla Afgooye. Ciddii u baahan in beerta loo falo ayaan u shaqeeyaa. Raashin ayaa la I soo siiyaa oo aan carruurta ula soo noqdaa,” ayay tiri.

Xaliimo Cabdullaahi oo ah hooyo wadata 10 carruur ah, waxay ka soo barakacday deegaanka Beledul-Amiin oo Afgooye u jira 14km. “Biyo, baahi, wax la’aan iyo rafaad ayaa I soo barakiciyay,” ayay tiri Xaliimo oo ku jirta xerada Saddex-buurood oo Afgooye u jirta 10km. Toddobaad ayay joogaan xerada. Waxay sheegtay in aysan haysan wax ay cunaan. “Saakay sidaan u soo toosnay aniga iyo carruurteyda waxba ma cunin. Carruurteyda baahidooda markii aan u adkeysan waayay, ‘orda deriska ka soo tuugsada’ ayaan ku dhahay. Maxaan sameynaa? Xaggeen wax uga keenaa?” ayay tiri Xaliimo oo aan la kulannay 12:00 duhurnimo, waxayna intaa ku sii dartay in aysan xitaa haysan gogol oo dhulka ay seexdaan.

Xaliimo Maxamed Cabdi fatahaadda waxay ka baabi’isay 10 hektar oo dhul-beeereed ah oo ay ku lahayd degmada Jannaale. Hadda waxay iyada iyo carruurteeda ku nool yihiin xerada Saddex-buurood. “Toddobaadkan dhexdiisa ayaan nimid. Beerteyda galleydii ku beerneyd oo aan nolosheenna ku maareyn jirnay biyaha ayaa baabi’iyay,” ayay tiri. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay habeenkii meel bannaan ah seexdaan oo aanay haysan hooy ay ka galaan roobka iyo kuleylka cadceedda.

Guddoomiyaha Guddiga Dadka ku barakacay duleedka Muqdisho, Maxamed Cabdiraxmaan wuxuu dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ka codsaday inay dadkaas u fidiyaan gargaar degdeg ah.

(Maxamed Cabdi Xasan /AT)

Previous Post

DADKA DIINSOOR OO KA CABANAYA SICIR-BARAR

Next Post

Curyaan gurguurta oo bajaaj wadis ku shaqeysta

Related Posts

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

January 30, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kumannaan qof oo dhibaato nolol xumo ku wajahaya  deegaannada Koonfur-galbeed

January 30, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

January 26, 2026
Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno

January 23, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haweenka guryaha malaasa oo ku wajahaya Marka shaqo la’aan galisay xaalad quus ah

January 22, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bari: Roob la’aanta ka sii daraysa oo soo salkicisay kumanaan qoys oo nolol xumo hayso

January 21, 2026
Next Post
Curyaan gurguurta oo bajaaj wadis ku shaqeysta

Curyaan gurguurta oo bajaaj wadis ku shaqeysta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 31-JAN-2026

IDAACADDA 31-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 31-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-JAN-2026
January 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-JAN-2026
January 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA-29-JAN-2026
January 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-JAN-2026
January 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-JAN-2026
January 27, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo